Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; ; Ugandan Music ; ; Djabouti Music ; ; ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; ; Sudanes Music ; ; ; Soomaali Music ; ; Ethiopian Music;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 1
Fedyanam

· Total Members: 61,192
· Newest Member: Quadirkl

Welcome

HS;-

News
HS:-Dalka Soomaaliya oo ka soo kabsanayo colaad kana baxaya fowdadii iyo dowlad la'aantii ay shacabkiisu mudada ku soo jireen kedib dowlad ay siweyn u taageersan yahiin shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad oo dhawaan u dhalatay, hadane waxaa muhiim ah in aysan Soomalidu sidii dad xidiid ah u hadlin mark aay noqto mustaqbalka dalkooda iyo madaxbanaanidiisa xaqiiqadana ka abaaraan meesha ay ka jirto. Hadaba inagu waqti badan ma gelin doono ka hadalka kulanka maalmaha inagu soo aadan dhaxmari doona madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamulada gobolada, waayo waxaa is horfadhiisanayo shaqsiyaad shacabkey metelaan been u sheegaya oo ku socda fikir shisheeye oo dalkeena lagu burburinayo iyo madax wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed oo diyaar u ah inuu dalkeena horumar gaaro oo dadkooda daacad u ah ugu ayraane doonaya inuu dalkeenu noqdo mid ka wanaagsan dhinackasta wadamada caalamka.

Hadaba ku dhawaad 10 kulan oo dhaxmaray Cabdiweli Gaas iyo dowlada Ethiopia tan iyo markii doorashadii dhawaan ka dhacday dalka u wadanku galay isbedel siyaasadeed ayna shacabku heleen baarlamaan, madaxweyne, R/wasaare iyo xukumad wadankuna ku socdo jiho wanaagsan hadane inagu qormadeena waxey ku wajahan tahay kaliya 3 qodob

1- Cabdiweli Gaas oo horey siyaasiintii beesha Abgaal 10 kii sano ee ugu danbeysay dhamaantood ku soo fashiliyey ereyo ay ka mid ahaayeen Mogdishu waxaa lagu joogaa Xoog Abgaal iyo Aqli Majeerteen, isagoo hadba siyaasigii yimaado u arkey mid uu ku shaqeysan karo iyaga dhaxdoodana kala dili jiray,laakiinse iyagu dhamaantood ahaa dad wanaagsan oo daacad ahaa lagana waayey mid yiraahdo war Abgaal cid ka aqoon iyo garasho badan ma jirtee afkaada suubso, waxey dhamaantood mareen wado isku mid ah siyaasad ahaan iyadoo loo adeegsaday naceynbka beelo Soomaaliyeed oo deris la ahaa xiligaas iyo kuwo aan la aheyn intaba. dabcan Cabdiweli Gaas marka uu Abgaalka la hadalyo siyaasiyiintooda ayuu sidaas u hadlaa maahane marka ay noqoto Majeerteenka dhaxdooda iyagaas ayuu sii kala dilaa waa nin jiran oo aqli mooday hebel ku shaqeyso xitaa hadii ay saaxibo yahiin qofkaas Soomaaligaa waxuu moodaa inuu ka aqli badan yahay waa dadka ay Somalidu dhahaan isku qabe aan loo qabin.waxey Somaliweyn marqaati ka ahaayeen qaabkii fool xumada ahaa ee u u kursigii uu ku fadhiyey ee r/wasaaraha oo uu xiligii kumeel gaarka madaxweyne Farmaajo ula gediyey isago xiligaas wakiilkii qaramada Midoobay ee xiligaasi joogay Mahiga uga bedeshay...........yacni ceeb iyo fool xumo ma karto.

