Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS;-

JournalNEWS NUMBER ONE


WARARKA CAAWA.

HS;- BOQOLKIIBA BOQOL WAXAA LEYSKU RAACAY HADAAN SANADKAN SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN LAGU HELIN HOGAAN CUSUB IN AY SOMALIWEYN DHAWAAN KALA TAGEYSO DALKA SOMALIYANA WAXII MARKII XASAN SHEIKH LOO DOORTAY MADAXWEYNE KA DANBEEYEYNA UU GALAY MARXALAD KA LIITADA XILIGII KUMEEL GAARKA LAGU JIRAY, UGU YARAAN RAG BAABA KA SHAQEEYEY IN LAGA BAXO KUMEEL GAARNIMO LAAKINSE XASAN SHEIKH KUMEEL GAARKII AYUU KA SII HOOS MARIYEY DOWLADNIMADII SOMALIYA, HAYEESHEE MUHIIMADA GABAYGAAN QIIMAHA BADAN WAXAA KAAKA SOO BAXAYA DAGAALADA PUNTLAND IYO GALMUSUG MEESHA LAGA ABAABULO, SIDA LOOLA MACAAMILAY SOMALIDA GOBOLADA WAQOOYI SIDA AAN XILWEYN LEYSKAKA SAARIN SIDII LAGU QANCIN LAHAA IYADOO LALA IMAANAYO SIYAASAD CAD IYO FOWDADA SIYAASADEED EE AY WADANKA GELIYEEN XASAN SHEIKH IYO XERTIISA WAXEY MAREYSAA IN LAGA GABYO, DUMARKU KA BARAANBURAAN, FANAANIINTU KA HEESAAN, CULIMADII KA HADLAAN MARKA INTAAS OO QEYBAHA AY KA KOOBAN TAHAY BULSHADA MIYAA WAALAN MISE XASAN SHEIKH IYO KOOXDIISA? DAAWASHO WACAN GABAY QIIMO BADAN,

FASHIL XOOGAN OO KU YIMID DOORASHADII HEERKA MADAXWEYNE MUDO 5 BILOOD AH IYO IYADOO BAAQATAY MUDO 5 JEER AH DIBNA U DHACDAY AWADEED XILI WADANKA UU KA JIRO COLAAD, MAXAA KA JIRA IN DEGAANO HOR LEH OO DHULKA SOMALIDA KA MID AH SIIBA GOBOLADA KOOFUREED LOOGA DHAWAAQAYO MAAMUL GOBOLEEDYO CUSUB, HADA IYO FOWDO CUSUB IYO KOOW OO AY QOLOKASTA GOOYNIDEEDA U TASHANEYSO?.

HS;-DALKA SOMALIYA OO LA FILAYEY BARTAMAHII SANADKII TAGAY IN AY SHACABKIISU HELAAN DOWLAD CUSUB IYO HOGAAMIYE BEDELA MADAXDII UU WAQTIGOODU DHAMAADAY, WAXUU MAANTA MARAYAA INUU DALKOODA MUDO 6 BILOOD AH UUSAN LAHEYN DOWLAD SHARCI AH HALKA WAQTIGII DHAMAA KULUMAY DOORASHO HEER MADAXWEYNE AAN IN AY DHACDO DAACAD LAGA AHEYN, MARKII 6AADNE DIB UGA DHACDAY WAQTIGEEDA.TOLOW SHACABKII SOMALIYEED YAA U MAQAN XILI 2017 MEELO BADAN OO DALKA KA MID AH DURBABA KA BILAAWDEEN DAGAALO SOKEEYE IYO DILAL AANO QABIIL AH OO MAR KALE SOO CUSBOONAADAY? ABAARO XOOGAN, SOMALIDII OO LA QABSATAY NIDAAMKA DOWLAD LA AANTA IYO SIYAASIYIIN AAN DALKOODA DAACAD U AHEYN.

TOLOW YEY XAKUMI DOONAAN KOOXDAAN MAALIKASTA MAGAALADA MOGDISHU SHACABKA RUWAAYADA UGU JILEYSA EE LA BAXDA BAARLAMAANKA CUSUB IYO GUDIGA DOORASHADA DADBAN OO AAN XITAA LACAGAHA LAGA QAADO MUSHARAXIINTA AAN UGU DEEQEYN DADKA AY ABAARAHU GALAAFTEN, DOORASHADII HEERKA MADAXWEYNE HALKII AY DHICI LAHEYD SI UGU YARAAN WADANKU ISBEDEL U GALO, MAALINKASTA WAR MURTIYEED CUSUB OO AAN DHAMAAD LAHEYN SOO SAARAAN.

