Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; ; Ugandan Music ; ; Djabouti Music ; ; ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; ; Sudanes Music ; ; ; Soomaali Music ; ; Ethiopian Music;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 61,192
· Newest Member: Quadirkl

Welcome

HS;-

News
HS;- QEYBTII 3AAD:-Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola waxaan horey qeybtii koowaad iyo midii labaad ku soo qaadanay amaba ugu soo hadalnay sida ay caalamku ugu dagaalamayaan dhaqaalaha aduunka iyo nooca xukumada aanu u baahan nahay maanta, hayeeshee waxaan maanta ku soo qaadan doonaa nidaamka federalka iyo arinta Somaliya iyo Somaliland, sidoo kale waxaa qormadaan inoo dheer isbedelo deg deg ah oo ku soo kordhay siyaasada Somaliya iyo siyaasiyiin fara badan oo aad u fashilmay oo ay qaarkood xaaladooda siyaasadeed meel xun mareyso heerka uu gaaray fashilkooda siyaasadeed tan iyo waxii ka danbeeyey doorashadii guud ee dalkeena ka dhacday, waxaana maanta qormadan ku soo koobeynaa kaliya Somaliland, Puntland iyo Shacabka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo marar badan iyadoo shacabka Somaliyeed la qaldayo loo sheego in uu jiro maamul ay ku mideysan yahiin bulshadaas waxaanse u dulmari doonaa warbixin kooban oo xaqiiqo ah oo uu qofkasta oo Somali ah oo maanta leh maskax uu ku fikiro oo caafimaad qabto wax badan ku ogaan karo.

Sidoo kale inta aanan u guda gelin qormadaan waxaan shacabka Somaliyeed iyo dowlada cusub u rajeyneynaa guul iyo horumar degdeg ah , waayo siyaasiyiinta aanu dhamaantood ka hadli doono waxaa fashiliyey amaba ugu weyn fashilkooda shacabkii oo taageeradii kala laabtay dhamaantoodna sidey u dhan yahiin dal iyo dibad, waqooyi iyo koofur intaba ku daba feyleen amaba taageero xoogan u muujiyeen madaxweynaha cusub ee Somaliya iyo R/wasaare Kheyre oo uu dhawaan soo magacaabay, waxaadna moodaa in ay doorashadii xilka madaxweynaha Somaliya loogu doortay madaxweyne Farmaajo ay umada Somaliyeed sida ay qireen dowlado waaweyn iney mideysay Somaliweyn meelkasta oo ay joogaan ilaa maantana ay ku jiraan dabaal degyo waaweyn oo aan soo marin mudo fog saqiir iyo kabiir.

Bal aanu ku hormarno Xaalada Somaliland iyo waxii keenay in ay siyaasiiin badan oo reer Somaliland ah fashilmaan kuwona ay la jaanqaadaan isbedelka ka curtay dalkeena.qofkii Somali ah ee rumeysan lahaa amaba ka tegi lahaa si weliba xaqiiqo ah hadaan bulshoweynta Somaliyeed ugu faah faahino xaalada siyaasadeed ee maanta ka jirto Somaliland madaxweyne Ahmed Maxamed Siilaanyo maanta gacantiisa kuma jiraan shacabka ku nool gobolada Awdal, Togdheer, Sool iyo Sanaag iyo welibna inta badan gobolka Waqooyi Galbeed marka laga reebo inuu kaliya maanta maamulo magaalooyin kooban.

Hadaan soo koobno waxyaabaha ugu waaweyn ee fashiliyey siyaasadii Ahmed Siilaanyo iyo siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah ku doonayeen iney ku helaan ictiraaf amaba noqdaan dal ka madax banaan Somali inteeda kale waxan ku soo koobeynaa 3 qodob kaliya inagoona qoraaladeena danbe si aad wax badan u xaqiiqsataan hadii aad tahiin Somaliweyn idiin soo raacin doono muuqaalo ay iska duubeen shacabka Somaliland oo calanka Somaliya kor u ruxaya iyagoo xaflado waaweyn ku qabsanaya guryahooda magaalooyinka Burco, Boorame, Laascaano iyo Boohoodle intaasba waa magaalooyin ku yaala goboladii horey loo dhihi jiray gobolada waqooyi waayadii danbena qeybo ka mid ah loo bixiyey Somaliland, maantana ay dadkiisu ugu danbeyn doonayaan Somaliweyn, hayeeshee bal qodobadan oo ah kuwa ugu waaweyn ee fashiliyey siyaasadii Somaliland si degan u aqri.