2- Cabdiweli Gaas oo dhawaan mashruuc siyaasadeed ka soo qaaday dowlada Ethiopia kaasi oo ay Ethiopia ku dooneyso in ay sii wado gumeysigii ay shacabka Soomaaliyeed ku heysay si taasi u dhacdona Cabdiweli kula soo heshiisay in uu raadiyo madaxda kale ee Gobolada dalka sidaasina dowladan cusub ku mucaaradaan waxey isku siyaasad yahiin Ahmed Madoobe laakinse Ahmed Madoobe ma doonayo in arintaas laga dareemo waayo ciidamada Kismaayo jooga waa ciidamo taageersan qaranimada Somaliya kuna faanaan iney yahiin ciidanka XDS marka si aan loo dhihin Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe oo Daarood ah ayaa dowladii mucaaraday waxaana sidaas ku taageeray shaqsiyaad ay qaldeen Cabdiweli Gaas oo horey uga soo macaashay fashilinta siyaasiyiinta beesha Abgaal waxuu hada doonayaa in Cali Cabdullahi Cosoble loo adeegsado Mediyaha yacni dadka waxuu moodaa Cabdiweli Gaas xoolo uu siduu doono ka yeeli karo si uu mashruucaan Ethiopia u soo dhiibtay u hirgalo.

Arinta Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa timid kedib markii leysku aamini waayey Shariif Xasan oo uu Cabdiweli Gaas sheegay in ay siyaasad ahaan R/wasaare Kheyre iyo Shariif Xasan isku dhaw yahiin maadama Shariif Xasan xidiid la yahay beesha uu ka soo jeedo R/wasaaraha, yacni shacabka Soomaaliyeed ayaa been loo sheegaya meesha laguma hayo xigmad iyo siyaasad toona. hadii aad aragtaan Cali Cadbulaahi Cosoble oo sidii qof aan hadafkiisa ah ku socon mashruuca Ethiopiana kaliya in yar looga sheegay iyadoo la adeegsanayo telefon kaliya, yeysan la yaab idiinku noqon Soomaaliyey waayo Cabdiweli Gaas waxuu siyaasiyiin badan iskaka dhigaa in ay gadaashiisa fadhiyaan dowlada Ethiopia iyo wakiilka qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Micheal Keating iyo shaqsiyaad magaca beesha caalamka ku joogaan dalkeena oo ay xerada Xalane saldhig u tahay.

Tusaale

Sidaan horey u sheegnay ma dooneyno in aanu ka hadalno waxa ka soo bixi doona shirka DFS iyo ragaan dhax mari doona waxaanse Soomaali badankeed u xaqiijineynaa hadeysan diidin dhamaanba qodobada ay dowlada federalka u soo bandhigto oo ay u hadli waayaan sidii dad shisheeye ah amaba cadow ku ah jiritaanka dowladnimo ee shacabka Soomaaliyeed qoraaladeena danbe waqti haba gelina in aad aqrisaan, inagu ma sheegin in ay Shariif Xasan iyo Cali Cabdulaahi Cosoble iyo ahdba qofkii wakiil uga ah shirkaan maamulka Galmudug awaamiirta dowlada federalka u hogaansami doonaan sidaasne ay ku fashilmi doonto hamigii Ethiopia iyo Cabdiweli Gaas iyo Shisheeyaha Xerada Xalane ku jira ee uu dalkeena ka degi waayey, hayeeshee kulamadii dhaxmaray ragaan qaarkood iyo shaqsiyaadkaas shisheeyaha ah dhamaantood waxey uun ahaayeen sdii loogu ciyaari lahaa qaranimada iyo madaxbanaanida shacabka Soomaaliyeed.


