Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 61,573
· Newest Member: MerdarionOa

Welcome

HS;-

NewsHS;- GOOMEE KUUGU DANBEYSAY DALKEENA OO IYADOO R/WASAASE SOMALIYEED BAARLAMANKA LAGA ANSIXIYEY OO SIDAN LOO WADA QOSLAYO?,DALKA SOMALIYA WAXUU KU SOCDAA WADO WANAAGSAN IYO WAXYAABO DADKEENA RAJADOODA SOO NOOLEYNAYO OO FARXAD GALINAYO.DAAAWASHO WACAN PROF JAWAARI OO QOSOLKA KA DHAMEEYEY XILDHIBAANADA MAR UU KA HADLAYEY FARMAAJO.




HS;-Qormadaan waxey xoojis u tahay qoraalkii kan ka horeeyey ee aanu ugu magac darnay Talo adigaa ku nool ee iyadu kukuma noola oo aanu qoybtiisii hore uga hadalnay waxa ay caalamku maanta isku heystaan iney tahay dhaqaalo maadaama uu dalkeenu galay isbedel siyaasadeed muuqda oo dal iyo dibad shacabka Somaliyeed saameyn ku yeeshay tan iyo markii dhawaan loo doortay madaxweynaha Somaliya Mudane Farmaajo isaguna uu xilka wasiirka koowaad u magacaabay muwaadin Somaliyeed oo ah nin dhalinyaro ah laguna magacaabo Xasan Cali Kheyre amaba hadaan si kale u dhigno R/wasaare Kheyre.

Waxaan isku dayi doonaa bal in aanu qeybtaan soo koobno amaba aanu nuxurka ka abaarno waxaana ku hormareynaa bal horta waa xukumad noocee ah mida aanu u baahan nahay amaba ku haboon dalkeena inagoo ka duuleyna isbedeladii waaweynaa ee badankood ku qotomay rabitaanka shacabka ilaa hadane ay weli taagan tahay rabitaanka shacabka ilaa laga helayo dal la yiraahdo Somaliya oo ay dadkiisu ka baxeen dulinimada iyo dhibaatada ay mudada fog ka dhaxleen dagaaladii sokeeye iyo maamul xumida.

Dowlada amaba Xukuamda aanu dooneyno si ay ugu yaraan u guleystaan shacabka Somaliyeed dal ahaan iyo dad ahaan iyo weliba in ay madaxdeenu noqdaan kuwo guuleysta.Horta inta aanan u guda galin ka hadlida nooca xukumada aanu dooneyno muuqaalkeeda waxaan bal marka hore isku dayi doonaa qodobo laga yaabo in aysan jirin cid hada ka hor u sharaxday shacabkeena marka loo eego sida fudud ee ay dhamaantood dowladahii midaan ka horeeyey ku fashilmi jireen.

1- Dalka Somaliya maahan dal madaxweynaha lagu soo doortay nidaamka axsaabta oo la leeyahay marka madaxweyne la doorto sida dowladaha waaweyn ay sameeyaan waxuu soo dhisayaa dowlad ay ka dhaxmuuqdaan xisbiyada mucaaradka iyo wax la mid ah.Sidoo kale waxaan la dafari karin dhamaan burburkii ku dhacay dowladahii midaan ka horeeyey amaba waxyaabahii fashiliyey waxaa ugu weynaa iyadoo markasta xukumada la soo dhisayey iyadoo aysan si wanaagsan isku baran madaxweynaha, R/wasaaraha iyo dhamaan wasiirada markaasi la magacabayo iyadoo ay arintaan u dheereyd baarlaman ay ka buuxeen kooxo midkasta u taagneyd dano shisheeye, taasi oo meesha dhan ka saartay inba leyska wareysto amaba la waayo cid tiraahdo war maxaa dalkeena iyo dadkeena u dan ah, waayo siyaasiga Somaliya waxuu doonayey inuu noqdo xildhibaan, wasiir gaancsade tii oo ay u dheer tahay inuu si iskiis ah siyaasigaas iskaka sameysto nabadood qabiilkiisa ah si uu danahiisa beeleed uga fushado, waxaasi oodhana waxaa ugu wacnaa inuusan dalka ka jirin dastuur iyo nidaam lagu dhaqmo amaba haduusan xitaa jirin dastuur xormeynayo amaba lagu dhaqmayo madax looga dayan karo wanaaga si loo hormariyo dalka iyo dadka.

