Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; ; Ugandan Music ; ; Djabouti Music ; ; ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; ; Sudanes Music ; ; ; Soomaali Music ; ; Ethiopian Music;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 61,192
· Newest Member: Quadirkl

Welcome

HS;-

News(MOGDISHU, SOMALIYA.WARARKA CAAWA)LABO KA MID AH XUBNAHII 4-TA AHAA EE KU JIRAY LIISKA 135 TA ODAY DHAQAMEED EE KA SOO JEEDAY BEESHA XAWAADLE OO U BAQOOLAYA DALKA KENYA, KEDIB MARKII AY OGAADEEN CAAWA IN DHAMAAN SIYAASIYIINTA BEESHA XAWAADLE EE USHARAXNAA KURAASTA XILDHIBAANIMO NOQDEEN WAX HIIRAAN ISKA XAADIRIYEY IYO KUWA MAALMAHA INAGU SOO AADAN KU WAJAHAN HALKAAS OO GO'AANSADEEN IN LAGU SOO DOORTO MAGALADA B/WEYNE OLOLAHOODANA KA BILAABAAN HALKAAS.

LABADAN ODAY AYAA MAANTA HALMAR KU WAABARIISTAY GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO SHIR JARAA'ID KU QABTAY MAGAALADA B/WEYNE, SIDAASI DARAADEED LABADAN ODAY OO AAN MARKOODII HOREBA JUFOOYINKA AY KA SOO JEEDAAN EE BEESHOODA NABADOONO U AHEYN AYAA MARKII HORE SIYAASIYIIN DANO GAAR AH KA LAHAA KA KEENEEN DALKA KENYA OO AH HALKA AY HADA DIB UGU LAABANAYAAN.

INKASTA OO DHAWAAN NABADOONKII HIIRAAN OO AH MEESHA UU JOOGO UGAASKII BEESHA IYO WAXGARADKA OO DHAN ISKA XAADIRIN WAAYO AY JUFOOYINKA GO'AN CAD KA GAARI DOONAAN,WAAYO NABADOON SIDA DHAQANKA SOMALIDA LAGU YAQAANO WAXEY JUFO HOOSAAD U SAMEYSATAA INUU U DHAXEEYO JUFADAAS IYO UGAASKOODA OO UU UGAASKA BEESHAAS LA SHAQEEYO MEESHII UU U DIRSADONA AADO SIDA HADII BEELO IS DAGAALO XALINTOODA LOO DIRO IYO WAX LA MID AH, WAXII UU UGAASKA BEESHAASI KA JOOG YIRAAHDONA KA JOOGO EE MA AHAN IN AY JUFOOYINKU AQBALAYAAN NABADOONO DEGAANKII UGAASKII BEESHIISA JOOGAY KA CARARAYAAN,WAXII ARINTA 4-TAAN ODAY KU SOO KORDHA LA SOCO WARARKEENA DANBE, XILI UU MAANTA SHIR JARAA'ID KU SHEEGAY GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN IN ODOYAASHA IYO SIYAASIYIINTA REER HIIRAAN OO DHAN YIMAADAAN MAGAALADA B/WEYNE OO AH GOOBTA AY REER HIIRAAN XILDHIBAANADOODA KU SOO XULAN DOONAAN.WALOW WARARKA QAARKOOD DURBABA SHEEGAYAAN IN MID KA MID AH 4TA ODAY HIIRAAN AADAYO MAALMAHA INAGU SOO AADAN..

( B/WEYNE,HIIRAAN, SOMALIA SEPT/7/2016) HIRAN GOVERNOR YUSUF AHMED HAGAR REJECTED JOWHAR CONFERENCE,AND SEND CLEAR MESSAGES FEDERAL GOVERNMEMT AND INTERGOVERNMENTAL AUTHORITY ON DEVELOPMENT (IGAD) WATCH THIS VEDEO
>
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo magaalada B/WEYNE ku qabtay shir jaraa'id maanta ayaa sheegay in uusan shirka la sheegayo inuu Jowhar ka furmayo uusan quseyn bulshada Hiiraan,dhinaca kalena sheegay in xildhibaanada dowlada federalka ee soo socota uga qeyb galayo reer Hiiraan lagu soo dooranayo magaalada B/WEYNE oo ay ku sugan yahiin duubabka dhaqanka Hiiraan UGUNA DANBEYN DOONAAN WAXKASTA DUUBABKOODA DHAQANKA HADEY YAHIIN KA MAAMUL AHAAN IYO SHACAB AHAANBA. waxuuna yiri gudoome Dabageed " reer Hiiraan meel ka baxsan Hiiraan oo lagu soo xulayo xildhibaanadooda ma jiri doonto Hiiraan ayey reer Hiiraan ku soo dooranayaan masuuliyiinta u galeysa dowlada cusub 2016"gudoomiye Yusuf Ahmed Hagar oo ay Somalidu u taqaano (YUSUF DABAGEED) ayaa maanta gaaray magaalada B/WEYNE isagoo ay safarkiisa ku wehliyeen qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Hiiraan sida kan degmada Jalalaqsi,waxgarad,siyaasiyiin,qurbajoog iyo masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo maalmahii tagay ku sugnaa magaalada Mogdishu, kuwaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada B/weyne.

