Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Siyaasada TFGda oo meeshii ugu danbeysay mareysa iyo Mogdisho oo.

Wararka MaantaMogdisho,Somalia:(hiranstate.com)- Qaramada midoobay iyo beesha caalamka oo malaayiin dolar ku bixin jirtay sidii ay TFGda awoodeeda u gaarsiin laheyd dalka intiisa kale ayaa ugu danbeyn hada qorshahoodu yahay sidii ay u xoojin lahaayeen maamaul goboleedyada ka jira dalka Somaliya iyo kuwa imaan doona.

Markaad dib u eekto waxii dhacay iyo qaabkii ay siyaasiyiinta Somaliya ku imaan jireen iyo sida midba midkii ka horeeyey u bahdili jiray maadama ay Somalinimadii iyo wadaniyadii aad u yaraatay bal dib u eeg qaabkii lagu soo doortay hogaamiyayaashii ka horeeyey Shariif iyo Farmaajo.




1991 markii ay dowladii kacaanka meesha ka baxday waxaa talada dalka loo dhiibay Ali Mahdi, kedibna waxaa xabad kala hor tagay Ceydiid oo xiligaasi taageero badan ka heystay ciidamadii USC u badnaa ee kacdoonka aan laga fiirsan iyo bur burka maanta jira sababta u ahaa. Ceydiid waxaa lagula taliyey adigaa bedelayee 2 sano bes jaanis sii Cali Mahdi wuuna ugu dhaartay ugu danbeyn oo xabadii uu bilaabay ayuu ku baxay.



Kedibna shir kale oo isla dalkii Jabouti ee Cali Mahdi lagu doortay ayaa hadane 2000 kii lagu qabtay halkaas waxeyna xildhibaanadii iyo duubabkii halkaasi iskugu yimid madaxweyne u doorteen Cabdi Qaasim , isagoo waqtigiisii dhameysan ayaa shir kale lagu dul qabtay kedib markii aduunyadii indhaha ka qabsatay xukumadiisii iyagoo qiil uga dhigay inuu yahay nin ku xiran kooxo diimeedyo, sidoo kale C/qaasim xiligii uu madaxweynaha ahaa waxuu caro kala dul dhacay R/wasaarahii xiligaas jiray waxuuna ku bedelay mid kale .



kedibna maxaa dhacay waxaa la buun buuniyey Cabdullaahi Yusuf oo ugu danbeyn shirkii Kenya labada sano ka socday madaxweyne ka noqday , isagana quwado aan Somali aheyn ayaa garab ku siiyey inuu qabsado magaalada caasimada ah markii caasimadii loo qabtayne waxaa laga horkeenay R/wasaarahii isaga la shaqeynayey si loo cuuriyaamiyo xukumada oo markaasi u muuqatay mid horumar ka sameysay dagaalo badan oo ay la gashay kooxahii xiligaasi ku sugnaa Mogdisho iyo inta badan koofurta Somaliya, Madaxweyne C. Yusuf isla markiiba waxuu xilkii ka qaaday wasiirkiisii 1aad halka uu mid cusub keenay. isla wadanka Jabouti ayaa hadane shir kale marti galiyey iyadoon xitaa la gaarin waqtigii xukumada ku egeyd.

Shirkii Jabouti sida caadada ah marka hogaamiye Somaliyeed la bahdilayo mid kale ayaa la buun buuniyaa waxaana horey iyo gadaal loo buun buuniyey Hogaamiyahii maxkamadahii Islaamiga Shiikh Shariif oo sidaan u maqalnay maxkamadahii wey jabeen dowlada Kenya ayaana xabsi dhigtay waxaa ku soo xigtay Shariif waa madaxweyne Somaliyeed, hayeeshee isagiina qoladii buun buunineysay sidii la rabay uma caawin waxuuna maray wadadii ay mareen kuwii isaga ka horeeyey waxuuna xil ka qaadis ku bilaabay wasiirkiisii 1aad isagoo ugu danbeyn magacaabay midka hada jooga.

Dhamaan hogaamiyayaashii soo maray dalka intooda badan wey ka hoos baxday mid markii xilka laga qaado kan loo dhiibayo isma weydiinayo waxii uu ninkaasi qaban waayey ma qaban kartide waqtigiisa ha iska dhameestee iska daa. waxaa kale oo ay ka sinaayeen xiliga loo baahan yahay horey kama arki jirin hagar daamada reer galbeedka iyo wadamada arimaha Somaliya daneeya.

Halka ay maanta mareyso siyaasadii Somaliya iyo wajiga cusub oo ay yelatay.