3- Cabdiweli Gaas heshiiska Ethiopia ay wada gaareen waxaa ka mid ah sida aan warar horudhac ah ku heleyno in la carqaladeeyo doorashada Galmudug kedib markii heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna wada galayaan Cabdiweli Gaas u arkey inuu yahay mid ay faa'ido ugu jirto shacabka degaankaas isaguse u arkey qatar, waayo waxuu leeyahay Galmudug oo kaligeed ah ayaan maaro u weynay ee ma waxaan celin karnaa labadaas oo isku biiray oo hadane shacabka Hiiraan iyo kuwa Sh/dhexe ay sidii hore iskaka soo dhawaanayaan hada marka awoodaas ka soo baxeysa inta u dhaxeysa koofurta Galkacyo ilaa Mogdishu in la wiiqo oo maalintii la waayo qof Abgaal ah oo lagu shaqeysto hada Cali Cabdulaahi la....... inta kale adiga dhameystiro. hadii aad dooneyso arinta garoonka diyaaradaha Galkacyo ee la leeyahay waxaa dhisi doona Ethiopia wax ka jiro ma jirto kaliya ujeedadu waa sidii degaankaas colaad looga hurin lahaa ka hor doorashada Galmudug.

Ka bixitaankii ciidamada Ethiopia ee magaalada Dhuuso Mareeb iyo mashruucaan wey isku xiran yahiin laakinse Dhusa Mareeb in ay ciidamo Ethiopian ah ka baxeen iyo in kale shacabka degaankaas kalama jecla waayo iyagaa markoodii horeba amaankooda sugan jiray weliba waxaa wanaagsanaan laheyd in ay dhamaan Koofurta Galkacyo ilaa Mogdishu ka baxaan Ethiopainku halmar dadku iyagaa yaqaano sidey Shabaab ula dagaalayaan iyo hadey magaalooyinkooda uga cararayaan.waayo Ethiopianka degaankaas jooga waa kuwa Shabaab hubka ugu duugaan dhulka hoostiisa ee yiraahdo halkaas ayaan idiingelinay ee kala baxa marka waa in ay shacabka Soomaliyeed siiba dadka dhiigooda maalinkasta loo daadinayo micno darada oo degaankooda kumanaanka Ethiopianka ah ee aan tagi karin degaanada Puntland ha ogaadeen in ay waxaani oo dhan siyaasad ka danbeyso waa in uu aqligu shaqeeyo oo sida Garoowe uu amaankeeda wiil Soomaaliyeed u sugayo Koofurta Galkacyo ilaa Mogdishu inta u dhaxeysana sidaas noqoto si aysan u dhicin hada kedib maalinta Ethiopian nin reer Puntland ah oo Cabdiweli Gaas oo kale ah inta heshiis la soo galo qaar bulshadaas ka mid ah ku adeegsan damiirku waa inuu sidaas dhaamo hada kedib intii horey loo soo qatalay waa yeelkadood yaan dowladan curdunka siyaasado guracan oo laga soo minguuriyey dowlado Ethiopia oo kale oo laga soo dhaadhiciyey dadka siyaasada Ethiopia diidan waxey ku nool yahiin inta u dhaxeysa Koofurta Galkacyo ilaa labada Shabeele oo leydiinku dabar gooynayo waa in aad iska wareysataan xukumada hada bulshada u dhalatay aan si micno daro ah lagu burburin.

