Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 61,573
· Newest Member: MerdarionOa

Welcome

HS;-

NewsHS;- kulan xarunta Villada ku dhaxmaray madaxweynahii uu waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheikh Maxamud, Cali Cabdullaahi Cosoble oo kulanka abaabulkiisa lahaa kedib markii uu sidaa codsaday madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Godax, Sanbaloolshe, Qoono iyo Samira.

kulankaan oo caawa xili danbe ka dhacay Villada ayaa ujeedkiisa lagu sheekay mid lagu heshiisiinayey Xasan Sheikh iyo Godax iyadoona Godax halkaas lagu gudoonsiiyey waxoogaa.......ah si uusan iskugu soo sharaxin jagada gudoomiyaha baarlamaanka, bedelkeediina loo sheegay in hadii Xasan Sheikh uu guuleysto mar kale la siin doono amaba lagu bedeli doono wasiirkii hore ee amniga Cabdirizaaq Cumar, waayo Xasan Sheikh Godax hamigiisa inuusan dhaafsiisneyn wasiir iyo wasiir ku xigeen ayuu ogyahay oo mudo ayuu la soo shaqeeyey oo Godax waa ninkii loo adeegsaday inuu rido xukumadii uu ka tirsanaa ee Cabdiweli Sheikh Ahmed, cidkasta oo uu siyaasada kula midoobana been ayuu kula joogayaa maahane Godax inuu siyaasada Somaliya heer ka gaaro oo hamiga ku Jira Somali badan oo ah iney haweystaan 3-da kursi ee ugu sareysa midkood isaga Kuma jirto.

Sidoo kale waxaa mudo ku dhawaad saacad ay wararku sheegayaan in laga hadlayey Ugaas Xasan oo si weyn ugu ololeeyey Cabdullaahi Godax inuu kursiga xildhibaanimada helo isagoona xitaa sida wararka ka imaanaya Jowhar ay sheegayaan inuu ergadii dooratay Godax ka diray magaalada B/weyne. Godax oo uu markiisii horeba ujeedkiisu ahaa sidii uu kaliya xildhibaan ku noqon lahaa oo aysan dhab ka aheyn inuu isku soo taagi doono kursiga baarlamaanka waxuu qaatay waxoogaagii laaluushka ahaa, waa gooyni hadii uu Somalida kale uu war kale u sheegayo Mr Godax laakinse Xasan Sheikh oo horey u yaqiiney tayada Godax markii uu ka soo laabtay Ethiopia isla markiiba waxuu Jowhar uga yeeray oo caawa xarunta Villada jooga Cali Cabdullaahi kana codsaday in Godax ka joogo inuu kursiga baarlamaanka federalka isku soo sharaxo.

Heshiiska waxaa ugu weynaa amaba calaacalkii Xasan Sheikh ka mid ahaa qodobo ay ka mid ahaayeen.

Yaan Daarood ley jabin iyo Ugaas Xasan oo isagu Godax xilka xildhibaanimada uu u raadinayey Cali Cabdullaahi Cosoble Kula heshiiyey hadii uu Cabdullaahi Godax soo saaro oo uu xildhibaan noqdo inuu Waa Ugaas Xasane uu isaguna la shaqeyn doono maamulka uu horboodayo Cali Cabdullaahi ee Jowhar lagu dhisay xogta badankeed waa mida Jowhar taalo sidii ay wax u dhaceen mudadii uu socday ololahii Godax ay ku soo saareen wax garad uu ugu horeeyo..., Xasan Sheikh waxuu intii uu caawa la kulmay leeyahay Ugaaskaan meel ha leyga saaro,inagoo warbixin xasaasi ah arintaan ka soo diyaarin doona Ugaas Xasan qudhiisa hadii uu Cali Cabdullaahi heshiis kula galay inuu Godax u soo saaro iyo waxiiyaabahii Ugaas Xasan ku xambaarayey isagoo musharaxiin kale uga eexanayo mr Godax inuu xoogiisa iskugu geeyo sidii uu Godax xildhibaan u noqon lahaa.

