Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

TFGdu awood intee la eg ayey u leetahay iney shaqada ka joojiso wakiilka qaramada midoobay?

Wararka MaantaSomalia: (hiranstate.com)- Shirka Kenya oo horaantii isbuucii hore ku bilaawday jawi degan ayaa hada u muuqda mid waji hor leh yeeshay. Sida muuqata waxey hada kubadu u wareegtay dagaal si toos ah ugu dhaxeeya dowlada Somaliya iyo wakiilka qaramada midoobay.

Wakiilka qaramada midoobay hadii uusan heysan wax wada shaqeyn ah oo kala dhaxeysa hogaanka dalka ugu sareeya suuro gal ma tahay inuu dalka Somaliya cag soo dhigo? su,aashaani ayaa waxaa laga bixiyey aragtiyo kala duwan. Dadka qaar waxey leeyahiin waxaa si toos ah shaqada ugu ceyrin kara xukumada Somaliya oo awood u leh iney soo saarto baaq uusan wadanka ku iman karin, laakinse waxey dhinaca kale sheegeen maadama hogaanka dalka ugu sareeya mushaarkooda ay bixiyaan wadamo aan Somali aheyn hada laguma dhiran karo arintaas ayey leeyahiin qaar shacbaka ka mid ah.



Qaar kale waxey leeyahiin shirka Kenya wax badan kama soo bixi karaan ugu yaraan Faroole iyo Shariif Hasan ayaa siyaasadahan cusub ee dalka ka jiro ku midoobay si ay dantooda gaarka ah uga dhax fushadan fursadahaan hada taagan.

Qaar waxey leeyahiin hadii shirku yahay mid wadatashi ah inta hada loo yeeray miyey taalda Somaliya ka godaa oo xaguu ka shaqeynayaa waxii ka soo baxo ma degaanadooda oo kaliya? ayaa ka mid ahaa jawaabaha inaga soo gaarayo shacabka Somaliyeed qaarkood intooda ku xiran webkan Hs.com.

Xaqiiqadu waxey tahay in hogaanka dalka ugu sareeya dhihi karaan kuma qanacsanin wakiilka qaramada midoobay si loo bedelo midka hada jira. dadka qaarkii ma dhaliilayaan oo kaliya wakiilka qaramada midoobay ee waxey dhaliilayaan wadanka Kenya oo xitaa iyagoo og in qilaaf soo kala dhax galay wakiilka qaramada midoobay iyo masuuliyiinta TFgda hadane shirka inuu ka dhaco wadankooda ogolaaday oo waliba labada R/wasaare ee Somaliya iyo Kenya ay wada kulmeen maalmo dhaweyd.

Inta badan shacabka Koofurta Somaliya ayaa qaba in shirkaasu uusan iyagu quseen ee lagu heshiisiinayo inta looga yeeray oo kaliya, shacabkaasi maahan iney taageerayaan go,aankii dowlada laakinse waa kuwo qaarkood iska dhax arki waayey shirka iney ka qeyb galaan oo hadii lagu casuumi lahaa iyagaa kuwa hada lagu casuumay kaka dheereyn lahaa.

Hadaba bal dib u jaleec qaar ka mid ah shacabka koofuta Somaliay iyo fikirkooda rasmiga ah intii aanu waqti u helnay.

Mogdisho iyo nawaaxigeeda.

Shacabka Mogdisho awood badan uma lahan iney ka hadlaan siyaasada waxeyna intooda badan la xarbinayaan sidii ay nolol maalmeedkooda u heli lahaayeen mararka qaarkood ayey jaanis u helaan idaacadaha maxliga ah iney dhageystaan iyagoo aan kala jecleyn waxa laga siidaayo maadama aysan marnaba ka maqleyn gar gaar haloo fidiyo shacabka iyo Mogdisho waa nabad ee dib ha loogu soo laabto iyo wax la mid ah. laakinse waxaa jira tiro yar oo dhinacii la doono loo isticmaalo maalina waxaa loogu yeeraa nabadoono. malina wadaado. maalina siyaasiyiin waxeyna idaacadaha ka sheegaan hadba siyaasada markaasi ay dhaqaalo ku qaataan sidii ay uga socodsiin lahaayeen shacabka geedaha hoosti ku dhiban.

Sh/dhexe iyo nawaaxigeeda.

Shacabka ugu badan gobolkaasi waxey kunool yahiin magaalada Jowhar waxii ay aaminsanaan lahaayeenba cid wax weydiisay ayaanba jirin intii aan la kulanayna waxey jawaabtoodii noqotay awal maanu heysanay cid noo naxeysa TFgda, Shabaab iyo qaramada midoobay intuba wax naga galay ma jirto dalkaane ilaah ayuu qabaa oo hadiiba la bad baadinayo Shabaab degaankii uu madaxweyanaha Somaliya ka soo jeeday ma heysteen hadiiba dal iyo dad laga naxayo ayey jawaabtoodii ku soo aruurtay.

Shacabka Hiiraan

Shacabka Hiiraan waxanu jaanis u helnay inta badan taageerayasha Hiiraan State iyo qaar ku fikir ah kooxo diimeedyada xooga ku heysta Hiiraan oo ay ugu horeeyaan Shabaab, waxeyna jawaabtoodii noqotay mid iskugu jirtay fariin ay u dirayeen masuuliyiinta Hiiraan State iyo mid ka turjumeysay siyaasada wadanka ka jira iyo shirka Kenya.

