Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 154,203
· Newest Member: gaybg1

Welcome

HS;-

ThemesHS;-(DOORASHADA SOMALIYA 2016) QAABKA UGU HABOON EE LAGU XALIN KARO XILDHIBAANADA UU MURANKA KA JIRO INEY KU SOO BAXEEN MUSUQ MAASUQ AMABA MARKAASI KUWII AY DOORASHADA LA GALAYEEN LOOGA EEXDAY SI AY WADANKEENA UGA DHACDO DOORASHO WAXII KA HOREEYA SANADKAN AYNU KU JIRNO INAGOO WELIBA TUSAALE U SOO QAADANEYNA HADEYSAN DADKA SOMALIYEED SI WADA JIR AH ISKAKA KAASHAN INEY KALA SAARAAN NIDAAMKA DHAQANKA IYO SIYAASADA, SI TAASI LOO GAARANE WAA IN DALKEENA LOO HELO DOWLAD RASMI AH OO LEH MADAXWEYNE,R/WASAARE IYO XUKUMAD TAYO LEH OO MEESHA KA SAARTA ISKU DHAX YAACAAN AY SIYAASADII DALKA ISKU GARBINAYAAN MADAXDII IYO HOGAAMIYAASHII DHAQANKA SOMALIYEED.
<
SOMALIDU WAXEY TIRAAHDAA MARKII AAD DOONEYSO IN AAD DADKAADA WAX KA DHAADHICISO WAXAA TUSAALE LOOGU SOO QAATAA WAXA BAL ADIGA GURIGAADA KA DHACA ILEEN GURIGAADII OO QALDAN HADII AAD QOF KALE OO SOMALIYEED TIRAAHDO WAAD QALDAN TAHAY SAX MAAHAN AMABA AQLI MAAHAN, MARKA MAADAAMA AANU INAGA WAX QOREYNA KA SOO JEEDNO HIIRAAN WAXAANU KU HAL QABSANEYNAA QISO DHAB AH OO KU DHACDAY MID KA MID AH HAWEENKA SOMALIYEED SIDA AAD SAWIRKEEDA KU ARAGTAAN IYO MUDADII AY U OLOLEYNEYSAY SIDII AY UGA MID NOQON LAHED BAARLAMAANKA FEDERALKA SOMALIYA WAXII KALA QABSADAY IYADA OO MUSHARAXAD AHEYD OLOLAHAANE SOO BILAAWDAY 2004 IYO HOGAAMIYAHII DHAQANKA BEESHEEDA AMABA UGAASKII XILIGAASI JIRAY AMABA MIDKA HADA JOOGA.

QISADAAN MA DOONEYNO IN AANU HALKAAN KU SOO WADA QORNO LAAKINSE DULMAR YAR AYAAN KU SAMEYN DOONAA KEDIBNA DADKA SOMALIYEED TALO WAX KU OOL AH AYAAN U SOO JEEDIN DOONAA SIDA UGU HABOON EE LAGU XALIN KARO XILDHIBAANADA LAGU MURANSAN YAHAY EE KU SOO BAXAY MUSUQ MAASUQA.

DADKA SOMALIYEED WAXAA LAGU TIRIYAA JINSIYADOODA AMABA QOWMIYAD AHAAN DAD KU NOOL BARIGA AFRICA WAANA DAD KARTI IYO HAL ADEYG U LEH HADBA SIDII AY NOLOSHA DUNIDA U SOO MARTO, WAA DAD CAQIIDO AHAAN KU ABTIRSADA DIINTA ISLAAMKA. WAA DAD AY U KALA SAARNEYD/SOOCNEYD SIYAASADA IYO DHAQANKA, HAYEESHEE WAXII KA DANBEEYEY BURBURKII DOWLADII DHEXE WAXAA SOO BAXAY AMABA NOLOSHOODA AAS AASIGAA KU SOO BIIRAY DABEECADO IYO LUGOOYO SAAMEYN WEYN KU YEELATAY HORUMARKII GUUD EE DALKEENA,WAXAA GABI AHAAN MEESHA KA BAXAY NIDAAMKII DOWLIGA AHAA, WAXAA LUMAY XEERKII QOYSKA ILAA WIIL IYO AABAHIIS KURSI ISKU QABSADAAN, GEBER IYO NINKEEDA KURSI ISKU QABSADAAN,WIIL IYO ABTIGIIS LABO QABIIL KALA NOQDAAN OO DAGAAL ISKAKA HOR YIMAADAAN ISNA DILAAN,