Inagoo arimo badan oo xasaasi ah dhawaan bulshada u soo bandhigi doona hadane shirka DFS iyo shaqsiyaadkaan qaabkii hogaamiye kooxeedyada oo kale u dhaqmayo oo doonaya in ay mashruuc ay Ethiopia qaarkood kala yimaadeen in bulshada lagu marin habaabiyo. shirka London ee bisha May beleive it or not ma qabsoomi doono waayo madaxda dowlada federalka oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wakiil ka ah ayaa la doonayaa in lagu bahdilo hadey ka baaqsadaan kaliya shirkaas ma dhici doono cid kaligood ragaan ay dowlada Ethiopia gadaasha ka fadhiso qaarkood oo uu hormoodka u yahay Cabdiweli Gaas ee uu sidii aragii horboodayo oo aan la arag mid qaadan kara go'aan ka duwan Cabdiweli Gaas waayo waxuu mashaariic uga helaa shaqsiyaad ka mid ah beesha caalamka inuu dowlada fashilin doono amaba mucaarad ku yahay ninka noocaas ah ayaa doonayo inuu malaayiin Somaliyeed tusiyo inuu Cali Cabdullaahi Cosoble oo Hiiraan ka soo jeeda u adeegsado mashruuc uusan shaqo ku laheyn oo Addis Ababa lagu soo korfeeyey,weliba arimaha qaarkood waan dulmarnay oo sidey aheyd uma soo qorin..... waxaanse %99.9 Somali badan u xaqiijineynaa hadii aysan ilaa berito wax isbedelin inuusan waxbo ka soo bixi doonin shirka dowlada Federalka iyo Kooxdaan uu horboodayo Cabdiweli Gaas ragaa mustaqbalkooda siyaasadeed iyo midka shacabkooda lagu qamaarayaa iyagoo aan waxa Addis Ababa leyskugu soo sheegay war iyo wacaal u heyn kaliyana dhegta loogu sheegay in la mucaarado dowlada federalka oo huwan sharafta iyo karaamada umada Soomaaliyeed, ogow tan iyo markii la dhisay barlamaanka cusub ee labada aqal ayna iyaguna doorteen madaxweyne Farmaajo isaguna soo magacaabay R/wasaare Kheyre oo aanu helnay xukumadan Tayo ilaa 3 mar ayaa horey loo soo tijaabiyey in sidii dowladahii hore loola dhaqmo weyna shaqeyn weysay, hada markii la ogaaday in uu gabalkooda sii dhacayo xarakada Shabaab ayaa waxaa la dejiyey in booskii hogaamiye kooxeedyada la gelin karo madaxda maamulada gobolada dalka,waxeysa su'aal ka taagan tahay hadii ay siyaasada arimaha dibada iyo mida lagu hagayo shacabka Soomaaliyeed uga danbeyn waayaan dowlada federalka sida ay iyaguna sharci ku noqon doonaan oo ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada ay maamulaan oo ah dad qaab qabiil iskugu xiran badankood meelkasta oo ay dalka ka degan yahiin uga heli doonaan taageero iyagana Shacabka Mudug, Galgaduud,Hiiraan, Sh/dhexe, Banaadir, Sh/Hoose Bay, Bakool iyo Gedo waa deegaanada dadkooda lagu xasuuqo ciidamada Ethiopia,hadii aad maanta aqbashaan mashruucaan Cabdiweli Gaas iyo Ethiopia ku doonayaan iney dalkeena ku burburiyaan oo ay nooga ciyaaraan qaranimadeena ogaada waxaad caalamka tusineysaan inaadan aheynaha dad hadaf leh oo aan fikirkooda iyo taladooda ku meel mari karin, waa in la cadeeyaa maanta cida dowladeena federalka dalkaan u dhaanta Ethiopia iyo Kooxdaan la baxday beesha caalamka ee u fadhigoodu yahay xerada Xalane oo ah meesha dalkeena madaxbanaanidiisa looga ciyaaro.la soco wararkeena danbe
.


;


;


Dowlada Ingiriiska ma aaminsan tahay in uu dalka Soomaaliya yahay dal xor ah oo madaxbanaan? Marka loo eego siyaasada dowlada Ingiriiska ee ku wajahan Soomaaliya uma aqoonsana dal madaxbanaan Somaliya.bal eeg sawirkaan waa safiirka Ingriiska u jooga Somaliya oo Ahmed Madoobe oo State madax ka ah kala hadlaya shirka London xili ay madaxweynahii, R/wasaarahii gudoomiyayaashii labada aqal ee baarlamaanka ay ku wada sugan yahiin dhamaantood caasimada Somaliya ee Mogdishu.marka waxaa in leys weydiiyo u baahan midkeebaa dalkaan madax ka ah madaxweynaha, R/wasaaraha iyo labada gudoomiye baarlamaan iyo hogaamiyaasha maamulada gobolada ee sida tooska ah ula macaamileyso dowlada Ingiriiska iyo kuwo kale oo badan? sidoo kale waxaa siyaasadan oo kale gudaha dalka Somaliya uga shaqeeya wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Somaliya Micheal Keating oo isagu ku shaqeeya siyaasada dalka Ingiriiska oo uu ka soo jeedo isagu ,laakinse xilka uu ku magacaaban yahay ee QM iska yahay maqaar saar.marka sow ma wanaagsana shirka London maadaama uu magac ku raacayo umada Soomaaliyeed oo halkaas ay wata tegi doonaan sdia muuqata durbaba dowlad federal ah oo sidii maamul goboleed loola macaamilayo ay maanta ka baaqsato ilaa la kala saaro madaxbanaanida Somaliya iyo la macaamilka hogaamiyaasha maamulada gobolada dalka.

