Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Kedib shaki xoogan oo Ku dhashay beesha caalamka sida aysan dardargelinta howlahii doorashada madaxtinimada Somaliya 2016 iney qabsoonto daacad uga aheyn hogaamiyaasha madasha qaran.

Ayaa hadane waxaa soo baxayo in beesha caalamka howlaha doorashada dhawaan go'aan ka gaarayaan kedib markii ay xaqiiqsadeen inuu jiro tuhun ah heshiis hoose oo dhaxmaray madaxweynaha iyo madaxda kale ee kula jirta madasha qaran si ay mudo kordhin u helaan hayaddaha dowlada.

Beesha caalamka ayaa tijaabadii ugu danbeysay Ku heysa madaxda maamul goboleedyada oo degaanadooda iskaka laabteen marnabana aan ka hadlin iney doorasho dhacdo waxii ka danbeeyey kulan kii ugu danbeeyey sida ay sheegeen ay madaxda madasha ee maamulada goboleedyada kula yeesheen madaxweynaha magaalada Mogadishu.

Caalamku wax dhaqaalo ah uma gacan gelin doono dowlada had a jirto sidoo kale waxey hakinayaan dhawaan dhaqaalaha la siiyo maamul goboleedyada maadaama AY madaxweynaha u raadinayaan mudo kordhin.

Fadlan si degan ula soco warbixinteena Danbe waxa ka raaci doona siyaasada dalka masuuliyiintii la baxday madasha qaranka ee beesha caalamka iyo Somaliweyn iskaka dhigayey iney maareyn karaan Somaliya oo ay doorasho ka dhacdo ayuu yiri mid ka mid ah Somaliya aadka ugu dhuun daloola arimaha Somaliya,halka beesha caalamku horey u sheegeen in aysan Somalidu wax Ku heshiin garin.

Qaabka Ku wada xariiraan madaxweynaha iyo hogaamiyaasha madasha iyo sida ay ugu gorgortamayaan
Danahooda siyaasadeed awadeed maadaama beesha caalamkubtalaabo kasta AY la socdaan oo AY dalka kor ka maamulaan,hadane waxaa soo baxayo shaki xoogan dadka Somaliyeed oo markoodii horeba dano qabiil isku hestay oo aysan jirin wax ay isku raacsan yahiin siweyna u sugayey doorasho dalka ka dhacda 2016 ayey warar sugan waxey sheegayaan in beesha caalamka oo quburo hagto doorashada diyaarisay ay dhawaan.......

Qabiir siyaasada Somaliya siweyn ula socda oo Markeykan ah ayaa laga soo xigtay inuu yiri xili uu Ku sugnaa xerada Xalane"gudoomiyahii baarlamaanka dalxiis ayuu aaday hogaamiyaashii madasha we goboladane madaxweynaha arimahooda telefon ayey Ku dhameystaan doorasho kama hadlayaan waxeyna u muuqataa in la raadinayo mudo kordhin lagu dhawaaqi doono dhamaadka bishan Somaliya iyo caalamkuna ma sugeyn arintaan"

Xitaa hadii madaxweynaha mudada kordhisto waxey shaki ka qabaan sida ay Ku sii jiri karaan hogaamiyaasha madasha,waxaana socda qorshe muujinaya inba lava maarmi doono madasha qaran hogaamiyaasha Ku bahoobay oo iyagu min madaxweyne ilaa hogaamiye gobol loo arko koox isku siyaasad ah.

Wax badan oo saameyn ku yeelan doono mustaqbalkooda siyaasadeed hogaamiyaasha madasha ayaa dhawaan banaanka imaan doona.waa dal ay hogaanka ku hayaan dowlad caalamkii iyaga biilayey doonayo Inay qaldaan,warar sugan ayaa sheegayaan in hogaamiyaasha madasha dhawaan.......

Siyaasada Somaliya maalinba meel ayey soo joogtay hadase waxey u muuqataa mid taladeeda qaabdaro iyo damac waalan oo aan ka fogeyn dano shaqsi awadeed in shacabka Somaliyeed wax badan looga ciyaarayo.

Sida xaqiiqada ah hada beesha madaxweynaha Somaliya uma aragto nin dalkiiisa iyo dadkiisa u naxayo iyagoo siweyn weliba ula socda talaabo kasta uu qaadayo inuu u qaado dhinaca qaldan.
Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.23 seconds
14,934,462 unique visits