Shirka Kenya lagu qabanayo siyaasad ahaan waxaa si weyn loogu baabiyey TFGda shirkasina sidii la rabay ayuu u dhici doonaa sababo badan awkood.

1- Madaxweynaha Somaliya iyo R/wasaare Farmaajo waxey dalka Somaliya ku qaataan bil kasta 100 kun oo dolar oo mushaar ah waxaana bixiya kuwa hada shirka Kenya ugu yeerayo hadiiba ay aduunyadu og tahaya in ay hogaamiyaasha Somalidu mushaarka ay qaataan uu dalkooda ka yimaado maba looga yeereen shirarka lagu qabto dalka dibadiisa, waa laga yaabaa iney idaacadaha ka qeyl qeyliyaan laakinse ugu danbeyn iyagaa hadane idaacadaha inta yimaada qilaafkii waa la xaliyey dhihi doona iyadoon arimaha shirka waxbo laga bedelin.

2-Midkasta waxaa laga hayaa saxiix uu ku yiri awooda dowlada waxaanu gaarsiineynaa dalka oo dhan, taasina maanta umaba baahna cadeyn oo cidkasta wey u jeedaa.

3- Waxaa Mogdisho ka socda qorshe qad cagaaran loogu sameynayo magaalada oo ka caagan dagaalada arintaasne waxaa iska kaashanaya African Unionka oo ay ciidamo ka joogaan Somaliya iyo UNka ma dalkaasi ayaa ah dal xor ah?.

Siyaasada Farmaajo iyo Shariif waxey mareysaa shirkii Kenya Odoyaasha Hawiye ayaa qaadacay iyo wax la mid ah.maadama ay ku fashilmeen iney awooda xukumada gaarsiiyaan dalka intiisa kale dowlada waa ku waajib iney shirkasta ka qeyb gasho, laakinse waa qalad in hal mar dhamaan loo yeero masuuliyiinta dalka ugu sareyso.

Ujeedada ka danbeysa in hogaanka dalka ugu sareeya dhaqaalo xad dhaf ah mushaar loo siiyo halka ay shacabkii dhamaanayaan waa in midkasta oo hogaanka qabto la maamuli karo hadii uu howshii loo dhiibtay ka dhega adeygane in mid kale lagu bahdilo.

Guntii iyo gabo gabadii Xukumada Farmaajo hadeysan kasban karin shacabka Somaliyeed oo aysan awooda Dowlada ku fidin karin dalka intiisa kale maadama waqtiga u haray uu aad u yar yahay oo ay xukumadiisa u muuqato NGO waxaa loo qaatay inuu shaqada iskaka tago si loo soo dadajiyo doorasho cusub si wadanka looga qabto koleyto wiil kale oo Somaliyeed ayaa isagane karaamada uga ciyaari doona isaguba booska uu hada ku fadhiyo waxaa looga qaaday Cumar C/rashiid.

Waa markii ugu horeysay ee xukumad Somaliyeed oo shacabkeeda kasban weysay lagu kor dhiso maamul goboleedyo aduunyaduna u riyaaqaan, laakinse waxey su'aal ka taagan tahay kuwa maamul goboleedyada hor boodayo iyaguna maka faa'ideysan doonaan jaaniskaan?, inkasta oo aysan shacabka Somaliyeed aheyn shacabkii hore waayo dalka Somaliya shacabkoodu waxey ahaan jireen in talisa iyo in loo taliyo maantase nabadoonka waa siyaasi, aqoonyahanka waa siyaasi, hooyada Somaliyeed waa siyaasi, wadaadka waa siyaasi.




Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Muna on April 06 2011 15:18:41
SCW
Wadankii Somaliya wuxuu wada noqday Siyaasi marka waa dhibato wadan wada Siyaasi ah teeda kale dadkii ayaa lakala gadanaayaa oo wax Wadankii ka hadlaayo ma jirto Qaramada Midowdaynah weey rabta sidaan oo waxeey u bahan yihiin wax eey ku qaataan lacag waa yaab Dal dha oo wada Siyasi ah soo maahin in uu burburo allow sahal amuuraha oo u soo gargaar ummadadaada aamiin
#2 | supra footwear on June 27 2011 06:22:24
Adore the new look.supra skytop I enjoyed this article. Thanks for the great writing. I think that you aren't proper. I am assured. Write to me in PM, we will talk.Wow, fantastic, I was questioning the exact same thing. And discovered your website by yahoo, learned a whole lot, now Im a bit clear. Bookmarked and also signed up your rises.cheap supras Maintain us updated.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.31 seconds
14,584,148 unique visits