Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS:-Ciidmada XDS qeybta Hiiraan oo sabab u ahaa jabkii gaaray....Read More

Wararka SomaliyaHS:- Inta aanan u guda gelin faraqa u dhaxeeyey dagaalkii ay xarakada Shabaab ku qaadeen xeradii Ceel Cade ee lagu laayey ciidamada dalka Kenya iyo midkii ka dhacay degaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa muhiim ah iney dad badan fahmaan bal marka hore qaabka ay dalka Somaliya siiba koofurta Somaliya laga soo bilaabo degaanada Puntland ilaa Jubooyinka uga fuliyaan dagaalada ay Shabaab kula jiraan dowlada federalka iyo ciidamda midowga Africa ee ka howlgala Somaliya.

Waxaa macquul ah dad badan markii ay warbixintaan aqristaan iney qaadan waayaan amaba ay ku adkaaneyso iney aaminaan faraqa u dhaxeeya ciidamada dowlada federalka ee ku sugan Hiiraan iyo ciidamada dowlada federalka u jooga degaano ka mid ah gobolada koofurta Somaliya siiba qaabka ururka midowga Africa uga soo gaaro qasaaraha ugu badan dagaaladii ka dhacay Ceel Cade iyo Sh/hoose xero ciidan oo aan ka fogeyn magaalada Daafeed oo iyaduna lagu laayey ciidamo ka socda wadanka Burundi,halka Ceel Cade oo gobolka Gedo ka tirsan lagu laayey ciidamo ka socday dowlada Kenya.

Hadaba marka loo eego dagaalkii ay ku jabeen xarakada Shabaab ee dhawaan ka dhacay degaanka Halgan oo qiyaastii 41KM dhinaca waqooyi u jirta magaalada Bule Burde waxyaabahii uu kaka duwanaa kuwii kale ee ka dhacay Sh/hoose iyo Gedo ee lagu xasuuqay ciidamada Kenya iyo kuwa Burundi waxaa ugu weynaa dagaaladaas waxaa Shabaab u fudeynayey dhinaca macluumaadka qaar ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Xooga dalka Somaliya ee degaankaas oo dhaqdhaqaaqa Shabaab wax ka ogaa hadane aan la wadaagi jirin ciidamada Amisom sidaasina markii ay Shabaab xero weerarto waxey ka soo galayeen jiho kasta ciidan xero ku jira oo jooga wadan uusan si wanaagsan u garaneyn oo aan ciidamadii degaanka ee dowlada federalka ee halka lagu dagalayo joogay ka heleyn kaalintooda difaac guusha uu gaari karo wey yar tahay.

Hadaanse xaqiiqada Somali badan u iftiimino ciidamada dowlada federalka ee ka howlgala Hiiraan wax badan ayey ka duwan yahiin ciidamada dowlada federalka ka jooga gobolada dalka qaarkood kuwaa oo ay wada shaqeyn muuqato oo weliba lataaban karo uu kala dhaxeeyo xarakada Shabaab, dalka Somaliya dowlada hada joogta ee waqtigeedu dhamaaday kama hadleyno laakinse mida ka danbeyso waa macquul marka ay timaado in la maqlo gobolada Sh/hoose iyo Qeybo badan ka mid ah gobolada Bay, Bakool iyo gobolka Gedo ayaa Shabaab si sahlan looga saaray lama maqli doono.faraqa u dhaxeyana waa sidan.

1- Horta ciidamada XDS waxey dhamaantood ka siman yahiin daryeel la,aanta oo dowlada federalka kuma qabaan daryeel iyo mushaar joogto ah, kuwa Hiiraanse waxuu ilaah ugu gargaaray waxey dagaalka wada galaan ceeshkana wada cunaan ciidamada wadanka Jabouti oo markii ay Hiiraan yimaadeen siiyeen tababar aan caadi aheyn waana kuwo dhinaca aqlaaqda kala mid ah ciidamada Jabouti oo aan meeshii ay qabtaane dhibaato ka geysan , hadii ay ciidamada amisom dagaal la galaae aan uga bixin dagaalka oo dhinacooda lagama soo galo waxeyna u badan yahiin kuwo dhimashada u diyaar garooba maadaama ay huwan yahiin magacii ciidamada qaranka Somaliyeed dagaalka kama baxaan ilaa ay ka arkayaan ciidamada midowga Africa oo dagaalka ku jabay, waa ciidan leysku haleyn karo ilaa xad.

2- Dhinaca geesinimada waxey la wadaagaan guud ahaan ciidamada XDS meelkasta oo ay dalka ka joogaan ,laakinse waxey kaka duwan yahiin iyagu wax xiriir ah lama lahan Shabaab oo meeshii loo diro kama soo laabtaan ilaa ay ka hubiyaan iney dhamaatay howshii loo diray.

