Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
AlfredKifs

· Total Members: 59,825
· Newest Member: bvwfyhmd90

Welcome

HS;--------










Booqashadii madaxweynaha Jabouti IOG ee Mogdishu markii la caleema saarayey madaxweynaha Soomaaliya sidii loo soo dhaweeyey mar kale Daawasho wacan.

WARARKA MAANTA OO TALAADO AH.

Gudoomiye Taabit oo ka qeybqaatay barjaamij LAGU doo celinayo bilicda caasimada Soomaaliya ee Mogdishu nadaafadan oo socon doonta ilaa laga soo celinayo sharaftii caasimadeena SOMALIYA.













WARARKA MAANTA OO ISNIIN AH.





HS:- Riyadh,Saudi,Arabia 2017:- Madaweynaheena Soomaaliya iyo calankii Buuluga ahaa ee wadankeena oo maanta ku sugan magaalada Riyadha ee boqortooyada Sacuudiga halkaasi oo ay ku sugan yahiin in k abadan 50 hogaamiyaal ka socda wadamada Islaamka iyo wafti uu hogaaminayo madaxweynaha Mareykanka. waxaan aad ugu faraxsanahay in ay maanta meelo badan oo lagu hardhay calamada wadamada ay hogaamiyaashooda ka qeybgalayan shirkaan muhiimka u ah Mareykanka iyo dowladaha ISlaamka in uu calankeenii wanaagsanaa ee u midabka ekaa cirka oo kale uu siweyn uga dhaxmuuqday,inkasta oo aad loo adkeeyey amaanka madaxda shirka ka qeybgaleysa hadane waxaa shirkaan goob joog ku ah in k badan 500 oo rag iyo dumar ka socda saxaafada caalamka.

WARARKA MAANTA OO AXAD AH.

Mogdishu,Somaliya 2017:-R/wasaare Kheyre oo wada la xisaabtanka wasaaradaha dalka isagoona mid mid kormeer ugu sameeya, waa masuul dhalinyaro ah oo hadane dadaal badan, waana waxyaabaha keenay inay dowladan shacabku ku qabaan kalsooni ayna taageero xoogan u muujiyaan madaxda haatan jirta maadaama ay xukumadan amaba dowladan dalka u dhalatay loogu yeero dowladii shacabka.

Nairobi,Kenya 2017:-Dowlada Kenya iyo xisbiyada ka jira wadankaas oo laga yaabo in ay dhawaan isku raacaan in laga joojiyo xildhibaanada Somalida iney dalka Kenya iska soo galaan, xaalada xildhibaanadii dhawaan wadanka Kenya ku shiray oo sharaftii xildhibaanada kale oo dhan ku ciyaaray, inagoona dhawaan idiin soo gudbin doono amarkii ay dowlada Kenya siisay laamaha amaanka iyo laanta socdaalka wadankaas iyo tirada xildhibanada barlamaanka Soomaaliya ee marka ay wadanka Kenya yimaadaan xitaa telefoonada ay gudaha wadanka Kenya ka diyarayaan lala socon doono tiradooda iyo magacyadooda oo aanu si horudhac ah u helnay. ha yeeshee muuqaal horudhac ah oo laga qabtay siyaasiga Faarax Macalin Dawaari Daawasho Wacan weliba arimaha qaarkood wuu dulmaryaa kaliya Farax Macalin laakinse dowlada Kenya go'aanka ay xildhibaanadaas iyo weliba gebigood xildhibaanada Somalida ee wadankeeda imaanayo ka qaadan rabto waxuu noqon doonaa mid aad uga yaabin doona xildhibaano badan oo dalkaas ku geli jiray iney heystaan Passbor diplomaatic ah IWM,halkii ay hada ka hor u sahlanaan jirtay aaditaanka Kenya waxey hada kedib ku qasbanaan doonaan iney dib ugu laabtaan deegaanadii laga soo doortay si ay iyaga iyo shacabka ay been beenta ku metelaan isku arkaan inaysan xildhiabano badan u qalmin iney tittle-kaas u xambaarsanaadaan shacab mudo 27 soo dhibanaa oo aysan kala jecleyn dhibtaada ay ku jiraan badankood,hayeeshee dowlada federalka guul weyn ayey u aheyd in ay xildhibanadan oo markoodii horeba laaluush ku soo baxay kuwooda aan wax mustqabal ah ka laheyn siyaasada Soomaaliya 4 sano kedib in ay sidan sahlan shacabka iyo dowladii ay markasta u carari jireen u akraan.

