Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 12

· Members Online: 0

· Total Members: 152,869
· Newest Member: Alwqflxs

Welcome

HS;-

ThemesHS;-(DOORASHADA SOMALIYA 2016) Magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Jubaland oo xaflad sakootin ah loogu sameeyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka federalka Somaliya uga mid noqonaya degaanada Jubooyinka. xafladaan oo siweyn loogula dardaarmay xildhibaanada cusub si ay u doortaan hogaamiye samata bixin kara dalka iyo dadka Somaliyeed ayaa waxaa qudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha maamulka Ahmed Madoobe, r/wasaare kuxigeenka xukumadii uu waqtigeedu dhamaaday Cumar Carte iyo masuuliyiin kale.

Iyadoo lagu wado in ay dhamaan xildhibaanada cusub magaalada Mogdishu soo gaaraan bartama bishani aynu ku jirno kulankoodii ugu horeeyeyne ku yeeshaan halkaas si loo guda galo doorashadii madaxweynaha iyo tii gudoomiyaha baarlamaanka federalka oo ay ka harsan tahay ugu badnaan labo isbuuc hadane maamulada dalka siiba Jubaland,Koofur Galbeed iyo Puntland oo maalintii shaleyto aheyd soo gaba gabeysay doorashadii aqalka hoose waxaa siweyn looga dareemayaa magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe qaban qaabada lagu sakootinayo xildhibaanadii degaanadaas laga soo doortay dhawaan.

Marka laga soo tago magaalada Kismaayo oo xaflad heer sare ah loogu qabtay xildhibaanada cusub taasi oo lagu sakootinayey hadane dhawaan ayaa waxaa sidan oo kale magaalada Baydhabo loogu sameeyey casho sharaf xidlhibanada cusub ee lagu doortay halkaas iyadoona ay halkaas qudbado dar daarana ah ka jeediyeen masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan oo isagu marna ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Somaliya.


Dhinaca kale inagoo warbixin ka soo diyaarin doona qaban qaabadooda waxaa lagu wadaa in ay magalada Garoowe maalinta Jimcaha hadii Alle idmo in halkaas laga soo amba bixiyo xildhibanada maamulka Puntland uga mid noqonaya dowlada dhexe iyadoona halkaas intii aysan ka soo amba bixin loogu qaban doono xaflad sakootin ah sida aanu ku heleyno wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe oo xarun u ah Puntland State..

Hadaba waxaan joogto wararkeena badankood u weecin doonaa arimaha doorashada heerka federal taasi oo lagu wado in sanadkan aynu ku jirno inta uusan dhamaan halkaas lagu soo doorto madaxweyne cusub kedibna xukumad cusub la soo dhiso inta aysan dhamaan bisha 1aad ee sanadka 2017, iyadoo sida aanu warar sugan ku heleyno uu dalka ka dhici doono isbedel muuqda oo dhinaca hogaanka ah, kedib markii 4-tii sano ee ina dhaaftay lagu fashilmay in dalka la gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah, taasi oo ah halka uu ka yimid dib u dhaca ugu weyn ee dalkeena ragaadiyey laga soo bilaabo 2012 ilaa 2016 oo ah sanadka hada lagu mashquulsan yahay sidii loo soo dooran lahaa madaxwyene cusub oo dalka hogaamiya 2016 ilaa 2020 si wadanka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah nidaamka qabiiliga ahne loogu bedelo xisbiyo siyaasadeed degaanadooda laga soo doorto.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo arimaha doorashada Somaliya 2016 oo hada u muuqata mid ku dhaceysa waqtiga loo ikmada oo ah in la soo doorto madaxweynahii uu yeelan lahaa dalka Somaliya 28-ka bishani aynu ku jirno amaba ka hor inta uusan dhamaan sanadkan 2016.

Xaqiiqadii marka loo eego goobta xaflada loogu qabtay xildhibaanada Jubaland quruxda ka muuqata waxey is tahilaan inba lagu qabto doorashada guud ee dalka hadii laga dhamaan waayo fowdada siyaasadeed ee mudo 26 sano ah ee ina dhaaftay ka socotay Mogdishu iyo nawaaxigeeda waa in la helo Plan B markasta iyadoo la adeegsanayo aragti fog oo wax dhiseysa.

Walow maanta uu sheegay in ay baarlamaanka cusub fadhigooda ugu horeeya yeelan doonaan 15-ka bisha december/2016 madaxweynahii hore ee Somaliya haatana ah musharax Xasan Sheikh Maxamud.

Sida muuqata maamulada Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland waa 3-da maamul ee sanadkan siyaasada guud ee dalka isbedel la taaban karo ku sameyn kara hadii ay fursadaha muuqda la jaan qaadaan, hadaan laga tabaabusheysan hagar daamada iyo dib u dhaca lala doonayo doorasho sanadkan ka dhacda dalka Somaliya oo aan xikmad iyo aqli looga hortagi karo la helin siyaasada guud ee dalkana aan weji kale loo yeelin isbedel dhab ah lama heli doono, sidaasina waxaa laga soo xigtay qaar ka mid ah waxgaradka Somaliyeed ee dhegta kor ugu haya doorashada sanadkan la wada sugayo iney ka dhacdo dalkeena...........

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.10 seconds
11,862,130 unique visits