Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 10

· Members Online: 0

· Total Members: 154,204
· Newest Member: shjitovaolia

Welcome

HS;-

http://hiranstate.com/news.php?readmore=1831DAAWO MUUQAALKAN BANAABAX GILGILAY MAGAAALADA B/WEYNE,SHACABKA HIIRAAN OO WACDARO DHIGAY IYO ODAY 70 JIR AH OO KA TIRSANAA CIIDAMADII XOOGA DALKA SOMALIYA OO OOYNAYA, SOMALIYA WAA IS RAACDAY.


HS;-DABAAL DEGYO WAAWEYN OO RUXAY BARIGA AFRICA OO AH HALKA LAGU YAQAANO SOMALIDA MAANTA NOOL INEY KA SOO JEEDAAN AMABA DEGAAN.SIDOO KALE GUUD AHAAN DALKA SOMALIYA FROM RAAS CASEY ILAA RAAS KAMBOONI, WAXAA INTAAS DHEER LAGA BILAABO JIGJIGA,WARDHEER IYO WALWAAL ILAA HARADIGEED, UGA SII GUDUB MAGAALADA CAANKA AH EE MANDHEERA,WAJEER ILAA GAASIRA IYO XAAFADA AY SOMALIDU KU BADAN TAHAY EE ISLII WAXAA KA SOCDA DABAAL DEGYO WAAWEYN OO U MUUQAAL EK IN AY SOMALDIU KU JIRAAN 1960 MARKII AY WALAALAHEEN WAQOOYI U YIMAADEEN LANA MIDOOBEEN KOOFURTA OO KALE.

HADABA WAXAA DHULWEYNAHA HIIRAAN KA SOCDA DIBAD BAXYO IYO DABAAL DEGYO AAN LA AQOON SI LOOGA SHEEKEEYO ILAA HADA WAXAAN U BIXINEY DIBAD BAXYADA GUUD AHAAN KA SOCDA SOCDA DALKA MIDKA HIIRAAN WAXAAN U BIXINAY (RECORD BREAKING ONE) MIDKA RIKOORKA JABIYEY,MARKA LOO EEGO SIDA AY ILAA XALEY ILAA MAANTA U DABAAL DEGAYAAN, HIIRAAN WAXEY KA MID TAHAY DHULKA SOMALIYEED EE DADKOODA LOO LAAYO AMABA XASUUQO MAXAAD SOMALIWEYN UGA HADASHAAN MIDNIMADOODA WAXAA KU BADAN DADKA WADANIYIINTA AH.
DAAWASHO WACAN MUUQAALKAAN

NEWS NUMBER ONE.


HALKEEN KA NIMID XAGEESE U SOCONAA OO MAXAANU TIIGSANEYNAA MUSTAQBALKA DHAW IYO KAN FOGBA?

HS;-INKASTA OO AANU WARBIXIN DHEER KA SOO DIYAARIN DOONO GUUSHII AY SHACABKA SOMALIYEED GAAREEN OO KA SOO BILAABATAY DOORASHADII GUDOOMIYAHA GOBOLAHA SHACABKA OO LAGU DOORTAY GUDOOMIYA WAAYA ARAG AH H.E.PROF MAXAMED CISMAAN JAWAARI AYNA NOOGU XIGTAY GUUSHII LABAAD EE LAGU DOORTAY GUDOOMIYAHA AQALKA SARE H.E. CABDI XAASHI CABDULLAAHI OO AH WADANI SOMALIYEED-BA HADUU JIRO SHAQSI DAMIIR SOMALINIMO LEH AADNE U RAJO GELIYEY MALAAYIIN SOMALIYED KU KALA FIRISAN DAL IYO DIBAD. WAXAANU GUUSHII SEDAXAAD GAARNAY MARKII MAALINTII SHALEYTO AHEYD LAGU DOORTAY MADAXWEYNAHII SHACABKU RABEEN H.E. MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO,SOMALIDU DAGAAL WAXEY U YAQAANAAN MIDKA XABADA LEYSKU RIDO, HAYEESHEE DOORASHADII SHALEYTO EE SOMALIYA LAGUNA DOORTAY MADAXWEYNE FARMAAJO WUU KA KULULAA DAGAALKA XABADA IN AANU GUULEYSANO WAXAA SABAB WEYN U AHAA ALLAH SUBXAANAHU WATACAALAA OO MUDAN IN LAGU SHURIYO IYO SIDA UU ALLAAH SUBXAANAHU WATACAAALAA U WAAFAJIYEY GUDOONKA BAARLAMAANKA INEY BULSHADA U DOORTAAN HOGAAMIYAHII AANU DOONEYNAY HADAANU NAHAY QOWMIYADA SOMALIDA EE KU NOOL BARIGA AFRICA.