SIDAAN HOREY BULSHADA SOMALIYEED UGU SHEEGNAY MARKII DIB LOO DOORTAY GUDOOMIYAHII HORE EE BAARLAMAANKA PROF JAWAARI IN AAN LA ARKI DOONIN DOORASHO INTA MUDO CAYIMAN LOO QABTO WAQTIGEEDA KU DHACDA WAAYO WAXAA MOGDISHU KA JIRA ARIMO BADAN OO AYSAN SHACABKA SOMALIYEED OGEYN KUWAASI OO DHAQAALO BADAN LAGU BIXINAYO IN AYSAN ODOYAASHA GOBOLADA WAQOOYI SOO DHAMEYSTIRIN XILDHIBANADA AQALKA SARE ARINTAANE VILLA SOMALIYA IYO MADAXA GUDIGA DOORASHADA DADBAN EE HEERKA FEDERAL IYO BEELAHA AY KURAASROODA DHIMAN YAHIIN ODOYAASHOODA DHAMAAN WEY IS OGYAHIIN, KOORAMKII BAARLAMAANKA SOMALIYA EE LABADA AQAL TIRADII UGU BADNEYD WEY JOOGAAN LAAKINSE LAMA DOONAYO IN DOORASHADA HEERKA MADAXWEYNE AY DALKEENA KA DHACDO SI WAQTIGII HOREY U LUMAY LOOGA SOO GABSADO DALKUNA HOGAAN CUSUB U HELO, LAAKINSE HADA DALKII WAXAABA KA SOO MUUQDA COLAADO OO ABAARTA JIRTA WAXEY NOQON DOONTAA I QARSO FOWDADA KA SOO MUUQATA DALKA MARKA LOO EEGO JAWAARI YO XASAN SHEIKH AMABA DOORASHADA HEERKA MADAXWEYNE INEY DHACDO HADIIDAANO AMA HAKA TAGAANO IYADOOBA AYSAN SOMALIWEYN MARKII HOREBA IS HEYSAN GOBOLO BADAN HADA DAGAALO QABIILI AH AYAA KA BILAAWDAY MASUULIYADIISANA CIDA DUSHA U DHIGAN DOONTO WAA LA WADA YAQAANAA WAA.

1- XASAN SHEIKH IYO KOOXDIISA DAM-JADIID.

3- GUDOOMIAYHII HORE EE BAARLAMAANKA SOMALIYA HAATANA MAR KALE SOO LAABTAY MAXAMED SHEIKH CISMAAN JAWAARI IYO KOOXDII LA BAXDAY MADASHA QARAN OO IYAGU XASAN SHEIKH MUDO 5 BILOOD AH OO SHARCI DARO AH INUU BULSHADA HORJOOGO KALA SHAQEEYEY SI AY KALIYA BILKASTA UGA HELAAN MUSHAAR IYO DHAQAALO U GAAR AH SIDA AANU KA XAQIIQSANAY JIRITAANKA ARINTAAN XARUNTA VILLADA.

3- BEESHA CAALAMKA OO ARIMAHA SOMALIYA JAHWAREERKEEDA QEYB KA AH OO CAAWINEYSA DOWLAD MAR HORE WAQTIGEEDII DHAAMADAY IYO SHAQSIYAAD AAN DOONEYN IN AY BULSHADA SOMALIYEED HELAAN HOGAAN CUSUB OO HEER MADAXWEYNE AH OO DOORASHO KU YIMID WAXAA LA SUGAYAA ILAA AY SHACABKA SOMALIYEED ABAARAHA KA JIRA DALKEENA UGA DHINTAAN MALAAYIIN QOF SIDII DHACDAY 2011 OO SIDAN OO KALE SIDII KALIYA LOOGU MASHUULSANAA ARIMAHA SIYAASADA DADKII IYO DALKII LA DAYACAY MASIIBADIINA GOOR DANBE LA WADA DAREEMAY.ISWEYDIIYOO MAXEY QOLODAN LA BAXDAY BEESHA CAALAMKA ADUUNYADA UGU SHEEGI LA YAHIIN SHAQSIYAADKA AAN DOONEYN IN AY DALKEENA KA DHACDO DOORASHO HEER MADAXWEYNE OO AY MALAAYIINTA DOLAR UGU CUNAYAAN MAAGCA SOMALIYEED IYAGOO AAN DADKA SOMALIYEED WAXBO U QABANEYN?

MAXEY TAHAY UJEEDADA KA DANBEYSA OO IYADOO AY JOOGAAN KOORAMKII XILDHIBANADII UGU ABDNAA HADA LOOGU MASHQUULAYO 10 XILDHIBAAN KALIYA OO WAQTI KALE LOOGA DILAYAA SHACABKAN DHIBAN EE U BAAHAN HOGAANKA CUSUB?

