Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Dadaalo xarun cusub loogu dhisayo Agoonta Ugaas Khalif oo ay dibada ka wadaan haweenka reer Hiiraan.

Wararka MaantaBelet Weyn: (hiranstate.com)- Shirar is daba joog ah oo maalmahani uga socday qurbaha qaar ka mid ah dumarka reer Hiiraan kuwooda ku sugan Yurub iyo waqooyiga America ayey ugu danbeyn xiriir ay la sameeyeen gudaha Hiiraan waxey ku xaqiijiyeen in si deg deg ah ugu baahan yahiin hooy ay roobka ka galaan amaba ay wax ku bartaan Agoonta Ugaas Khalif ee magaalada Belet weyne kedib markii gurigii ay hore ugu noolaayeen ay dadkii lahaa u baahdeen.



Dumarkani oo la tashiyo dhinacyo badan sameeyey ayaa ugu danbeyn isla gartay in caruurtaas mustaqbalkooda ilaah baa kafaala qaadi karo ee bal marka hore in xooga la saaro hooygii ay ku noolaan lahaayeen, taasi oo ay isla garteen in ay howshaasi ku dhaqaaqaan. sida la wada og yahay dumarka Somaliyeed hadey wax isku raacaan wey ka towfiq badan yahiin raga oo murankooda aad ayuu u yar yahay waxqabadkooduna wuu ka waasacsan yahay raga ileen iyagu markasta wax mashruuc ah oo u qarsoon ayaanba jirin danta guud mooyee.

Waxaa durba bilaawday sidii Agoontaasi loogu heli lahaa xarun ay ka dhigtaan hoy taasi oo farxad galin doonta caruurtaas waalidkood ay ifka ka tageen xili ay aad ugu baahnaayeen oo ay aad u yar yar yahiin tiiyoo ay wadanka colaad iyo abaaro ka jirto.

Hadii ay dumarkani is xilqaamay u hir gasho dhismaha xaruntani ayaa waxey noqoneysaa mashruucii 3aad ee mudo labao sano gudahood ah laga hirgaliyo isla magaalada Belet weyne. hore waxaa looga hirgaliyey Jaamacada Hiiraan



kedibna waxaa laga hirgaliyey masajidka ugu weyn dalka Somaliya marka laga reebo masaajidka Isbaheysiga Islaamka oo ku yaala Mogdisho.



Warar xaqiiqda u dhaw ayaa sheegaya in dumarkani ay ilmeeyeen markii looga sheekeeyey amaba ay soo xaqiiqsadeen in agoonta Ugaas Khalif ay soo food saartay hooy la,aan.Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif oo isagu si hoose gacanta ugu hayey caruurtani dhawr marna horey uga codsaday jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha ayuu culeyska iyo wal walka uu caruurtaasi mustaqbalkooda ka qabay isagu ku farxi doona hadii xaruntani si ala dartii ah caruurtaasi loogu dhiso.



la soco arimaha Agoonta Ugaas Khalif ee Belet weyne kana qeyb qaado dhismahaasi adigoo ku hagaajinayo xawaalada Dahabshiil Belet weyn amaba maamulka agoonta ee Belet weyn amaba booqo www.agoonta.net .

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Suldaano on April 05 2011 18:46:04
Maashaa Alaah walaahi waa wax lagu farxo sida shacabka Hiiraan ay ugu soo jeesteen dhulkooda.

Walaalayaal waxaan idiinka codsanayaa ciwaanka qofka lagu qorayo sadaqada inoo soo qora gabdhaha arintaan ku dhiiraday walaahi qeyr bey ku dhiiradeen mashaa alaah.

Suldaano
Mareykanka
#2 | nike air max 2010 on June 04 2011 08:49:45
Because of the net garbage these days I continually get pleasure from uncovering some true presences on the net.nike air max 2009 Thank you for writing and continue the excellent function, please! nike air max 2011 My buddy and I were just talking over this topic; she continually wants to prove me wrong! I will present her this write-up and rub it in somewhat!

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.60 seconds
14,614,235 unique visits