Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 61,573
· Newest Member: MerdarionOa

Welcome

HS:-

News
HS;-(DOORASHADA SOMALIYA 2016) Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheikh Maxamud oo xaqiiqsaday in aysan u harin fursado siyaasadeed iyo rajo uu dib ugu soo laaban karo ,kedib markii ay si waadax ah u sheegeen beesha caalamka oo uu horkacayo Mareykanka in aysan aqoonsan doonin dowladkasta oo ay soo doortaan baarlamaanka cusub ee hada jira ee aan weli la dhaarin, kedib markii lagu soo daray xildhibaano ku soo baxay musuq maasuq laga maalgeliyey villada.

LaakinSe warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in inta bAdan xildhibaanada baarlamaanka cusub si aysan u dhicin in uu caalamku diido waxkasta oo ay soo doortaan waxey go'aansadeen badankood in aysan sinaba dib ugu soo dooran madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyagoo qorsheynaya iney soo doortaan qof aan weligii madaxweyne wadanka ka noqon amaba hadaan si kale u dhigno musharaxiinta kale ee aan aheyn Xasan Sheikh.

Go'aanka ay xildhibaanada badankood qaateen oo weliba ka xanaajiyey badankood ayaa ah kedib markii iyadoo aanba doorashii la gaarin ay arkeen taliyaha booliska Somaliya oo xaflad lagu dabaal degayey sanad guuradii 73-aad ee ciidanka booliska oo lagu qabtay magaalada MogdIShu isagoo leh amaba Xasan Sheikh u balan qaadaya in uu ugu bishaareynayo iney codkooda siinayaan dhawr xildhibaan oo ka tirsan ciidanka booliska oo noqdeen dhawaaN xildhibaano in ay codkooda siin doonaan Xasan Sheikh.

Marka uu dal ka dhacayo doorasho una taagan yahiin doorashadaas musharaxiin amaba muwaadiniin badan oo dalkaas u dhalatay iney xilkaas qabtaan, hadii saraakiisha ciidanka u hadlaan si aan masuuliyad ku dhisneyn xitaa laguma aamini karo amaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso waayo taliyaha booliska Somaliya mar hadii uu yiri xildhibaan hebel madaxweyne codkooda adigaa laguu hayaa, caalamku wey arkaan heerka uu musuq maasuqa la doonayo in lagu soo saaro Xasan Sheikh heerka ay gaarsiisan tahay sidaasi daraadeed go'aanka uu caalamku ka qaatay inuusan aqoosan doonin dowladkasta oo ku timaada qaabka ay hada ku yimaadeen xildhibaanada qaarkood awadeed ayey tiradii ugu badneyd oo xildhibaano ah go'aansadeen iney sanadkan ugu yaraan soo dooran doonaan hogaamiye aan aheyn Xasan Sheikh si ugu yAraan wadanku isbedel oo dhinaca hogaanka ah u galo.

Laakinse wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno xafiiska madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheikh Maxamud ayaa sheegaya in uu xitaa ka la yahay taageero siyaasadeed inta badan hogaamiyaasha madasha amaba madaxda maamul goboledyada oo iyaga qudhooda aragti ahaan ka wada siman in uu wadanku galo isbedel siyaasadeed si uusan dalku mar kale u galin dib u dhac siyaasadeed kale oo 4 sano ah.

Sikasta oo ay ahaataba hadii aan shacabka Somaliyeed waxaan jirin in mediyaha loogu soo qoro loogu talo galin, hadane loolanka siyaasadeed iyo isbedelada doorashada Somaliya iyo hogaanka cusub ee la sugayo dadka rajo laga qabo in la doorto amaba la saadaalinayo madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan sheikh Maxamud kuma jiro, waxaase macquul ah in ay isaga iyo kooxdiisa qof aan aheyn isaga soo sharaxdaan, isaguna uu masraxa doorashada qaab maqaar saar ah uu iskaka soo istaago.

Weliba XIldhibaanada cusub badankood oo xaqiiqsaday xitaa hadii intey lacag laaluusha ah oo xoogan ka qaataan isagane dib u soo doortaan in uusan heleyn taageero caalami ah iyo mid shacabka Somaliyeed ah, sidaasi daraadeed waxey leeyahiin marka loo eego sida ay wadanka u lugooyeen isaga iyo kooxdiisa 4-tii sano ee ay hogaanka hayeen maba istaahilo in kaliya loo diido codka xildhibaanada oo waxuu is taahilaa maadaama u heysto dhaqaalo fara badan oo uu wadanka ka dhacay in laga qaato dhaqaalahaas oo loo sheego in ay isaga taageeri doonaan laakinse codkooda siinayaan musharax aan isaga aheyn.

Musuq maasuq kasta haku yimaadaan hadane xildhibaanada cusub badankood ma doonayaan iXasan Sheikh awadiis in uu wadanku dib u dhaco 4 sano oo kale waana mida ku xambaareysa ineysan waqti gelin doonin amaba cod siin doonaan sanadkan isaga,waayo waxey arkayaan waxgaradka Somaliyeed shirarka ay qabanayaan iyo guuxa shacabka oo ah in la helo hogaan aan aheyn midka hada jira ee dalka la haray, ilaa ay qarankii Somaliyeed inta musuq maasuq heerkii ugu sareeyey gaarsiiyeen hadane saraakiishii booliska oo la doonayey in ay u dhaxeeyaan muwaadiniinta Somaliyeed amaanka dalkana u istaagaan oo inta mediyaha soo istaagaan leh madaxweyne dhawr xildhibaan oo boolis ah codkooda ayaan kuu heynaa, Nidaamkii dowliga ahaa Xasan Sheikh waxuu ka dhigay maqaaxi uu leeyahay oo kale , sidoo kale waxaa loo hadlayaa in xildhibaanada la soo doortay sidii alaab suuqa laga soo kireystay oo kale la leeyahay iyaga markaas ayaa qofkii xildhibaanka ahaa oo aan dhihin Xasan Sheikh ayaan codkeyga siinayaa waxaa u hadlaya taliyii isaga xakumay.

Isku soo duuboo ama doorashada heerka madaxweyne 10 mar oo kale xitaa dib haloo dhigo amaba ha laga tago madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday rajada uu dib mar kale ugu soo laaban karo waa (one million to one chance)-ka amaba fursadaha u haray inuu mar kale afarta sano ee inagu soo aadan ku sii sheegan doono masuuliyad qaran.la soco wararkeena danbe....

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.06 seconds
6,948,464 unique visits