Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:-

JournalHS:- Siyaasiyiin iyo waxgarad caana oo talo ku soo jeediyey in aan arinta Hiiraan la dheyelsan dalkana loo horseedin 5t5 Somalida kala gaarta, xili bay yiraahdeen aanu marqaati ka aheyn shirkii Madasha in sidii la rabo laga yeelayey kuraastii aqalka sare oo horey u aheyd 52 maantana mareysa ku dhawaad 60 in beelaha qaarkood sidey doonaan u hadlaan calashaa inagaa heyno xilalka ugu sareeya markii ay duubabka dhaqanka Hiiraane dalbadeen 8 kursi in la siiyo Hiiraana leyska dhegatiro, arintaasi cadaalad maahan waxeeyna dalka u horseedi doontaa burbur iyo dagaalo sokeeye, waayo reer Hiiraan arinta hada qosol kama joogto ayeyna yiraahdeen iyagoo xaqiiqada iyo qatarta wadanka ka soo muuqato saadaal aan qumaneyn ka bixiyey.

Mid ka mid ah waxgaradkaan oo ka mid ahaa siyaasiyiin iyo cuqaal Somaliyeed oo dal iyo dibad kala xariiray duubabka dhaqanka Hiiraan maalintii shaleyto aheyd ayaa inagoo xaqiijiyey in ay Somali badan arinta Hiiraan ciyaar ciyaar moodaan laakisne hadii Taangiyada Amisom lagu garaaci lahaa goobaha ay joogaan duubabka dhaqanka Hiiraan iyo hadii lesyka dhaafi lahaaba xaalka Hiiraan SSomalidaa waqtiga laga dilaa maahane waxuu u baahan yahay bey yiraahdeen 3 qodob.

1- In la helo horta dad ay aamini karaan duubabka dhaqanka Hiiraan maadaama masuuliyiinta dowlada u muuqdaan niman dhalinyaro ah oo been badan taasi oo uusan waxkasat oo ay dhahaan duubabku waxbo ka soo qaadin siiba Ugaas Xasan oo iyaga dhan dhali kara qaarkoodna soo dhaweynaya tii yoo midkasta markuu Hiiraan booqanayey masuulkasta isagoo aan waxa u uka hadlayo daacad ka aheyn ayuu intuu dhawr saacadood soo joogo waxuu doono Mogdishu ka sheegi jiray, nidaamka dowligaane ceeb ayuu ku yahay bey yiraahdeen.

2- Dadkii Duubabka la xariiray ee arintaan meel fagaaro ah ka sheegay waxaa ka mid ahaa siyasiga Xasan Abshir Faarax oo siweyn u dareensan in ragaan dowlada horboodaya dhalinyaro u muuqdaan markii uu xaqiiqadii Hiiraan taalay arkeyna waxuu yiri Hiiraan labo gobol ayey u qalantaa ee waa in aan bulshada Somaliyeed la kala geyn amaba xal u cuntama reer Hiiraan lala yimaado.

3- Inta badan Dhibaatada ugu weyn ee siyaasada guud ee dalka ragaadineyso ayaa lagu sheegay qilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Somaliya iyo duubabka dhaqanka Hiiraan, taasi oo hadaanba marka hore ugu ayraan xal loo helin ay arintu noqon doonto iyadoo dalku sidan iskugu dhaxyaacsan yahay in la gaari doono doorasho, hada waxaaba laga hadlayaa shacabka Hiiraan oo wado sax ah ku taagan oo xaquuqdooda raadsanaya laakinse bey yiraahdeen waxaa leyska rabi doonaa cida masuuliyada qaadi doonta dhibaatda dalka ka soo muuqata.