Hadaba maanta oo ay shacabka Somaliyed heleen dowlad cusub aadna ugu rajoweyn yahin iney dowladan u noqoto midii dhibta ka saari laheyd hadana uu dhawaan soo dhisi doono xukumadii dalkan hogaankeeda qaban laheyd 4-ta sano ee inagu soo aadan R/wasaare Kheyre oo isagu la tashiyo kooban oo dhinaca madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka kedib dhawaan keeni doono sidan wada rajeyneyno xukumadii Tayo Two.

Horta maanta dalka Somaliya ma xamili karo xukumad xildhibaankii baarlamanka oo ay sugayaan ka shaqeynta nidaamkii dastuurka iyo sidii lagu gaari lahaa nidaamka xisbiyada badan si loogu gudbo doorasho cod iyo qof ah inuu haweysto amaba damac ka galo xil wasiir iyo wax la mid ah. waan ognahay dadbaa laga yaabaa iney isleeyahiin amaba xitaa madaxweynaha iyo r/wasaaraha ku fikirayaan iney baarlamanka cusub ka buuxaan xildhibaano wadaniyiin ah oo dhawr ah sida Dr Cabdiraxmaan Beyle iyo Xildhibaan Zakariye amaba xildhibaano iyaga la mid ah oo aanu aqoon oo dalkaan mushakiladiisa ka naxa, hayeeshee qofka wadanigaa ee dalka ka naxayo xil uu markaasi raadinayo iska daaye waxuu ka tanaasulaa hadiiba uu dalkeenu nabad noqonayo midka u markaas ku fadhiyo marka markasta oo xukumad la soo dhiso xildhiabanka wadanigaa ee dalka u naxayo ma mucaaradayo waxaa mucaaradayo midka xilka wasiirka iyo kan xildhibaanka ku raadsaday amaba doonayo inuu ku gaaro mansab siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sidasi awadeed madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre iyo gudoonka baarlamanka waxaa u furan 3 arimood midkood iney sameeyaan.

A)Waxey horey malaayiin Somaliyeed marqaati uga soo noqdeen fashilka lagala kulmay xildhibaan wasiir ah ilaa markii ay dowlad markaasi la rido la yiraahdo mid cusub markii la dhisayo wasiirkasta la dhihi jiray la imaaw qof adiga booskaada lagu bedelo kedibna walaalkiis amaba ina adeerkiis oo aan weligii arag meel siyaasad lagu hayo sidaas ku keeno kedibna yiraahdo anigaa kaala shaqeynayo wasaarada ee adigu xilka amaba booska ii celi, waxaana sidaas ku lumay waqti badan oo dalkeena wax loogu qaban karay waayo hadii dad wadooyinka Mogdishu laga soo aruuriyey la yiraahdo kalay isku qabiil ayaanu nahay ee booskeyga wasiirnimo iiku fadhiiso natiijada iyo waxa laga dhaxlay wey iska catahay.

B) Si aysan mar danbe u soo noqon dhacdooyinka noocaas ah rajada shacabkana aysan u lumin waa iney jiraan sharuudo noocaan oo kale ah sida in la yiraahdo xildhibaankii doonayo xil wasiir waa inuu iska casilaa marka hore kursiga xildhibaanimo markaas kedib qiimeyn lagu sameeyo qofkaas aqoontiisa heerka ay la ektahay bulshada sida uu ku dhax yahay, waayo waxaan ognahay qaabkii in ka badan %50 ay ku soo galeen baarlamanka federalka,marka xildhibaanku baneeyo kursiga xildhibaanimo lana xaqiijiyo inuu yahay qof xil ilaa heer wasiir ah lagu aamini karo markaas arinta wey ka duwanaaneysaa sidan horey u soo arki jirnay.

