Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS;-

http://hiranstate.com/news.php?readmore=1831
DAAWASHO WACAN MID KA MID AH QUDBADAHII TAARIIKHDA GASHAY MUSHARAX ZAKARIYE EE DOORASHADII DALKEENA LAGU BAD BAADIYEY EE BEDESHAY XILDHIBAANO BADAN, KEDIBNA ADUUNYADA TUSIYEEN INEY SHAQEYN WEYSAY 17 MILLION DOLAR.

WARARKA CAAWA


WARARKA MAANTA.

HS;-R/WASAARAHA CUSUB EE SOMALIYA SANADKAN YAAN LAGA LABA LABEYN IN LAGA SOO XULO BULSHADA HIIRAAN, MAADAAMA UU SANADKAN INOOGU BILAAWDAY MID QEYR QABA WAXAA NOO HARAY KELIYA R/WASAARAHA OO LAGA KEENO HIIRAAN SI AANU U HELNO XUKUMAD RAADISA MIDNIMADA SOMALIWEYN OO SOO AF JARTA WAXA AY GOCANAYAAN WALAALAHEEN GOBOLADA WAQOOYI, WAA MUHIIM INTA AANU MAANTA HEYSANO JAWAARI, WADANIGA CABDI XAASHI IYO H.E. FARMAAJO FURSADAAN MAADAAMA UU NAGA MAQAN YAHAY QARAN SOMALIYEED REER HIIRAANKANA KU BADAN YAHIIN DADKA WADANIYIINTA AH IN WASIIRKA KOOWAAD KA YIMAADO HIIRAAN SOMALIDA NADIIFKAA AMABA WADANIYIINTGA AH OO DHANA WEY U RIYAAQI DOONAAN ARINTAAN.

WAXAA LA JOOGAA WAQTIGII SIYAASADA DALKA WAJI KALE LOO YEELI LAHAA.MAADAAMA AANU HADA KA BAXNAY FARAGELIN IN LAGU SAMEEYO QAABKA AANU U SOO MAGACAABANEYNO R/WASAARAHEENA OO AY KAALIN MUUQATA KU LAHAAN JIREEN WADAMADA DERISKA. MARKA AAN SIDAN WAX U QOREYNO WAXEY NAGA TAHAY SOMALINIMO DAD YAR AYAANA FAHMI KARA MEESHAAN U SOCONO AMABA TIIGSANEYNO.WAXAAN MAR KALE ALLAAH SUBXAANAHU WATACAALAA UGA MAHADCELINEYNAA GUUSHII TAARIIKHIGA AHEYD EE AY SHACABKA SOMALIYEED GAAREEN EE AANU KU HELNAY MADAXWEYNE AY RABAAN SHACABKEENA, WAXAANA BULSHADA U RAJEYNEYNAA INUU NOO FUDUDEEYO HADAANU NAHAY SOMALIWEYN IN AANU HELNO R/WASAARE WADANI AH OO SIDA JAWAARI,CABDI XAASHI IYO FARMAAJO AY BULSHADEENA KU FARXAAN SOONA DHISA XUKUMAD TAYO TWO AANU U BIXINAY OO AY KA BUUXAAN WASIIRO WADA WADANIYIIN AH.

WAX YAABAHA KEENAY IN AAN DHAHNO SANADKAN YAAN LAGA LABA LABEYN IN R/WASAARAHA LAGA KEENO REER HIIRAAN, WAXEY LA MID TAHAY MARKII AANU LAHEYN 2 SANO KA HOR MA SOO LAABAN DOONAAN HOGAANKII UU HADA WAQTIGIISA DHAMAADAY, WAAYO WAXAA NOO MUUQDAY XILIGAAS IN AAN LOO DIYAARSANEYN HANAAN DOWLADEED, HADASE HADII R/WASAARAHA SOMALIYA LAGA KEENO HIIRAAN OO WELIBA MADAXWYENAHA LOO MADAX BANAANEEYO INUU KEENSADO ISAGA QOFKII UU DOONO WAXAAN GAARI DOONAA AMABA UGU YARAAN INTA BADAN NOO HAGAAGI DOONA IN AANU DOORASHO QOF IYO COD AH KA HIRGELINO DALKEENA. WAAYO REER HIIRAAN AYAAN AQAANAA IN AY KAKA DHEEREEYAAN MADAXDA HADA JIRTO HORUMARKA DALKEENA MAAHANE DHABAR JEBIN KUMA SAMEYN DOONAAN MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALIYA, SHACABKA SOMALIYEEDNA RAJADA IYO MUSTAQBALKOODA KUMA CIYAARI DOONAAN MEEL ARINTAAN HA LAGU QORO MAANTA.

