Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 154,204
· Newest Member: shjitovaolia

Welcome

HS:-Dowladahii soo maray iyo shacabka Hiiraan,qeybtii labaad..Read More

Wararka SomaliyaHS:- Marka hore ma dooneyno in aan dib ugu laabano halka uu halkankiisa siyaasadeed iyo kacdoonka ka soo bilaabay Alla ha u naxariistee marxuum Cabdullaahi Yusuf Ahmed oo ugu danbeyn noqday madaxweynaha Somaliya, kedib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya 2004 kii kedib shir mudo dheer socday.

Sidoo kale madooneyno in aan waqti ku lumino waxii dhaxmaray madaxweyne Cabdullaahi Yusuf xiligii doorashada isaga iyo hogaamiya kooxeedyadii Mogdishu ee iyagu aqligoodu kaliya ahaa in aan la helin marnaba isbedel guud oo dalka ka curta iyagoo xitaa xiligaas ku heshiin waayey sidii ay u maamuli lahaayeen dekedii Mogdishu oo uu dhaqaalo ka soo geli lahaa ugu yaraan iney furaan,taasi bedelkeedana caasimadii Somaliya xaafad xaafad u kala xirtaan iyadoo uu midkasta dhalinyaro qabiilkiisa dhinacyada iska dhigay aqli dowlad lagu dhiso warkiis maba jirine kaliya waxey ku heshiin waayeen Mogdishu oo hal magaalo aheyd.

Sidoo kale ma dooneyno in aan dib ugu laabano ka hadalka ereyadii ay hogaamiya kooxeedyadu iyagoo isla weyn una maleeya in uusan dalku xakumi karin waqtigaas qof aan ka soo jeedin Mogdishu sida Marxuum Cabdullaahi Yusuf oo kale ilaa heer marxuumka loogu maah maaho inuu Gabo ka waaweyn gashanayo taasi oo micnaheedu aheyd in aysan xiligaas dalka hogaankiisa qaban karin cid aan Mogdishu ka soo jeedin,isaguna si raganimo leh u yiri anaa idiin tusinaa in aan idiin xakumo.

Sidoo kale ma dooneyno in aan waqti ku lumino ka hadalka qilaafkii dhaxmaray labadii RW ee xilalka iskaka daba noqday mudadii uu madaxweynaha ahaa Col Cabdullaahi Yusuf,waxaanse qormadeena uga hadleynaa kaliya inta dowladaas ka quseysay reer Hiiraan iyo dhawr arimood oo taariikh ku reebay oo uu shacabka Hiiraan kala kulmay madaxweynahii waqtigaas jiray Col Cabdullahi Yusuf Ahmed Alla ha u naxariistee.

Dowladii col Cabdullaahi Yusuf iyo reer Hiiraan waxii dhaxmaray mudadii ay jirtay.

Inkasta oo uu hada ifka ka tagay hadane waxaa weli la helayaa dad badan oo maanta nool oo markii ay qoraalkaan arkaan uu la yaab ku noqon doono sida ay markasta reer Hiiraan u yahiin dad wanaag iyo dowlad doon ah,laakinse markasta kuwa aan dalka iyo dadka Somaliyeed ineyhelaan rabin nasiibkoodu noqdo iney hogaanka dalka qabtaan.

Hadaba inagoo soo koobeyno madaxweyne kasta oo dalka Somaliya soo mara waxaa jira xasuus aan ka go'in oo soo marta midkasta, hayeeshee xiligii uu madaxweynaha Somaliya ahaa col Cabdulaahi Yusuf waxuu xilka ka tagay isagoo aan gaarin hadafkiisii siyaasadeed maadaama dowladii uu garwadeenka ka ahaa ay la kulantay caqabado kala duwan iyo is fahmiwaa kala dhaxeeyey labadii RW ee waqtigaasi la shaqeynayey iyo Mogdishu oo ay markaasi maamulayeen ururkii midowga maxaakiimta Islaamiga oo siweyn uga soo horjeeday.

Waxaase muhiim ah in aanu shacabka Soomaaliyeed u iftiimino dowladaas iyagoo aan wax xil sare ah ka heynin reer Hiiraan sida hagar la,aanta aheyd ee ay ula shaqeeyeen madaxweyne Cabdulaahi Yusuf oo ay xiligaas u arkeen inuu yahay muwaadin Somaliyeed oo sida ay horey dalka ugu soo noqdeen masuuliyiin badan isaguna nasiibkiisa xiligaas ka dhigay.

Hadaba qodobada taariikhda ku reebay ee uu reer Hiiraan kala kulmay Col Cabdullaahi Yusuf waxey ahayeen sidan intii aan ka xasuusano.


1-Markii dowladii la geeyey magaalada Jowhar oo uu xiligaasi maamulayey hogaamiye kooxeedkii weynaa Maxamed Dheere shacabka Sh/dhexe si wanaagsan ayey dowlada bilahii ugu horeyey u soo dhaweeyeen, kedibna mudo gaaban kedib madaxweyne Cabdulalahi Yusuf ayaa ciidamo u gaar ah kala yimid degaanada Puntland si ay u ilaaliyaan,waxii xiligaas ka danbeeyeyna waxaa sii xumaaneyey habdhaqanka hogaamiye kooxeedkii Maxamed Dheere oo isaga Mart loo ahaa ilaa uu madaxweyne Cabdulaahi Yusuf iyo xukumadii intiiba Jowhar tagtay ay halkaas ku noqdaan maxbuus kedibna uu yimid fikir ah in loo guuro magaalada Baydhabo Janaay kedib markii xildhibaano iyo siyaasiyiin badan ay soo dhaafi waayeen magaalada Nairobi iyagoo diidanaa iney tagaan Jowhar.

