Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeeyey Hiiraan iyo qaabkii uu ku bur buray ururkii Dooxada Wabi Shabeele

Wararka MaantaHiiraan:(hiranstate.com)-Kedib bur burkii ku dhacay kooxdii Wabi Shabeele ee loo dhisay in lagu carqaladeeyo jiritaanka magaca iyo dadka reer Hiiraan ayaa ugu danbeyn waxaanu ka helnay xog badan oo ay bixinayaan qaar ka mid ah saraakiil ururkaasi ka tirsanaan jirtay iyo halka ay maanta wax u marayaan.

Yaa lahaa fikirka lagu dhisay ururka Dooxada Shabele maxeysa aheyd ujeedadii ka danbeysay?

Kedib dagaaladii sokeeye ee dalka ka curtay waxii ka danbeeyey ma jirin meel shacabka reer Hiiraan iskugu yimideen oo looga hadlay in shacabka Hiiraan loo helo maamul goboleed Hiiraan state ka hor, waa laga yaabaa in hada ka hor qaar bulshada ka mid ah ay ku haminayeen laakinse waqti munaasib ah la sugayeen kedibna markii ay arkeen bulshadii oo u bisil iney maamul sameystaan iyaguna dhinacooda ka raacay sidaasina ugu qeyb qaateen dhismahii Hiiraan State.

Waxaa kale oo jiray isku dayo ay sameeyeen muwaadiniin reer Hiiraan ah oo uu ka mid ahaa alaha naxariistee C/karim Farax Laqanyo oo isagu sameeyey maamulkii Midland inkasta oo ay shacabku xiligaasi u bisleyn sida ay maanta u bisil yahiin kedibna markii uu maamulka socon waayey ku biiray dowladii uu garwadeenka ka ahaa madaxweyne Cabdullaahi Yusuf.
waxaa kale oo jiray maamulo hadii la xoojin lahaa aqli caafimaad qabane loo adeegsan lahaa lagu hormarin karay shacabka Hiiraan sida midkii uu hogaamiyaha ka ahaa marxuum Hasan Cabdulle Qalaad.

Dhismahii Hiiraan State iyo qaban qaabadiisii ugu horeysay waxey dhashay in xitaa qaar reer Hiiraanka ka mid ah ay ku dhiiran karaan iney maamul ay shaqsiyaad ka hor dhacayey shirkii lagu dhisay Hiiran State ku dhawaaqaan sida midka uu maanta hor booday Jiraabey ee Hiiraan iyo Midland oo ah maamul lagu dhisay xin qabiil iyo ereyo markaad u dhabo gasho iskugu biyo shubanayo hadaanu nahay qabiil hebel waa in aanu is muujinaa iyo wax la mid ah, ma jirto istiraajid weyn iyo mustaqbal la tiigsan karo oo ka danbeeya maamulkaas Jiraabay ku dhawaaqay xiligii ay socotay qaban qaabadii lagu dhisay Hiiraan State.

Jiraabey waa muwaadin reer Hiiraan ah xaqna u leh inuu madaxweyne ka noqdo amaba hogaamiyo reer Hiiraan laakinse ereyada uu mararka qaarkood isticmaalo oo huwan xin qabiil iyo aragti ku kooban koox yar oo iyagu inta qol yar isku soo xiray iska dhaadhiciyey ismuujiya iyo wax la mid ah meshey la gaartaba uma muuqaal eka maamul isku soo dumin kara reer Hiiraan marka hogaanka sare dhaqanada iyo ereyada ay isticmaalaan aad dib u eekto, inkasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno ereyada ay isticmaalaan ilaa ay Somaliweyn nala arkaan hadane waa muwaadiniin Somaliyeed oo waliba reer Hiiraan ah in fikirkooda lagu ixtiraamo waa muhiim.

Maamulka Dooxada wabi Shabeele gudaha Hiiraana looga yaqaano Dooxada Juba iyo qaabka uu ku yimid.

Dooxada Shabeele waxaa la dhisay laguna dhawaaqay waxii ka danbeeyey dhismahii Hiiraan State qaabka lagu dhisay wey wajiyo badneyd laakinse inta ugu muhiimsan ayaanu u soo bandhigi doonaa shacabka reer Hiiraan.

Dooxada waxaa gudoomiye ka ah nin dhalinyaro ah hamigiisuna yahay sidii uu mar uun ugu dhax muuqan lahaa siyasada Somaliya si uu bal uga mid noqdo inta maanta dhax boodeysa arimaha Somaliya. Dadka badankoodu waxey magaciisa maqleen kedib markii isagoo magaalada Mogdisho ka yimid xili ay dagaal ba'an dhaliyaro reer Hiiraan kula jireen magaalada Belet Weyne uu ka yimid Mogdisho gudoomiyaha ururka Dooxada shabeele kedibna ciidamadii oo inta badan magaalada Belet weyne la wareegay uu dhabarka ka toogtay isagoo u isticmaalay dhaqaalo uu magaalada Mogdisho kala yimid, kedibna isla habeenkii ayuu dib ugu laabtay magaalada Galkacyo intii uusan Galkacyo tagina waxaa lagu xiray Galgaduud inkasta oo laga sii daayey isla markiiba. intii uusan magaalada ka bixin ayey wararku sheegayaan inuu u yeeray dhalinyaro uu garanayey kana tirsaneyd ururka Shabaab ee magaalada banaankeeda joogay una sheegay in magaaladu ay cidlo tahay kedibna sidaasi ayey ilaa maanta ururka Shabaab ku heystaan magaalada Belet weyne iyo inta badan magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan.

Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa ninkaasi dhalinyarada ah ku qasbay inuu magaalada Belet weyne intii ay qabsan lahayeen ciidamo reer Hiiraan ah ay Shabaab maamulaan. warbixinada arintaas laga helayo qaarkood waxaa ka mid ah.
1- Gudoomiyaha Dooxada shabele xiliga uu waxaani sameynayey waxuu ka tirsanaa TFGda oo waxuu la shaqeynayey madaxweynaha Somaliya waxaana la leeyahay arintaasi waxey aheyd mashruuc ay TFGda hogaankeeda sare wax ka ogaayeen.

2- War bixin kale waxey leetahay Gudoomiyaha Dooxada Shabeele Aabahiis iyo labo wiil oo la dhalatay ayaa ka tirsan ururka Shabaab saraakiishooda oo waliba Aabahii waa sargaal sare oo ka taliya magaalada Halgan odoygaas oo lagu sheegay magac naaneys ah oo dadku wada garanayaan waxana magaciisa ku soo qaadan doonaa qoraaladeena danbe marka warbixin hada qabyo naga ah soo gabo gaboowdo.

Al muhiim ugu danbeyn gudoomiyaha waxaa ku dhaliyey inuu iyadoo shacabka reer Hiiran sameysteen maamul goboleed la magac baxay Hiiraan State oo waliba uu xiligii juhdiga badan la galineyey shirarkii faraha badnaa ee lagu qabtay Kenya uu qaarkood xiligii ay dhacayeen uu ku sugnaa isla dalkaas isagoo xiligaas aad u difaaci jiray dowlada federalka ha yeeshee markii danbe waxuu si indho la,aan ah kaka dhawaaqay ururkaan hada bur buray ee Dooxada wabi Shabeele amaba Dooxada Juba.

Magaca ururkani iyo Ujeedada laga lahaa

Gudoomiyaha ururkani oo ah nin dhalinyaro ah helina garay in hadii uu siyaasada dalka amaba Hiiraan rajo ka leeyahay u soo diyaar garoobo oo maadama uu dhalinyaro yahay waqti badana hadii uu ilaah wad ka bad baadiyo heli karay inuu wax barasho ilaa heer jaamacadeed ah aado waxuu ku dhiiraday inuu fuliyo go,aanka yimid qaar ka mid ah shacabka Somliyeed ee aan iyagu aheyn reer Hiiraan ujeedada Dooxada marka runta dib loogu noqdo waxey aheyd gobolka Hiiraan oo ka danbeyey goboladii ugu horeyey ee uu yeesho dalka somaliya waliba aan la kala goo gooyn waxey aheyd si marka hore loo baabi'yo magaca Hiiraan ee soo jireenka ah kedibna Hiiraan la hoos geeyo gobolo kale oo iyadu deris la ah maadaama ay ku taalo meel halbowle u ah isku socodka dalka.

Ururka iyo masuuliyiintiisii halka ay joogaan maanta.

Marka dal amaba urur bur buro waxaa si sahlan loo ogaadaa sirtiisa mar aanu maanta la xariirnay qaar ka tirsanaa saraakiishii magaca ururkaas ku hadli jirtay ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamdii Dooxada qaarne ay dib ugu laabteen ururka Shabaab oo ay hore ugu tirsanaayeen halka qaar ka mid ah saraakiishane ay hada isku diyaarinayaan iney wadanka iskaka tagaan oo ay aadan xaasaskooda oo ku nool Somaliland kedibna halkaas qurbaha ka sii aadan. qaar ka mid ah saraakiisha ayaa inoo xaqiijiyey in ay saraakiisha qaarkood maalmaha inagu soo aadan ay idaacadaha ka hadli doonaan mowqifkoodana cadeysan doonaan iney iskaka tageen ururkaasi awalba fowdada lagu dhisay.

Maamul goboleedka Hiiraan State waxey tacsi u dirayaan dhamaanba eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ku dhintay dagaaladii aan laga fiirsan cawaaqibka ka imaan kara ee lagu halaagay dhalinyaro badan oo reer Hiiraan ahaa oo halkii lagu shidi lahaa in lagu laayo dagaalo aan dhamaad laheyn la heli karay in loo abuuro jawi ay wax ku baran kareen si ay ula jaanqaadaan dhalinta qeyrkood ah ee ku nool dunida dacaladeeda ayuu yiri wasiirka warfaafinta Hiiraan State Amb Xooshow oo ka hadlayey isbedlka ku dhacay kooxda DS.

La soco warakeena danbe iyo ururada aan ka turjumeyn rabitaanka shacbaka Hiiraan ee leys kaka dhawaqo kedibna si lama filaan ah ku bur bura.

isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,589,182 unique visits