Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Doorashada madaxweynaha,gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadooda waxey dhaceysaa bisha 8aad ka hor.

Wararka MaantaKenya:(hiranstate.com)- Siyaasadii Somaliya ayaa hada u gudubtay ka hadalka xiliga ay doorashu dhaceyso iyo abaabulka arintaasi kedib markii shirkii maalintii shaleyto aheyd tagitaankii ay TFGdu tagtay uu waji kale u yeelay.wakiilka qaramada midoobay oo war saxaafadeed soo saaray ayaa yiri "Doorashada madaxweynaha,gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa waxey dhaceysaa bisha 8aad ka hor" Inkasta oo waqti fiican ka harsan yahay xiliga doorashada hadane waxaa meesha ka baxay hamigii ay TFGdu ku dooneysay iney hesho sanad dheeraad ah.

Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamaanka oo isagu wakiil uga ahaa shirka Kenya Dowlada fedelka ayaa qalinka ku duugay in ay doorashada dhaceyso watiga ay qaramada midoobay iclaamisay. warar naga soo gaarayo waftiga madaxweynaha Somaliya la socdane waxey sheegayan in madaxweyne Shariif uu dacwad ka dhan ah wakiilka qaramada midoobay u gudbin doono dalkaasi Tanzaniya oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo wakiilka qaramada midoobay. mar aanu weydiinay waxa madaxweynaha Soamliya uu horey ugu soo mari waayey dalka Tanzania xiligii uu dhawaantan safarka ku tagay wadamo badan oo bariga Africa ka tirsan ayuu ku jawaabay hada madaxweynuhu dacwad ayuu ka yahay wakiilka qaramada midoobay.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo si shirkii qaramada midoobay u noqodo mid guuleysta in maamul goboleedyo badan laga caawin doono waxyaabo badan oo ay TFGdu ku fashilanatay sida dhaqaalo, horumarinta dadka reer miyiga iyo aqoonsi buuxa oo maamul goboleedyada la siinayo si ay iyagu isku soo xaliyaan laakinse loo sahlo iney degaanadooda intiiba isku degaan ah shir ku qabsadaan taas oo meesha ka saareysa shirka ay maanta iclaamiyeen golaha wasiirada TFGda.

Xukumada farmaajo hadey aqoonyahano qurbaha ka yimid yahiin iyo hadii kaleba siyaasad ahaan iyagaa is baabi'iyey waxaana taasi ugu wacan ayaa la leeyahay iska warqab la'aan ka dhax jirta hogaanka sare ee dalka ugu sareeya.waftiyadii shirka KEnya ka qeyb galay ayaa iyagu maanta iyo berito ku kala laabanayo degaanadooda halka gudoomiyaha baarlamanka si weyn looga sugayo magaalada Mogdsiho malinta berito ah isagoo wakiil uga ahaa shirka Kenya dowalda federalka Somaliya halka uu diiday wasiiro waqti danbe soo gaaray shirka oo doonayey iney qas iyo fowdo isticmaalaan,hayeeshee dantu waxey biday iney u hogaansamaan go,aanka gudoomiyaha baarlamaanka maadaa aysan waxbo ka qaban karin siyaasadahan cusub ee dalka ka curtay.

Nasiibdarada ugu weyn waa in wasiiro badan oo aqoonyahano ahaa oo xukumada Farmaajo ka tirsan oo doonayey iney siyaasada Somaliya mudo dheer ku jiraan ay hada u muuqdaan kuwo fashilmay oon marnaba laga dhax arki doonin wajiyada dowlada bedeli doonta mida hada jirta, kedib markii ay qaarkood ku fashilmeen dahii reerahooda iyo dadkii ay metelayeen waxeyna u badan tahay in degaano badan oo ay Hiiraan ugu horeyso la imaan doonaan wajiyo cusub oo intii siyaasada ku soo jirtay ilaa 1990 ilaa mida hada jirta laga tashan doono, marka xaqiiqda jirta iyo waxqabadkooda dib loogu laabto.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,638,265 unique visits