Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Sida xaqiiqada ah m/weynaha Somaliya oo ah musharax difaac ugu jira kursiga uu ku fadhiyo doorashada soo socota marka loo eego tirada aqoonyahanada amaba siyaasiyinta Somaliyeed ee isku diyaarineysa doorashada 2016 ee lagu soo dooran doono hogaan cusub,m/weynaha Somaliya waqtiga hada la joogo rajadiisa ugu danbeysa inuuba wareega 1aad soo dhaafo markii ay dhinackasta xaalada siyaasada dalka ka qiimeeyeen isaga iyo xisbigiisa fursad aan xildhibaanada Hiiraan ka imaan doono iyo tiro aad u yar oo dhinaca Galmudug ay ka rajeynayaan aheyn waa la waayey, meelaha kale 1 amaba labo qof in ay ka helaan waa macquul.

Iyagoo og in ay jiraan amaba imaan doonaan musharaxiin reer Hiiraan ah amaba siyaasiyiin reer Hiiraan saaxib la ah doorashada inagu soo aadan 2016,ficiladooda iyo siyaasadahooda guracana ay shacabka Hiiraan dal iyo dibadna laga og yahay waxey isla soo mareen mudo ku dhawaad 4 sano ah, hadane warar horu dhac ah waxey sheegayaan in uu m/weynahu qorsheynayo inuu booqasho markaan u muuqata korkortan siyaasadeed oo dhinaca duubabka ah Ku tago mar kale caasimada Hiiraan ee B/weyne.

Walow uu dhawaan m/weynahu aad uga carooday soo dhaweyn ay siweyn uga qeyb galeen jaaliyada Hiiraan ee Kenya xili xaflad loogu sameeyey halkaas m/weynahii hore ee Somaliya Sheikh Shariif oo uu is lahaa reer Hiiraan xiligii dowladii KMG ayey isku dhaceen oo ma u tagi doonaan,waxaase m/weyne Xasan Sheikh iyo Dam Jadiid ka hoos baxday in Sheikh Sharif iyo reer Hiiraan waqtigoodii aan hada la joogin uuna yahay muwaadin Somaliyeed,taasi bedelkeedana m/weynahu jaaliyad ahaan ula kulmi waayaan markii uu Kenya tagay taas oo ku noqotay filanwaa.

Sikasta oo ay ahaataba m/weynaha iyo xisbigiisa doorashadiina hoostey ka soo gashay waqtiguna aad ayuu u yar yahay beelaha dhan oo Somaliyeedna odoyaal iyo duubab cusub uma sameyn karaan,laakinse tii ilaahey waa gooyni hadeysan u bareeri doonin in ay carqaladeeyaan doorashada soo socota,gobolka Hiiraan oo uu m/weyne Xasan Ku soo barbaaray,waxna Ku soo bartay wanaag,ciso iyo sharaf uma taalo waa marka aan xaalada ka deyno borobagaando musharaxiin badan ayaa uga jaanis fiican wax badan degaankii ay doonaan haka soo jeedaano dalka Somaliya.

Hadiise m/weynaha oo baraha internetka siiba goobaha ay Somalidu Ku kulmaan maalinkasta lagu yiraahdo war ninkaan gobolkii uu ka yimid iyo abtiyaashiis maxaa dabadhigayda intuu dhibsaday aan is cafino waqtigii ayaa ika dhamaadee inta siyaasad meel iska dhigo leeyahay Hiiraane sidaas Ku tago waa arin kale iyaduna.

100% m/weynaha Somaliya reer Hiiraan waxaan in dhegaha laga fureyso aheyn kalama kulmi doono intuu masuuliyada qaran sheeganayo,haduuse qof shacab ah noqdo waxuu reer Hiiraan ula mid noqon doonaa kuwii isaga ka horeeyey wanaag iyo xumaanba.

La soco wararkeena danbe iyo hadba siyaasada gabi dhacleyneyso ee m/weynaha waqtigiisa dhamaanayo ee Somaliya iyo xisbigiis halka ay Ku danbeyso next 60 days.Halka safarkasta oo uuba Hiiraan Ku tago m/weynaha hada kedib uuba noqon doono korkortan siyaasadeed iyo olole doorasho oo aysan ujeedo kale.....

isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 2.08 seconds
14,934,367 unique visits