Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:-M/weynah iyo kooxdiisa oo isku raaceen in aan...Read More

Wararka SomaliyaHS:- Madaxweynaha Somaliya iyo xisbigiisa oo maanta soo gabo gabeeyey wajigii 1aad qorshe looga hortagayo in aysan dalka Somaliya doorasho ka dhicin 2016.

Arimaha ugu weyn ee madaxweynaha iyo kooxdiisa ku xambaaray iney carqaladeeyaan doorashada ayaa timid kedib markii siyaasiyiin culus la xaqiijiyey iney doorashada soo socota isku soo taagi doonaan iyo iyagoo isbuucyadii ugu danbeeyey marba marka ka danbeeya fashil lugaha la sii galayeen una arkey ineysan waqtigaan diyaar aheyn iney galaan dorasho.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliya ayaa rajo beel ka muujiyey in aysan isaga iyo xisbigiisu ku guuleysaneyn doorashada, kedib markii ay koox xisbigiisa ka mid aheyd ka baxeen oo ay ku biireen ururada kale ee siyaasada taasi oo dhabarjab ku noqotay madaxweynaha walow aysan arintaan weli banaanka imaan.

Madaxweynaha ayaa doonaya ugu yaraan halkii doorasho laga aadi lahaa bedelkeeda in la carqaladeeyo si uu u helo halsano amaba ugu yaraan 6 bilood oo mudo kordhin ah si uu u helo waqti uu dalka uga tabaabusheysto mudadaas uu u raadsado wadankii kale ee uu ku noolaan karo.

Arinta uu dhawaan la soo shir tagi doono madaxweynaha oo dad badan ay ku rumeysan doonaan ineysan doorashadu waqtigii loogu talo galay dhaceyn hadii waxkasta laga sugo madaxda hada jirta kaliya oo aan la helin wadiiqo kale oo barbar socota,waxaa ka mid noqon doono madaxweynahu waxuu shirka magaalada Baydhabo ka furmayo la tagi doonaa qorshe ah in aan loo baahneyn Duubabka dhaqanka Somaliyeed iney soo xulaan xildhibaanada cusub si uu u xaqiijiyo inuu soo laabanayo isagu doorashada soo sooctana ku guuleysan doono isagoona gudiyo iskiis ah oo beelaha Somaliyeed ka kooban kaka dhawaaqay Mogdishu kuwaasi oo ka kooban 22 xubnood ujeedka loo sameeyey ayaa ah in ay xitaa hadii ay duubabka dhaqanka soo xulaan xildhibaanada asyan gudbin oo ay gudbiyaan kaliya liis hada u diyaarsan madaxweynaha iyo xisbigiisa oo ah dad ay iyagu u rabaan xildhibaanimo si ay u doortaan.

Sida muuqata raga hogaamiyaasha maamulada gobolada sheeganayo meel ayuu iska saaray madaxweynaha sida laga soo xigtay Villa Somaliya shirka magalada Baydhabona wax ka soo bixi doona ma jiri doonto oo waaba la sii ogyahay qorshaha madaxweynaha.

Hadii ay doorashada ku dhacdo sidii la qorsheeyey waxaa macquul ah in uu dalka hogaamiyo muwaadin Somaliyeed amaba aqoonyahan lagu soo doortay kartidiisa halkii markii hore loo eegi jiray qabiil, hadiise ay ka dib dhacdo xitaa bil kaliya doorashada 2016 ee jaanis la siiyo madaxweynaha hada jira doorashada dhici doonta waxey noqon doontaa mid ku dhamaata musmaasuq iyo is qabqabsi sababi doona dagaal sokeeye.

Madaxweynaha Somaliya oo tan iyo dhawaan markii ay gacanta ku dhigtay dowlada Sacoudiga markab u socday Xuutiyiinta Yemen oo u rarnaa saaxiibkiisa Farax Cabdulqadir uu dhiiga ku karay waxuuna xaalad caafimaad ugu aaday dalka Jarmalka iyadoo laga qarinayo socdaalkiisa shacabka Somaliyeed maadaama ay arintaan aheyd mid ku timid deg deg.

Hadii ay doorashadan dib u dhacdo maxaa dhici kara?

Waxaa dhacayo in isbuucyada inagu soo aadan labo maamul goboled oo deg deg ah looga kala dhawaaqo gobolada Banaadir iyo Hiiraan maadaama shacab badan ay u moodeen in doorashada dalka la soo hormarinayo si madaxweynahaan fashilmay meesha loo dhaafiyo hadii uu yahay hogaamiye isku kalsoona doorasho ula galo aqoonyahano badan oo Somaliyeed oo xilkaas qabashiida isku diyaariyey.

