Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 152,372
· Newest Member: Barniqirk

Welcome

HS:-M/weynaha iyo xisbigiisa oo qorsheynaya in ay fashiliyaan..Read More

Wararka SomaliyaHS:- M/weynaha Somaliya iyo xisbigiisa oo dadaal xoogan ugu jira sidii loo fashilin lahaa howlgalka midowga Africa ee Somaliya,dhinaca kalena Ku rajoweyn inuu dib u dhigo doorashada 2016 ayaa xili ay mudadiisa ka hartay wax ka yar 3 bilood ayaa arin aad u cajiib badneyd oo bulshada Hiiraan siiba kuwa Degmada Bulo Burde ay la yaabeen Ku dhaqaaqay.

M/weynaha iyo xisbigiisa ayaa go,aan Ku gaaray in aysan sanadkaan dalka doorasho ka dhicin.sidoo kalena waxey go'aansadeen in la fashiliyo howlgalkii midowga Africa ee Somaliya.

Hadaba dhawaan naga filo warbixin dhameystiran waxyaabahii keenay in maamulkii degmada Bulo Burde lagu bedelo mid cusub oo loogu talo galay iney fashiliyaan ciidamada amisom ee Jabouti oo degaankaas Ku sugan.

Dhacdada ugu weyn ayaa ah in maamulkii degmada Bulk Burde la doonayo in xilka looga qaado iney daacad u yahiin shacabka iyo ciidamada amisom,Halka shaqsiyaad Dam Jadiid ah oo arimo gaar ah loogu talo galay la doonayo in maamulka degmada loo dhiibo.

Arintaan ayaa laga yaabaa iney soo dedejiso in Hiiraan looga dhawaaqo maamul goboleed,maadaama ay madaxweynaha iyo xisbigiisa doonayaan in ay dalka fowdo u horseedaan si doorashada 2016 loo baajiyo

Madaxweynaha Somaliya ayaa dhawaan aad uga naxay jabkii Hiiraan loogu geystay ururka Shabaab maadaama qaar kooxda Shabaab ka mid ah iyo xisbiga madaxweynaha heshiis Ku yahiin sidii doorashada dib loogu dhigi lahaa howlgalka midowga Africans loo baajin lahaa.

Sidoo kale ururka midowga Africa ayaa laga yaabaa in dhawaan loogu deeqo malaayiin solar kedib markii ay dagaalkii dhawaa ee ay Shabaab kula galeen degmada Halgan oo Hiiraan ka Tiran guul ka soo hooyeen.

Waxuuna dagaalkaas meesha ka saaray warbixino qaldan oo ay waayadii danbe madaxweynaha Somaliya iyo xisbigiisa ka gudbinayeen ururka midowga Africa so dalka loo keeno ciidamo kale oo San African aheyn.

Dalka Somaliya doorasho kama dhaceyso madaxweynahuna fowdo in waqtiga yar ee haray in lagu dhameysto ayuu doonayaa.beesha caalamka,maamulada goboleedyada had a jira iyo ururka midowga Africa dhawaan waxey xaqiiqsan doonsan in aysan Somaliya ka dhaceyn doorasho 2016,kedib markii at arkaan ficilada kaka imaan doona madaxweynaha iyo xisbigiisa.

La soco wararkeena danbe iyo sida ayadoo aan xitaa wax qiil ah loo heyn degaano badan oo at Bulk Birds ugu horeyso masuuliyiinta hogaamineyso xilalka sabab la'aan looga qaadi doono.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
11,852,180 unique visits