DHAMAAN TEAM-KII AMABA KOOXDII SHABAKADAN KA SHAQEYNEYSAY SIDEY WAX U DHACEEN ILAA HADA WEY QAADAN LA YAHIIN WAXANA HAYA SHOCK AMABA NAXDIN MARKA MAANTA IYO BERITO INTA AANAN BULSHADA SOMALIYEED U SOO BANDHIGIN WARBIXIN DHEER OO KA HADLEYSA HALKII AANU KA NIMID IYO MEESHA AANU U SOCONO WAXAAN LEENAHAY HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO MADAXWEYNAHA CUSUB IYO GUDOONKA BAARLAMAANKA OO UU ILAAHEY WAAFAJIYEY SIDII AY DOONAYEEN SHACABKEENA.

HADII MAALINTII SHALEYTO AHEYD AY LUMI LAHEYD RABITAANKA SHACABKA OO AHAA MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO WAXEY INAGOOGA DHIGNEYD JIRITAANKEENA OO LUMAY WAAYO DUNIDAN AYNU KU NOOL NAHAY WAXAA JIRA WADAMO AAN LAGA QIIMEYN QOFKA INTA DHAQAALO SOO GASHA SANADKII AMABA INTA UU SHAQEEYEY SANADKII EE WAXAA LA QIIMEEYAA WAXA AFKA QALAAD LAGU YIRAAHDO HAPPENS LUQADEENA SHARAFTA BADAN EE SOMALIGAANA LAGU YIRAAHDO FARXAD,WADAMADA UU WELI KU HARSAN YAHAY DHAQANKAAS EE SANADKII LA QIIMEEYO QOFKA INTA JEER UU FARXAY SANADKA OO AH 12 BILOOD WAXAA KA MID AH DHAWR DOWLADOOD OO AY KA MID TAHAY DALKA YAR EE LA YIRAAHDO ICELAND AYUU DHAQANKAAS KU HARAY WELI.

SIDAASI DARAADEED INTA HADALKOODA LA QIIMEEYO WAXAA UGU WEYN SHACAB DAL BURNURAY OO MUDO COLAAD KU SOO JIRAY SIDA SOMALIYA OO KALE AY KU NOOL YAHIIN AMABA KA MAQAN YAHIIN SIDAASI DARAADEED MAADAAMA AYSAN SHACABKEENU HELIN WAX FARXAD GELIYA MUDO 26 SANO AH OO AY DHIBAATO KU JIREEN DOORASHADAN WAXEY AHEYD MID U LAHEYD AHMIYAD WEYN KUNA MUUJINAYEEN RABITAANKOODA IYO HADBA QOFKII AY IS LAHAAYEEN ISAGAA DHIBAATADA UGU YARAAN XAKAMEYN KARA OO DALKA KA QABAN KARA GUMEYSTAHA HORORKA KU AH INEY NAGA BOOBAAN KEDIBNA NA DULEYSTAAN.