Shirka Villada qodobada caawa laga hadlay waxaa ugu weynaa calaacal badan oo laga dareemayey Xasan Sheikh maadaama waqtiga doorasha yahay mid is guraya iyo in Ugaaskaan ku ekaado dhaqanka siyaasadan uu faraha kula jirone laga joojiyo Godaxna la heshiiyo Xasan Sheikh walow laaluushka la kala qaatay warar kala duwan ay ka soo baxayaan maadaama Xasan Sheikh lacagtii uu dalka ka .......hayo

Dabcan hadii ay dad badan maqlaan Godax oo hadane berito B/weyne jooga amaba mediyaha ka dhaleeceynayo Xasan Sheikh maalinta ku xigtana xafiiska Cumar Cabdirashiid olole ka wada dad badan layaab Kuma noqoneyso xogta aanu heyno hadii aanu soo bandhigo qeyb yar oo ka mid ah kaliya."Ugaas Xasan ina Godax Bare aqoonba uma lahan" ayuu yiri mid ka mid ah ragii caawa Xasan Sheikh kula kulmay Villada oo aanu dooneyn in aanu magaciisa xusno.

Cali Cabdullaahi isagu shirkan isagaa soo qaban qaabiyey kedib markii ay isku dhaceen Xasan Sheikh iyadoo la leeyahay sidee Jowhar loogu doortay Godax iyo wax la mid ah.laakinse xaqiiqadii isagu waxuu ciyaarayaa Game oo dhaqaalo ka soo galo xildhibaanada lagu soo xulo magaalada Jowhar in ay ka joogsadaan ma doonayo marka shirkaan Xasan Sheikh intii aan leyskugu imaan waxaa ka horeeyey shir gaar ahaa oo dhaxmaray Sanbaloolshe iyo Cosoble oo si hoose ula shaqeynayo musharaxiin aan aheyn Xasan Sheikh waxeyna labadan siyaas shirka Villada uga qeybgaleen sidii dad badan oo uu Ugaas Xasan ugu horeeya loo tusin lahaa waxii uu shaleyto sheeko Mr Godax ineysan sii Jiri Karin mudo ka badan 48 saac kaliya.

Laakinse Cosoble iyo Sanbaloolshe oo iyagu iska warqaba siyaasadooda musharax aan aheyn Xasan Sheikh ma dooneyno in aanu magaciisa sheegno ayey ka dhaxeysaa wada shaqeyn weyna ogyahiin heerka ay mareyso siyaasada musharax Xasan Sheikh guda iyo dibadba.

Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno xildhibaanadii lagu doortay Cadaado iyo Jowhar ee uu dhaqaalaha badan ku bixiyey madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh ayaa u weecday sidii ay ugu codeyn lahaayeen musharaxiin aan Xasan Sheikh aheyn,walow aan sababta si rasmi ah loo shaacin,hadane tirada ugu badan ayaa lagu soo waramayaa iney heshiis hoose la galeen ilaa dhawr musharax,taasi oo ka dhigan in ay aad u yar tahay rajada uu mar kale dib ugu soo laaban doono musharax Xasan Sheikh.


Wararka Caawa


HS:- R/wasaarahii hore haatana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Somaliya "Dalka isbedel heer madaxweyne ah ayuu u baahan yahay"ayuu yiri xili uu magaalada Kismaayo kula kulmay xildhibaano gaaraya 50 iyadoo sidoo kale wararka qaarkood sheegayaan in uu dhinaca telefonada ay ku wada xariireen xildhibaano badan, isagoo hadalkiisa wata waxuu mar kale yiri “Isqab qabsiga waxa keena waa siyaasadda oo aan wanaagsaneyn iyo hoggaan jilicsan ,sidaa daraadeed waa muhiim in dalka uu ka dhaco Isbadal"

dhinaca kale waxaa magaalada Mogdishu dib ugu laabanaya madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh oo Addis Ababa u joogay arimo siyaasadeed aan haba yaraatee siduu doonayey iyo wax u dhaw noqonin,waxii ku soo kordha arintaas la soco wararkeena danbe.....

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,948,452 unique visits