MA DOONEYNO IN AAN DIB UGU LAABANO WAXII LA SOO MARAY AFARTII SANO EE INA DHAAFTAY WAX YAABAHII KEENAY IN DOWLADII LA SOO DOORTAY 2012 DADKII HOGAAMINAYEY KU FARAXSANAADAAN INEY XAKUMAAN INTA U DHAXEYSA DEGMADA KAARAAN IYO DEKEDA MOGDISHU DALKA INTIISA KALENA DAYACAAN, WAXANSE QIREYNAA IN AAN DOWLADAAS LOO DOORAN DAD AY KA GONEYD IN AANU HELNO QARAN SOMALIYEED INAGOO BULSHADA U SOO BANDHIGI KARNA CADEYMO LA TAABAN KARO OO AAN AHEYN DACAAYAD, WAXAAN UGU YAR WAXII LA SOO MARAY KEDIB MARKII AY BULSHADA HIIRAAN MAGAALADA B/WEYNE UGU SOO DHAWEEYEEN SI AAN HOREY LOO ARAG R/WASAARAHII XILIGAASI JIRAY SAACID FAARAX SHIRDOON OO LA DHIHI KARO MUDADII UU R/WASAARAHA AHAA MEESHA KALIYA EE SI SOMALINIMO LEH LOOGU SOO DHAWEEYEY OO UU QAADAN WAAYEY WAA HIIRAAN, HAYEESHEE REER HIIRAAN DAGAALKII SIYAASADEED EE LALA GALAY WAXAA KA MID AHAA MAXAAD SAACID FARAX SHIRDOON SOO DHAWEYN INTAAS LA EK OO AAN HOGAAMIYAHII XILIGAASI JIRAY LOO SAMEYN UGU SAMEYSEEN, MA WAXAAN KA HADLEYNAA QARAN IYO IN AAN U SOO DHAWEYNAY MUWAADIN SOMALIYEED OO MASUULIYAD QARAN KU MAGACAABAN MISE WAXAAN KA HADLEYNAA QABIIL? MARKA REER HIIRAAN MA YAQAANAAN QIYAALI SOMALINIMADAA DEEQDA SDIA AAD SAWIRADAAN KU ARAGTAAN.

SI UU WAX BADAN U XAQIIQSADO MADAXWYENAHA CUSUB EE SOMALIYA MUDANE FARMAAJO DADKA GACAN YARAHA U AH BAL MEELAHA AY KU KALA WARQAADAAN SOMALIDA MAR MAR HA SOO GALEENO SOCIAL MEDIYAHA WAXAAD KU ARKEYSAA DHALINYARO BADANKOOD KA SOO JEEDAAN KALIYA LABO BEELOOD OO SOMALI AH OO FARMAAJO KU TAAGEERAAN KALIYA LABADAN QODOB.
A) MARKII MOGDISHU INTA SIYAASIYIIN KU BEEL AH KA SOO WACAAN LA YIRAAHDO WAXAA NOO MUUQDA FURSAD AANU XILKA R/WASAARAHA KU HELI KARNO WAXEY FARMAAJO KULA DHAQAAQAYAAN AMAAN ., HADANE SUBAXA DANBE ISLA IYAGII FARMAAJO XALEY AMAANAYEY AYAA HADANE CAYNAYA, TAASI WAXEY KU TUSINEYSAA INEY WELI KU JIRAAN RIYO MAALMEEDKII IYO AFDUUBKII SIYAASADEED EE BEELAHOODA KUHEYSAN JIREEN XUKUNKA DALKA EE KAMA TURJUMAYAAN QARAN IYO MASLAXO CAAM AH OO SOMALIYEED WAXAA HAGAYO DANO QABIIL.

