Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 61,573
· Newest Member: MerdarionOa

Welcome

HS;-

NewsHS;- ( MOGDISHU SOMALIYA WARARKII UGU DANBEEYEY) ISKA DABA WAREEG DHEER IYO XAALAD CAKIRNAAN AH OO UU DALKA SOMALIYA GALAY AWADEED, KEDIB MARKII UU DHAMAADAY WAQTIGII MADAXWEYNAHII SOMALIYA XASAN SHEIKH MAXAMUD,AYNA SIDA MUUQATO KU FASHILMAY GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA JAWAARI INUU LA WAREEGO MASUULIYADA, MAADAAMA AYSAN DALKA KA JIRIN MAXKAMAD DASTUURI AH OO AWOOD IYO SHARCI ISTICMAALI KARTA, WARARKII UGU DANBEEYEY EE AANU KA HELEYNO MOGDISHU SI LOO BAD BAADIYO DOORASHO IN AY DALKA KA DHACDO WAXAA ARIMAHII DOORASHADA 48 SAAC GUDAHOOD LA WAREEGAYO BEESHA CAALAMKA.

SIDOO KALE HOGAAMIYAASHA MADASHA AYAA BILAABAY INEYSAN XASAN SHEIKH U IXTIRAAMIN SIDII HORE IYAGOO U ARKA INUU WAQTIGII KA DHAMAADAY OO UUSAN MUDNEYN INUU SHIRKA MADASHA SHIR GUDOOMIYO, SOMALIDA QARRKEED WAXAABA LAGA YAABAA INEYBA NAFTOODA KU MADA DAALINAYAAN SHIR AY ISKUGU IMAANAYAAN MADAXWEYNAYAASHA IGAD AYAA MOGDISHU KA DHACAYO IYO WAX LA MID AH. MALAHA HOGAAMIYAASHA IGAD BEEN AYAA LOO SHEEGAYAA OO WAXAA LAGA QARINAYAA FOWDADA SIYAASADEED EE MAANTA TAALO XARUNTA VILLA SOMALIYA.

IN AY XAALADA SIDEY HADA TAHAY KA SII XUMAATO MOOYAANE MA MUUQDAAN CALAAMADO MUUJINAYA INUU XILKA SI SAHLAN OO NABAD AH KU WAREEJIN DOONO MUSHARAXA MADAXWEYNAHA SOMALIYA AMABA MADAXWEYNAHII HORE EE SOMALIYA XASAN SHEIKH MAXAMUD.

WAA MACQUUL IN AY DAD BADAN DHIBSADAAN QORAALADAN SIIBA TAAGEERAYAASHA MUSHARAXA XASAN SHEIKH AMABA MEDIYAHA LACAGTA UGA QAATAY IN AY XASAN SHEIKH MAXAMUD OO AAN MADAXWEYNE SOMALIYEED AHEYN U QORAAN TITTLE-KA MADAXWEYNAHA SOMALIYA DABCAN WAXEY JAHWAREER GELINAYAAN DALKOODA IYO DADKOODA IYAGUSE MA OGA. XASAN SHEIKH WAXUU MADAXWEYNE SOMALIYEED AHAA MARKII UU SAWIRKA HOOS KA MUUQDA UU LA GALAYEY MADAXWEYNAHA MAREYKANKA ADUUNYADUNA DIYAAR ULA AHEYD INEY SOMALI WAX U QABATO,

MAANTA IYAGOO MOGDISHU LA JOOGAAN CAALAMKII SIYAASADIISA INDHAHA AYEY KA DAAWANAYAAN OO WAXEY KALIYA HADA KU DADAALAYAAN SIDII LOO BAD BAADIN LAHAA DOORASHADII DHICI LAHEYD 2016 OO HADII AY MAR KALE DIB UGA DHACDO WAQTIGEEDA UU DALKU ISKU DHAXYAACI DOONO AMABA UU FOWDO LUGAHA LA GELI DOONO, XILI AY XEERO IYO FALDHAAN KALA DHACEEN AYUUNA MEDIYAHA KA QEYL QEYLIN DOONAA GUDOOMIYAHA BAARLAMANKA JAWAARI IYO QAAR BADAN OO HADA KA AAMUSAN WAX BADAN OO HADA JOOGA IN LAGA HADLO WAQTI HORE OO AH SIDII MUSHARAX XASAN SHEIKH WAQTI HORE LOOGA WAREEJIN LAHAA XILKA AMABA MASUULIYADII QARAN EE UU BULSHADA U HAYEY OO SIDA SHARCIGU DHIGAYO DHAMAATAY MAALINTII SHALEYTO AHEYD WAREEJIYO.