WAXAASI OO DHAN WAXEY QEYB KA YAHIIN BURBURKII QARANIMADA SOMALIYA OO ILAA MAANTA XAL LOO LA YAHAY, WAXAANSE INAGA QORMADAAN KU SOO QAADANEYNAA MAADAAMA AY QUSEYSO KALIYA MID KA MID AH DUMARKA SOMALIYEED LAGANA YAABO INEY DHACDADAAN IYO KUWO KA SII FOOL XUN KA DHACEEN DALKEENA HADANE BAL AAN DULMARNO.

DADKA SOMALIYEED WAXAA NIDAAMKA QABIILIGA INEY WAX KU QEYBSADAAN LOO KEENAY 2000 KII IYAGA MA DOORAN NIDAAMKAAS WAXAASE LAGU SHEEGAY IN XAL LOO ARKEY LAAKINSE MUDO 3 SANO KEDIB AMABA 2004-KA LOOGA GUDBI DOONO NIDAAM KA DUWAN, HAYEESHEE 2004 AYAABA KA SII DARNAATAY WAXAANA LA YIRI WAA IN NIDAAMKAAS LA SHARCIYEEYO OO SOMALIDA LAGA DHIGAA KUWO KALA SAREYA 4.5, LAMA DHIHIN WAR INAGU WAXAANU NAHAY DAD ISKU AF, DIIN, DHAQAN IYO MIDABA WADAAGA EE SIDEEN KU KALA SAREYNAA?. WAXII LA SOO JIITAMABA DOWLADII LAGU SOO DHISAY KENYA AYAA WAXAA LA GO'AAMIYEY IN DUMARKA SOMALIYEED OO NOLOSHA QOYSKA SOMALIYEED UDUB DHAXAAD U AH QOONDO LAGA SIIYO BAARLAMAANKII XILIGAASI LA DHISAYEY.

WAAYO BAARLAMAANKII LAGU SOO DHISAY 2000 DALKA JABOUTI DUMARKA KAALINTOODA AMABA KURAASTA AY KU LAHAAYEEN MA BADBEYN, LAAKINSE SHIRKII KENYA QOONDO BILAAW FIICAN AH AYEY KA HELEEN. HADABA HAWEENEYDAAN AANU KA SHEEKEYNO WAXEY KA MID AHEYD HAWEENKII SOMALIYEED EE 2004 DOWLADII LA SOO DHISAY KURSIGA BEESHEEDA TARTAN KULA GASHAY DHAWR RAG AH.

HAWEENEYDAAN WAXAA LAGU MAGACAABAA FADUMA KHALID GULED TARTAN DHEER KEDIB WAXEY XILIGAAS NOQOTAY QOFKII UGU JAANISKA WANAAGSANAA EE KURSIGA BEESHAASI QABTA MAXAASE DHACAY?

UGAASKII BEESHA EE XILIGAASI NOOLAA OO LAGU MAGACAABAYEY UGAAS CABDIRAMAAN UGAAS KHALIF AYAA WAXUU KURSIGII KA SIIYEY ODAY MARKAASI ADEERKIIS AHAA ISAGOO OGAA INEY KU FADHIYAAN KURSIGII UGAASNIMADA BEESHA AYNA HAWEENEYDAAN XILIGAASI U ARAGTAY INUU UGAASKII BEESHA CADAALAD DARO KU SAMEEYEY IYADA UGUNA EEXDAY ADEERKIIS OO LAGU MAGACAABO CUMAR UGAAS MUUMIN.