MAXAA LOO ICLAAMIN LA YAHAY WAQTIGA AY DHACEYSO DOORASHADA HEERKA MADAXWEYNE OO SHACABKA LOOGU QAMAARAYAA NOLOSHOODA IYO MIDA DALKOODA?

MAXAA ISKU XIRAY IN AY QARAMADA MIDOOBAY LA GAARAAN GURMAD SHACABKA SOMALIYEED EE KU NOOL DEGAANADA ABAARTA KU HABSATAY IYO DOORASHADA HEERKA MADAXWEYNE OO LABADABA LEYSKU DHINAC WADI KARO XILI ISKU WAQTI AH?

WAR DALKAAN MA LA IIBSADAY MISE WAX KALE AYAA JIRA SOMALIYEY? SIDEEE MUDO 6 BILOOD AH MASUULIYAD QARAN U SHEEGAN KARAA MADAXWEYNE WAQTIGIISU DHAMAADAY UUNA BULSHADA INTUU TELEFISHINKA SOO FADHIISTO ULA HADLAYAA SHARCIBA KUMA JOOGEE?

SIDA AAN XOG RASMI AH KU HELEYNO HADII DOORASHADA HEERKA MADAXWEYNE KU DHICI WEYSO MAALMO KOOBAN GUDAHOOD OO BULASHADA SOMALIYEED AY HELI WAAYAAN HOGAAN CUSUB OO DOORASHO KU YIMID WAXAA DHAWAAN DEGAAN KA MID AH DALKA SOMALIYA OO AAN LA MALEYSAN DOONIN LOOGA DHAWAAQAYAA MAAMUL GOBOLEED CUSUB KAAS AYAANA XAALADA DALKA SII MURJIN DOONO.

DADKA KU NOOL DEGAANKAAN MAAMUL GOBOLEEDKA LOOGA DHAWAAQAYO AYAA GO'AANKAAN SI HORUDHAC AH ISKULA MEEL DHIGEEN KEDIB MARKII AY SOO BAXDAY IN AYSAN DALKA SOMALIYA WAAYADAN KA SOO MUUQAN DOORASHO HEER MADAXWEYNE KOOXO QAAB QABIIL U ABAABULAN OO UU FADHIGOODU YAHAY MAGAALADA MOGDISHA OO AAN SIYAASIYIIN LAGU TILMAAMI KARINA AY BULSHADA RUWAAYAD U JILAYAAN IYAGOO ISKA WARADA WAR QABAAN HOOSTANA ISKALA SOCDAAN.

OGOW MARKASTA OO AY DOORASHADA HEERKA MADAXWEYNE DIB U DHACDO INUU DALKU FOWDO SII GALAYO WAAYO WAXAAN JIRIN HOGAAN SHARCI AH. DHAWAAN NAGA FILO MAGAALADA LOOGA DHAWAAQAYO MAAMUL GOBOLEEDKA CUSUB IYO MARKA DEGAANKAAS LOOGA DHAWAAQAYO QUDBADAHA AY HALKAAS KA JEEDIN DOONAAN IYO WAXII KU DHALIYEY OO AY UGU WEYN TAHAY IN AYSAN DALKA SOMALIYA KA SOO MUUQAN DOWLAD ISKU HEYN KARTO SOMALIWEYN.DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2017 DURBABA WAXUU KU BILAAWDAY QAABKII UU KU BILAAWDAY SANADKII TAGAY EE 2016 OO AHAA FOWDO IYO DIB U DHAC SIYAASADEED.

SIDOO KALE XAMAR HADA DAD BADAN WAXAA JOOGITAANKEEDA KU QASBAYO WAXAA LA YIRI WAXAA LAGU QABANAYAA DOORASHO HEER MADAXWEYNE DHAWAAN SIDA LOOGA KALA TAGI DOONO MARKII DEGAANKA AAN KA HADLEYNO IYO DEGAANO KALE OO DALKA KA MID AH LOOGA DHAWAAQO MAAMUL GOBOLEEDKA CUSUB ILEEN WAXAA BULSHADII LA GAARSIIYEY AMABA LA GAARAY HEER QOLO QOLO IYO BEEL BEEL LOO KALA TAGO CIIDAMADA AMISOM-NA MEEL AY WAX KA BILAABAAN MA JIRI DOONTO OO DALKA SOMALIYA WAAN WADA OGNAHAY CIIDAMADA LAGU SHEEGO KUWA XOOGA DALKA WAA CIIDAMO U DHISAN BEELO OO CIIDAN QARAN MA JIRO.

DOORASHOOY XAAL QAADO


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.11 seconds
11,851,794 unique visits