Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 121,380
· Newest Member: oibjgegapisa

Welcome

HS;-

http://hiranstate.com/news.php?readmore=1831
HS;- ADDIS ABABA, DJABOUTI,MOGDISHU, HAGEYSA IYO DOORASHADA SOMALIYA 2017:-Waxaa macquul ah in dad badan markii ay arkaan sawirka madaxweynaha Somaliland oo aanu dhinAcyadiisa dhignay calamada Jabouti iyo Ethiopia in ay dad badan isweydiiyaan ujeedada aanu ka leenahay.sidoo kale waxaa laga yaabaa ineysan ogeyn ololaha ay dowlada Ethiopia ku dooneyso iney mar kale si weliba xoog ah ugu soo celiso xukunka dalka Somaliya madaxweynahii fashilmay ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud. sidoo kale waxaa macquula ah waxa dowlada Ethiopia oo 2006-kii bartamaha caasimada Somaliya ee Mogdishu iyo gobolada dalka ku ugaarsaneysay beelaha Hawiye siiba beesha Habargidir oo Ethiopianku xiligaasi dilayeen nin doorkooda siiba aqoonyahanada, culimada, ganacsatada iyo dhalinayrada beeshaasi,xiligii ay Ethiopianku galbinayeen dowladii Cabdullaahi Yusuf oo ay lahaayeen waqtigaas Daarood ayaan dalka u qabaneynaa.

Sidoo kale dad badan ayaa laga yaabaa in ay maanta mudo kedib arkaan Ethiopianka oo mar kale leh dalka Somaliya ha laga ilaaliyo hogaamiye amaba siyaasi ka soo jeeda beesha Daarood iyo wax la mid ah beritona shaki kuma jiro Dir ha laga ilaaliyo ayey dhihi doonaan. ujeedadadeenu maahan in aanu bulsahda u sheegno hadalada fadhi ku dirirka ee waxaan shacabka gobolada waqooyi u soo bandhigeynaa xaqiiqada hada taagan sidey u dhan yahiin hadeysan ka hor tagin si weliba deg deg ah, dhawr bilood kedib dhinacyo badan oo hada u dhisan uma dhisnaan doonaan.

INTA AANAN U GUDA GELIN SIYAASADA IYO HESHIISKA QARSOON EE KA DHAXEYSA DOWLADA ETHIOPIA IYO URURKA DAMJADIID AMABA XASAN SHEIKH,BAL WAXAAN DULMAREYNAA SIYAASADA DOWLADA JABOUTI EE KU WAJAHAN GOBOLADA WAQOOYI AMABA SOMALILAND.

1-Dowlada Jabouti marka laga reebo in aanu wada dhalanay oo ay intii dadaalkeeda ka geysatay arimaha nabadeynta iyo gurmadka ay mararka qaarkood u fidiso shacabka Somaliyeed hadane waxaanu isku dayi doonaa in aanu kala qaadno wada dhalashada iyo Somaliniamda naga dhaxeysa ee lagu qasban yahay iyo maslaxada gaarka ah ee dowlada Jabouti marka ay noqoto INTERST-GEEDA gaar ah amaba ganacsiga iyo siyaasada kala dhaxeysa dowlada Ethiopia.

Laakinse marka ay noqoto qadiyada Somaliland Dowlada Jabouti siyaasadeedu waa sidan. ma dooneyno in aanu si waadax ah afka ugu dhufano arimaha qaarkood, laakinse si ay shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee ka mid ah labada gole ee baarlamaanka Somaliya oo aysan weliba si gaar ah xildhibaanada beesha Direed xaqiiqada uga abaarin halka ay ka jirto doorashada soo socota oo aysan weliba iyagoo fikirkooda ku socda aysan u codeyn Farmaajo amaba Cumar Cabdirashiid midkood waa labada Musharax oo ay dowlada Ethiopia aad uga soo horjeedo mar kale ayaa leyska wareysan doonaa dib u dhaca Somaliland amaba guud ahaan gobolada waqooyi ku dhici doona Hadaanse dib u jaleecno dowlada Jabouti iyo siyaasadeeda Somaliland inagoo kala saareyna arimaha qaarkood.

Tusaale.