HADABA HAWEENEYDAAN MAXEY SAMEYSAY XILI DANBE OO HABEEN AH ABAARAHII 2-DII HABEENIMO MARKII AY MAQASHAY IN UGAASKII KURSIGII SIIYEY ADEERKIIS WAXEY SUBAXII UGU TAGTAY HOTELKII UU KA DEGENAA NAIROBI WEYNA SOO MACA SALAAMEYSAY IYADOO AAN WAX DHALIIL AH U SOO JEEDIN UGAASKA WEY ISKA AAMUSTAY WAXEYNA TIRI WAXAAN SUGAYAA 4 SANO KEDIB. MARKII AY DOWLADII LAGU SOO DHISAY KENYA WAQTIGEEDI DHAMAADAY WAXAA BILAAWDAY MURAN IYO WAQTIGOO LOO KORDHIYO ILAA AY 8 SANO XILDHIBAANADII LAGU SOO DOORTAY KENYA AY SII JIRAAN.

HADANE HAWEENEYDAAN AYAA 8 SANO KEDIB 2012 MAR KALE OLOLE U GASHAY KURSIGII UU UGAASKII BEESHEEDA KA SIIYEY ADEERKIIS OO 8 SANO XILDHIBAAN SOO AHAA, MAXAA DHACAY HADANE MAR KALE?

UGAASKII AYAA WAXUU KURSIGII XILDHIBAANIMADA BEESHA INUU SOO XULO U WAKIISHAY LABO NIN OO ADEERADIS AH OO UU MIDNA AHAA NINKII UU DALKA KENYA MARKII LA JOOGAY UU KURSIGA SIIYEY EE 8-DA SANO XILDHIBAANKA AHAA KAASI OO LAGU MAGACAABO CUMAR UGAAS MUUMIN IYO NIN LA DHASHAY OO LA YIRAAHDO FAARAX UGAAS MUUMIN.

OLOLAHII DOORASHADA MARKII AY BILAAWDAY AYEY MAQASHAY I N ODOYAASHII WAX SOO XULAYEY EE 135-TA AHAA LAGU DARAY CUMAR UGAAS MUUMIN OO AHAA NINKII LOOGA EEXDAY 2004 UUNA KURSIGA BEESHAAS ISAGA SOO XULAYO, KEDIBNA 2012 IYADOO AAN WAX DOORASHO AH LOO MARIN KURSIGAAS AYEY WAXEY MAGAALADA KA MAQASHAY IN CUMAR UGAAS KURSIGII IIBSADAY AMABA HADAAN HADALKA WAXOOGAA QURXINO UU SIIYEY NIN LAGU MAGACAABO AVV. DAAHIR XASAN CABDI.

HAWEENEYDII MAR KALE WAX MEDIYAHA MA TAGIN BUUQNA MA SAMEYN WAXEY HADANE GO'AANSATAY INEY SUGTO 2016 OO AH SANADKAN AYNU KU JIRNO IYADOO AY WELIBA SI AAN LA AQOON QAAB LOOGA SHEEKEEYO UGAASKII BEESHA EE XILIGAASI JIRAY IYO LABO NIN OO ADEETYASHIIS AH MUDO INTAAS LA EG GEBEDHAAS FURSAD U SIIN WAAYAAN MAADAAMA AY MARKASTA U TAAGNEYD.

HADABA UGAASKII HORE WAA GEERIYOODAY WAXAANA YIMID UGAAS CUSUB OO LAGU MAGACAABO XASAN UGAS KHALIF HADANE MAR KALE AYEY KURSIGII ISKU SOO TAAGTAY HAWEENEYDAAN LAGU MAAGCAABO FAADUMO KHALIF WELIBA IYADU MABA SII DABA GELIN WAXII HOREY LOO SOO MARAY WAXEY HALKEEDII KALA QABSATAY OLOLAHII SOCDAY, LAAKINSE MAXAA DHACAY MAR KALE?

