Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; ; Ugandan Music ; ; Djabouti Music ; ; ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; ; Sudanes Music ; ; ; Soomaali Music ; ; Ethiopian Music;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 61,192
· Newest Member: Quadirkl

Welcome

HS;-

NewsHS;-BEESHA CAALAMKA OO WALAAC KA MUUJIYEEN CAGAJUGLEYN IYO HANDADAAD LAGU HAYO MUSHARAXIINTA, SHEEGAYNA IN CAALAMKU AQOONSADO WAXII KA SOO BAXA DOORASHADAN INEY KU XIRAN TAHAY HADBA SIDA LOO XAQIIJIYO INEY TAHAY DOORASHO XALAAL AH, XILI DHAMAAN QAAB MUSUQ MAASUQ AH KU YIMAADEEN WASIIRO BADAN OO KA MID AHAA XUKUMADII WAQTIGEEDU DHAMAADAY

WARARKA CAAWA.


(FARAQA U DHAXEEYA DOORASHOOYINKA KA SOCDA MAGAALOOYINKA,GAROOWE,CADAADO,KISMAAYO, BAYDHABO IYO JOWHAR
MEELAHA QAARKOOD DOORASHO LAGUMA TILMAAMI KARO WAXA KA SOCDA WAXAA LUMAY ANSHAXII, SOMALINIMADII, DOWLADNIMADII, WADANIYADII, DAMIIRKII QOFNIMO IYO............)


HS;-Inta aanan qoraalo kala duwan ka soo diyaarinin hanaanka ay u socoto doorashada aqalka hoose oo aan weli la soo gabo gabeyn doorashada xildhibanadii 2016 bulshada Somaliyeed uga mid noqon lahaa golaha loogu yeero golaha shacabka, walow aysan ku imaan hanaan doorasho oo cod iyo qof ah, hadane magaca ay wataan amaba loogu yeero waa magac qaali ah ( Golaha Shacabka) hayeeshee waxaa doorashada aqalka hoose sanadkan bulshada Somaliyeed badabkood nacsiiyeen wasiiro intooda badan la sheego iney yahiin taageerayaasha madaxweyanhii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud kuwaasi oo aan hada wax xil ah heynin kaliyana iskaka magacaaban tittle amaba jago uu waqtigeedii dhamaaday, hayeeshee waxaa muran xoogan laga muujinayaa wasiiradan qaarkood iney ugu talo galeen labo arimood amaba aan dhahno sedax arimood iney ku fashilinayaan Xasan Sheikh.

1- In aysan sida loo sheego u taageersaneyn Xasan Sheikh bedelkeediina ay fashilinayaan oo aysan daacad u aheyn dalka iyo dadka ay kitaabka u mareen.

2- In aanba loogu talo gelin inuu dalkeenu yeesho dowlad rasmi ah oo umada ka saarta mushkilada ragaadisay.

3- In ay wasiiradaan oo markoodii hore siyaasad ahaan ku xirnaa madaxweynahii hore ee sharciga ahaa waxii ka horeeyey Sept/9/2016, waxii mudadaas ka danbeeyeyne masuuliyad aan jirin bulshada la horjoogay Xasan Sheikh Maxamud iney ogaadeen inuusan soo laabaneyn sanadkaan kedibna si hoose ula xirteen musharaxiinta kale sidaasi daraadeedna ugu talo galeen iney ku fashiliyaan musharax Xasan Sheikh intaanba la gaarin doorashada ka hor.


Dabcan dad badan ayaa la yaaban in ay maanta noqoto hadal heynta ugu badan doorashada aqalka hoose iyo musuq maasuqa hareeyey, waxaanse malaayiin Somaliyeed u xaqiijineynaa hadiiba ay doorashada Somaliya sanadkan fashilinto oo lagu guuleysan waayo ineyba dhacdo magaalada ay ka fashilmi doonto oo mudo lagu halqabsan doono waxey noqon doontaa Jowhar mana ahan wax ay si kutalo gal ah u sameynayaan raga iyo dumarka horboodayo maamulkii dhawaan lagu dhisay magaalada Jowhar ee waa wasiiro uu gabalkoodii dhacay oo bulshada Somaliyeed af xumo, musuq maasuq iyo rajo beel nidaamka dowligaa ku haya kuwaasi oo badankood Villada iney ku xiran yahiin amaba u ololeynayaan Xasan Sheikh u sheegaan iyagoona doorashada nacsiiya inta ay markaas ka go'an tahay iney ka mid noqdaan baarlamaanka cusub.

Tusaale Yar.