1- Siyaasiyiinta Somaliland siiba Ahemd Siilaanyo iyo inta ku fikirka ah wax yaabahii keenay iney waayaan kalsoonida shacabka Somaliland waxaa ugu weynaa.

A) Siyaasadooda dhan waxey ku soo aruurtay aflagaadeynta iyo cayda ay u geystaan siyaasyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee ka midka ah dowlada federalka siiba kuwooda ka soo jeeda qabiilka Isaaqa oo ay ugu yeeraan iney magaalada Mogdishu u joogaan danaha calooshooda oo waxey leeyahiin waa Calooshood u shaqeystayaal, dadka ay caaynayaan waa dadkii magacooda uga midka ahaa Somaliweyn oo xitaa hadii ay Somaliweyn ka go'ayaan maadaama ay arimo badan uga xiran yahiin dowlada federalka Somaliland xitaa hadii ay noqonayaan dal ka go'aya Somali inteeda kale waxaa halkaas ku lumay isku xirkii siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee ku sugan koofurta Somaliya siiba caasimada Mogdishu iyo shacabka gobolada waqooyi waxeyna aflagadaadaas soo socotay mudo sanado ah wax iska bedelayna ma jirin, sidaasi oo ay tahay siyaasiyiinta Somaliland waxey iyagoo aan la socodsiineyn shacabkooda dhinaca kalena si hoose telefoono uga diraan siyaasiyiintaas Mogdishu joogta iyagoona xitaa intii aysan dhicin dowladii hore ka codsanayey saxiixa mashruuca kala fogeeyey shacabka Somaliland ee dekeda Berbera. sidaasi daraadeed shacabka Somaliland waxey doorashadii dhawaan ka dhacday caasimada Somaliya go'aan ku gaareen in ay Somaliweyn wax la qeybsadaan waxii ka daneeyey Feb/8/2017 oo aheyd maalintii ay Somalidu u bixiyeen maalin farxadeed ee la doortay madaxweyne Farmaajo.

B)Isla inagoo weli qodobkan ku guda jirna waxaa kale oo fashilka Ahemd Siilaanyo iyo inta la shaqeysa ugu weynaa in ay qofkasta oo reer Somaliland ah oo casimada Somaliya aada xiraan si weliba micno daro ah, waxeyna tani keentay in qofkii la xiroba dadkii uu ka dhashay isweydiiyaan goorta ay caasimada Somaliya noqotay meel qofkii tago sidii qof naf bini'aadam gooyey uu danbiile noqonayo,qofkii reer Somaliland ah ee booqasho ku tago Caasimada Ethiopia ee Addis Ababana uu noqday qof bnooqday Xaramkii oo kale,sidaasina waxaa magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco iyo Boorame iskaka hayaamay waxgarad, fanaaniin, ciyaartooy, culimo iyo qurbajoog badan oo maanta u wareegay caasimada Somaliya ee Mogdishu oo ay nolol ka abuurteen markii ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmeen uguna tageen halkaas dad aanba war iyo wacaaal u heyn waxa gudaha Somaliland ka socda, waayo qofka ka soo jeeda qabiilka Isaaqa markii uu Mogdishu tago waxuu la kulmayaa Somali kala nooc ah xitaa waxaa wax loogu qabanayaa magaca Somalinimo halka marka uu Hargeysa iyo Burco joogo ay dhagahiisa ka bateen magacyada jufo hosaadyada qabiilka Isaaqa sida Habar Awal, Habaryoonis iyo Habarjecelo iyo wax la mid ah oo dadka waxaa la haray xifaaltan qabiil oo ah midka ay ka horumari waayeen markiise ay Mogdishu tagaan waxey dareemayaan xitaa hadii qabiil loogu yeerayo in aan wax Dir ka hooseeya loogu yeereyn.