WAXEY OLOLE XOOGAN OO WELIBA LOO MARAY QAAB WANAAGSAN KA BILAAWDAY MOGDISHU IYO HIIRAAN SIIBA MAGAALADA B/WEYNE UGU DANBEYN LOOLAN DHEER KEDIB WAXAA DOORASHADII XILDHIBANADA HIIRAAN LOO WEECIYEY MAGAALADA JOWHAR MARKII AY JOWHAR TAGTAY MAXAA DHACAY, WAXAA DHACAY IN UGAASKII BEESHA UGAAS XASAN UGAAS KAHLIF OO HADA JOOGA GEBEDHAAS U DIIDAY INEY KURSIGAAS HESHO AMABA AY KU SOO BAXDO,

QAABKII AY DOORASHADII JOWHAR U DHACDAY WAXAA KA SHEEKEYNKARO KALIYA QOFKII JOOGAY WAXAA LA YIRI GEBEDH AYAA LA TARTAMEYSO GEBEDHAAS AYAANA SOO QORANEYSA LIISKA ERGADA, MARKII AY ARAGTAY CADAADISKA LAGU HAYO WAXEY GO'AANSATAY INEY LIISKA AY SOO DIYAARSATAY KULA TARTANTO LAAKINSE AY DOONEYSO IN MAADAAMA AY MUSHARAXAD TAHAY AY HORTOODA KA QUDBEYSO ERGADA UNA SOO BANDHIGTO WAX QABADKEEDA WAANA LAGA DIIDAY, BAARITAAN DHEER KEDIB WAXAAN OGAANAY IN QOFKA KURSIGAAS U DIIDAY GEBEDHAAS UU YAHAY UGAAS XASAN UGAAS KAHLIF UNA ADEEGSADAY CALI CABDULLAAHI COSOBLE.

KEDIBNA WAXAA MARKII UU ARKEY SIDII AY WAX U DHACEEN AAD UGA CAROODAY MID KA MID AH GUDIGII DOORASHADA DADBAN OO MAGACIISA LAGU SHEEGAY ZAAKI XARAARE OO SIDA NALOO XAQIIJIYEY MAALINTAAS DOONAYEY INUU ISKA CASILO SHAQADA GUDIGA DOORASHADA DADBAN MARKII UU ARKEY WAXA HAWEDENEYDAAS IYADOO WELIBA LIIS AY SOO QORATAY QOFKII KALE EE DUMARKA AHEYD EE LA TARTAMEYSAY FADUMO KHALIF OO AY SOMALIDA U YAQAANAAN AMABA KU NAANEYSAAN RIIRO.

QOFKA KALE EE DUMARKAA EE IYADU LIISKA ERGADA SOO QORO LA DHAHAY WAXAA LAGU MAGACAABAA FARXIYO MUUMIN CALI.

DAD BADAN AYAA U MOODAY IN CALI CABDULLAAHI COSOBLE LABO GEBDHOOD OO REER UGAAS AH KALA JECLAA WAXUU ISAGU KALIYA FULINAYEY UGAAS XASAN OO DOONAYEY INUU GEBEDHAAN MARSIIYO WADADII UU HOREY U MARSIIYEY UGAASKII ISAGA LA DHASHAY EE GEERIYOODAY.

UGAAS XASAN IYO UGAASKII GEERIYOODAY IYO GEBEDHAAN AY GURSIGA XILDHIBAANIMO KA HOR ISTAAGEEN MAXAA KA DHAXEEYA?

FAADUMO KAHLIF GULED IYADOO OGEYD SIDII UU UGAASKII GEERIYOODAY UGU EEXDAY AMABA KURSIGII UGA SIIYEY NIN ADEERKIIS AH, HADANE WAXII LA SOO MARAY DIBA UMA EEGINE MARKII UU GEERIYOODAY UGAAS CABDIRAXMAAN UGAAS KAHLIF WAXEY KA MID AHEYD DUMARKII REER HIIRAAN EE MAGAALADA MOGDISHU KA SOO AMBA BIXIYEY UGAASKA HADA JOOGA OO WELIBA WAXEY MAGAALADA B/WEYNE U AADAY CALEEMA SAARKIISII OO AY MUDO 4 BILOOD AH U JOOGTAYDIYAARINTIISA HALKAAS IYADOO KA MID AHEYD AMABA MADAX U AHEYD GUDIGII BAROTAKOOLKA EE WAFTIYADA ISKUGU JIRAY SALAADIINTA IYO MARTI SAHRAFTA DEJINAYEY DIB U DEJINTA U SAMEYNAYEY.