MARKA DOORASHADAN WAXEY AHEYD DAGAAL U DHAXEEYEY SOMALIDA OO RABITAANKOODA LA DOONAYEY IN LAGA HOR ISTAAGO IYO SHISHEEYE U ARKEY IN UU DALKA SOMALIYA YAHAY WADAN DAYACAN OO AY DADKOODU QABIIL QABIIL ISKU HEYSTAAN, SIDAASI DARAADEED WAANU GUULEYSANAY WAXAASE NOO HARAY WAX BADAN OO GOBANIMO, CISO IYO KARAAMAD IN AANU DALKEENA KU HELNO DUMARKEENA IYO CARUURTEENUNA KA BAXAAN DHIBAATADA WAX SAHLAN MAHAN,WAXAA NOO HARAY SIDII AANU KU HELI LAHEYN R/WASAARE WADANI AH WAXII TALO AH INAGOONA ARINTA SIDAAN HOREY UGU EEGANAY MARKII LA DOORANAYEY MASUULIYIINTA AANU HADA HELNAY OO AANU KU QIIMEYNAY QAAB SOMALINIMO AH AYAANU MARKA LA GAARO ARINTA SOO XULI TAANKA R/WASAARAHA AANU U BAAHAN NAHAY IYADOO AAN LAGU SOO DOORAN QANCINTA BEEL AMABA SHAQSI SIDAAN U ARAGNO MIDKA DALKEENA KU HABOON AANU BULSHADA LA WADAAGI DOONAA, HAYEESHEE MAANTA WAXAAN UGU GALO GALNAY BULSHADA MAADAAMA AANU WELI KU JIRNO DABAAL DEGA MAALINTA TAARIIKHIGAA EE AANU HELNAY MADAX AANU UGU YARAAN KU KALSOONAAN KARNO KALIYANA AY NOO HARTAY KU DHAWAAQIDA R/WASAARE WADANI AH IYO XUKUMAD LA MAGAC BAXDAY TAYO TWO MADAAMA AANU HOREY U SOO ARAGNAY TAYO ONE. MAADAAMA GUUD AHAAN SOMALIDU KU JIRTO DABAAL DEG MAANTA WAXAANU BULSAHDA LA WADAAGEYNAA MUUQAALADAN ISKUGU JIRA SAWIRADA MADAXDEENA IYO VEDIO-YADA LABO KA MID AH MAGAALOOYINKA DALKEENA UGU CAANSAN.CID AANU KA YEELEYNO IN NALA DULEYSTO MA JIRTO SOMALIYA SOMALI BAA LEH FIKIR KALA DUWANAANTEENANA DHAWAAN WEY DHAMAANEYSAA WALAALAHEEN KU NOOL GOBOLADA WAQOOYINA ARINTOODA QAABKA UGU WANAAGSAN AYEY KU DHAMAAN DOONTAA INSHA ALLAAH.

DABCAN TEAM-KA KA HOWL GALA SHABAKADAN HS.COM KUMA JIRO QOF XITAA DHASHAY 1970 -KII IN AY WAXA DALKOODA KA DHACAYO LA ILMEEYAAN/OOYAAN AMABA LA QARACMAAN/SHOCK SIIBA MARKII LA DOORTAY MADAXWEYNAHA CUSUB FARMAAJO OO AY RAJO XOOGAN KA QABAAN,MARKA YAAN JIILKA SOO KORAYO LOO SAHALIN IN JIILKA QEYRKOOD AH EE KU NOOL WADAMADA AY SOMALIYA JAARKA YAHIIN INEY MUSTAQBALKA SI SAHLAN UGU GUMEYSTAAN QALAD HOREY U SOO DHACAY OO HADII SI DHAB AH LOO WADA HADLO XAL WAARA LAGA GAARI KARO.JIILKASTA WAXUU DALKIISA BAD BAADIN KARAA MARKA LOOGA TAGO NIDAAM IYO MEEL WAX LAGA BILAABI KARO SIDAASI DARAADEED WEYNA DHIBEYSAA IN IYADOO UU DALKEENU KA MID YAHAY WADAMADA UGU QEYRAADKA BADAN HADANE FOWDO SIYAASADEED IYO DAMAC QABIIL OO AAN DHAMAANEYN IN SIDAN SAHLAN DADKEENU U DHIBAATOOTAAN AQLI MAAHAN.....


HS;-BREAKING NEWS:-WAY NAGU ADAG TAHAY IN AANU WAX QORNO ( IT'S REALLY VERY HARD TO TALK, WHAT A GREAT DAY ALL SOMALI'S FROM NORTH TO SOUTH JIGJIGA TO GARISA AND WAJEER) WOOOOW MILLION TIMES THANKS TO ALLAH SUBXAANAHU WATACAALAA ISGAA ABAALKAAS LEH INTA DHIMANA WANAAG NOOGU DHAMEYS TIRI KARA IYO GUDOONKEENA BAARLAMAANKA SHARAFTA LEH OO IYAGU KA TURJUMAY RABITAANKA SHACABKEENA.................

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
11,972,860 unique visits