C) Wararkii ugu danbeyey ee aanu ka heleyno Hageysana waxey sheegayaan in ay dhamaan dhalinyarada saxaafada iyo fanaaniinta dhawaan u wareegi doonaan Mogdishu badankood, waxii ka danbeeyey xarigii Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isagu hada aan u xirneyn siyaasiyiinta Somaliland ee u xiran mid ka mid ah dowladaha deriska la ah Somaliya isagoona lagu xiray kedib markii uu yiri Qabri Dahare iyo Jigjiga anigaa iska leh, oo hadii kalmadaas lagu xirayo muwaadin Somaliyeed sow dad badan ma xasuustaan iney ereyadaas ku heesi jirtay fanaanadeena weyn ee Somaliyeed ee aad sawirkeeda ku aragtaan qeybta hoose Hiba Nura heestii aheyd ( Qabrii Dahare Anaa iska leeh, Qalaafana Anaa iska leh 1978) ma in maanta lagu dhibaateeyo dhalinyaradeenaa ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada ku nool magaalada Hargeysa oo isagu ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee uu fadhigoodu ahaan jiray magalada Hargeysa ee hada u soo wareegaya magaalooyinka waaweyn ee koofurta Somaliya.

Waxaa arintaas dhinac socda qorshe ay magalada Mogdishu ugu guurayaan fanaaniinta kooxda Xidigaha oo qaarkood durbaba degaan ka sameystay caasimada Somaliya ee Mogdishu markii ay dhamaantood iskugu tagaan Mogdishuna waxey la bixi doonaan magaca (Waaberi Hargeysa) sida aan xog horudhac ah ku heleyno.

2-Qodobka labaad qurbajoogtii Somaliland waxey u kala jabeen Somaliweyn iyo tiro yar oo weli ku dhagan magaca Somaliland oo waxey ku kala tageen arinta dekeda Berbera oo ay xaaladeeda kala geysay shacabkii Somaliland ee qurbaha iyo kuwii gudaha,siyaasiyinta sumacada ku helay arinta dekeda Berberana waxaa ugu horeeya oo hadii maanta doorasho laga qabto degaanada Somaliland ay doonayaan iney doortaan sharable siyaasiga Cabdiraxmaan Ciro dowlada federalka waa iney ka faa'ideysato kacdoonka shacabka gobolada waqooyi ayna Mogdishu ku casuumaan siyaasiyiinta sida Cabdiraxmaan Ciro oo kale ah amaba hadiiba ay wax u muuqaal eg doorasho ka dhacdo degaanada Somaliland rag iyo dumar isagoo kale ah la soo saaro maadama ay inta badan siyaasiyiintii shacabka Somaliland horboodi jiray amaba mediyaha ka ceytami jiray sida Feysal Cali Waraabe oo kale ay fashilmeen. sidoo kale waxaa isaguna si weyn u fashilmay siyaasiga Muuse Biixi oo ay shacabka Somaliland ku naceen siyaasadiisa oo u janjeerta dowlada Ethiopia arinta Berberana waa ninka xitaa hadii aysan dowlada federalka ka hadlin kolba kiiska iyadow marka ugu danbeysa waa dowlada federalkee dib ugu soo laaban doonaaye waxaa Silaanyo ka fashilinaya waa Muuse Biixi maanta maba loo baahna iney ka hadlaan dowlada federalka kiiska dekeda Berbera intey mediyaha yimaadaan waxa kaliya ee ku filan si hoose in qaab diplomaasiyaded loo maareeyo maadaama ay ku kala tageen shacabka Somaliland siiba kuwoodii qurbaha ku noolaa hada waxuu u muuqdaa kiiska Berbera mid dhicisoobay amaba iskugu biyo shuban doona dowlada federalka in lagala xaali doono mustaqbalka dhaw.