MUDANE MADAXWEYNE FARMAAJO, GUDOOMIYAASHEENA LABADA AQAL EE SHARAFTA LEH SIDA PROF JAWAARI IYO WADANIGA CABDI XAASHI WAXAA NAGA MAQAN WAX KA WEYN DANO QABIIL OO AH QARAN SOMALIYEED WAXAA NA SUGAYO RAADISKA WALAALAHEN SOMALIYEED EE KU NOOL GOBOLADA WAQOOYI SIDI ILOO QANCIN LAHAA IN AANU LA FADHIISANO SI AAN UGU TOWFIIQSANO INEY NOQDAAN DAL KA MADAX BANAAN SOMALI INTEEDA KALE IYO IN AY MIDNIMADII SOMALIYA SOO LAABATO R/WASARAHII SOMALIYA EE ARINTAAS LOOKAASHAN LAHAA HADII AAD HIIRAAN KA KEENTAAN WAA AL XAMDU LILAAH, HADII AAD MEEL KALE KA KEENTAANE WAA RABIL CAALAMIIN,LAAKINSE SI AANU U WADA GUULEYSANO DHAMANTEEN BAL SANADKAAN AANU TIJAABINO REER HIIRAAN ( FINALY WITH OR WITHUOT PRIME MINISTER FROM HIIRAAN AS A TRUE SOMALI OUR HART WILL BE WITH YOU) MAADAAMA AAD TAHIIN MADAX AANU KU KALSOON NAHAY IN AY DALKEENA IYO DADKIISA IYAGOO ALLAAH SUBXAANAHU WATACAALAA KAASHANAYO SAMATA BIXIN DOONAAN. DADKA SOMALIYEED MA MUDNA IN 26 SANO HOGAANKII NA SOO MARAY U UDHAAFI WAAYO DEGMADA KAARAAN IYO DEKEDA MOGDISHU OO AFGOOYE IYO BALCAD MARKII UU BOOQASHO KU TAGO MASUUL DOWLADA KAMID AH YIMAAHDO SIDII WAXUU BOOQDAY WADAN KALE OO SOMALIYA JAAR LA AH ,MAANTA WAXAAN BOOQDAY BALCAD AMA AFGOOYE SIDAASI QARAN JIRO KUMA NOQONEYNO, WAXAANU DOONEYNAA R/WASAARE AAN ISAGU ISBIDEYN INUU XILKA R/WASARENIMO KU HELAY HANDADAAD IYO WAXAAN U BADANAHAY DEGAAN HEBEL, QOLO SOMALIYEED OO AAN DEGAANKEEDA XAAR XAARAN KARIN MA JIRTO EE WAXAA LEYSKU DHAAFAY XISHOOD IYO DAMIIR SOMALINIMO OO WELI KA SHAQEYNAYO DEGAANO BADAN OO AY HIIRAAN UGU HOREYSO, WAAYO REER HIIRAAN WAX BADAN OO AYSAN WAAYADII DANBE SOMALI BADAN XEERIN AYEY XERIYAAN, YAAN CIDNA LOOGA HEYBEYSAN IN LAGU QANCIYO XIL QARAN OO KA WADA DHAXEEYA SOMALIWEYN OO MEERTO AH.WAAN KU CELINEYNAA MAR KALE RAJADA SOMALIWEYN IYO IN AANU HELNO QARAN SOMALIYEED MA FOGA EE SANADKAN BAL REER HIIRAAN WASIIRKA KOOWAAD HA LAGA KEENO.

HADIISE R/WASAARE SOMALIYEED LAGU SOO XULAYO AFLAGAADO IYO HANDAAD HAWADA LOO MARIYO MASUULIYIIN QARAN SI KALIYA BEELO GAAR AH U HELAN XILKAAS, WAXAAN SUGI DOONAA XUKUMAD 6-DA BILOOD EE UGU HOREYSA (HONEY MOON )iNTA LA GALIYO HADANE HANTIDII QARANKA SOMALIYA LAGA DHACAY IYO GANACSIGII MUDADII FOWDADII UU DALKEENU KU JIRAY LAGA SAMEEYEY IYADOO XUKUMADA LAGU DUMINAYO HOREYNA WEY NOO SOO MARTAY HADANA IN AANU ARAGNO WAX LAMA AHAN SOMALIWEYN,HADAAN WAXOOGAA QEEXNO WAXA LAGA WADO HONEY MOON, WAXAA LAGA WADAA MARKA AY IS GUURSADAAN LABO QOF BILAHA UGU HOREEYA EE AY SIKU XIISO QABAAN.

WAAN OGNAHAY DALKEENA WAXAA HEERKAAN SOO GAARSIIIYEY WAA MUNAAFAQNIMO AY SAMEEYEEN QAAR SOMALIDA KA MID AH, RUNATANA LAMA JECLA WAASE MUHIIM SI AANU U HELNO QARAN SOMALIYEED IN XALKA LAGA ABAARO HADBA MEESHOW KA DHAW YAHAY OO SHALEY HADII HOGANKA DALKA LAGU SOO FASHILMAY MAANTA UMADA INTEEDA KALE FURSAD HALA SIIYO,INTAAS HADEY MADAXWEYNAHEENA SHARAFTA LEH IYO GUDOONKEENA BAARLAMANKA KA HOOS BAXDO MA GARANEYNO WAX AAN KULA TALINO HADA MAADAMA AANU TIIGSANEYNO 2020 DOORASHO QOF IYOCOD AH.

BAL SOMALIYEY IS QIIMEEYA REER HIIRAAN WANAAG AYEY WAX KU RAADSADAAN MARKASTA WAXEYNA U TAAGAN YAHIIN SIDAAN KU HELI LAHEYN QARAN SOMALIYEED MARKASTANA REER HIIRAAN WAXAA LAGU DULMIYAA QARANKII SOMALIYEED OO NAGA WADA DHAXEEYEY, WAXAASE CAADO KA NOQOTAY DALKEENA MUDO 26 SANO AH IN XUKUNKA LOOGU CEL CELIYO HADBA INTII QAAB QALDAN WAX KU RAAADISA, MA MIDKAASAA QARANKA AANU RAADINEYNO HADA KEDIB MISE?............(TIME WILL TELL)

;

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.37 seconds
11,851,803 unique visits