Sidoo kale waxaa dhici doonta in aysan siyaasada dalka waxbo iska bedelin oo hadane mar kale la sharciyeeyo in beelaha qaarkood aysan noqon karin wax ka badan gudoomiye baarlamaan,kuwona aysan noqon karin madaxweynaha Somaliya oo ay sugaan kaliya hadba qoladii xilka madaxweynaha ku guuleysata beelaha Mogdishu, nidaamkaan 4.5na aan ilaa 2025 meelna loo dhaafin, halka hadii ay doorashadan dhacdo 2016 ay wax badan meesha ka baxayaan oo ay beelaha Somaliyeed u siman yahiin doorashada qofkana lagu dooran doono kartidiisa maadaama madaxweynaha Somaliya waayey rajadii uu ka qabay inuu gobolo uu islahaa adigaa soo xulanayo xildhibaanadooda sida Hiiraan iyo Sh/dhexe ay meesha ka baxday ayuu hada go,aankaan cusub ee uu ku doonayo inuu doorashada dib u dhigo qaatay.

Dhawr isbuuc ka hor ayaan bulshada u soo bandhignay in aysan doorasho ka dhaceyn Somaliya 2016 waayo xiligaan waxey aheyd in ay ololahooda bilaabaan musharaxiinta waxkastana loo cadeeyo shacabka Somaliyeed, taasi bedelkeedana hadaan la helin waji ka duwan midka hada muuqda ka hor bisha 7aad waxaa la arki doonaa degaano badan oo dalka ka mid ah siiba koofurta Somaliya oo ay ku soo biireen dhawr State oo hor leh.

Waxa kaliya ee hada furan in ay dowlada hada jirta ka hadasho waa sidii ay u dhici laheyd doorashada 2016 maadaama uu waqtigu aad u yar yahay,Duubabka dhaqankane loo daayo arinta soo xulitaanka xildhibaanada cusub si ay musharaxiinta dhan u helaan jaanis isku mid ah ayna kula hadli karaan xildhibaanada cusub, hadiise ay noqdaan kuwo ay soo xusheen rag musharaxiin ah wadanku fowdo ayuu galayaa,waxa kale oo dhan waa wax gadaal laga hagaajin karo sida nidaamka federalka iyo waxii ka dhiman hadase hadii ay madaxweynaha iyo kooxdiisu cuuriyaamiyaan doorashada waxey noqon doontaa inuu dalku galo waji ka duwan midka hada ka muuqda.

Weliba shirka ka dhacayo magaalada Baydhabo waxaa si rasmi ah loogu kala tagi doonaa oo ay Somali kasta degaankeeda maamul u sameysan doontaa marka la yiraahdo xildhibaanada cusub sooma xulayaan duubabka dhaqan oo ah fikirka uu doonayo iney iibgeeyaan madaxweynaha iyo kooxdiisa Dam Jadiid waana arinta kaliya ee doorashadii la filayey ku fashilmi karto. oo hadeysan duubabka soo xuleyn xildhibaanada degaanada aan maamul goboleedka laheyn ma waxaa u soo xulayo Xasan Sheikh iyo kooxdiisa?

Wax aqliga galayo ayaa la rabaa in shacabka Somaliyeed loo sheego waxaase leysku raacsan yahay in aysan doorasho dhaceyn 2016 hadii uu shaqeeyo fikirka uu hada wado madaxweynaha Somaliya oo ay mudadiisa uga hartay wax ka yar 3 bilood kedib 4 sano oo uu Somaliweyn ka qasaariyey maadaama uu ku fashilmay inuu dalka gaarsiiyo qof iyo cod.

Doorasho hadii ay dhacdo 2016 xildhibaanada cusubna soo xulaan duubabka dhaqan la yaqaano ee beelaha Somaliyeed maadaama weli lagu jiro nidaamkii 4.5 waxey u badan tahay in aan sanadkan loo eegin qofka doorashada ku guuleysanayo qabiilkiisa oo lagu doorto karti tanina waxey fursd u tahay beelkasta oo Somaliyeed,waana mida ay wadaan duubabka oo ah kuwa uu walwalka ugu badan ka qabo madaxweynaha Somaliya xitaa kuwa qabiilkiisa.

Waxaa loo qaatay madaxweynaha iyo saaxibadiis in aysan isku furin wado cusub iyo isku dhaxyaac hor leh maadaama hada looga shakisan yahay madaxweynaha iyo saaxiibadiis iney xiriir la leeyahiin kooxaha dalka ka wada rabshadaha waa muhiim iney dalka doorasho xalaal ah sidii ay ku dhici laheyd gaarsiiyaan ayuu yiri siyaasi ku sugan Mogdishu oo ka gaabsaday magaciisa.

Waxaase cajiib ah madaxweyne musharax ah hadane doonaya inuu soo xusho amaba magacaabo xildhibanadii imaan lahaa 2016.

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
11,972,923 unique visits