Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Doorashadii madaxweyanaha Somaliya iyo gudomiyaha barlamaanka wey dhaceysaa July.

Wararka MaantaMogdisho: (hiranstate.com)- Waxaa si rasmi ah u fashilmay hamigii iyo siyaasadii qar iska tuurka aheyd ee ay maalmahani magaalada Mogdisho ka wadeen madaxweynaha Somaliya iyo Mr Farmaajo kedib markii mudadii ay xilka kordhisteen lagu tilmaamay mid ku qotonta fowdo iyo jahwareer.

Marka aad dib u eegto hadalada ad adag ee ay maalmahani isticmaaleyso qaramada midoobay waxey u muuqaal ek tahay in ay beesha caalamku u hogaansamayaan go,aankii baarlamaanku gaaray. aduunyadu kama soo horjeedo waqtiga barlamaanka oo waxaa macquul ah iney talo ku soo jeediyaan in mudada sedaxda sano ah laga soo yareeyo xiligaas. Laakinse waxey fowdo iyo siyaasad xumo baahsan u arkaan waqtiga ay xukumada Farmaajo ku darsadeen ee halka sano ah kedib markii ay si rasmi ah ugu fashilmeen balan qaadkoodii hore ee ahaa iney caasimada Soamliya ka sifeynayaan kooxaha xukumada ka soo horjeeda.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa la saadaalinayaa inuu waxoogaa ka danbeyn doono masuuliyiinta kale kulanka Kenyana iska xaadirin doono isagoo dhisay gudigii soo diyaarin lahaa doorashada bisha July ee inagu soo aadan si loo soo af jaro muranka masuuliyiinta iyagu baarlamaankii doortay oo sharciyeey u arka baarlamaan waalan kedib markii ay siyaasadaha hada socda ka dhax waayeen dantoodii gaarka aheyd.

Hadii ay dalka hal mar ka wada baxaan sedaxda masuul ee ugu sareysa waxey noqon doontaa markii sedaxaad ee dalka hal mar laga saaro madaxweyne, R/ wasaare iyo gudoomiye baarlamaan oo hal wadan ka soo wada jeeda iyagoo fulinaya amar ka yimid nin u dhashay dalkaasi Tanzania oo uun wakiil uga ah arimaha Somaliya qaramada midoobay, taasina waxey qeyb ka tahay masiibada iyo bur burka ku dhacay dalkeenii hooyo ee Somaliya 22kii sano ee ina dhaaftay. sedax hogaamiye oo Somaliya ah oo hal wadan, hal diin, hal luqad leh oo Kenya inta looga yeero sidii caruurtii la heshiisiinayo waligeed kama dhacin dalka Somaliya hogaamiyaashii soo maray waxii ka horeyey 1990 ayuu yiri Haaji Moh'ud oo ah mid ka mid ah culimada Somaliyeed.

Guntii iyo gabo gabadii guusha ugu weyn waa cidkasta oo uu ilaah uu fududeeyaba in ay doorashii dhaceyso bisha July aloow shacabkii waa dabar go'aye dowlad cadaalad ah inoo keen qaatumadane nagu toosi ayey ku catabeen qaar ka mid ah qaxootiga Ceelasha biyaha ku nool ee ilaa maanta waayey dowlad cadaalad ah oo inta kooxahaan Mogdisho ugu sifeya guryahiina ku soo laabta dhahda.

Qaramada Midoobay ayaa hada muujineysa sidii ay u xoojin laheyd maamul goboleedyada ka curanaya dalka Somaliya . markaad dhex marto shacabka Somaliyeed ee qurbaha wey iska iloobeen ka hadalka dowlada federalka ah taasi bedelkeeduna waxey ku mashquulsan yahiin ka hadalka maamul goboleedyada sidaasi daraadeed TFGda awoodii ay shacabka Somaliyeed ku dhax laheyd si weyn ayey u wiiqantay maadaama shacabkii siyaasada guud ka hadli jiray ay hada u muuqdaan kuwo deganadooda nabadeysanayo oo maamulo u sameysanayo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | awfawf on June 23 2011 03:31:56
Receiving the same love and attention as the next.wow gold kaufen Cataclysm updates to many of the professions are still deep in development, we wanted to share some of the work that‘s been going on, as well as a high-level look at any lessons learned or changes to their underlying philosophies during the design process. Please be aware that not all professions have the same extent of information available right now, but each is Take heed of these teasers as you look forward to your new rank of Illustrious Grand Master! Please enjoy! Every profession wow gold has a section, so head to the link above and check it out!
#2 | nike air max 2011 on August 08 2011 00:33:22
nike air max Please answer to my message if you do! Very enlightening and beneficial to someone whos been out of the circuit for a long time? Very enlightening and beneficial to someone whos been out of the circuit for a long time?
nike air max 2011 My cousin recommended this blog and she was totally right keep up the fantastic work! I there, I just needed to state how interesting I find this blog!
#3 | Leslali on January 28 2020 04:06:21
Priligy Usa Vente Buy Cialis buy accutane 20mg <a href=http://cheapcialisir.com>Buy Cialis</a> Metamorphin Where To Buy In Canada

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.31 seconds
14,613,650 unique visits