3- Waa ciidamo leysku haleyn karo oo markaad aragto sidey dagaalka u wada galaan kuwa Hiil Walaal hadii loo dhameystiro saanadooda militeri iyagaa ku filan xoreynta Hiiraan Amisom la,aantood taas waa leysku raacay laakinse dowlada federalka ma dooneyso iney hubka iyo waxii ay u baahan yahiin u soo dhameystirto qaabka ay hada wax ku socdaan dalka Somaliya maba loogu talo galin in Shabaab dalka laga saaro laga so bilaabo Puntland ilaa Raaskaambooni.

4- Ciidamada Ethiopia ee dagaalka kula galay degaanka Halgan waxey aad ula yaabeen ciidamada XDS qeybta Hiiraan sida ay dagaalka dhinacooda iskaka caabiyeen markii ay xili aroor ah weerar cuslus soo qaadeen dagaal yahano ka socday xarakada Shabaab oo tiradooda lagu qiyaasay 300 ilaa 350 si wanaagsan u hubeysnaa, kuwaasi oo bilo ka hor ka soo talaabay meel degaanka Halgan kaka beegan wabiga Shabelle ka hor intii aysan isku abaabulin duleedka kore ee degmada Halgan oo ah goobtii ay dagaalka ku soo qaadeen Shabaab.

Waxyaabahii ugu weynaa ee ay dagaalka ugu jabeen Shabaab iyo sida ay sabab ugu ahaayeen ciidamada dowlada federalka Somaliya qeybta ka howlgasha Hiiraan oo hadii aysan dagaalkaas daacad ka noqon laheyn ugu yaraan xarakada Shabaab guul la taaban karo ka gaari lahaayeen dagalkaas waxaana jabka Shabaab ugu weynaa 3 qodob oo kaliya.

a)Mudadii ay isku diyaarinayeen dagaalka ugu yaraan labo bilood mudo lagu qiyaasay waxey awoodooda iskugu geeyeen sidii ay ku heli lahaayeen saraakiil iyo qaar ka mid ah ciidamada dowlada federalka ee degaanka Halgan sidii ay u laaluushi lahaayeen amaba ugu yaraan ugu baneyn lahaayeen aagaga dagaalka si ay dagaalka ugu noqdaan kaliya ciidamada Amisom meelkastana looga soo weeraro, waana la waayey askari ciidanka Hiiraan ka mid ah amaba sargaal la laaluusho arintaan waa xaqiiqo dhab ah.

b) Ciidamada dowlada kuwooda ku sugan degaanka Halgan oo siweyn u kasbaday shacabka iyo shacbakii oo nacay hagardaamada Shabaab oo nolosha ku cariirisay hadase aan wax wanaag ah u heyn waa jabka labaad ee ugu weyn.

c) Hadaan tirada saxda ah ee weerarka soo qaaday sida xaqiiqada u dhaw amaba ay sheegayaan dadka degaanka ileen Hiiraan dadku waa is yaqaanan ama Shabaab ha ahaado ama yowsan ahaan waxii gudaha Hiiraan ka dhacayo waa wax la wada maqlayo sikastaba marka ciidamada dagaalka soo qaaday tiradooda waxey dhamaayeen ilaa 400 ,laakinse waxaa si rasmi ah u hubeysnaa baa la leeyahay ilaa 3 boqol tiro lagu qiyaasay, markii ay xabada bilaabatay waxyaabahii Shabaab guul darada degdegtaa u keenay mudo labo saac ah oo uu dagaalku socday kedib waxey aheyd, waxaa ku dhacay waxii ku qabsaday Puntland oo ay Shacabka ka waayeen iney guryahooda ku qariyaan taasne wey u suuroobi weysay oo shacabkii ayaa meeshii ay galaanba uga cararayey, marka laga reebo tirada ku dhaawacantay iyo dadka ku dhintay ee shacabkaa hadane Shabaab waxuu qorshoodu ahaa in magaalada iyo shacabka degan halmar leysla gubo, hayeeshee Allaah subxaanahu watacalaa dadkaas masaakiintaa oo qaarkood la xarbinayey bisha barakeysan ee Ramadaan nolol maalmeedkooda weliba badankood ka soo carareen biyahii dhawaan ku soo fatahay magaalada B/weyne dhibatadii ay la doonayeen ma noqon sidey moodayeen ciidamadii Shabaab.

Ugu danbeyn dad badan ayaa isla dhaxmarayo tirada saxda ah ee Shabaab looga dilay Halgan amaba ku jahwareersan laakiinse waxaa xaqiiqo ah tirada ay dowlada federalka Sheegtay ee 240 ku sheegeen xitaa wey ka badan tahay tiradu midaas guud ee ay sheegeen dowalda federalka infact ururka midowga africa waxuu ka baqayaa in l ayiraahdo sideed tiro intaas la eg u xasuuqdeen maahane Shabaab meeshaas waxuu ugu jabay si aan laga sheegeyn karin oo aan weliba la dafari karin.

Xageey ka timid tirada ay amisom sheegeen ee 110 ah waa tiradii ay iyagu dileen waxaa jira tiro badan oo dhiig bax u dhintay iyo kuwo badan duurka ku habaabay markii danbane iyagoo meyd ah loo tagay oo ay xabadu ku haleeshay meelo magaalada ka fogfog.