Qaarkood masuuliyiinta Hiiraan State ayey ku dhiiragalinayeen ineysan shirka Kenya ka qeyb galin casuumid iyo casuumid l,aanba. laakinse waxey qabaan in TFGda lagula xisaabtamo danta guud ee ka dhaxeysa umada Somaliyeed oo ay qeyb ka yahiin reer Hiiraan. qaarkood waxey leeyahiin inta ay TFGdu dagaalka kula jirto wakiilka qaramada midoobay yaan la mucaaradin dowlada fedralka laakinse marka qilaafkaas dhamaado ha lala xisaabtamo oo yaan hada iyaga lagu mashquulin inta ay shisheeyaha hagardaamadooda meel ka saarayaan taas ayaana Somalinimadu ku jirtaa ayey ku cel celiyeen.

Qaar kale oo fikirkaas mid ka duwan qaba waxey leeyahiin TFGii iyo Shabaaba waxbo isma dhaamaan wadankane dan kama leh marka reer Hiiraan dantooda haka raacdaano ayey leeyahiin.

Galgaduud iyo shacabkooda

Galgaduud waa gobol u baahan waqti badan in lag galiyo waana gobol ay ku nool yahiin shacab siyaasad ahaan kala fikri ah waxaana ka jira fikir kala duwanaansho weyn oo la dareemi karo.Shacbaka Dhuuso Mareeb aragti ahaan wey ku faraxsan yahiin in shirka Kenya laga qeyb galo oo waliba dhawr magac lagu tago sida Ahalusuna, Ximin iyo Xeeb, inkasta oo fikirkaasi mid ka duwan uu yaalo magaalada Caabuud Waaq. shacabka magaaladaas iyagu waxey si fiican maalmahi la soo dhaafay ugu xirmeen si toos ah Mogdisho xiriirka kala dhaxeeya Dhuuso Mareebna aad ayuu gabaabsi u yahay laakinse waxey ku mashquulsan yahiin in casuumaadii shirka Kenya ee ururka ay ka tirsan yahiin ee Ahalu suna ay afka iska mariyeen reer Dhuuso mareeb sidaasi daraadeed aysan ku qanacsaneyn waxa Kenya ka jira.

Xaalka Galmudug iyo Puntland

Iyagu saadal uma baahna oo shirka Kenya ayey ku qanacsan yahiin maada iyaga iyo TFGda isku awood laga dhigayo shirkaasi wey faraxsan yahiin uma arkaan in calanka iyo jirintaanooda dowladnimo lagu tumanayo laakinse dad badan oo wax gal ah ayaa dareensan in ay wax qaldan yahiin. waayo Somaliya waxaa horey u soomaray xiligii ay dowlada Ethiopiya joogtay Mogdisho ayey hada ka hor waxey u yeertay mid ka mid ah qabiilada dega Galgaduud wax garadkooda kedibna waxey kula kulantay Addis Ababa qabiilkaasi waxey waxgaradkooda xiligaasi isweydiin waayeen war maxey tahay waxa Somalidii kale leydiinkala soo dhax baxay 84 million oo Ethiopian ah idinkoo qabiil ah danta ay idiinka leetahay maxey tahay mid yiraahdo waa laga waayey maantane kuwa Kenya looga yeerayo waa isla kuwaas ayey shacabka qaarkood ka dhawaajiyeen.

Guud ahaan xaalada Somaliya waa mid cakiran laakinse dadku waxey hada u muuqadaan kuwo isku aragti ka ah shirarka soo socda in lagu qabto dalka gudahiisa maadaama horey loogu fashilmay kuwii hore. shacabka Somaliyeed 5% ayaa hada la nacsiiyey Calanka Somaliya kedib markii ay dalka la yimaadeen Shabaab Calam madow iyagoo amar ku so ragay meelaha ay ka taliyaan hadii lagu arko Calanka SOmaliya iney ciqaabayaan dadka degaankaasi, waxaana maanta gudaha Somaliya laga helayaa shacab badan oo ku leh muxuu yahay Calanka waa maree iyo wax la mid ah.

La soco wararkeena danbe iyo siyaasadaha cusub ee dalka ka curtay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Waayeel on April 11 2011 14:41:23
Very good point. arimaha hada socda meel sare haka eegaano masuuliyiinta Hiiraan State. waxaan soo dhaweynayaa fikirka caafimaadka qaba ee bulshada Hiraan qaarkood ka yimid.

Shariif iyo Mohamed Abdullhi amaba golahiisa wasiirada yaan la fiirin cadowka dusha sare ka maamulanayo dalka bal aanu markaan eegno Somaliyey.

Waxaan xoojinayaa fikirka ay dad badan ka dhawaajiyeen ee ah in dalka gudahiisa lagu qabto shirarka Somalida waliba dowlada ku meel gaarka ah howshaan horseed haka noqdaano wey awoodaane.

Waayeel
#2 | coach outlet on June 02 2011 03:10:27
indows and coach outlet attracted ShuRan slide droplets delighted he suddenly looked up, the Eiffel Tower in Paris, the distance of the beam, and the moment, greeted all had the answer, life of water was Coach Bags born. For a lifetime, natural three Coach Shoulder Bags token. Because he thinks, the water actually happening, week as the Coach Leathers from Paris tower the water of life's appearance, concise, it purity of the lines complete with three home life say I want to Coach Totes at The world famous Coach Business Bags brand BoSiDeng released in Beijing theme static ran
#3 | nike air max on June 02 2011 03:11:22
Thank you for sharing. Great day nicely carried out blogging.nike air max Desire to get cash for blogging? Nice to see you blogging about this very good topic.Did you generate this yourself or did you outsource it? Imp looking for a blog design thats comparable so thats the only reason Im asking.nike air max 2009 Either way maintain up the nice work I was impressed with your content truly...

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.27 seconds
14,613,249 unique visits