Dhinaca kale warar xaqiiqada u dhaw oo inaga soo gaarayey dhiancyo kala duwan siiba beesha caalamka ayaa sheegaya in waqtiga doorashada ay asteeyeen madasha qaranka iyo gudiga doorashada ay sideeda u dhaceyso oo aan waxbo laga bedeli doonin, laakinse madaxweynaha Somaliya sept/9/2016 uu sida sharcigaa kursiga baneyn doono lama sheehin cida xilka sida sharcigaa uu ugu ogol yahay dastuurka ee sii heyn doonta laakinse waa gudoomiyaha baarlamanka sida muuqato.

Waxaase guul u ah inba aysan hada doorashada madaxtiniamda dalka aysan ku xirneyn waqtiga uu ku egyahay xilka madaxweynaha Somaliya oo ah sept/9/2016 waxii ka danbeeyana looguma yeeri doono jagadaas ilaa uu doorasho ka maro uuna mar kale ku guuleysto sdiuu ugu guuleystay 2012.

Sikastana Somali badan o owalwal ka qabay in ay doorashu hadane markii uu waqtiga madaxweynaha dhamaado dib u dhici doonto oo ay imaan doonto firaaqo dhianca kursiga madaxweynaha, laaksien dadaalada caawa ka socda dhiancyo kala duwan doorashada iyo mudada uu dhamaanayo madaxweynaha waqtigiisa waa la kala qaaday oo waqtiga madaxweynaha waa 4 sano saacadna looguma deri karo.

Go'aankii madasha ee hayadaha dowlada mudadii wey sii heynayaanta waxey ka dhigan tahay dastuur dalku ma leh waxaanu doonaan iska sameyneynaa oo maxaa reer Hiiraan u diidayo iney iyaguna Hiiraan ka dhigtaan 3 gobol oo marka arinta Hiiraan laga hadlayo dastuurka loogu soo boodaa marka kuraasta aqalka sarena saacad saacad leyskugu kordhinayo mudada madaxweynahane afka laga leeyahay wey sii joogayaan sow ma cada in uu dalku sept/10/2016 waxii ka danbeeya hadii uu sheegto xilak madaxweynaha Xasan Sheikh in loo bareeray inuu dalku isku dhax yaaco?

Warbixintaan waxaanu caawa u so ohormarinay maadaama uu madaxweynaha dalka ka maqan yahay waa mid aanu saacado ka hor ka helnay ilo lagu kalsoon yahay sept/9/2016 waxii ka danbeeyana dalka inkasta oo afka laga ilaalinayo weli hadane sida sharcigaa waxaa sii heyn doono xilka Prof Jawaari.

Ogow siyaasada Somaliya saacad saacad ayey isku bed bedeleysaa warar dheeri ah naga filo waqti kasta inagoo bulshada ugu soo bandhigeyna sidey u kala muhiimsan yahiin wararkeena caawa waxaa ugu muhiimsan in la kala qaadayo mudada uu xilkiisa ku egyahay madaxweynaha Somaliya iyo waqtiga doorashada oo doorashada gudiyo ayaa jira shaqona kuma lahah xilak ka dhamaanayo,waxuuse dalku mushkilad aan la dheyelsan karin gali doonaa hadaan madaxweynaha waqti hore loo sii sheegin waayo kursiga siyaasada waa macaan badan yahay oo safaradii dibada ma jiri doonaan iyo roogii casaa ee meelkasta oo uu aado loo dhigi jira gudoomiya JAwaari ayey u badan tahay inuu Caretaker noqon doono mudo ka yar 50 maalmood amaba ilaa dhamaadka bisha oct.

Waan ognahay warbixintaan madaxweynaha Somaliya iyo taageerayaashiisa ma ahan mid ay ku farxayaan, laakisne xaqiiqadii malaayiinta Somaliyeed ee dunida dacaladeeda ku baahsan waxey kaliya hada ka hadlaan sept/10/2016 iyo waxii ka danbeeya markuu xilkaas madaxweynaha Somaliya sii sheegto, halka uu mustaqbalka dalka ku danbeyn doono


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
11,972,993 unique visits