Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 61,573
· Newest Member: MerdarionOa

Welcome

HS:-

NewsHS:-( DOORASHADA 2016 IYO BEELAHA SOMALIYEED SIDA AY XILALKA SAR SARE UGU LOOLAMAYAAN)Siyaasada Somaliya ma ahan mid joogto wax looga qori karo maadaama ay saacad saacad isku bed bedelayso hadane waxaanu maalmaha inagu soo aadan waxoogaa bidhaamin doonaa beelaha loo badinayo iney kursiga madaxweynaha iyo kan RW Somaliya sanadkaan qaabkii ay doonaanba ha u maraane ku guuleystaan.


Isbuuc ka hor beelaha aanu saadaalineynay iney sanadkaan labada xil ee ugu sareeya midkood noqon doonaan siiba hadii ay xitaa waayaan xilka madaxweynaha iney heli doonaan kan R/Wasaaraha amaba gorgortan ku geli doonaan codka xildhibaanadooda waxaa ka mid ahaa beelaha ka soo jeeda Bay iyo Bakool amaba Digil iyo Mirifle, ileen hadaan dhahno beelaha ka soo jeeda Koofur Galbeed waxaa degaankaas degan beelo aan Digil iyo Mirifle aheyn oo maamulkaas ka mid ah ama iyagu beelaha Digil iyo Mirifle siyaasadooda meeshii ay aado hala aadeen ama codkooda meel kale ha geeyaano, waxaanse ka hadleyno waa siyaasadaha ka dhaxeeya madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud iyo gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Somaliya Prof Jawaari oo aan marnaba u saamaxeyn in ay beelaha Digil iyo Mirifle sanadkaan gorgortan siyaasadeed dhab ah la galaan beelaha qeyrkood ah ee kale sida Dir, Hawiye iyo Dooraad sida muuqatane gursiga gudoomiyaha baarlamaanka aqalka hoose waxaa lagu wadaa inuu ku soo baxo qof ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle qofkaasi oo aan magaciisa wali dibada loo soo bandhigin ilaa iyo inta laga soo xulayo xildhibaanada Digil iyo Mirifle arintaane xoogiisa dhan ayuu iskugu geeyey sidii ay miro dhal ku noqon laheyd madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud,

Laakinse sida aanu ku heleyno warar xaqiiqada u dhaw oo aanu ka heleyno siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo nu dooneyn in aanu magacooda u adeegsano mediyaha waxaa jira dadaalo xoogan oo uu beelaha Digil iyo Mirifle ka wado gudoomiyahii hore ee baarlamanka Somaliya Prof Jawaari iyo heshiis hoose oo ay sheegeen inuu dhaxmaray isaga iyo Xasan Sheikh kaasi wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno magaalada Baydhabo Janaay ay sheegayaan in uu madaxweynahii hore ee Somaliya ka codsaday Prof Jawaari inuu kala shaqeeyo dhismaha shirka ka furan magaalada Jowhar oo uu booqasho ku tago Sh/dhexe maamulkaasne Jawaari dhismahiisa soo gabo gabeeyo isagane waxaa lagala shaqeynayaa sidii uu gursiga gduoomiyaha aqalka hoose ugu soo bixi lahaa shaqsi ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle kedibna sidaas kaalin muuqato uga qaato hadiiba ay dhacdo inuu Xasan Sheikh Doorashada soo socota ku soo baxona waxiiba siyaasad ah ee ku wajahan beelaha Digil iyo Mirifle uu Xasan Sheikh mustaqbalka uga danbeeyo gudoomiyahii hore ee baarlamaanka federalka Somaliya Prof Jawaari oo hada ka mid ah saaxiibada dhabta ah ee Xasan Sheikh.

Arimahan oo dhan ayaa hadii ay u suurogalaan madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud oo isbuucyadii ina dhaafay dagaal xoogan ugu jiray sidii uu qasab ugu heli lahaa xildhibaanadii Hiiraan iyo Sh/dhexe inuu kusoo xusho magaalada Mogdishu ayaa dhinaca kalena wada qorshe gabo gabo ah oo mesha dhan looga saarayo hamiga iyo rajada weyn ee aan weligood soo marin beelaha Digil iyo Mirifle ee ah iney sanadkaan gorgortan fiican ka galaan labada kursi ee ugu sareysa sida kan madaxweynaha iyo RW waxaana fikirkaan oo ah in ay beelaha Digil iyo Mirifle raadiyaan waxa ay Dir, Hawiye iyo Daarood raadinayaan oo ah labadaas kursi maalmahii tagay waday siyaasiyiin uu horboodayo madaxweynaha koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aden oo xaqiiqadii la dhihi karo Prof Jawaari isagaa beelaha Digil iyo Mirifle uga taageera badan, waxaase hadafka iyo rajada Shariif Xasan meesha ka saaraya dhaqaalaha xoogan ee uu ku doonayo madaxweynahii hore ee Somaliya inuu u adegsado hamiga beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana warbixin xasaasi ah ka soo diyaarin doonaa safarka uu magaalada Jowhar ku tagi doono Prof Jawaari kedib tilaabada u qorsheysan madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh ee ku wajahan beelaha Digil iyo Mirifle.

