Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 1
Robertruire

· Total Members: 152,843
· Newest Member: Aancbxni

Welcome

HS:-Doorashada 2016 oo mugdi ku jirta kedib markii...Read More

Wararka SomaliyaHS:- War aad u xadidan oo Villa Somaliya laga helayo ayaa sheegayo inuu madaxweynaha Somaliya mid ka mid ah dowladaha Khaliijka ka dalbaday gawaari kuwaasi gaaraya ilaa dhawr iyo labaatan,kedib markii sida warku sheegayo uu go'aansaday inuu xarunta Villa Somaliya ka saaro ciidamadii midowga Africa ee mudada ilaalada ka hayey.

Warku waxuu intaas Ku darayaa in dowlada uu hada madaxweynahu la xariiray ee uu gawaarida weydiistay ay tahay sida loo badinayo UAE si gawaaridaas loogu wareejiyo ciidamo beeleed gaar ah oo dhawaan loo diyaariyey dowlada federalka si ay Villada u ilaaliyaan.

Madaxweynaha Somaliya ayaa doonaya in dalka laga saaro ciidamada midowga Africa siiba caasimada kedib markii uu dhawaan go'aansaday sidii uu mudada uu joogo Ku heli lahaa ciidamo ka socda dalal Islam ah.

Waxaa la xaqiijiyey in ay madaxweynaha iyo xisbigiisa go'aan Ku gaareen in dalka laga saaro ciidamada amisom isagoo ciidamadaas u arka madaxweynaha kuwo aan awood laheyn xili ay habeen iyo maalin nabadgalyadiisa sugaan.

Isku soo duuboo Somaliya doorasho kama dhaceyso dhawaane waxey fowdo iyo qalalaaso ka abuuri doonaan dalka oo dhan,kedib markii uu heshiis qarsoodi ah dhaxmaray garab ka mid ah xarakada Shabaab iyo xisbiga madaxweynaha oo Ku heshiiyey iney doorashada sidii loo baajin lahaa iskala shaqeeyaan dhamaane xilalka ay hayaan ka qaado madaxweynaha saraakiisha iyo siyaasiyiinta gobolada dalka qaarkood ee la shaqeeya amisom siiba gobolada uu xiriirka midawga Africa iyo shacabkoodu wanaagsan yahay sida Gobolka Hiiraan oo kale oo aysan madaxweynaha iyo xisbigiisu jecleyn sida ay uga Barbar dagaalamaan ciidamada amisom taasi bedelkeedana waxey doonayaan in amisom meelkasta lagu xasuuqo si loo yiraahdo awood uma lahan howsha Somaliya.

Hadaba warbixintaan oo xasaasi ah dhawaan naga filo iyo in aysan doorasho dhaceyn laakinse la qaldayo ururka midowga Africa iyo beesha caalamka oo Waa madaxweyne doonaya in ay fashilmaan ciidamadii ururka midowga Africa ee isaga amaankiisa sugayey.waa madaxweyne doonayo in aan dalka laga saarin kooxaha xagjirkaa.waa madaxweyne ay isaga iyo xisbigisu Qatar ku yahiin amaanka geeska Africa oo Ku jiaan ganacsi Qatar Ku ah nabada bariga Africa.

Hadii aan Somali badaneed u soo bandhigo arimo badan iyo sida xitaa loo maaweelinayo caalamka inta uu dhawaan ka kaaftoomayo midowga Africa madaxweynahu,dad badan wey yaabi lahaayeen.

Siyasadahan cusub ee lagu baajinayo doorashadii dhici laheyd marka laga soo tago wada shaqeyn hoose oo ka dhaxeysa cutubyo ka tirsan xarakada Shabaab iyo madaxweynaha iyo xisbigiisa waxaa jiro siyaasado hoose oo ay iyaguna qeyb ka yahiin siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland qaarkood kuwaasi oo sida lagu soo waramayo ah maskaxda ka danbeysa in madaxweynaha Somaliya iyo xisbigiisu qaataan go'aano aysan horey ugu fikireyn taasi oo wax badan Ku xambaartay madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaanayo.

Dhawaan la soco masuuliyiinta xilalkooda in laga qaado uu miiska u Saaran yahay madaxweynaha Somaliya si kaliya doorashada 2016 loo carqaladeeyo.

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno Xarunta Villa Somaliyana waxey sheegayaan in ay madaxweynaha u qorsheysan tahay inta uusan dhamaan Ramadaanka inuu ka kaaftoomo ciidamada midowga Africa,walow wajigii 1aad ee lagu fashilin Rabay howlgalkooda uusan noqon sidii la Rabay oo ay dagaaladii ugu danbeeyey guulo ka gaareen, taasi oo caalamka u xaqiijisay in ay doorashada 2016 midowga Africa Ku filan yahiin iney sugaan amaba awood u leeyahiin iyadoona dhawaan arintaas laga yaabo iney Ku helaan waxiiba tasiilaad ah oo dheeri ah sida u qorsheysan qaramada midoobay iyo dowladaha daneeya arimaha Somaliya.walow uu dagaal muuqda oo dhinaca madaxweynaha uu jiro.

La soco wararkeena danbe

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.08 seconds
11,861,660 unique visits