Wararkii ugu danbeeyay oo aanu Hiiraan ka heleyno ayaa sheegayo in ay waftigii uu hogaaminayey gudoomiyaha ay booqasho ugu tageen duubabka dhaqanka Hiiraan Waxaana hada magaalada B/weye ka socda kulamo muhiim ah la soco wararkeena danbe .....


HS;-(LONDON,UK)Wakiilka Qaramada Midoobey u jooga Somalia Ambassador Mecheal Keating oo qudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Somaliya iyo arimaha doorashada 2016 caalamka ugu sheegaya maalmaha inagu soo aadan magaalada London, waxaan si horu dhac ah qoraal kooban bulshada Somaliyeed ugu sheegnay in dalka Somaliya loo diyaariyey Plan B, xili laga cabsi qabo iney dagaalo sokeeye oo wajiyo badan qaarkoodna ay ku lugyeelan doonaan urur goboleedka ..... laga cabsi qabo iney dalka ka qarxaan dhawaan, waa sida ay dowalaha deeqda siiya Somaliya iyo malaayiin Somaliyeed hada uga muuqato siyaasada ka jirta dalka Somaliya.

OGOW SOMALIYEY
Ogow Somaliyey siyaasada caalamka lagu maamulo ma ahan mida mediyaha laga sheego amaba markaas shir ay dhawr qofood iskugu timid lagu sheego waa in ay dad badan fahmaan sidaas, hadii aad intaas fahamto kuma jahwareereysid siyaasada maalin laha ah ee ka jirtay dalka Somaliya 4 tii sano ee ugu danbeysay amaba ina dhaaftay.

Waxaan si gaar ah ula hadleynaa shaqsiyaadka rajada ka leh siyaasada dalka ee ku cusub siyaasada Somaliya amaba inta horey siyaasada u galay wax badan ka qaldameen doonayana inuu hada saxo isagoo metelaya beeshiisa, degaankiisa amaba shacbaka Somaliyeed. waa muhiim in aad noqotaa mid ficilada uu qaadayo ay miisaaman yahiin kuna xiran bulshada uu markaasi doonayo inuu metelo.

Weliba si hoosena ula socdaa hadba heerka ay mareyso siyaasada beesha caalamka maadaama aanu nahay dal ay ka taliso dowlad hadalkeedu dhaafsiisneyn Mogdishu oo ay xitaa amaradeeda aysan u hogaansameyn maamulsdii dowlada federalka xubnaha ka ahaa sidaasi ay tahayna dalka Somaliya madaxdooda laga biilo dibadaha ciidamo ajnabi ahne ilaalo ka hayaan, hayeeshee Somalida shireysa iyaga iyo shacabkooda ayaa leys tusayaa maahane, arimaha hada socda dad badan waxey ogaan doonaan markii uu shirkaan madasha soo dhamaado oo laga soo saaro qodobo Somalida isku dirayo oo sii kala fogeynayo hada ka horna waa dhacday,markaas kedib ayaan wajiga labaad ee arimaha Somaliya wax ka qori doonaa si ay siyaasiyiin badan u qancaan in dalka Somaliya loo diyaariyey.........

Markaan siyaasiyiin Somaliyeed leenahay ulama jeedno qaab qabiil amaba deegaan gaar ah ,laakinse dib u xasuuso qoraaladii aanu ka diyaarinay xiligii Farmaajo ee shirarka joogtadaa sidan oo kale Mogdishu, Nariobi iyo Kampala uga dhici jireen isabuuc ka hor ayaanu bulshada u sheegnay in dalka Somaliya arinteeda dhinaca ay markaasi aheyd mid ka duwan u dhici doonto loona jiheyn doono , kedibna waxii dhacay isma saxuusineyno hada.