HADABA MAXEY TAHAY SABABTA LABO UGAAS IYO LABO NIN OO ADEERADOOD AH OO LAGU KALA MAGACAABO
1- UGAASKII GEERIYOODAY UGAAS CABDIRAXMAAN UGAAS KHALIF
2- UGAAS XASAN UGAAS KHALIF IYO WELIBA LABO NIN OO ADEERADOOD AH OO LAGU KALA MAGACAABO CUMAR UGAAS MUUMIN IYO FAARAX UGAAS MUUMIN HAWEENEYDAAN FAADUMO KHALIF GULED AH MUDADA INTAAS LA EG UGALA DAGALAYEEN KURSIGA BAARLAMAANKA AMABA INEY NOQOTO XILDHIBAANAD ILAA MAANTA?

SABABTA UGU WEYN BAARINTAAN DHEER KEDIB WAXAAN OGAANAY IN GEBEDHAAN AWOOWKEED UU SOO AHAA UGAASKA BEESHA XAWAADLE KA HOR INTII AYSAN KURSIGA UGAASNIMADA KU WAREEGIN QOLADA HADA KU FADHISA OO LA YIRAAHDO REER WARFAA OO MARKA AAD TAARIIKHDA BEESHA AAN KA HADLEYNO DIB U EEGTO WAXAA SOO MARAY ILAA 20 UGAAS UGAASKA 12-AAD WAXAA LA YIRAAHDAA UGAAS GULED WAANA QOLADA AY HAWEENEYDAAN AANU KA SHEEKEYNEYNO AY KA SOO JEEDO OO REERKAAN KURSIGA UGAASNIMADA BEESHA KU FADHISA WAXEY BADANKOOD LEEYAHIIN HADII KURSIGA SIYAASADA JUFADA AY GEBEDHAAS KA SOO JEEDO RAG AMABA DUMAR HELAAN WAXAA GANACTEENA KA BAXAYO KURSIGA UGAASNIMADA DAD BADAN OO SOMALIYEED OO KA MID AH BEELA SOMALIYEED AYAA SIDA HAWEENEYDAAN AAN KA HADLEYNO QAABKAAS QALDAN LOOLA DAGAALAY AY DHICI KARTAA INEY KU WAAYEEN WAX BADAN.

HADABA MARKII WAXAAN OO DHAN LAGU SAMEEYEY MUDADAAS FOG EE AANU KA SOO SHEEKEYNAY ILAA MAANTA INTEY MEDIYAHA TAGTAY QOFNA KAMA DHALEECEYN, SHALEYTO MARKII UGAASKII KAN KA HOREEYEY UGA EEXDAY ADEERKIIS MA DHIHIN UGAASKII GEERIYOODAY AYAA IXUMEEYEY UGAAS XASAN CALEEMA SAARKIISA KAMA QEYBGALAYO, WAA HAWEENEY IYADA IYO QOLADA AY KA SOO JEEDA AY DAACAD YAHIIN, LAAKINSE KUWII KURSIGA UGAANIMADA KU FADHIYEY QAABKAAS QALDAN U FEKERAYAAN.WELIBA GEBEDHAAS OO HAMIGEEDU AHAA WAX KA WEYN QABIIL ARINTEEDUNA KA WEYNEYD SIDA AY DADKA YAQAANO INOO XAQIIJIYEEN IN AY UUN KU QASBANEYD NIDAAMKAAN QABIILIGAA INEY WAX KU RAADSATO, LAAKINSE AY KA MID AHEYD DUMARKA SOMALIYEED EE ISBEDELKA LA DOONAYEY DALKEEDA.

HADABA HADII GUDOOMIYAHA GUDIGA DOORASHOOYINKA DADBAN CUMAR DHAGEY MAANTA SHAHAADO XILDHIBAANIMO SIIYO GEBEDHII KURSIGAAS AAN KA HADLEYNO SIDAAS UGU SOO BAXDAY BERITONA LOOGU YEERO INEY TAHAY XILDHIBAANAD QARAN MA QALAD AYUU LEEYAHAY?

JAWAABTU WAA MAYA, WAAYO CUMAR DHAGEY QASAB MAAHAN IN UU OGAADO DHACDO KASTA OO KA DHACDAY GOOBAHA DOORASHADA,SIDAASI DARAADEED DHACDADAAN AAN KA HADLEYNO WAA MIDA UGU SAHLAN EE AY KU SAMEEYAAN MUSHARAXIINTA DADKII LA YIRI WAXEY HORJOOGE U YAHIIN BEELAHOODA.

