Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:-Dowladahii dalka soo maray iyo shacabka Hiiraan,qeybtii koowaad..Read More

Wararka SomaliyaHS:-Qoraaladan aan uga hadleyno waxii dhax maray dowladahii dalka soo maray laga soo bilaabo 1969 ilaa 2016 hadey ahaan lahaayeen kumeel gaar iyo kuwa rasmi ahba, waxaan isku dayeeyenaa bal in aan kaliya taariikhahii foosha xumaa ee wadankeena soo maray ka soo qaadano kaliya inta reer Hiiraan ka quseyso qeybtaane waxaan kaka hadleynaa dowladii Kacaanka iyo waxii dhaxmaray reer Hiiraan.

Sidoo kale waxaa muhiim ah iney Somali badan fahmaan dalkeenii hooyo burburka ku dhacay in ay masuuliyadiisa qaadanayaan Somaliweyn oo dhan reer Hiiraane aysan iyagu qudhoodu malaa'ik aheyn, laakinse waxaa jiro wax yaabo badan oo aan Somali badankeed ka suuroobin iyaguse waa reer Hiiraane ku dhiiradeen oo wanaag u badan ilaa maantana wey la yahiin hogaamiye wadani ah reerkii uu doonoba haka soo jeedee oo la fahma wax badan.

Sidoo kale markii aan hogaamiyaashaas dalka soo maray waxii ay kala kulmeen shacabka Hiiraan soo gabo gabeyno waxaan Somaliweyn u iftiimin doonaa hada kedib sida ay jilkaan cusub ee reer Hiiraan uga gaashaaman doonaan mustaqbalka dhaw iyo kan fogba in aan lagu duleysan xil qaran oo loo dhiibay shaqsi, koox amaba beel intaba,inagoo ka duuleyno xogo horudhac ah oo aanu siyaabo kala duwan uga heleyno shacabka Hiiraan dal iyo dibadba, waxaana xaqiiqo ah in ay siyaasada guud ee dalka ay waji ka duwan midii ay ahaan jirtay laga soo bilaabo 1969 ilaa 2016 oo aheyd siyaasad markasta reer Hiiraan lagu dulmin jiray dhinackasta in aysan hada kedib dhici doonin arimo badan oo aan mediyaha ku habooneyn awadeed laakinse Somali badankeed siiba kuwooda qiyaaliga markasta ku noolaa xilal waaweyna horey ugu heli jireen dhiig badan oo ay reer Hiiraan daadiyeen, iyagoo loo arkey kaliya iney yahiin muwaadiniin Somaliyeed halka ay iyagu isku arkeen badankood sidaas si ka duwan.


Dowladii Kacaanka iyo reer Hiiraan.

Somalidu waxey tiraahdaa Durbaan garabkaada haku jiro ama gacalkaa hakuu haayo,maahmaahdaan xigamd badan ayaa ku jirta,maadaama ay reer Hiiraan ka caaganaayeen mudo fog xilka ugu sareeya dalka iney qabtaan halkii mar ee ay ku guuleysteena uu si sharaf leh uga dagay madaxweynahii ugu horeyey ee Somaliya Adan Cabdulle Cismaan oo ka soo jeeday Hiiraan.

Sidoo kale bal waxaan isku eegi doonaa iyaduna sida markii xumaanta heerkii ugu sareeyey lagu sameeyo shacabka Hiiraan uu Allaah Subxaanahu watacaalaa inta badan u waafajiyo iney wanaag ugu bedelaan hadba kuwa ay wax ka dhaxceeyaan hadey tahay dowlad amaba beel Somaliyeed.

Sidoo kale waxaan ka cudur daaraneynaa meelkasta oo ay joogaan shacabka Hiiraan in ay qoraaladan ka raali ahaadaan waayo iyagu maahan dad faan jecel waa dad is og waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan laakinse og inuu dalkaas quruxda badan uu kala dhaxeeyo Somali badan oo cimrigooda iyo dhaqankooda uu ku dhamaaday eex, sadbursi,ama hogaanka ugu sareeya ha hayeen ama yeysan heynin oo aysan noloshoodu iyo dhaqankoodu is bedeleyn xitaa hadey dhaqaalahii, deeqahii waxbarasho iyo jagooyinkii wadanka ugu sareeyey uu gacantooda ku jiro sidey doonaane ka yeeleen iskuguna dhiidhiibeen reer reer iyo ka sii hoos.

