Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Gudoomiyaha dhalinyarada reer Hiiraan ee qaarada Yurub iyo America oo walito ku guda jira kulamadii.

Wararka MaantaGudoomiyaha Dhalinyarada Reer Hiiraan ee Qaarada Europe & North America Mudane Osman Mohamed Rage(Saney) oo maalmahani ku sugnaa caasimada dalkaasi Ethiopiya ee Addis Ababa isagoo dhawr jeer oo hore ka qeyb galay shirar uu isagu abaabulkooda lahaa laguna taageerayey dowlad goboleedka Hiiraan State.

Mudane Saney ayaa maalintii jimcaha kulan kula yeeshay Magaala madaxda Addis-Ababa ee Wadanka Ethiopia Masuul katirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Wadanka Ethiopia oo lagu magacaabo Jamal Bakrey.

UJEEDADA KULANKAAS

Ujeedadii kulankaas labada masuul ayaa ahaa mid ku saabsanaa sidii Dowlad Goboleedka Hiran State & Dowlada Ethiopia ey u sameeysan lahaayeen xiriir caalami ah oo wanaagsan oo dhexmara labada Dowladood ee Daris wanaaga uu ka dhaxeeyo maadaama ay wadanka Ethiopiya degaan amaba degan yahiin shacab badan oo reer Hiiraan ah oo ku dhashay kuna bar baaray dhulka ismaamulka Somalida Ethiopiya & sidii eey isaga kaashan lahaayeen arimo badan oo eey ka mid tahay Arimaha Amniga maadama uu dalka Ethiopiya xuduuda ugu dheer la leeyahay dalka Somaliya oo ay ku jirto Hiiraan State.

Masuulkaani ka socday wasaarada arimaha dibada oo lagu magacaabo Jamal Bakrey iyo gudoomiyaha dhalinyarada reer Hiiraan ee Yurub iyo waqooyiga Aerica ayaa ugu danbeyn ku isku af gartay wax yabao badan oo ay ka wada hadleen oo intooda badan u badnaa sidii ay dowlada Ethiopiya iyo maamul goboleedka Hiiraan State iskaka kaashan lahayeen arimaha amaanka iyo xoojinta xadka Hiiraan iyo dhulka ismaamulka Somalida Ethiopiya si looga hor tago, waxkasta oo shacabka degaankaasi jahwareer iyo barakac galin kara.



Mr Bakrey ayaa isaguna dhinaciisa ku nuux nuuxsaday muhiimada ka dal ahaan e ey u leedahay wadankaan Ethiopia ineey helaan Maamul jiro oo tayo leh oo ka dhisan guud ahaan Hiiraan si,e ey u gala xaajoodaan arima badan oo e ey ugu weeyn tahay Amniga ayuu yiri asagoo waliba sheegay in guud ahaan wadanka Soomaaliya xaalada hada ka jirto eey tahay mid aad & aad u cakiran.

Gababadii kulan kaas labada masuul ayaa waxuu ku dhamaaday jawi degan.

Marka laga soo tago shirarka uu maalmahani la lahaa jaaliyada reer Hiiraan ee dalkaasi Ethiopiya Mr Saney hadane waxaa ka socda gudaha caasimada dalkaasi Ethiopiya shirweyne lagu taageerayo dowlad goboleedka Hiiraan State of Somalia ee uu garwadeenka ka yahay Dr Mohamud Abdi Gaab kaasi oo ay iskugu imaanayaan dumarka reer Hiiraan ee halkaasi ku sugan, maadama ay maalmahii ina dhaaftay ay shirar noocaani oo kale ah ay iskugu yimaadeen waxgaradka iyo dhalinyarada oo iyagu muujiyey taageeradooda ku aadan HS halka ay hada dumarkuna doonayaan iney madaxweyne Mohamud Abdi Gaab u muujiyaan inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee ay taageersan yahiin halka ay mucaadka ka soo horjeeda HSna ugu baaqayaan iney ku biiraan dowlad goboleedka HS maadama uu yahay maamul wado sax ah soo maray shacabka Hiiraane badan kiisu ay taageersan yahiin.



Dhawaantan ayaa lagu wadaa iney gaaraan wafti heer wasiiro ah oo ka socda dowlad goboleedka Hiiraan State ka dib markii ay codsadeen jaaliyada reer Hiiraan ee halkaasi ku nool in ay soo gaaraan masuuliyiinta HS dalkaasi Ethiopiya oo ay shegeen in ay ku nool yahiin jaaliyada labaad ee ugu badan reer Hiiraanka ku nool East Africa.shirarkii uu dhawaantan ka abaabulay dalkaasi Kenya gudoomiyaha dhalinyarada reer Hiiraan Mudane Saney wuu ka baaxad weynaan doonaan shirarka aanu ku soo dhaweyn doono masuuliyiinta HS aye yiraahdeen jaaliyada oo runtii muujiyey dadaal dheeraad ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,579,703 unique visits