C) Iyo in Somali wey is wada taqaanaa madaxweyne Farmaajona iyadoo ay xaalada wadanka intaan ka xun tahay ayuu mudo gaaban ku soo dhisay xukumadii Tayo aqoonyahanadii uu xiligaasi keenayna ma jirin mid uu qabiilkooda u maray waxey ahaayeen team dhinacyo badan ka dhisnaa, waa iney la yimaadaan wasiiro loo qaateen ah oo dhamaantood wajiyo cusub ah, hana leyska iloobo talooyinka qaarkood waayo siyaasi horey u soo fashilmay qofkii caqli leh wuu arkayaa inuusan dooneyn xukumada R/wasaare Kheyre in ay guuleysato oo ay taariikh wanaagsan dalkeena iyo dadkeena uga tagto, marka waxaa loo baahan yahay inuu R/wasaaraha isagoo waxoogaa la tashigana wado hadane ay isaga iyo amdaxweynaha dadka ka yaqaanaan qofkii ay misirka umada ku aamini lahaayeen si loo helo xukumad dhinackasta ka dhisan. waana inuu jiraa go'aan muuqda oo hogaamineed oo ay dareemi karaan shacabka Somaliyeed.

Tusaale.

Waxaan ula jeednaa go'aan muuqda oo hogaamineed hadii aanu waxoogaa qeexno, waxaan ognahay baarlamanka federalka ee cusub in ay weli is dhakinayaan laakinse ay ka buuxaan ugu yaraan tiro kor u dhaafeysa 70 mudane oo weli aaminsan fikirkii shisheeyaha iyo dowladaha deriska qaarkood ee wadankeena cuuriyaamiyey, shakina kuma jiro iney bilalaha inagu soo aadan wax badan dadka Somaliyeed iyo dalka uga ciyaari doonaan, marka si bulshada looga barto iyaga kuwa dalkeena lugooya ee hadane bulshada u sheega iney yahiin xildhibaano qaran waa in madaxweynaha iyo R/wasaaraha sikasta oo ay isleeyahiin xalka dalka ayaa ku jira u soo dhisaan xukumada cusub kedibna maalinta la horkeeynayo golaha shacabka oo codka kalsoonida loo qaadayo waa in la yiraahdo yaa diidan xukumadaan bal gacanta ha taago xildhibaanka diidan, kii diidan xukumad aan horta la tijaabin oo aan la ogeyn sida ay u shaqeyn doonto isagaa laga doonayaa inuu bulshada u sharaxo waxii uu ku diiday,koleyto ma dhahayo waxaan ku diiday in walaalkey wasiir leyga dhigo amaba aan aniga wasiir noqdo meel fagaaro ah lama so oistaagi doono , sidoo kale ma dhihi doono waxaan u shaqeeyaa dowlad kale iyo umado kale danahooda marka waxaan ikuma socdaan iyadane meel faaro ah kama dhihi doono.

Waxaa qodobkan inoo dheer in dhamaanba wasiiradii xukumadii tan ka horeysay aan marnaba lagu soo derin golahan wasiirada cusub hadaanba iyaga lala xisaabtameyn oo aan dib u eegid lagu sameyneyn hantidii ay ka sameeyeen mudadii 4-ta sano aheyd ee ay siyaabaha kala duwan uga mid noqdeen xukumadahii soo maray dalka, waayo waxaan ognahay oo aanu awoodnaa in aanu halkaan ku soo qorno qaarkood waayo waxaa ku jira mid ka mid ah wasiiradaas shaqsi markii xilka wasiir loo magacaabayey oo uu qurbaha ka tagayey xitaa tkidkii uu diyaarada ku raacay leyskugu daray/aruuriyey maantana iyadoo aan weli xilkii wasiirka uu waqtigiisa dhamaaday weli sii sheeganaya ay maalintii ku baxdo qarash dhan inta u dhaxeysa 1000 ilaa 1200 oo weliba dhawr guri oo waaweyn iyo dhulal ku leh caasimada Somaliya ee Mogdishu iyo gobolada dalka qaarkood, weliba wasiirkaan waa midka ugu musuq maasuqa yar marka loo eego hogaankii isaga ka koreeyey iyo wasiirada qaarkood oo iyagu dalal dibadaa ku leh hanti muuqata, marka in wasiiradii siyaasada ku soo fashilmay xil laga siiyo dowladan cusub iska daaye xitaa waxaa gef ku ah bulshada Somaliyed ee rajo ku noolka ah in mar hore xilka laga tirsado oo ay baneeyaan wasaaradaha ay magacooda sheegtaan.