Dhinaca kale sida aanu ku heleyno warar kala duwan oo ka soo baxayo taageerayaasha madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud waxey sheegayaan maadaama sanadkan doorashada 2016 ay ka qeyb qaadanayaan aqoonyahno badan oo Somaliyeed kuwaasi oo iskugu jira rag iyo dumar beelaha Somaliyeedna ay sanadkan beelkasta keensaneyso rag iyo dumar ay ku aamini karaan mustaqbalka siyaasadooda hadane kalsoonida uu ku qobo inuu taageero ka helo Xasan Sheikh madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aden aad ayey u yar tahay beey leeyahiin taageerayaasha Villa Somaliya ee ololaha u wada madaxwynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh, oo waxey leeyahiin Shariif Xasan waxuuba ka mid yahay musharaxiinta sanadkaan u taagan 2016 amaba isagaa qof aan Xasan Sheikh aheyn heshiis la galay marka Digil iyo Mirifle siyaasadooda Prof Jawaari ayey ka dhaw tahay.

Loolanka hada socda waa macquul inuu waji kale yeesho maalmaha inagu soo aadan waxaase muuqaneysa in ay labada kursi ee ugu sareeya iskugu soo hari doonaan beelo kooban siiba Dir, Hawiye iyo Daarood walow aan siyaasada Somaliya la saadaalin karin oo ay tahay mid maalinle ah, hayeeshee dadka aanu xogtaan ka helnay ee ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle waa dad aad ugu ah wax badan xog ogaal, waxeysa sui'aal ka taagan tahay Prof Jawaari maxuu ku soo siyaadin karaa shirka Jowhar mise ka hor istaagi karaa beelaha Digil iyo Mirifle hamiga ay ku doonayaan iney raadiyaan waxa ay Somaliweyn raadineyso oo ah kursiga madaxweynaha iyo kan ku xiga ee RW?.

Mise oga miyaa Prof Jawaari in hadii ay sii socoto fowdadaan siyaasadeed ee uu dalka ku hayo madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud oo uu Jowhar amaba Sh/dhexe u tago dano siyaasadeed ka turjumaya rabitaanka Xasan Sheikh iney dhici karto inba kursiga gudoomiyaha baarlamaanka iyadoo lagu xumeynayo Xasan Sheikh uu qof reer Hiiraan ah isku soo sharaxi karo sidaasina Somali badan oo ay ugu horeeyaan beelaha Digil iyo Mirifle ku helaan fursad kuna taageeraan fikirkaas?.isku soo duuboo waxaan hadba bulshada u bidhaamin doonaa siyaasadaha markaasi taagan ee aan weli dibada si rasmi ah ugu soo bixin, laakinse Xasan Sheikh waxaa ka go'an inuu sanadkan gudoomiye baarlamanka aqalka hoose ka dhigo qof ka soo jeeda Digil iyo Mirifle si meesha dhan looga saaro waxa uu ugu yeeray riyada ay wadaan Shariif Xasan iyo inta taageerta, walow aanu arimaha qaarkood la sugeyno inta uu Xasan Sheikh ka amba bixinayo Prof Jawaari oo ay inta uusan u baqoolin Sh/dhexe dhawaan wada qaadan doonaan kulan ay albaabada u xiran yahiin oo intooda badan quseeya sdiii Xasan Sheikhna looga saacidi lahaa shirka Jowhar Prof Jawaarina looga saacidi lahaa siyaasada beelaha Digil iyo Mirifle iyo loolanka uu kula jiro Shariif Xasan Sheikh Aden.weliba shacabka Digil iyo Mirifle oo ah dad iska af gaaban qaarkood siiba taageerayaasha Shariif Xasan waxey leeyahiin gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari waxuu ka mid yahay team-ka ololaha u wada Xasan Sheikh,


Sideedaba marka uu socdo loolan siyaasadeed waxaa jira meel lagu kala haro Xasan Sheikh waxuu hada joogaa meeshii uu siyaasada dalka inuu ku guuleysanayo iyo in kale uu ka xaqiiqsan lahaa waxaana miiska u saaraan labo qodob kaliya isagoo loolan adag oo siyaasadeed kual jira siyaasiyiin badan oo aanu ka xusi karno R/wasaarahii hore Cumar Cabdirashiid oo ka mid ah musharaxiinta sanadkaan isku soo taagtay doorashada 2016.

1-Sidii uu gudoomiyaha baarlamaanka federalka ee aqalka hoose u noqon lahaa qof ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle arintaasne marka loo eego dhaqaalaha ku baxayo ee loo diyaariyey iyo dadaalka uu ka helayo qaar ka mid ah beelaha Digil iyo Mirifle oo sida ay sheegayaan shacabka Bay iyo bakool uu hada ka heysto Jawaari iyo xubno aan maagcyadooda weli banaanka la soo dhicin.

2- Iyo qodob labaad oo hada u muuqda mid meesha dhan ka baxayo kaasi oo ahaa inuu Xasan Sheikh isagoo qaldayo gudiga doorashada dadban uu hdamaan xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/dhexe ku soo xusho Mogdishu waxaase arintaan rajo tiray kedib markii ay dhamaan muisharaxiintii reer Hiiraan iska xaadiriyeen magaalada B/weyne ololane ka bilaabeen iyadoona ay ahda rajada kaliya ee u soo hartay madaxweynahii hore ee Somaliya ay tahay inuu xildhibaanadii Sh/dhexe ku soo xusho Mogdishu amaba ugu yaraan intuu boobsiiyo maamul jacbur ah halkaas ku soo xusho maadaama ay marba marka ka danbeysa uu sii xoogeysanayo ololaha doorashada Somaliya ka dhaceysa sanadkan 2016.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,948,461 unique visits