HADABA WAXUU XALKA KU JIRAA DHAMAAN 275 -KA XILDHIBAAN EE BAARLAMANKA CUSUB MID AAN QAAB QALDAN KU IMAAN MA JIRO SI LOOGA BAXO NIDAAMKAAN QABIILIGAA WADANKUNA SIYAASADIISA AYSAN FARAHA UGA BIXIN WAA MUHIIN IN SIDOODA LAGU XAREEYO OO UGU YARAAN WAX U MUUQAAL EG DOWLAD LA SOO DHISO HADII KALE WAXAA SIDAN ISKUGU SII CAKIRNAAN DOONAA DHAQANKA IYO SIYAAASADA OO HALKA AY HADA HOGAAMIYAASHA DHAQANKA BEELAHA SOMALIYEED KU MILMEEN SIYAASADA WAA MUHIIM IN XISBIYO SIYAASADEED DALKA LOO HELO KUWAAS AYAA BOQOLKIIBA BOQOL DHAAMA.

MUSHARAXIINTA SHEEGANAYA IN KURSIGOODA LA MUSUQ MAASUQAYNA HADEY UGU BATATO GUDIGA XALINTA QILAAFAADKA AYEY U DACWOONAYAAN IYAGANA WAXEY U SHAQEEYAAN QAABKA AY MAGAALADA MOGDISHU UGA HOWLGALI JIRTAY MAXKAMADA GOBOLKA BANAADIR 4 TII SANO EE UU WADANKA MADAXWEYNAHA KA AHAA XASAN SHEIKH OO AH MEESHA QARANKII SOMALIYEED SIWEYN UGA BURBURAY.

TUSAALE MAXKAMADII GOBOLKA BANAADIR EE MAGAALADA MOGDISHU QAABKII AY U SHAQEYN JIRTAY WAXAA KA MID AHAA.

WAXAA MAXKAMADA IMAANAYO QOF SOMALI AH OO DOONAYA IN GURIGIISA LOOGA SAARO QOF DEGAN, KEDIBNA DACWADII AYAA LAGA QABANAYAA, HA LAGA QABTEE WAXAA MAXKAMADII JOOGA LABO KOOXOOD OO LA KALA BAXEEN DHAX DHAXAADIYAYAAL KOOXKASTANA WAXEY LACAG KA CUNAYAAN QOFKII GURIGIISA LA HEYSTAY IYO KII KA HEYSTAY ILAA UU QOFKA SOMALIGAA NOLOSHA KA QUUSTO SIIBA QOFKII GURIGA LAGA HEYSTAY GOOBTA KA TAGO IN GURIGIISA LA SIIYO ISKA DAAYE ISAGOO DEYN FARA BADAN GALA, MARKA GUDIGA QILAAFAADKA INTII HADANE WAQTI KALE LOOLGA LUMIN LAHAA SHACABKA SOMALIYEED SI AYSAN DOORASHADA MAR AKLE DIB INOOGA DHICIN XILDHIBAANADA CUSUB DHAMANTOOD SIDOODA HALOO XAREEYO ILEEN WAXBO LAGAMA QABAN KARO XAQIIQADU WAA SIDAA OO MIDKA DACWOONAYANA WAA INUU LACAG BIXIYO KAN LAGA DACWOONAYANA WAA INUU LACAG ISKU DIFAACO LAALUUSHKIINA MEESHII AYUU KA SII SOCONAYAA ,MARKA XALKU WAA SIDOODA IN LAGU QAATO INTA HADA LA DOORTAY DOORASHANE DEG DEG LAGU AADO 2016 DHAMAADKA SANADKA KA HOR.