WAAN OGNAHAY QOFKA AFRICANKA AH MARKUU MADAXWEYNE NOQDO KURSIGA SAHAL UGUMA DEGO HADUUSAN AHEYN QOF MARKAAS WADANI AH OO DALKIISA IYO DADKIISA U NAXAYO,RUNTA OO WAQTI HORE LA SHEEGO WAXEY DAAWO U TAHAY BAD BAADADA DALKA IYO DADKA SOMALIYEED, HOGAAMIYAHII SHARCIGA KU TUNTANE ISLA SHARCIGAAS AYAA MAALIN UUN QABANAYO WAANA WAXA MAANTA HEYSTA MUSHARAX XASAN SHEIKH MAXAMUD, LET'S HOPE INUU DALKA U TANAASULO OO XILKA WAREEJIYO DOORASHANE ISKU DIYAARIYO.SIYAASADA DALKA VILLA SOMALIYA AYEY KA QALDAN TAHAY ILAA TAAS XAL LOO HELANE INTA KALE MA......WAXAANSE XILDHIBAANADII DOORTEEN XASAN SHEIKH 2012 IYO INTII MOOSHINADII KALA DUWANAA DHAQAALAHA UGU QAATAY EE DALKEENA 4 SANO KEDIB INUU SIDAN KU DANBEEYO GAARSIIYEY U DAAREYNAA MAANTA HEESTAAN AY KU LUQEEYAAN KOOXDA SHEGO BAND EE UU MAGACEEDU YAHAY (HOOBAA HILOOW LOO BOGA IYO BEERKAA I DULEELO...) OO IYADU SIYAABO KALA DUWAN LOO FASIRAN KARO MARKII AAD DHAGEYATO.WELIBA MIRAHA HEESTA QEYBTA UGU DANBEYSA WAXAA KA MID AH ( OO CIIL I QABAYOO MIDAAN CALMADAA I CIISHEE) HADII HEESTAAN LOO WEECIYO MARXALADA UU DALKEENU KU SUGAN YAHAY SHACABKA SOMALIYEED WAXAA MAANTA CIILAY KUWII GOLAHA SHACABKA INEY WAKIIL UGA YAHIIN LOO SOO XULAY OO SHAQADOODII QABSAN WAAYEY....DAAWASHO WACAN



UGU DANBEYHN SI LOO YAREEYO QASAARASAHA IYO DIB U DHAC SIYAASADEED OO HOR LEH OO UU DALKU 4 SANO OO HOR LEH GALO INTA LAGA GAARAYO 2020 WAXAA HADA LOO BAAHAN YAHAY SI WELIBA DEG DEG AH HADII DALKA IYO DADKA SOMALIYEED LOO NAXAYO LOONA SAMEEYO WAXA LOO YAQAANO (damage control) XALKA WAXUU KA DHAW YAHAY KALIYA 4 QODOB OO LAGA YAABO IN MAANTA LA DHEYELSADO AAQIRKANA AAN LAGA FURSAN DOONIN IN LAGU DHAQAAQO.

1-MAADAAMA MADAXWEYNE XASAN SHEIKH WAQTIGII SHARCIGA AHAA KA DHAMAADAY INUU XILKA SI SHARAF LEH UGU WAREEJIYO GUDOOMIYAHA BAARLAMANKA ISAGUNA XILKAAS HAYO INTII MADAXWEYNE SOMALIYEED LAGA SOO DOORANAYO, HADII UU RAJO KA QABO SIYAASADNA DOORASHO XALAAL AH ISKU DIYAARIYO MADAXWEYNAHA UU HADA WAQTIGA KA DHAMAADAY XASAN SHEIKH MAXAMUD.

2- MAADAAMA WALI LA ISTICMAALAYO DASTUUR KMG AH OO AAN AFTI DADWEYNE MARIN WELI, WAA MUHIIN DALKA SOMALIYA DADKIISU WAA 10 MILLION OO KALIYA MANA XAMILI KARAAN LABO AQAL MID HOOSE IYO MID SARE IN AQALKA HOOSE OO KALIYA ILAA MUDO INTA DASTUURKA DALKA LAGU QEEXAYO MIDKA AWOOD BADAN AQALKA SARE IYO MIDKA HOOSE IN LAGA DAAYO BULSHADA WAAYO DHIBAATO XOOGAN OO MIDA HADA TAAGAN KA DHIB BADAN AYAA LAGALA KULMI DOONAA OO MAALINKASTA MURANKA XILDHIBAANADA LABADA AQAL MA DHAMAAN DOONO, TIIYOO AY SOMALIDU WELI WAX KU QEYBSADAAN NIDAAM QABIILI AH.

3-MAAMUL GOBOLEEDYADA AAN WELI DHISMIN LALA SUGO DHISMAHOODA DOWLADA CUSUB EE IMAAN DOONTA 2016 IYO WAXII KA DANBEEYA INTA KA HOREYSANA BULSHADA LOO QABTO SHIRAR DIB U HESHSIISIINEED OO DHAB AH GUDIYO ARINTAAS QAABILSANA LA DHISO.

4- MAADAAMA UU WAQTIGA HADA LA HEYSTO AAD U YAR YAHAY IN AANBA LAGA HADLIN WAX KA BAXSAN DOORASHADA LAGU WADO INEY DALKA KA DHACDO 2016, IYADAASNE LOO DIYAAR GAROOBO XOOGANA LA SAARO SIDII AY KU QABSOOMI LAHEYD. HADII DALKA IYO DADKA SOMALIYEED LOO NAXAYO MEEL KALE OO AANU ISLEENAHAY XALKA WUU KA DHAW YAHAY MA JIRTO MARKII AANU SOMALI BADANKEED SIYAABO KALA DUWAN U WAREYSANAYA 4 TAAN QODOB AYEY JAWAABTOODII KU SOO ARUURTAY.

ALLAAH AYAASE GARAN HALKA UU NAGA JIRO XALKA DHABTA AH,WAA UUN SIDEY NALA TAHAY BULSHADA BADNAKEEDNA LA TAHAY IN LAGU YAREYN KARO DHIBTA HADA TAAGAN IYO IS MARI WAAGA KA DHAX JIRA SOMALIDA MOGDISHU JOOGTA MAGACII AY DOONAANBA SHIRARKA HAKU FADHIISTAANO AMABA KUWO SHIRARKAAS AANBA GOOBJOOG KA AHEYN DUSHA KA DAAWANAYO WAXA SOCDA HA JIRAANE WAA MUHIIM IN DALKA LOO NAXO OO AYSAN MAR AKEL 2016 ILAA 2020 AYSAN HADANE NOQON 4 SANO OO HOR LEH OO LAGA QASAARIYO SHACABKA SOMALIYEED.


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.03 seconds
6,948,460 unique visits