Qodobka 3aad ka hadalkiisa waxaan ku soo qadan doonaa qoraaladeena danbe marka aan bulshada u soo bandhigeyno muuqalo ay shacabka gobolada waqooyi iska duubeen iyagoo calanka Somaliya ruxaya aadna u taageersan madaxweyne Farmaajo waad fajaceysaa sida ay shacabkii Somaliland ee mudo 26 sano ah beenta loogu sheegayey waxaa idiin xasuuqay reer koofur waxey leeyahiin maanta reer koofur siyaasad ayaan ku kala duwaneyn oo dhulkeena ma iibsan, laakinse maanta Ahemd Siilaanyo dhulkeenii iyo dekedeenii ayuu iibsaday.Isku soo duuboo Somaliland sida uu isbedel muuqda ugu dhacay shacabka Somaliyeed ee ku nool dal iyo dib ayuu iyagana ugu dhacay oo hada wax aan Somaliweyn aheyn lagalama hadli karo bulshada degaankaas haba ugu darnaadeen magaalooyinka Burco iyo Boorame shacabka ku nool, weyna ogyahiin siyaasiyiinta Somaliland kuwooda aqliga u saaxiibkaa arintaas.


PUNTLAND IYO MAANTA:-Dalka Somaliya waxaa ka soo muuqanaya calaamado aan weli horey uga dhicin waxaana si weliba cajiib ah maalinba maalinta ka danebysa u fashilmay dhamaan siyaasiyiintii dalkeena soo lugooyey oo dantooda gaarka ah kaliya ilaashan jiray,hadaanse soo koobno xaalada siyaasadeed ee degaanada Puntland, waxaa soo baxayo arimo siyaasadeed oo qatarteeda leh oo aan weli u soo bixin dibada kuna wajahan Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas iyadoo ay wararka xoogooda ay shegayaan in dhawaan laga mabnuuci doono mid ka mid ah wadamada Khaliijka, inkasta oo aysan weli inoo suurogelin magaca wadankaas hadane waxaa soo baxaya warar sheegaya iney ku lugyeelan doonaan baaritaan xoogan oo ay wado mid ka mid ah wasaarada arimaha dibada dowladaha Kahliijka oo sida warar soo baxayo ay sheegayaan in la lunsaday mashaariic waaweyn oo lagu qaatay warbixino qaldan oo dalka Somaliya laga soo diray ayna dhici karto iney saxiixooda u adeegsadeen siyaasiyiin Somali ah oo ay ugu horeeyaan Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo xiligaas kala sheeganayey madaxweynaha Puntland iyo R/wasaaraha Somaliya, waxaana dhici karto in arintaan ay saameyn ku yeelato xitaa Safiiro badan oo dalka Somaliya xiligii burburka siyaasiyiinta Somalida ula shaqeysan jiray qaab aan lagu tilmaami karin dipolomaasiyad.

Inkasta oo ay mustaqbalka dhaw ceebtooda soo baxeyso siyaasiyiin badan oo iyagu waxey doonaan iska sameyn jiray 26-kii sano ee ina dhaafay kaliya si ay dhaqaalo ku helaane dhibaato badan u geystay dalkeena hadane waxaa laga yaaba in uu ka fashilmo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Gaas iyo Cabdirizaaq Jurile mashruuc ay ku heli lahaayeen isbuucyada inagu soo aadan malaayiin dolar oo ku wajahnaa dekeda Boosaaso, wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno magalada Garowe-na waxey sheegayaan inba ay xildhibaanada Puntland isku diyaarinayaan sidii ay xilka uga xayuubin lahaayeen Cabdiweli Gaas si kumeel gaar ahne uu xilka u sii heyn doono madaxweyne ku xigeenka Cameey inta laga gaarayo doorasho ka dhacda degaanda Puntland,kedib markii uu siweyn u lumiyey Cabdiweli Gaas taageeradii shacabka Puntland si weliba muuqata oo la dareemi karo isagoona si kumeel gaar ah hada fariisin uga shigtay inta uu uga hirgalayo mashruuca dekeda Boosaaso, magaalada Bosaso.