Hadaanse dib ugu laabano nuxurka qormadan iyo waxii dhax maray dowladii kacaanka iyo waxyaabahii ku qasbay iney shacabku gadoodaan Hiiraane ay noqoto meeshii ugu horeysay ee dowladii Kacaanka faraheeda ka baxda waa sidan.

Inta aanan gudagelin qormada waxaa muhiim ah in aan la xaqirin geesinimadii,nabadgalyadii,wadaniyadii uu muujiyey mudadii hogaanka dalka hayey madaxweynahii wadankaas Maxamed Siyaad Bare oo marka maanta loo eego heerka aan qaranimo ka mareymo mudan in lagu amaano sidii ay dalka u horumariyeen dhinackasta. maadama marka maanta loo eego heerka ay shacabkeena iyo dalkeenu marayo, hadii ay dad badan ogaan lahayeen inuu wadankeenu sidan ku danbeyn doono waxaanu iska sii heysan laheyn dhibaatateedana u dulqaadan laheyn hadaanu Somali nahay hogaankii waqtigaas jiray, waayo waxaanu aheyn qaran jira oo ku asturnaa dalkooda baahi iyo dheregba, hayeeshee maanta lagu maadeysto caalamka oo dhan.

Marxuum Maxamed Siyaad Bare waxuu ahaa wadani ku guuleytay inuu nabadeeyo dalkiisa kedibna ka qeybqaatay dowlado badan sidii ay u heli lahaayeen xornimo iyo madax banaani siiba wadamo ay ugu horeeyaan amaba aan ka xusi karno Musanbiig, Angola,iyo Jabouti oo ah dal madax banaan maanta laakinse aan baryo lagu helin hadii aysan jiri laheyn cududii iyo siyaasadahii dowladii Somaliyeed ee xiligaasi jirtay ay muujisay.

Waxaa jiro wanaag fara badan oo hadii la yiraahdo maanta ha laga qoro dowladii Kacaanka aan halkaan lagu soo koobi karin laakinse dhaqanka Somalida kale ee aan reer Hiiraanka aheyn waxey kaliya jecel yahiin taariikhda inta xun kaliya ee iyaga saameysay iney ka hadlaan, lama xaqiri karo wanaagii uu dalkeena soo maray iyo tacliintii ilaa heer jamacadeed lacag la'aanta aheyd iyo caafimaadkii ay shacabku heli jireen beri samadkii.

Hadane sidaasi si la mid ah ma ahan in la qariyo taariikhahii xumaa iyo waxii keenay in dowladii xiligaasi jirtay iyo reer Hiiraan oo ay hada quseyso qormadan kala fogeeyey.


Guud ahaan dalka Somaliya fidnadiisa waxey bilaabatay inta badan 1982 oo aheyd markii ay dalku ka dilaaceen jabhadaha,lagana soo laabtay dagaalkii Somali badankeed u moodeen in aanu ku soo jabnay laakinse taariikhda aduunka galay 1977 kedib markii ay dowladii xiligaasi jirtay si raganimo leh xiniinyahooda miiska u saarteen. mar hadaad dadnimadaada muujiso adigoo 9 ilaa 10 million shacab ah u dhaxeeya aduunyadiina kaa qeyliyeen adigoo 60 ilaa 70 million oo wadan deriskaada ah dagaal kula jira kedibna meeshii ay soo gashay caqiido iyo diin sidaasina Ruush iyo Kuuba ciidamadii Somaliya uga soo saareen gudaha Ethiopia dagalkaasi Somalidu kuma jabin, laakinse waxaa Somalida ku dhacay maadaama ay dal yar ahaayeen waxa loo yaqaano (miscalculation oo la macnaa hadii aad tiraahdo 1+1=3) waxaad naftaada u sheegeysaa been aan jirin taasina waxaa la mid ah markii ay dowladii intey calaqaadkii u jartay Ruushka iyadoo ilaa Harar heysata oo uu dhulkii Somali Galbeed gacanteeda ku jiro halkeedii ku ekaan weysay ugu yaraan si ay gorgortan siyaasadeed u gasho, mase dhicin oo inay sidan wax u dhacaan ayaa qorneyd.