Magaalooyinka kale ee dalka ee ay doorashadu ka socoto dhacdooyinka ka dhaca marka maamulka Puntland oo aysan wax badan ka dhicin waxii hada ka horeeyey meel leyska dhigo, Hadane magaalooyinka kale ee ay doorashadu ka socoto waxaa ugu macquulsan Jubaland oo iyadu ugu yaraan wasiirka Tamarta oo laaluush uu doonayey inuu bixiyo uga saareen doorashada kedib markii xitaa ergadii telefoanda laga qaatay.

Sidoo kale magaalada Baydhabo qofkii rumeysan lahaa iyo qofkii ka tagi lahaaba musharaxii ugu horeyey ee qaab musuq maasuq ah lagu soo doorto waxuu ahaa gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Jawaari waxii markaas ka danbeeyne wadadaas ayaa lagu socday oo waa meesha ay dhiragelinta ugu weyn ka heleen xildhibanadii hore iyo wasiirada hada umada jahwareerka ku haya ineyba sahalkaas ku soo laaban karaan.

ugu yaraan waxaaba maanta mediyaha soo istaagay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed marna ah musharax xilka ugu sareeya ee Somaliya Shariif Xasan Sheikh Aden oo sheegay in cidkasta oo wax tabaneyso la qancin doono.waxey dhibaato xoogan ka taagan tahay labadan magaalo Cadaado iyo Jowhar sidii laga yeeli lahaa waxa ka socda.

Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar qofkiiba inta ku dhiiraday inuu tago oo ilaa maanta jooga oo aan dadka degaanka aheyn madooneyno in aanu ku dheeraano qaabdarada meeshaas taalo laakinse waa qof qof ka tagay,waxaanse waxoogaa ka bidhaamineynaa qaab darada meesha taalo heerka ay gaarsiisan tahay hadiiba welito la marayo hoolkii doorashada ayaa nalalkii laga damiyey iyo rabshado ka dhacay ayaa dhawr qof kaliya ku dhaawacmeen weli waxaaba jira ceymo, waxaase muhiim ah meeshey wax marayaan hadaan xal loo helin in sidaan horey u sheegnay ay magalada Jowhar noqon doonto goobta ay doorashada dadban ee heerka federal sanadkan ka burburto hadaan ugu yaraan goobta ay ka dhaceyso doorashada lageyn gudi korjoogto ah ee ka madax banaan Somalida.

Tusaale musharaxiinta ku sugan Jowhar waxey iskugu jiraan rag wasiiro ah oo Mogdishu ka tagay oo hub iyo risaas iyo ciidan xoogan la tagay halkaas kuraastana ku heley iyadoo aysan jirin cid la tartantay amaba soo qorteen liiska 51 kii qof ee iyaga dooran lahaa.Sidoo kale waxa musharaxiinta ka mid ah qaar ka soo jeeda degaanka oo ay beelahoodu hub ku heystaan awoodna u leh iney ergadooda iyaga soo xushaan sida uu sameeyey amaba xildhibaan ku noqday Cabdulqaadir Cosoble.

Laakinse magaalada Jowhar waxaa ku sugan musharaxiin badan oo ilaa maanta aan aqoon cida ay yahiin dadka dooranaya amaba ergadii dooran laheyd,waxaana ka mid ah haweeney lagu sheegay magaceeda Faadumo Khalif Guled oo musharaxad aheyd tan iyo 2004 waana haweenka Somaliyeed kuwoodii ugu ololaha dheeraa, mana ahan haweeney ay taageerayaan kaliya beesha amaba gobolka ay ka soo jeedo ee waa haweeney ay sanadkaan aad u eeganayaan dumarka Somaliyeed iney ka mid noqoto xildhibanada cusub ee baarlamaanka Somaliya siiba aqalka hoose.

Qofkii Rumysan lahaa iyo qofkii ka tagi lahaaba haweeneydaan Marwo Fadumo Khalif waxaa wacad ku maray ineysan baarlamaanka federalka qoondada ay haweenka ku leeyahiin sanadkan aysan iyadu ka mid noqon doonin wasiir ka mid ah......, weliba sida ay shacabka Sh/dhexe qaarkood inoo xaqiijiyeen waxuu wasiirkaas ka mid ahaa xukumada waqtigeedu dhamaaday waxuu gebedhaas ku heystaa ineysan ku xirneyn Villada amaba aysan ka mid aheyn dadka la filayo iney u codeeyaan Xasan Sheikh. waa yaabe sidey ku ogaadeen weliba kursigii kuma guuleysane ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Jowhar oo isagu aad u dareemay in ay haweeneydaan marwo Faadumo Khalif ay taageero xoogan ka heleyso shacabka Somaliyeed siiba dumarka Somaliyeed oo aad u jecel.