Jabka kale ee siyaasadeed ee ku dhacay Cabdiweli Gaas waa in doorashadii guud ee heerka madaxweyne looga guuleystay musharaxii uu taageerayey ,walow uu last minute taageeray Cumar Cabdirashiid isagoo ogaa inuusan doorashadaas Cumar Cabdirashiid ku guuleysaneyn, hadane R/wasaarahii hore ee Somaliya Cumar iyo Cabdiweli Gaas waxaa maanta siyaasada Puntland uga magac dheer amaba uga sumcad wanaagsan musharaxiintii reer Puntland oo ay ku qiyaaneen doorashadii dhaweyd ee heerka madaxweyne sida Cabdiraxmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame oo loo badinayo iney siyaasada Puntland ka soo dhex muuqan doonaan mar kale.
.
HIIRAAN IYO SH/DHEXE:-Horta waqti badan ma gelineyno ka hadalka Cali Cabdulaahi Cosoble %100 inagaa u xaqiijineyna Somaliweyn si weliba kal iyo laab ah in aysan jirin degaan Somaliya ku yaalo walaa Hiiraan walaa Sh/dhexe oo uu shacabkoodu xakumo inaga qof naga danbeyso oo Somali ah haduu arintaas waqti iskaka lumiyo waa qof aan xog ogaal aheyn oo u baahan in dhinacyo badan wax laga tuso.

Cali Cabdullahi Cosoble waxaa dalka Somaliya siiba Hiiraan looga yaqaanaa Xafiiska Wareega oo waxuu jeebka ku wataa Stampo u ka soo sameystay Cabdale Shideeye amaba Suuqa Bakaaraha iyo waraaqo Leter Heads ah oo dusha sare ku leh astaan lagu qoray shirshabele. waxaa macquul ah iney dad badan maqleen dhawr maalmood ka hor iyadoo ay leeyahiin waxaa laga keenay mooshin Cali Cabdullahi, hadane ay maalintii shaleyto aheyd maqleen isagoo leh waxaan dib u fureynaa dekedii Ceel Macaan iyadoo ay shacabka Somaliyeed kala soo degaan badeecada dekeda Mogdishu dowlad cusubna u dhalatay bulshada.

Hayeeshee waxuu maqlay waxaa soo baxay shirkado maamul goboleedyada kala wareegayo dekedaha dalka sida Berbera,Boosaaso iyo wax la mid ah oo lacag fara badan lagu helaa, yacni shacabka Somaliyeed ayaa lagu ciciyaarayaa siiba dadka degaanka uu booqday ayuu iskaka ciciyaarayaa.

Laakinse si ay Somaliweyn u qancaan inuusan jirin wax la yiraahdo maamul ay ku mdieysan yahiin bulshada Hiiraan iyo kuwa Sh/dhexe iyo meel uu ka taliyo amaba shacab taageersan Cali Cabdullaahi Cosoble dadka ugu horeeya ee qoraalkaan aaminayo markii ay arkaan waxaa ugu horeyn doona madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamud waayo waxa aanu ka hadli doono qeyb ayuu ka ahaa wuuna rumeysanayaa.