HOGAAMIYAASHA MADASHA QARAN
Hada midaas waqtigaas wey ka daran tahay, waayo caalamka iyo umada Somaliyeed waxaa u muuqda oneway or another qodoba kasta oo ka soo baxa madasha hadaan la kala qaadin doorashada dalka ka dhaceysa iyo waqtiga madaxweynaha oo dhamaanayo 4 maalmood kedib waxii ay soo saaraan waxey noqon doonaan qodobo aan u hirgelin sida loo soo saaray arimahan hoos ku qoran awadood dalkuna ugu danbeyn dagaalo sokeeye ma huri doono laakinse tusaale yar ayaan idiin siineynaa si ay wax badan diinku kala cadaadaan.

Horta waa in la fahmo in aanan mucaarad ku aheyn hogaamiyaasha madasha laakinse waxa aan ka hadleyno ay tahay wacyiga lagu jiro iyo marxalada uu dalku marayo,waxaanse muwaadiniin badan oo Somaliyeed u xaqiijineynaa waxii ay soo saaraan raga Mogdishu ku shiraya ineysan meelo badan oo dalka ka mid ah ka shaqeyn doonin.

TUSAALE YAR OO AAD KU QANACDAAN AYAAN IDIIN SIINEYNAA SOMALIYEY

Weliba waxaan si gaar ah ula hadleynaa wiilka amaba gebedha Somaliyeed ee aan dalka meelna uga bixin ee ku nool caasimada Somaliya iyo gobolada dalka, walow ay adag tahay in si sahlan looga dhaadhiciyo wax badan oo ay iska heystaan daruufo kala duwan hadane waxaan la hadleynaa intii fursad u hesha iney wax ka ogaato xaalada dalka Somaliya.

Bal intaad maskaxdaada ka shaqeysiiso wax yar waxaad isweydiisaa adigoon meel kale aadin.hogaamiyaasha madasha horta yey metelaan? ma qabiil, ma maamul goboleed, ma umada Somaliyeed, ma dowlada federalka ayey hoos tagaan, mise waa maamul goboleedyo ka madax banaan dowlada federalka intaanba horta waxii ay soo saaraan loo gudbin shacabka Somaliyeed ee aanba miiska wada xaajoodka fadhiyin sida reer Hiiraan oo kale waa iney isweydiiyaan qodobaas ?

Somalidu waxey tiraahdaa Meyd midkeebaa u danbeeyey kan hada la sii sido,Waxaan ognahay in ay dowlada federalka dhawaan dalka dhan ka joojiyeen in la keeno Khaadkii ka imaan jiray dalka Kenya marka laga reebo magaalada Mogdishu uu ka howl galo Xasan Sheikh Maxamud oo loogu yeero madaxweynaha Mogdishu, walow uu isku maleeyo madaxweyne Somaliyeed oo uu dalka dhan gacantiisa ku jiro, hadane amarkaas dhamaantood wey jabiyeen hogaamiyaasha maamulada gobolada xubnaha ka ah dowlada federalka oo magaalooyinka ay maamulaan diyaarado Khaad sido ayaa ka soo degay, caawana Villa Somalitya ayey waxey leeyahiin waxaan u fadhinaa arin ka dhaxeysa Somali oo dhan oo ah misir umadeed.

Bal waxaad isweydiisaa iyagoo aan dowlada federalka ee dalka ka jirta aaminsaneyn cida qodobadii ay ka soo saaraan shirka madasha oo ay weliba uga hadlaan arimo quseeya reer Hiiraan oo aan shirkaas fadhiyin hadey soo saaraan ma is leetahay Hiiraan wuu ka hirgalayaa? Jawaabtu waa maya, intaas ha idiinku filnaato in aysan shirka madasha wax Somali anfacayo ka soo bixi doonin, ruwaayadan caawa la jilayey ee Maxamed Cabdi Afeey ayaa arin Hiiraan iyo Sh/dhexe Jowhar u tagay meesha ay ku danbeyn doonto waxaan kalka hadleynaa qeybteena hoose iyo arimaha IGAD.

URUR GOBOLEEDKA IGAD EE KA HOWLGALA SOMALIYA


Arinta IGAD waxaan ku soo koobayaa qeybtaan kaliya sedax qodob 1-Dowlada Ethiopia oo ay hada wadankeeda ka socdaan dibad baxyo dalkeeda ma dooneyso iney hada qeyb ka noqoto arimaha Somalida iyo murankooda laguna shaambadeeyo dhinac gaar ah.

2- Dowlada Jabouti diyaar uma ahan iney mar kale aragto dhiig Somaliyeed oo daata waxeyna iyaduna qaadan doontaa go'aanka Ethiopia oo kale.