Waxaase jirta mar hadii uu dagaal dhaxmaro labo dowladood hadba midii uu dhibta ugu badan soo gaaro, waxaa ku bata dhaliilaha ay dhaxdeeda isku jeediyaan masuuliyiinta hadaba markaasi jirta, waxaa taasi la mid ah hadii uu qoys ka gubto gurigii ay ku noolaayeen oo ay gawaarida Debka demiya soo gaaraan reerkaas uu guriga ka gubtay wax ka yar 5 daqiiqo waxey reerkaas u tahay inuu Deb damsikaas u yimid hal saac kedib amaba ka badan waayo waxaa ka tan badan dhibta markaasi u muuqata, marka dowladii Kacaanka wax badan oo lagu amaani karay ayaa jiray oo aanu maanta si guud u tabnay hadaanu nahay Somaliweyn oo dhamaanteen waxaanu noqonay beylah oo maanta caasimadeenii ayaa waxaa amaankeedii sugayo dowlado aanu sabab u aheyn iney helaan xornimada ay maanta heystaan oo wiil Somaliyeed ayey wiil kale oo Somaliyeed oo sheeganaya Shabaab ka ilaalinayaan intaas hadaanu Somali nahay ceeb ha noogu filnaato.

Hadaanse u soo laabto Hiiraan iyo dowladii Kacaanka dhinaceedii xumaa iyo waxyaabahii ugu danbeyn reer Hiiraan ku qasbay kacdoonkii ay ku qasbanayeen (oneway or another). dhibaatadii ugu weyned ee xiligaas Hiiraan tiilay waxey aheyd maba jirin 1989 ciidamo si toos ah uga amar qaadaneyey madaxweynahii xiligaasi jiray Alla ha u naxariistee Siyad Bare oo sargaal kasta iyo ciidamadii uu watay waxey u dhaqmayeen in la yiri oo kale waxii aad cuni laheydeen iyo waxii aad xiran laheydeen waxaad ka soo saarataan hadba degaankii aad joogtaan gobolka Hiiraana waxuu sidaas ku noqday midkii ugu xumaa ee ay shacabkiisu dhibaato kala kulmaan ciidamadii berigaas joogay.

Inkasta oo uu gobolka xiligaas Governor ka ahaa nin aad u wanaagsanaa oo la dhihi jiray Cabdullaahi Cali Kooshin sdia ay dad badan oo reer Hiiraan ah inaoo xaqiijiyeen, hadane waqti hore ayuu Mogdishu iska soo galay isagu waxaana Hiiraan waxii ay doonaan ka sameyn jiray ciidamadii xiligaasi ka howlgalayey oo aad u awood badnaa ileen waxaanu aheyn qaran dhan oo dhisnaa oo hubkiisii shacabkiisa hoos ugu dhigay.

Al muhiim dhibaatadii markii ay batatay oo dadkii laga xiray Buuntada Bulo Burde oo ay sahayada iyo Badeecadaha dalka dhan iskaka kala koosha mari jirtay lana waayey waxba raashin ah oo ka gudba halkaas mudo bilooyin ah ayaa markii danbe oo ay dadkii u qaxeen dhulka miyiga ah iyo degaanada beeraha leh halkii looga daba tagay kedibna laga dhigay wax ceelashii biyaha laga gubo kedibna dumarkii la bilaabo in la faraxumeeyo oo la xoogo gawaarida dagaalkane lagu qaato, iyadoo ay xaaladu xun tahay ayaa waxaa saraakiishii ciidamada iskugu yeeray Ugaas Khalif Ugaas Rooble oo xiligaasi ku sugnaa Hiiraan, kedibna saraakiishii ciidamada wey farxeen waxeyna sugi waayeen intey kala kulmaan Ugaaska iyagoo islahaa wey is dhiibayaan shacabku waxaana lagu yiri saraakiishii dowlada 2 kalmadood oo kaliya.