Hadii dowlada Jabouti inta ay abaaro ka dhacaan Somaliland u soo dirto gawaari gurmad u sida oo ka soo talaabaan xadka Somaliland iyo Jabouti amaba magaalada Laawo Cade micnaheedu maahan iney dowlada Jabouti boqolkiiba boqol taageersan tahay siyaasada Somaliland waa arin waajib ah oo qofkasta oo ay dhalashadiisu tahay Somalil la doonayo marka uu dhibaateysan yahay walaal kale oo Somaliyeed inuu caawiyo waajib ku tahay.

Laakinse marka laga hadlayo dhinaca siyaasada dowlada Jabouti horta ma dooneysaa iney maalin uun aragto Somalialnd oo ah dal xor ah kana madax banaan Somaliweyn amaba Somaliland oo heshiis walaaltinimo oo dhab ah inta la gashay walaalaheeda kale ee Somaliyeed ee ku nool koofurta Somaliya la midowda?

Hadaan kala qaadno labadan qodob marka loo eego siyaasada Somaliya meesha ay maanta joogto jawaabtaan waxaan u dhiganeynaa dib waayo waxaa hada ka horeeya inta aan jawaabtaas soo bandhigin in la ogaado arimo badan oo u baahan faham dhab ah in laga qaato waxaana ugu horeeya.

A) Maxey tahay ujeedada ka danbeysa ee ay dowlada Ethiopia uga soo horjeedo musharaxiinta beesha Daarood siiba Cumar Cabdirashiid iyo Farmaajo?jawaabta oo kooban hadii aad dooneyso waa labada musharax ee kaliya ee si dhab ah ugu qorsheysan tahay iney arinta Somaliland meel saaraan amaba ay suurogaliyaan Somaliland oo ka mid ah Somaliweyn oo walaalahood koofurta la midooba amaba noqda dal sida Jabouti madax banaan.siyaasada hada socota hallkaan ayey ka soo galeysaa dowlada Jabouti oo Somaliland hadii ay dal madax banaan noqoto qofkasta wuu ogyahay gobolada waqooyi in ay ka qeyraad iyo shacab badan yahiin dalka Jabouti. sidoo kale Shidaal/Gaas ay dowlada Shiinaha ka soo saareyso dhulka Somali galbeed ayaa la doonayaa in dhawr sano kedib laga dhoofiyo dekedaha dalka Jabouti hadiise ay Somalialnd noqdaan dal xor ah mudadaas ka hor amaba la heshiiyaan Somaliweyn waxaa gaaskaas in laga dhoofiyo Jabouti uga sahlan dalka Shiinaha dekeda Ber bera oo Somaliland ku taalo.

B)Maxey tahay Xasan Sheikh danaha ay dowlada Ethiopia ka leetahay waqti xaadirkaan oo ay ugu ololeynayaan xitaa iyagoo qorsheynaya hadii uu doorashada ku soo bixi waayo in dalka Somaliya laga huriyo dagaal sokeeye?

Dabcan sidaan horey u sheegnay Xasan Sheikh ujeedada ugu weyn ee laga leeyaha soo laabashadiisa halkaan laguma soo koobi karo, waxaase muhiim ah in la fahmo qatarta deg degtaa ee ku soo wajahan guud ahaan shacabka Somaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool gobolada waqooyi. dowlada Jabouti ee aanu walaalaha nahay iyadu qalad ma lahan waxeysa siyaasadeedu ku qotontaa dahana wadankeeda inta badan marka ay siyaasada hada taagan noqoto waxey arimaha qaarkeed ku mideysan yahiin dowlada Ethiopia in dib loo soo celiyo amaba loogu ololeeyo Xasan Sheikh.

Waa in ay shacabka Somaliyeed kala saaraan gurmadka abaaraha ay dadkeena u fidiyaan mararka qaarkood dowlada Jabouti iyo sida ay siyaasada isku bed bedesho, waxaan ka hadleynaa meesha ay maanta wax marayaan hadaad dooneyso in aad ogaato wax badan la soco doorashada ka hor arimo badan oo xasaasi ah oo hada taagan badnkoodna quseeya Somali oo dhan koofur iyo waqooyi, sidoo kale waxaa la ogaaday in ay Somalidu hada bislaadeen oo aysan kala jecleyn qofka wadankooda xakumaya haduu yahay Daarood amaba qabiilada kale waana waxa keenay in si toos ah oo aan gabasho laheyn dowlada Ethiopia uga soo horjeedo iney wadanka hogaankiisa qabtaan musharaxiinta isbedel doonka oo ay Xasan Sheikh u doonayaan mar kale.