Waxaa muhiim ah horta in ay Somaliweyn fahmaan maxuu ahaa shirkii lagu qabtay magalada Jowhar ee la sheegay in lagu dhisay maamulka ay maanta masuuliyadiisa ay sheegtaan shaqsiyaad Hotelo magaalada Mogdishu ku yaala degen mararka qaarkoodna intey diyaarad raacaan dhawr saacadood soo joogaan magaalada Jowar kedibna intey mediyaha qaarkiis lacag siiyaan dhawr sawir intey iska qaadan bulshada u soo bandhigaan, laakiinse nuxurka qoraalkeenu si ay madaxda Somalidaa ee cusub wax badan u ogaadaan hadii ay shaleyto maqleen fikir ka duwan midkaane qoraalkaan aanu uga hadleyno shirkii Jowhar ka dhacay waxaan u maleyneynaa iney ka mid tahay waxyaabaha lagu jahwareeriyo shacabka Somaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Shirkii Jowhar ka dhacay gadaal uguma laabaneyno, hayeeshee waxaa muhiim ah iney bulshadu ogaadaan in aysan xitaa intii iskugu tagtay oo uu ugu horeeyey Xasan Sheikh Maxamud aysan dooneyn in ay meeshaasi ka soo baxaan nidaam ugu yaraan markiisa horeba qalad ha lagu dhisee gadaal laga saxi karo,sida aad sawirka ku aragtaan iyadoo la waayey meel wax laga bilaabo ayaa waxaa dalka Somaliya yimid nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Waare oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Hiiraan aadna u kala yaqiinay waxa ay isku yahiin iyo waxa ay yahiin guud ahaan bulshada Somaliyeed gaar ahaan dabeecadaha bulshada ku nool Hiiraan iyo Sh/dhexe iyadoo ay shacabka Hiiraan waxgaradkooda diidan yahiin ilaa xaquuqda Hiiraan meel laga saaro in aan loo gudbi karin dhismo maamul, weliba wey sahlaneyd dalabkooda oo waxey lahaayeen waxkasta dib u heshiisiinta ha laga hormariyo horta oo dadku waa iney heshiiyaan loona sheego qaabka wax leyskugu darsanayo maadaama uu Hiiraan ka haray 6-dii gobol ee lagu aas aaasay goboladii koofurta Somaliya markii danbena ka mid ahaa 8-dii gobol ee wada curiyey dowladii ugu horeysay ee loogu yeeri jiray Jamhuuriyada dimuquraadiga Somaliya.

Howl hadii aan daacad laga wada aheyn sidii la rabay uma fusho, waxaa iyadoo ay xaalada isku cakiran tahay arintii galay isagoo weliba aan dheg jalaq usiin waxgaradkii Hiiraan aqoonyahaankaan aanu kor ku soo sheegnay Maxamed Waare isagaana howshii soo gaarsiiyey meel ay gaarsiin waayeen madaxweynahii iyo wasiiradii xiligaasi jiray ilaa lagu dhiirado inba Jowhar lagu qaban karo wax u muuqaal eg shir, isagiina waxuu ku dhawaaqay inuu yahay musharax ileen in ay meesha wax ka soo baxaan ayuu doonayee.

Kedibna maxaa dhacay markii Jowhar la tagay doorashadii oo dhaceysa maalinta berito oo kale oo ay aad shacabka Jowhar u doonayeen in la doorto Maxamed Waare oo ahaa shaqsiga shirkaas in uu heerkaas soo gaaro sabab u ahaa ayaa waxaa u tagay Xasan Sheikh oo markaas doorashada Mogdishu ka hagayey kedib markii ay beesha caalamku ku amreen inuusan tagin Jowhar, ayaa waxaa shir deg deg ah doorasadii oo dhaceysa berito oo kale waxaa Xasan Sheikh u tagay shaqsiyaad qabiilkiisaa oo u badnaa siyaasiyiin waxeyna ku yiraahdeen.

Doorashadaas ka socota Jowhar hadii uu ku soo baxo Maxamed Waare Gobolka Hiiraan oo qeyrkiisa ka haray mudo dhawr iyo 20 sano ah waqti gaaban gudahood ayuu ku dhisayaa oo ninkani waxuu gobolkaas geynayaa Hayadaha caalamka oo dhan ee Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Qeyr beele ah oo aan aduunyo war iyo wacaal u heyn ee isaga doorashada Jowhar dhaqaalo lagu soo saaro bixi si ugu yaraan xildhibaanadii heerka federal ee labadaas gobol ka imaan lahaane uu kuugu soo xulo,