Xagey ku sugan yahiin tiradii ka bad baaday Shabaab ee nolosha ku baxsaday?


Wararkii ugu danbeyey ee aanu ka heleyno dhulka miyiga ah ee ku teedsan wabiga Shabelle waxey sheegayaan iney tiro aan badneyn oo aan wax sahay ah iyo hub toona wadan ay ka talaabeen wabiga degaan lagu magacaabo amaba lagu shegay Dabadheere oo dhinaca waqooyi galbeed kaka beegan magaalada Bulo Burde iyadoo loo maleynayo iney ku sii jeedaan degaanadii ay horey uga yimaadeen iskana soo abaabuleen ee Buq Aqable iyo nawaaxigeeda oo xarakada inta badan u ah degaanada ay iska soo abaabulaan,halka kuwo kalena ku dhuumaaleysanayan inta u dhaxeyso Bulo Burde iyo tuulo la yiraahdo Beero yabaal oo ay kak asugan yahiin dhul buraley ah oo u dhaxeeya Tuulada iyo wabiga Shabelle waxaa macquul ah iney maalmaha inagu soo aadan iskaka tagaan.

Ciidamada Amisom ee ka socda dowlada Ethiopia oo aan weli dagaal sidan u weyn la gelin ciidamada dowlada federalka qeybta kaka sugan Hiiraan ayaa hada siweyn u ogaaday tayada ciidamada dowlada federalka ee Hiiraan oo iyagu qaba tababar xoogan oo ay ka heleen ciidamada Hiil Walaal oo siweyn ugu hagar baxay markii ay tababarkaan siinayeen kana soo saaray ciidamo ay dowlad Somaliyeed isku haleyn karto mustaqbalka dhaw iyo kan fogba, walow aysan weli si wanaagsan u helin agabkii ay u baahnaayeen ee ciidanka hadane waxey ku dagaalamaan niyad wanaag.

War hada na soo gaarayna waxey sheegayaan inuu ciidamada dhawaan booqan doono wasiirka gaashaandhiga dowlada federalka General Diini si uu niyada ugu soo dhiso maadaama ay degaanka ku wajahan yahiin saraakiil sar sare oo amsiom ah oo ciidamada amisom niyada u soo dhisaya xaaladana soo qiimeynaya.

Dagaalkaan geesinimada leh ee ay ciidamada XDS kuwooda ku sugan Hiiraan galeen waxey sharaf u tahay dhamaan ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan,ciidamada Jabouti ee Hiil walaal si wanaagsan ayey u yaqaanaan ciidanka XDS qeybta 21aad ee ka howlgala Hiiraan maadaama ay dagaalo fara badan wada galeen.

Lets hope in ay dowlada federalka bal markaan dhiig isku yeesho oo ugu yaraan ciidamada mushaar siiso maadaama lagu jiro bil Ramadaan wax kale Ilaah ayaaba qabee, qofkana waxaa la wanaajiyaa markuu daacad u yahay nidaamka dowligaa, waa marka kaliya ee la maali karo askariga.

In gobolada dalka qaarkood ay ciidamada dowlada Somaliya iyo Shabaab wada shaqeystaan waxaad ku garan kartaa dhawaan ayaa waxey Shabaab ku soo bandhigen hub iyo gawaari ay leeyahiin ciidamada dowalda federalka oo marka ay Shabaab sawirada ka soo qaadayaan aadan xitaa ku arkeyn meel gawaaridaa ka jaban oo aad arkeyso inba furahii xitaa loo suray waxeyna dhacdooyinkaan ka dhacaan inta badan gobolo ay ka mid yahiin Sh/hoose iyo Sh/dhexe oo Shabaab wax badan ayaa loo fududeeyaa xaqiiqadii hadeysan garab iyo wada shaqeyn ka helin qaar saraakiisha ciidamada dowlada iyo masuuliyiinta ugu sareysa qaarkood dalka waa laga qaban karaa.

Bal sawiradan hoose daawo waa hub ay masuuliyiinta dowlada qaarkood u fududeeyeen iney Shabaab qaataan inta weliba meel loo dhigo oo furaha gaariga lagu wadayo loo suro. weligaa maqli meysid hub intaan la eg ayaa ciidamada Hiiran laga qabsaday amaba kuwa Puntland, hadii hubkaan markiisii hore la siin lahaa ciidamada XDS kuwooda ku sugan Hiiraan xiligaan dhawr gobol oo dalka ka mid ah ayaa la xoreyn lahaa, marka Somali badankeed waa iney fahmaan in dowlada hada jirta siiba masuuliyiinta ugu sareysa qaarkood doonayaan iney Shabaab rabshada sii wado waxii ay dili karaane dilaan marba hadii ay doorashada 2016 dib u dhici karto weliba qorshahaas wuu socdaa dagaalo badan oo ciidamada amisom ku wajahan oo weliba Hiiraan ka dhacane wey soo socdaan oo mid kaliya ayaa hada laga hortagay.






La soco wararkeena danbe iyo hadba waxii ku soo kordha.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
11,851,809 unique visits