Ma hubno iney weli ku sugan tahay magaalada Jowhar maadaama ay 48 hours-kii ina dhaafay musharaxiin badan oo qaarkood u badnaa dumar iskaka tageen halkaas,walow wakiilka QM iyo gudoomiyaha gudiga doorashada dadban ay maanta booqasho ku tageen magaalada Jowhar ma hubno iney musharaxiinta si jamac ah ula kulmeen iyo in kulamadu ku ekaa kaliya xalinta shaqaaqadii ka dhacday Jowhar ee uu sababta u ahaa wasiir ka mid ahaa kuwa xukumadii hore.waxaa macquul ah baa la leeyahay ficilada wasiirada qaarkood ku dhaqaaqayaan iney dhici karto in loogu talo galay in lagu fashiliyo Xasan Sheikh oo ay doonayaan wasiiradaan inuusan doorashada ku soo laaban oo ay siyaasadooda meelo kale ku xiran yahiin isagana ay nacsiinayaan doorashada ka hor bulshada hadey noqon lahaayeen msuahraxiinta iyo shacabka caadigaa intaba.

Marka haweeneydaan oo kale aanu ka hadleyno xitaa hadii ay weli ku sugan tahay Jowhar oo ayba joogto kursiga ay u tartameyso waxaa la qaban doonaa iyadoo aan joogin goobta lagu codeynayo maadaama aysanba aqoon u laheyn 51 ergada wax dooraneyso, mana ahan iyada kaligeed oo waxaan u soo qaadaney iyada tusaale kaliya laakinse waxa Jowhar yaalo ayaaba sidaas ah, hadeysan arimaha qaarkood isbedeli doonin maalmaha kooban ee doorashada ka haray waan ku celineynaa mar kale magaalada Jowhar waxey noqon doontaa goobta laga fashilin doono doorashada guud ee heerka madaxweyne ee dalka ka dhici laheyd, hadaan musharaxiinta Somaliyeed ee dhamaantood dalkaan u dhashay loo muujinin sinaan iyo ineysan musharaxiintu kala fadli badneyn.La soco qeybteena labaad dhinacaas iyo magaalada Cadaado.

Warbixinta dheer ee uu ka diyaariyey musuq maasuqa doorashada aqalka hoose hanti dhawrka guud ee qaranka xaqiiqadii arimo badan ayuu ka xishooday sidan qiyaaseyno inuu ka hadlo, waxaase jira wasiiro haga xildhibaano noqday oo hadii maanta la weydiiyo magacyada ergadii dooratay aan sheegi karin kaliyana isticmaaleen awood dhaqaalo oo loo diyaariyey kaliya saacadii ay doorashada dhaceysay iney soo xaadiraan.

Waxaanse qormadaan ku soo koobeynaa hadiiba uu jiro qof Somali ah amaba ajnabi ah oo yiri hogaanka dalka ha laga wareejiyo sanadkaan beelaha Hawiye qofkaas waa qof dalka u naxay doonayana dowladnimo, waayo adiga bal ka waran wasiir qof muwaadin ah kaliya leh waxaan uga soo horjeedaa Villada kuma xirna qofkaas, ma waxuu siyaasadiisa ku ciyaarayaa musharax Xasan Sheikh mise dadka dowladii jirtay 4-tii sano ee ina dhaaftay ayaa ah dad jidadka laga soo aruuriyey oo sidaas ayaaba ka dhab ah? Jowhar iyo Cadaado taariikh aad u fool xun ayaa ka soo muuqato marka dib loo eego qaabkii loo doortay maalmahii tagay musharaxiinta qaarkood.hadeysa naga yeeli lahaayeen musharaxiinta qaarkood waxaan dhihi laheyn Ilaah baa darajada iyo deeqda bixiyee magaalooyinka aad doorashada u tagteen iskaka taga dalkaan in lagu ciyaaro waa loogu talo galaye.


News Number One

HS;- ( MOGDISHU, SOMALIYA 2016) Beesha Caalamka iyo inta badan maamulada dalka ka jira oo dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay doorashada madaxtinimada Somaliya ugu dhici laheyd xiligii loo mudeeyey oo aheyd 30-ka bishani aynu ku jirno,maxaase ka jira in uu madaxweynahii waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheikh Maxamud doonayo in ay doorashada mar kale dib ugu dhacdo waqtigeeda, uuna doonayo mudo kordhin catiman halkii doorasho laga aadi lahaa?. La soco wararkeena danbe saacadaha inagu soo aadan

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,672,527 unique visits