Kedibna maxaa dhacay ileen maba jirin dal iyo dad loo naxayo ujeedkuna ma aheyn in ayba magalada Jowhar shirkii mudada loo fadhiyey ka soo baxdo maamul ugu yaraan waxii la qalday gadaal laga sixi karo nidaamkaan federalka amaba maamul goboleedkana sida afka looga sheegayey loomaba rabin,waxaana wax ka yar 10 daqiiqo waqtigii ay doorashu socotay lagu kala qaatay si loo reebo Maxamed Waare dhaqaale lagu qiyaasay boqol ilaa 2 boqol oo kun oo la siiyey kooxda lagu shaagay iney yahiin xildhibaano ee markaas wax dooraneysay.

Kedibna maxaa dhacay iyadoo aysanba markii horey reer Hiiraan goobta joogin waxgaradkooda marka laga reebo shaqsiyaad lacag iyo laaluush lagu keenay ayaa hadane waxaa la yiri magaca maamulka yaan lagu soo derin amaba lagu xusin magacii qaaliga ahaa ee gobolka Hiiraan bulshadooda lagu yaqiinay.Halkey maanta wax marayaan xili ay shacabka Somaliyeed heleen dowladaan cusub ayna luntay rajadii siyaasiyiin badan oo uu ugu horeeyo madaxweynahii xiligaasi jiray Xasan Sheikh Maxamud?

Waxey maanta ka shalaayayaan Dagaalkii ay la galeen ninkii suurageliyey shirkii Jowhar inba ay wax ka soo bixi karaan ee ahaa Maxamed Waare, Cali Cabdulaahi Cosoblahii ay lahaayeen waa nin aad ku shaqeysan kartaane iney isaga ku shaqeystaan iska daaye iyagii ayuu hada ku shaqeystaa oo waaba kan dekeda Ceel Macaan aduunayda suuq uga raadsanaya isagoo maskaxda ka qalday ganacsato jaahiliin ah oo ka soo jeeda beesha Abgaal iyo rag horey u soo noqday Hogaamiye kooxeed isagoo leh hadii kursigii madaxweynaha Somaliya aad waayseen ganacsigii idiin ka soo degi jiray Mogdishu u wareejiya Ceel Macaan Mooshinkii aad ika keenteena ika joojiya aan wada shaqeysano, yacni R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayuu qeyb Abgaalka ka mid ah u tusinayaa ineysan dowladooda wax canshuur ah siinin oo ay Ceel Macaan aadan isaguse waxey ka tahay Ceel Macaan markii la furo saxiixa shirkada laga iibin doono ayaad ku heleysaa malaayiin Dolar iyo wax la mid ah,waayo Sh/dhexe hadiiba ay deked yeelaneyso waxey ku taalaa magaalada Cadale.

Inagoo aanan dooneyn in aanu ku dheeraano arimo badan waa muhiim in ay dowlada cusub dalka ka qabato shaqsiyaad badan oo dalkeena ku haya siyaasado qiyaali ku dhisan sida Cosoble oo kale iyo waxii la mid ah.shacabka Somaliyeed waxbo iskuma diidana oo waa kuwan dal iyo dibad taageeraya dowlada cusub ee u dhalatay oo u dabaal degaya.waan ku celineynaa mar kale Cali Cabdulaahi Cosoble ma jirto meel uu ka taliyo Somaliya walaa Hiiraan walaa Sh/dhexe.

Sidoo kale inta aanaan qeybteena labaad ee arinta federalka u gudbin ka hadalka maamulada Koofur Galbeed iyo Jubaland waxaan talo ku siineynaa madaxweynaha Somaliya mudane Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre iney raadiyaan meelkasta oo uu ka joogo qaarada Africa amaba Yurub aqoonyahankii reer Hiiraan ee isku daba riday shirkii Jowhar Maxamed Waare waxey aheyd fursad dhaaftay dowladii Xasan Sheikh maadaama uu dalkeena ku jiro waqti adag oo abaaro baahsan ay jiraan sida naloo xaqiijiyeyna uu hayadaha gargaarka horey ula soo shaqeeyey waa in dalkeena bulshadiisa looga faa'ideeyo cidkasta oo wax u qaban karta oo u shaqeyn karta dalka iyo dadka ee ma ahan in dalka iyo dadka laga shaqeysto.