Waxaa taasi ka sii daran shirka magaca lagu qabanayo waa kan Soomaaliya oo aad u jeedaan ineysan dowlada Ingiriisku u aqoonsaneyn dal xor ah.dhawaan waxaan warbixin dheer ka soo diyaarin doonaa halkii ay mareen shirarkii kan ka horeeyey ee Somalida loo qabtay iyo ceebtii ay kala soo laabteen xiligaas Somalida, yaa yiri Somalidu wey ka baxeen xiligii kumeel gaarka ahaa oo waxey heleen dowlad rasmi ah,marka loo eego siyaasada dowlada Ingiriiska?Sharafka umada Soomaaliyeed iyo jiritaankooda waxuu ku jiraa in ay hogaamiyaasha maamulada gobolada dalkooda joogaan oo ay howsha u daayaan dowlada federalka iyaguna waxii ay caalamka kula soo macaamisho gudaha dalka ku wada maamulaan. laakinse maalina Micheal Keating ayaan caasimada Somaliya kula kulmayaa intaan shir aysan dowlada ogeyn la yeesho,maalina xogyahay arimaha dibada Ingiriiska, maalina safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya ayaan kula kulmayaa Mogdishu iyadoo uu dalku leeyahay hogaan iyo madax aqli iyo sharaf uma ahan Soomaali oo dhan magac ahaan, waxeyna ka mid tahay Ilhaanada bulshada lagu soo sameynayey mudada fog.

Waxaad moodaa in weli dowladan curdunkaa ay dowlada Ingiriiska ula dhaqmeyso sidii hogaamiye kooxeedyadii dalka ka jiri jiray beri samaadkii.Dowlada federalka hadey dooneyso in si wanaagsan oo sharaf leh loola dhaqmo dowladaha iyada ka danbeyn doono mustaqbalka, dalka Somaliyana noqdo wadan aan ku jirin gumeysi oo xor u ah arimahiisa u gaarka ah ee siyaasadeed waa in aysan shirka London tegin hadii ay sidaas sameyso waxey guul daro u tahay dowladaha ku bahoobay IGAD oo dhaqaalaha halkaas lagu aruurinayo iyagu % ku lahaa oo looga qoondeeyey halka magaca Somaliya kaliya la doonayey in la isticmaalo. yaan karaamada umada Soomaaliyeed lagu tuman waxii aad maanta aqbashaan hadii aad tahiin madaxda Soomaalida kuwo heer federal ah iyo kuwa aan aheynba waxey dhibaato iyo qaran jab ku noqon doontaa mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed ee dhalan doonta hadii gumeysigaan siyaasadeed uu dalkeenu ku sii jiro oo maalinba hogaamiye gobol inta qol lagu soo xirto looga dhigo in isaga laga jecel yahay Somalida kale amaba gobolada kale ee dalka si dowladii dhexe oo uu isagu ku noqday federalka loo nacsiiyo, kaliya isagaa la tusinayaa inuusan dalkiisa aheyn dal madax banaan oo isagoo calan iyo dal leh lagu bahdilayaa gudaha dalkiisa, intaas qofkii Soomaali ah ee maanta garan waayo......


WARARKA MAANTA OO JIMCO AH


;

;

;


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,672,529 unique visits