Ugu danbeyn Maxamed Dheere oo maqlay in ay dowlada u guureyso Baydhabo iyo R wasaarahii xiligaasi jiray Cali Maxamed Geedi oo islahaa hadii Baydhabo la tago waxaa imaaneysa fursad uu madaxweyne Yusuf xilka kaaka qaado,hadiise la sii joogo Jowhar mudo lagaama maarmi doono iyo wax la mid ah.

Ugu danbeyn culeysyadii dowlada ku heystay Jowhar wey sii kordheen ilaa gudoomiyahii Sh/dhexe Maxamed Dheere yiraahdo Aree odayga qol iku dhegen hala so dejiyo saan dhaqdhaqaaqiisa ula socdo waxow sheegaane u dhageysto iy wax la mid ah.

Ugu danbeyna mudo kedib waxaa loo baahday ciidamo madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsaneyd u galbiya magaalada Baydhabo Janaay,waxaana u suuro gashay in la helo ciidamo Hiiraan laga keenay iney Baydhabo u galbiyaan madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uuna sidaas ku nabad tago Baydhabo xukumadiina ku shaqeyso halkaas.

Iyadoo xaalku halkaas marayo ayaa mud kedib madaxweyne Cabdullaahi Yusuf oo safar ku jooga wadanka Ethiopia Ayaa loo sheegay in ay dhalinyaradii ka soo galbiyeen Jowhar qaarkood ay Mogdishu u dhuunteen si ay ugu biiraan maxkamadahii oo markaas Mogdishu ay u aheyd saldhig,kedib markii ay koox wadaado ah oo dhalinyaradu qaraabo ahaayeen kana mid ahaa midowgii maxkamadaha balan qaadyo u sameeyeen dhalinyarada sidaasina Mogdishu ku aadeen.

Waxaase cajiib aheyd markii la maqlay in dhalinyaradii ciidanka ka mid ahaa qaarkood Mogdishu aadeen waxaa ka daba baxay ciidamo kale si ay u laayaan inta aysan Mogdishu gaarin iyagoo xiligaasi aanb agaarin degmada Buur Hakaba,

Kedibna madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa waxuu yiri "ciidankii dowlada Jowhar ka keenay ee halkii aan ogeyn na so marsiiyey nimankii geesiyaasha ahaa ma ahan kuwo dil loo quuro ee hadii ay go'aansadeen in ay Mogdishu aadaan hala daayo,waayo dhalinyaradaas reer Hiiraanka ahaa ee Jowhar ka so galbiyey madaxweynaha kalama jecleyn qabiilka iyo degaanka uu ka so jeeday marxuum Cabdullaahi Yusuf kaliya waxey u arkeen madaxweyne Somaliyeed.

2-Qodobkaan dadka qaarkiis waxey dhahaan madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuu ilmeeyey oo siweyn ayuu u qiirooday,Kedib markii uu safar dhulka ah uga so baxay magaalada Jowhar si uu u booqdo magaalada B/weyne.

Kedibna waxaa siweyn loogu so dhaweeyey magaalada Bulo Burde markii ay waxoogaa shacabkii kula hadleen ayey safarkoodii sii wateen kedibna intaan la gaarin magaalada Halgan oo Bulo Burde u jirta qiyaastii 41 km ayuu madaxweyne Yusuf arkey aabe,xaaskiisa iyo caruurtiisa ah oo meel cidlaa oo wadada laamigaa taagan oo caleemo qoyan luxayo.

Gawaaridii ayuu codsaday in la istaajiyo col Cabdullaahi Yusuf kedibna qoyskii meesha cidladaa joogay ayuu weydiiyey waxa ay caleemahaan qoyan u lulayaan?

Waxeyna ugu jawaabeen waxaanu maqalnay in madaxweynaha Somaliya uu wadadaan so marayo oo ilaa shaleyto ayaanu sugeynay ayeyna ku yiraahdeen.

Kedibna waxuu weydiiyey imisa qoys ayaa halkaan idiin la degan?Waxey ugu jawaabeen inaga oo kaliya.

Waxuuna yiri.waxey iila mid tahay idinkoo magaalo weyn degan oo intii deganeyd i taageertay.

Col Cabdullaahi Yusuf waxuu ahaa waaya arag wax badan u so joogay mar reer Hiiraan oo uu aad ula kaftamayey waxuu yiri all ha u naxariistee "Somaliya waxuu asalkoodii hore ka dagi waayey waa reer Mudug"waxuu ahaa hogaamiye isku kalsoonaa laakinse uu ka taba yimid waqtiga iyo waayaha.

La soco madaxweynayaashii dalka so maray inagoona ku xijin doono madaxweyne Cali Mahdi Maxamed kedibna C/qaasim,Sheikh Shariif iyo madaxweynaha ay hada uga hartay waqtigiisa bilaha kooban Xasan Sheikh Maxamud.

Isha warka hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
11,972,694 unique visits