3- Ugu danbeyna waxey caalamku arki doonaan markaas waxii ka danbeeya amaba dib ugu laaban doonaan warbixino badan oo ay horey uga heleen ururka midowga Africa maadaama uu iyagu hoostago ciidamada Amisom ee ka socda dowladaha IGAD dowkadahaasne uu dalka Somaliya wakiil uga yahay Maxamed Cabdi Afeey oo badanaa warbixinada Somaliya u gudbin jiray IGAD ugu danbeyna waxaa la ogaan doonaa warbixinada qaarkood ineysan aheyn wax aan jirin waxuu aaqirka ku waayi doonaa shaqadiisa weyna ogyahiin shacabka Somaliyeed ee gudaha dalka ku nool ciidamada shisheeyaha ee dalkooda jooga ayey ka cabsanayaan maahane in uu wakiilka IGAD ee Somaliya u joogo halkaas qaab Businessman ah oo kale ugahsaqeysto, oo waxuu doonayaa inuu hanti badan mushkilada iyo dhiiga shacabka Somaliyeed ka sameeyo malaayiin dolar si uu doorashada dalka Kenya ee soo socota uga qeyb qaato warbixintaan markii uu dalka Somaliya dagaalka sokeeye ka dilaaco waa mida ugu horeysa ee gaari doonta Xafiiska Qaramada Midoobay ee New York iyadoo ku qoran 3 luqadood, waxaanse la sugayaa waqti munaasib ah, walow aan halkaan qeyb qeyb ugu soo daabaci doono oo aan la sugeyno banaanbaxyo waaweyn oo dalka Somaliya dhawaan gil gili doono oo abaaulkooda laga dareemayo meelo badan oo dalka ka mid ah.weliba dhaqaalaha midowga Africa.............
.

UGU DANBEYN DOWLADA FEDERALKA

Sidoo kale dowladan caalamkii dhisay ee lacagta ku bixiyey iney shaqeyso 4 sano oo dastuurka ku qoran intey meel fagaaro ah soo istaagaan hadane ma dhihi karaan madaxweynaha ayaan ku raacnay inuu xafiiska sii joogo mudo hebel, waayo dastuurka ma qorayo inuu madaxweynaha xilka hayo 4 sano iyo 5 maalmood, ee waxuu sheegayaa 4 sano oo ka bilaabaneysa sept/10/2012 kuna eg sept/10/2016 oo madaxweynahu haduu isagu waqtigiisa ka faa'ideysan waayey dalkana ugu faa'ideyn waayey mudo 4 sano ah arintaas Somalida maanta nool uma taalo caalamkuna waaba kan aanu ka hadleyno ee diyaarinaya Plan B. si...... ..Weliba madaxweynaha waxaa ku socda baaritaano dhinaca hantida ah sida warar sugan oo horudhac ah aanu ku heleyno, walow aanan weli helin magacyada madaxda kale ee dowlada ka mid ah isaga inuu baaritaan ku socdo%90 waa la hubaa hanti muuqato iyo mid qarsoonba. dabcan arintaan markii ay dad badan aqriyaan maanta badankood lama yaabi doonaan jiritaankeeda, waxaase macquul ah iney isweydiiyaan sida aanu ku ogaanay......madaxweynaha waxaa daba dhigtay hayaddo waaweyn ayna ka mid yahiin..........

Ugu danbeyn hogaamiyaasha madasha qudhoodu wey ogyahiin in loo baahan yahay in la kala qaado waqtiga madaxweynaha oo ku eg sept/10/2016 iyo doorashada jadwalkeeda oo aan shaqo isku laheyn, madaxweynahuna isagu sabab u yahay inuu sidan waqtigiisa ugu dhamaado, lana eego danta caamka ah ee umada Somaliyeed oo aan mar kale sharciga awalba horey loogu tuntay hadane shrika hada loo fadhiyo oo ah kii ugu danbeeyey lagu soo gunaanadin in mar kale lagu tunto, madaxweynahuna si sharaf leh maalinta sabtiga masuuliyada iska wareejiyo hadii kale markii ay shacab badan oo hada nool dhintaan ayuu wareejin doonaa doorashadoon la gaarin, wax badan ayaa hada qabatin leh shacabka Somaliyeed ha laga daayo qamaarka siyaasadeed ee lagu ciyaarayo wey iska catahay rag uu watigooda dhamaaday oo ku dhawaaqay iney yahiin musharaxiin ineysan dalka Somaliya hogaankiisa sii sheegan karin.......


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.05 seconds
6,672,543 unique visits