Hadaba intaanu u gudbin qeybteena labaad ee warbixinta shacabka gobolada waqooyi in ay iyagoo wada jira noqdaan dal gooyni ah oo ka go'ay Somaliweyn iyo in ay walaalahooda Somaliyeed la midoobaan oo la qanciyo labadaas ayaa hada musharaxiinta isbedel doonka badankood miiska u saaran, halka Ethiopia iyo Xasan Sheikh iyo dowlada Jabouti oo is gaabineysa ciyaartana dhinaceeda ka dheeleysa doonayaan waji kaas ka duwan.

Shacabka Somaliland waxaan si gaar ah ugu xaqiijineynaa in aysan jiritaankooda amaba danahooda siyaasadeed aysan ka soo horjeedin dowlada Kenya marka loo eego labada dowladood ee xaduuda la leh gobolada waqooyi ee Somaliya.si degan qeybteena labaad ula soco xildhibaanada gobolada waqooyi ka soo jeeda inta u codeyn doonta rabitaanka Ethiopia oo ah Xasan Sheikh iyo inta u codeyn doonta rabitaanka shacabka gobolada waqooyi siiba Somaliland iyo Khaatumo walow xildhibanada labada aqal ee Khaatumo ciyaarta ay hada dowaldaha u ololeynaya Xasan Sheikh ciyaarayaan fahamsan yahiin oo ay codkooda siinayaan musharaxiinta isbedel doonka oo iyaga iyo Somaliland isku keeni doona mustaqbalka,halka laga yaabo xildhibaanada beesha Direed in loo kala jabiyo Isaaq iyo Samaroon isku dhinac ah iyo Ciisaha oo siyaasada.........meeshey jirto u janjeeri doono.

Shacabka waqooyi siiba Somaliland waa bad baadeen hadii ay xildhibaanadooda labada gole sidey u dhan yahiin u codeeyaan Farmaajo amaba Cumar Cabdirashiid weliba Farmaajo ayey aad arintaan dhab uga tahay nmarka iyagaas la sii kala qaado oo ficil u bedeli doona waxuu sheegayo,waayo Somaliland hadii ay dal madax banaan noqoneyso iyo hadii ay Somaliweyn ku biireyso waxaa hirgelin doona siyaasi ka soo jeeda beesha Daarood mustaqbalka dhaw marka waa in ay shacabka gobolada waqooyi dhinacooda ka ciyaaraan isbedelka dalkeenaka soo muuqda. dadka qaarkiis waxey isku mashquulinayaan hadii Xasan Sheikh iyo Dowlada Ethiopia oo isku dhinac ah soo laabtaan in shirkada laga leeyahay Imaaraadka ee DWP laga ceyrin doono Somaliland amaba Ber Bera, waxaas waa basiid marka loo eego qatarta ku soo wajahan shacabka gobolada waqooyi waayo dowladaha qaarkood siiba Ethiopia mana dooneyso in Somaliland la heshiiso walaalahooda Somaliyeed ee koofurta amaba ay noqoto dal xor ah.

Sidoo kale hadii gobolada waqooyi ee Somaliya noqdaan dal ka madax banaan Koofurta Somaliya waxey ogyahiin Ethiopia iyo Jabouti 9 million oo Somalida koofurta ah ganacsigooda inuu toos u aadayo Somaliland oo ay ku xirmayaan wado highway ahne la saarayo Mogdishu, Kismaayo ilaa Hargeysa iyo Boorame.war helaa talo hela....ogaada markii aanu warbixintaan oo kale ka qorno Ethiopianka amaba Jaboutiyaanka degaanada ay ku sugan yahiin ciidamadooda ku sugan Somaliya ayey shacabkooda dhibaateeyaan marka hadii aad maqashaan isbuucyada inagu soo aadan ciidamo Jaboutiyaan ah amaba kuwa Ethiopia ayaa dad shacab ah xireen amaba xabado ku fureen yeysan layaab idiinku noqon waayo waxaa lala dagaalamayo maahan qabiil Somaliyeed ee jiritaankeena iyo sidii aanu inagoo dhan amaba aanu ku heli laheyn hal qaran amaba aanu u noqon laheyn labo dowladood oo xoog badan oo ka kala dhisan dhulkii horey loo dhihi jiray British Somaliland ee maanta loo yaqaano gobolada waqooyi iyo dhulkii horey loo dhihi jiray Italian Somaliland oo maanta loo yaaano goboalda koofureed ee Somaliya.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
9,750,921 unique visits