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo 2017:-Dowlada Federalka Safiirada wadamo badan oo ay ugu horeyso Sacuudiga u fadhiya ma waxaa lagu geeyey qaab saaxiibtinimo mise waxaa loogu talo galay iney u shaqeystaan qaab ganacsi hadaba waxaan qoraal dheer ka soo diyaarin doonaa dhawaan ilaa 9 wadan safiirada dowladan cusub u fadhiya oo ay horey u magacaawday dowladii dhacday, hadaan isbedel xoogan oo dhinaca diplomaasiyada caalamka iyo hadba wadamada qaarkood siiba kuwooda siweyn u daneynaya arimaha Soomaaliya aan laga fiirsan amaba aan dib u eegid lagu sameyn wadamo badan safiirada u jooga Somaliya,dadka Soomaaliyeed wax badan ayaa ka halaabi doona mustaqbalka.si degan ula soco barnaamij aanu safaaradahaas iyo qaabka ay u shaqeeyaan ka soo diyaarin doono. dabcan dowladkasta oo caalamka ka jirta waxey leetahay hayadd loogu talo galay la socodka habka ay safiiradu u shaqeeyaan, hayeeshee wax badan oo badan ayaa ka qaldanaa dowladii midaan ka horeysay siiba dhinaca safaaradaha caalamka iyo dadka loo magacaabo qaabkii loogu magacaabi jiray, weliba dowladaha qaarkood wey la yaabaan yahiin Soomaalidaan cusub heerka ay ka joogaan hanaanka diplomaasiyadeed ee caalamka dadka ay meelaha qaarkood u soo magacaabaan.la soco wararkeena danbe






WARARKA MAANTA OO SABTI AH.

Riyadh,Kingdom of Sacoudi Arabiya 2017:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax ka kala socota wadamada caalamka oo maalmaha inagu soo aadan uu shir ug afurmayo magaalada Riyaad ee boqotooyada Sacuudiga.Hadaba waxii ku soo kordh amudada uu madaxweynaha Soomaaliya joogo halkaas, hadii Alle idmo la soco.




Nairobi,Kenya 2017:-Baro Xaqiiqada dhabta ah ee xildhibaanada baarlamaanka ee la sheegay in ay maalmahii ina dhaafay Hotelada magaalada Nairobi ku lahayeen kulamo siyaasadeed.

Horta dadka leh xildhibaanadaas waxey ka soo horjeedaan dowlada federalka si qaldan ayaa wax loogu sheegay laakiinse waxey ka soo horjeedaan doorashada uu doonayo madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta iyo xisbigiisa iney mar kale ku soo laabtaan xukunka wadankaas waana sidan sida ay wax u socdaan ilaa hada.

Waan ka xunahay xildhibaano badan oo arimaha qaarkood lagu qalday deganaasho iyo dal ku galna ku leh dalkaas in ay isbuucyo kedib ay macquul tahay iney waayaan xasanada ay dalkaas ku leeyahin maadaama ay daacad yahiin oo arinta looga dhigay mid looga hadlayo dowlada Somaliya iyo sidii loo mucaaraadi lahaa arintu sidaas maahan iyo wax u dhaw.

Hadaba inagoo soo koobeyna ma dooneyno in aan ku dheeraano kaalinta ay arintaan ku lahayeen shaqsiyaad ka tirsan mucaaradka wadanka Kenya oo weliba Somalida wadanakaas degan ah, waxaanse umada Soomaaliyeed u iftiimineynaa in ololahaan Hotelada Kenya ay ka wadaan xildhibaanada Somalidaa ee xiligii la doonayey maadaama ay fasax ku jiraan dalkana ay abaar ka jirto intey dib ugu laabtaan deegaanadii laga soo doortay ayna dadka shacabkaa dhibaatada la qeybsan lahaayeen in ay Kenya si deg deg ah iskugu tagaan wax yaabahii sababta u ahaa waxaa ugu weynaa labo arimood waana soo koobeynaa.

1- Horta dalka Soomaaliya waa dal siyaasad ahaan horey u socda mana jirto maanta xildhibaanada hada jira midkoodaa oo ku fikiraya inuu sabab lahaan xukumad shaqeyneyso intuu mediyaha soo istaago ka mucaarado wuuna ogyahay in aan waqtigeeda iyo wax u dhaw la joogin waxaanse dulmar yar ku sameyneynaa kaliya sida ay tiro yar oo xildhibaano ah u qaldeen tiro badan oo xildhibaano ah iyo ujeedkii shirarka Kenya lagu qabanayo laga lahaa.