1-Wiil 15 jir iyo waxii ka yar 2- iyo qof dumar ah sanadkii ay doonto ha jirtee wax ha yeelina oo dhibaato ha u geysanaha laakinse waxii kale dowlad ayaad u tahiin, waayo mar xiligaasi ka sii horeysay oo ay dowladu weydiiyeen inuu Ugaasku keeno kun wiil ayaaba lagu kala tagay.

Arintii halkaas kuma ekaanine dhibaatadii wey ka sii batatay oo waxaa xitaa mustaqbalkooda lagu ciyaaray shacabkii dhibatada uga soo cararay dhulka Somalida Galbeed Ethiopia ee Hiiraan la soo dejiyey oo nolol wanaagsan halkaas ku heystay oo iyaga iyo shacabkii Hiiraan is fahmeen caruurtoodiina waxbarasho ugu heysteen magaalooyinka Hiiraan ugu waaweynaa qaarkoodna xilal looga dhiibay oo aanba aheyn xiligaas dad aan colaad u baahneyn.

Waxaa dadkii intii xiligaasi la qaldi karay loo qeybiyey hub iyo risaas ilaa magaalada Bulo Burde oo aheyd halkii ugu darneyd uu ku noolaan waayo shacabkii la qalday ee ka yimid Somali Galbeed iyo ciidamadii dowlada oo iyagu qudhoodu qaab qabiil u abaabulnaa laakinse kaliya huwan magacii ciidamada XDS.

Ugu danbeyn markii ay waayeen qof ay dilaan oo dadkii dhamaa ka carareen meelahi ay joogeen ayaa maantaba waxey Tuulo la yiraahdo Garasyaani oo magaalada B/weyne iyo Bulo Burde u dhaxeysa ku dileen nin musaafur ahaa oo u socday walaalkiis oo xiligaasi u dhintay xanuun caadi ahaa tacsidiisa,xitaa hadii ay si raganimo leh u dili lahaayeen waxbeyba ahaan laheyd intey gacanta midig ka gooyeen ayey waxey sureen Isbaaradii halkaasi tiilay kedibna waxuu u dhintay dhiig bax isagoo leh warbiyo i siiya waxuuna sii noolaa markii laga jaray gacanta ilaa 16 saacadood sida ay dadka qaarkood sheegeen.

Ninkaasi markii aan waxgarad reer Hiiraan ah weydiinay bal iney xasuustaan magaciisa waxey noogu sheegeen in la dhihi jiray Cismaan Hareeri, waxii waqtigaas ka danbeyey waxey xaaaladii gaartay ilaa BBCda laga sheego in gawaarida ciidamada militeriga Somaliya ay maraan wadooyinka ay maraan Awrta ama Geela oo laga suuliyey wadadii weyneyd ee ay mari jireen, kacdoonkii xiligaas bilaawdayna waxuu suurogeliyey in ay magaalada Bulo Burde noqoto meeshii ugu horeysay ee dowladii qaarada africa ugu awooda badneyd laga saaro. weliba xiligaas reer Hiiraan dibadaha uma jirin qurbajoogtaa hada markii ay waxyar dhacaan gurmadka degdegtaa u fidinayo shacabka oo waxaa isku tashaday waxey ahaayeen dadkii ku noolaa gudaha dalka.

Intaas xaaladii kuma ekaane waxaa leysla galay Mogdishu halka beelaha Somaliyeed qaarkood iyo ragii ku dagaalamayey magaca USC ku jireen bililaqo burburka wadanka ileen isbedel doon ma aheyne,ragii Hiiraan ka yimid waxey toos u abaareen Villa Somaliya,xeradii Afisyoone iyo Garoonka diyaaraha oo 4tii wiil ee ugu horeysay ee Villa Somaliya gala oo gidaarkii weynaa ka tilaabay waxey ahaayeen reer Hiiraan muhiim maahan in aan qabiilka ay ka soojedeen afka ku dhufano oo Somali dhan ayaa taqaano .