Hadii aad bulshada Somaliyeed ninkaas u raadin kartaan dowlada cusub wax weyn ayuu ku soo siyaadin karaa ugu yaraan xitaa hadii looga faa'ideysto arimaha bini'aadaminimada oo hada ah mid taagan iyo xitaa hadii looga maarmi waayo inuu ka mid noqdo aqoonyahanada cusub ee fikirkooda ku biirin doono horumarka dowlada cusub,waxuuna ka mid yahay sida ay Somali badan inoo xaqiijiyeen kuwooda isaga yaqaano shaqsiyaadka uu dalka hada si deg deg ah ugu baahan yahay , dhawr jeer ayaan Somalida ugu soo celinay in aan qofka Somaligaa loo eegin qabiil iyo degaan ee loo eego maxuu qaban karaa, marka fursadan waqtigeeda joogta yeysan madaxdeena iska dayacin waa naga talo Somalinimo.

Bal ka waran hadii adigoo madaxweyne amaba R/wasaare ah shaqsiyaad qabiilkaada ah iyadoo qeyb dalka kamid ah maamul loo sameynayo ay ku yiraahdaan hebel hadii la doorto dalka ayuu hormarinayaa ee hebel ayaan ku shaqeysan karnaa iyo wax la mid ah adigoo masuuliyad qaran sheeganayana aad fikrikaas dalka lugooynayo aad aqbasho dhinaca kalena aad mediyaha ka tiraahdo waxaan wax iskugu darayaa bulsho ku nool labo gobol sideed ku dooneysaa in aad guul ka gaarto mustaqbalkaada siyaasadeed?ugu daneyn sida hada dhacday shaqsiyaad badan oo dhawr bilood ka hor xilal muhiin ah ku magacaawnaa maanta isweydii meesha ay ku danbeeyeen waayo Allaah ayaa qulubtooda daalacanayo ineysan dalka iyo dadka daacad u aheyn kedibna sidey iyagu qorsheysteen si ka duwan u maareeya arinta.

Dhawaan kuwii dalka lugooyey one way or the other iyagaaba ka suuli doono markii ay waayaan taageero shacab amaba malaayiin Somaliyeed hortooda ku ceeboobi doonee qofkasta oo muwaadin Somaliyeed ah waqtiga yar ee uu joogo yuusan kaliya sidii uu isagu wax ku heli lahaa u xaraashin mustaqbalka dalka iyo dadka Somaliyeed waa fikirka ugu badan ee ay maanta aaminsan yahiin shacabka Somaliyeed.

La soco qeybaha kale ee qoraladii aanu ugu magac darnay talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola inagoona qoraalada kan xiga ku soo qaadan doono maamulada Koofur Galbeed iyo Jubaland inagoona qoraalkaas soo raacin doono sida ugu haboon ee ay bulshada Somaliyeed ku heli karaan nidaam federal ah oo ay raali iskaka yahiin ugu yaraan amaba ay dhawr sano kedib ku gaari karaan horumar deg deg ah,kedibna waxaan qormadii aanu ugu magac darnay Talo adigaa ku nool ee iyadu kukuma noola ku soo qatimi doonaa kooxaha dalkeena ka dagaalama oo ay ugu horeyso Shabaab. laco wararkeena danbe


SAWIRKA MAANTA IYO FANAANADEENA WEYN EE QAALIGAA HIBA MAXAMED CUDOON"HIBA NUURA OO AANU UGU TALO GALNAY BULSHOWEYNTA SOMALIYEED IYADOO HUWEAN CALANMEENA QURUXDA BADAN EE DALKA SOAMLIYA.


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.08 seconds
6,672,563 unique visits