Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS:-

JournalHS:- Magaalada B/weyne oo marti gelineysay maalmahii tagay musharaxiintii ugu badnaa ee isku soo taagayo nocyada kala duwan ee kuraasta dalka hadey noqon laheyd xildhibaanimo, madaxweynenimo iyo weliba siyaasada gobolka ayaa waxaa hadane maanta lagu qabtay magaalada B/weyne xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna shaacinayey musharaxnimada kursiga xildhibaanimada baarlamaanka federalka Marwo Nadar Tabaax Maalin oo ah haweeney aad loog ayaqaaano Hiiraan iyo magaalada B/weyne.

Marwo Nadar oo ka mid ah tiro ka mid ah dumar Hiiraan ee sanadkan u sharaxan kursiga xildhibaanimada ayaa ahdane dadweynahii ka soo qeybgalay xaflada oo lagu qabtay Hotelka caanka ah ee Daaru-Salaam kaasi oo ku yaala bartamaha magaalada B/weyne ahne Hotel aad ka heli karto waxkasta hadiiba aad ka tagto qurbaha amaba dalka intiise kale ayaa marti sharaftii ugu danbeyn halkaas kula hadashay si ay ugu soo bandhigto hamigeeda siyaasadeed iyo dadaalka ay la imaan doonto mustaqbalka.

Marwo Nadar ayaa si faahfaahsan sharaxaad uga bixisay sida ay dumarka Hiiraan iyo guud ahaanba kuwa Somaliyeed uga go'an tahay sidii dalkeenu u gaari lahaa horumar maadaama ay ku badan yahiin haweenka amaba ugu horeeyaan bulshada kuwooda ugu daacadsan.Ugu danbeyn waxgaradkii iyo dhalinyaradii amaba hadaan si kale u dhigno qeybahii kala duwanaa ee bulshada ee ka soo qeybgalay shirka ayaa soo dhaweeyey Marwada iyagoo u rajeeyey guul.








Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.12 seconds
11,851,785 unique visits