waa muhiim ina ay masuuliyiinta Somalidu kala saaraan hebel waxaanu nahay saaxiibo dhaw iyo siyaasadaha la doonayo in lagu bad baadiyo dalka iyo dakda Soamliyeed uuna jiraa isla xisaabtan dhab ah si loo gaaro hadafka umada Somaliyeed oo ah rajo ku qotonta nolol iyo nabad sida uu sheegay R/wasaare Kheyre amaba uu madaxweynaha Somaliya ka dhawaajiyey ee aheyd dib u dhis iyo dib u heshiisiin.

Hadaba Wasiirada ay shacabka Somaliyeed doonayaan waa noocee?

Wasiirada aanu dooneyno waa wasiiro naxariis badan sida madaxweyne Farmaajo oo horey ay shacabku u soo tijaabiyeen oo kale R/wasaare Kheyrane waxaan ka rajeyneynaa inuu wadada Farmaajo mari doono amaba aad u kasban doono mudada uu xilkaan qaran hayo shacabka Somaliyeed oo iyagu ah hantida lagu faano maanta, hadaanse si waadax ah u qeexno wasiirada aanu dooneyno noocooda iyo sifadkooda waa sidan.

1- Wasiir marka u marayo wadooyinka magaalooyinka dalka isla markii uu arko Hooyo Somaliyeed amaba caruur Tuugsaneysa amaba uu ka muuqdo rafaad aduunyo oo jiifaan meel darbi ah inuu u istaago oo uu joojiyo gaariga oo hadii ay markaasi jeebkiisa ku jirto 10 dolar 5 dolar siin kara hadii uu ka maarmi karna wada siin kara 10-ka dolar isagoo weliba ku dadaalaya inuu ilaa xad ogaado daruufaha muwaadinkaas Somaliyeed ku kalifay inuu noloshaas adag ku noolaado , kedibna sidaas dadka dhibaateysan maalinba mid lagu caawiyo ilaa looga sameynayo meel lagu xanaaneeyo amaba laga helayo qorshe baahidooda lagu dabooli karo.

Waa kuwaas wasiirada raga iyo dumarkaa ee aanu sanadkan ka dooneyno madaxweyne Farmaajo, R/wasaare Kheyre oo iyagu ah kuwa ay masuuliyada ugu badan saaran tahay iyo gudoonka baarlamanka oo laga doonayo iney waxii wanaag ah kala shaqeeyaan madaxdaan isbedel doonka ah ee ku yimid ugu yaraan rabitaan shacab.Ogow R/wasaare Kheyre isbuucyada iangu soo aadan markii aad soo bandhigto xukuamda cusub dad badan oo ahda siyaabo kal duwan kuu amaanayo wey ku mucaaradi doonaan, hayeeshee Somalida wanaag doonkaa markasta iyagu madaxdooda wey taageeraan.

Ugu danbeyn R/wasaare Kheyre iyo madaxwyne Farmaajo iyo gudoonka baarlamanka waxaan u rajeyneynaa guul iyo iyagoo muujiyaan isku duubni ay ku soo celiyaan rajadii bulshada ka luntay oo ay ugu horeyso qaranimadii Somalida lagu yaqiinay.

La sooc qeybta danbe nidaamka federalka




WARARKA MAANTA



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.05 seconds
6,948,477 unique visits