MARKA DADKA SOMALIYEED WAA INEY SIDA GEBEDHAAN AAN KA SOO SHEEKEYNAY MARKASTA AYSAN QUUSAN LAAKINSE AYSAN HADANE WAQTI KA DILIN BULSHADA WAAYO HADII MAANTA LA YIRAAHDO DHAMAAN DACWADOODA AYAA LA QAADAYAA XILDHIBAANADA MUSUQ MAASUQA AMABA QAABKA EEXDA AH KU YIMID SIDA WAXA GEBEDHAAN KU DHACAY OO KALE DOORASHANE MA GAAREYNO WAXEYNA DADKA SOMALIYEED NOQONAYAAN DAD KALIYA IYAGA ISKU MASHQUULSAN OO AAN UJEEDO LAHEYN SIDEY U DHAN YAHIIN.

SIDOO KALE DOWLADA OO LAGU BIIRO MA AHAN KALIYA KURSI XILDHIBAAN OO LA HELO XILALKU WEY BADAN YAHIIN MARKA YAAN BULSHADA WAQTI KALE LAGA DILIN HADII DALKAAN LOO NAXAYO WAA SIDA MASKAXDA CAAFIMAADKA QABTO NA FAREYSO, DIB U DHAC INTII HORE SOMALIWEYN HA UGU FILNAATO.

TUSAALE GEBEDHAAN AAN KA SOO SHEEHEYNAY YAA MAANTA KA HOR ISTAAGAYA HADII AY QOLADA AY KA DHALATAY MAGAAALADA B/WEYNE AMABA DHULKA MIYIGAA INTEY ISKUGU TAGAAN DHAHAAN KALSOONIDA WAAN KALA LAABANAY UGAAS XASAN KURSIGA UGAASNIMADANA INAGAA MARKIISII HOREBA LAHEYN OO DIB AYAAN ULA LAABANEYNAA SOW ARINTU MA NOQOENYSO INEY SOMALIDA REER REER HOOSE ISKKUGU MASHQUULAAN AAWAY MARKA DALKII LA DHIHI JIRAY SOMALIYA YAA U MAQAN?

WAAYO DADKA SOMALIYEED WAXAA WAAYADII DANBE DHAQAN KA NOQOTAY INEY XUMAANTA BUUN BUUNIYAAN WANAAGA IYO DALKOODA IYO DADKOODA U ROONA ISKA INDHO TIRAAN, WAA MUHIM IN AY DADKA SOMALIYEED DUNIDA INTEEDA KALE LA JAAN QAADAAN OO AY JOOJIYAAN LUGOOYADA AY IYAGA ISKU HAYAAN DALKAAS QURUXDA BADANA KA DAAYAAN HAGAR DAAMADA.

SI AY DOORASHO DEG DEG AH 2016 DALKEENA UGA DHACDO LOOGANA BAXO NIDAAMKAAN QALDAN EE DADKA SOMALIYEED LA HARAY EE 4.5 AMABA LOO KALA SAARO SIYAASADA IYO DHAQANKA WAA MUHIIM IN UU QOFKASTA OO UU KU JIRO DAMAC SIYAASADEED AY TUSAALE FIICAN U NOQOTO QISADAN AANU KOR KAKA SOO HADALNAY.ADIGA BAL QIYAAS HADII MUSHARAXII AAD TARTANKA LA GALEYSAY DOORASHADII OO BERITO OO KALE DHACEYSA HADII CAAWA OO KALE LOO SII HAMBALYEEYO ISAGOO SOO QORO ERGADII KU DOORAN LAHEYD LA YIRI? QOFKII SOMALI AH EE DALKA U NAXAYA WAA MUHIIM INUUSAN KALIYA KU MASHQUULIN HALKA AY MAANTA WAX MARAYAAN EE UU EEGO MUSTAQBALKA CARUURTA IYO DUMARKA SOMALIYEED EE DHIBAN UGU YARAAN LET THEM GO HA DHAQAAJIYAANO KUWA HADA LA SOO DOORTAY DHAMAANTOOD HANA NOQDAANO XILDHIBAANADA CUSUB EE BAARLAMAANKA MAR UUN DOWLAD CUSUB HALA HELO SANADKAN UGU YARAAN, ADUUNYADII WEY LA YAABTAY HAB DHAQANKA SOMALIDA.

LA SOCO WARARKEENA DANBE IYO ARIMAHA SOMALIYA HADBA WAXII KU SOO KORDHA.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
11,972,549 unique visits