A-Tan iyo markii uu magaalada Nairobi kulan balaaran ku dhaxmaray madaxweynayaasha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta waxii markaasi ka danbeeyeyna si tartiib tartiib ah ay u soo wanaagsanaaneysay xiriirka labada wadan, waxey siyaasadood dhinaca shacabka siiba Soomaalida degan Kenya aad u soo dhaweeyeen siyaasada cusub ee uu madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta ku dhaqaaqay ee ku wajahneyd Somaliya iyo xiriirka labada dowladood, waxeyna badankood shacabka Somalida Kenya kuwooda sharciga heysta ee codeyn kara go'aansadeen iney codkooda siiyaan doorashada soo socota ee dhaceysa ka hor sanadkan dhamaadkiisa ee loogu tartamayo hogaanka dalka Kenya xisbiga madaxweynaha Kenya sidey u badan yahiin shacabku.

Kedibna xageey ka soo galeen xildhibanada baarlamaanka Soomaalida ee Kenya ku shiray?

Waxaa la qorsheeyey iyadoo ay waliba arintaan fulinayaan tiro yar oo xildhibaano ah oo isk awarqabay sidii inta aan la gaarin doorashada madaxtinimada Kenya loo xumeyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya si uusan codadka hada la saadaalinayo ee ay heli doonaan xisbiga talada Kenya haya u waayaan loona weeciyo dhinaca mucaaradka.

Dowlada Kenya maxey aritaan ka ogtahay?

Dowlada Kenya walaa xildhibaano badan oo baarlamaanka federalka ka tirsan oo arimahan oo dhan lagu qalday loogana dhigay in ay quseeyaan dowlada Somaliya labduba ilaa hada ma jirto cid xaqiiqada u sheegtay waayo ujeedka xildhibaanada howshaan horboodayo ma doonayaan inta ay hadafkooda oo ah sidii xiriirka Kenya iyo Somaliya loo xumeyn lahaa in la maqlo waayo ma doonayaan in ay dowlada Kenya arintaan oo xasaasi ah maqasho kedibna dib loogu soo celiyo dalka Somalida. sidoo kale arintaan waa mid ku cusub siyaasada bariga Africa Xildhibaano Somali ah oo dal kale siyaasadiisa doonaya doorasho ka dhaceysa iney iyagoo la shaqeynaya xisbi dowlada wadankaas tartan kula jira ay arimahiisa hoose faraha la galaan.

C) Qorshaha kale ee kooxdaan tirada yar ee xildhibaanadaa ee howshaan iyagu wataan ayaa ah sidii xildhibaano badan oo daacad ah aadna uga danqanaya mushkilada dalkeena rajo xoogana ka qabaan sidii ay mustaqbalka uga mid noqon lahaayeen xisbiyo siyaasadeed ay is leeyahiin wey kuuleysan karaanmustaqbalka inta aan la gaarin arintaas iyo nidaamka xisbiyada waxaa loogu talo galay in la sii fashiliyo xildhibaano badan weliba kuwooda leys leeyahay waxey ka soo jeedaan Mogdishu iyo nawaaxigeeda.

Hadii uu dad badan shaki uga jiray xildhibaanadan maalmahii tagay laga sheegayey iney ku shiraan Hotelada Kenya xaqiiqadii dowlada Somaliya mucaarad kuma ahan qorshe midkaas ka weyn oo ay la wadaan mucaaradka wadanka Kenya qaar ka mid ah ayaa arimaha hada socda geliyey. madaxweynaha Kenya iyo xisbigiisa isagey u taalaa sida uu ka yeelayo kooxdaan laakinse waxaan inagu ugu tago galnay in aanu shacabka Somaaliyeed oo ka soo kabsanaya mushkiladii wadankooduna uu horey u socdo in aan u iftiimino waxoogaa meesha ay hada wax u marayaan xildhibaanadan qaarne ay weli Kenya joogaan qaarkoodna Mogdishu ku soo laabteen, wax ka jiro ma lahan urur siyaasadeed ayaan furaneynaa iyo waxaanu dooneynaa in uu dalkeenu horey u socdo IWM oo ah hadalada ay maalmahii tagay mediyaha ay qaarkood ka sheegayeen.la soco hadba waxii ku soo kordha siyaasada Soomaaliya iyo mida geeska Africa.




Goormee kuugu danbeysay muuqaalka Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyomuuqaalka dhulka loo yaqaano Bacadka ee ku yaalo duleedka kore ee magaalada oo ah dhul caro gaduudan.Ku dalxiis macaanaa Daawasho Wacan.




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.05 seconds
6,222,818 unique visits