Halka ciidamadii xaerada Afisyoona garoonka diyaaradah aaday ay gacanta ku dhigeen wiil uu dhalay madaxweynahii xiligaasi jiray Maxamed Siyaad Bare oo la dhihi jiray Diiriye Maxamed Siyaad iyadoo weliba lagu jiro waqti aad u xasaasi ah oo ay adag tahay in si sahlan lagu deeyo wiil uu dhalay Siyaad Bare, dhalinyaradii qabatay iyagoo aan aqoon u laheyn oo ku muransan iney dilaan iyo iney sii deeyaan ayaa waxaa yimid goobtii lagu hayey wiilkii madaxweyaha waxaana loo sheegay dhalinyaradii inuu wiilkaan dhalay Siyaad Bare, qaar siweyn ula socday dhacdooyinkii Hiiraan ka dhacay waxey isla markii go,aansadeen iney dilaan waxaase ugu danbeyn dhalinyaradii ka soo dhax baxay mid iyagii ka mid ahaa oo yiri war ninkaan aan odoyaasha u dhiibno hadii aabahiis madaxweyne ahaa yaan loo dilin abaahiis aya madaxweyne ahaa,waxaana la geeyey saldhig ciidamadaas Hiiraan ka yimid laga maamulayey oo xaafada Hurwaa ku yiilay, ugu danbeyna odoyaahii sidii lagu yaqiinay dhaqanka Somalida ayey yeeleen waxey u iibiyeen dhar waxeyna ku dareen rag ay markaasi xidid la ahaa beesha u ka soo jeeday marxuum Siyaad Bare sidaasi ayaana Diiriye Maxamed Siyaad lagu geeyey gobolka Gedo.

Markii uu maqlay in wiilkiisa ay soo deeyeen reer Hiiraan amaba hadaan si kale u dhigno beesha Xawaadle hadal aad cajiib u ahaa ayaa laga soo wariyey marxuunka ma hubno hadalkaas xaqiiqadii waxuuse u badnaa inuu yiri waligeyba waan ogaa reerkaas, waxuuse qiray in ay dowladii kacaanka burbukeeda ay sabab u ahaayeen reer Hiiraan waayo jabhadii SNM ee waqooyi ka dagaalameysay weligeed iska daa iney soo gaarto Mogdishee waxey xitaa awoodi weysay iney magaalada Hargeysa oo kaliya i buuxda uga saarto ciidamadii dowlada ilaa 1992 Cumar Carte Khaalib markii Cali Mahdi ka dhigay RW yiraahdo ciidamadii ha isku dhiibaan SNM.

Ma dooneyno in aan wax badan uga hadalno halkaan sidaasi ay tahay reer Hiiraan wadankaan siyaabo kala duwan ayey ugu soo halgameen waxkasta oo xumaan ahne dowladkasta iyadey ku tijaabisaa,

Dowladii Kacaanka hadeysan reer Hiiraan isku taataaban laheyn amaba uusan kacdoon ka dhici laheyn mudo wey sii jiri laheyd dad badanina wey ogyahiin jiritaanka arintaas waayo Hiiraan qiyaali ma yaalo dadku markey naftooda hibeynayaan waa mar la gaarsiiyey heerkaas, inteysan kicin ayey waxkasta dhageystaan oo hadalka dadka kale qiimo ugu fadhiyaa, markiise ay kacaan waxaad doonto sheeg, balanqaadkaad doonto u samee, heshiiskaad doonto ka soo raadi kaama yeelayaan.

La soco qeybteena labaad dowladiiii Cabdullahi Yusuf Ahmed horboodayey iyo reer Hiiraan waxii dhaxmaray. ka hor intaana soo bandhigin amaba aan ka hadlin waxii ay reer Hiiraan kala kulmeen 4tii madaxweyne ee soo martay dalka sida Cali Mahdi, Cabdiqaasim, Shiikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo ay hada xukunkiisa k ahartay wax ka yar 3 bilood.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com








Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.81 seconds
11,972,945 unique visits