Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
julioxw18

· Total Members: 60,081
· Newest Member: emilyap11

Welcome

HS;-

News

HS:-Inta aanan qoraal dheer oo aanu ka soo diyaarin doono shirka dhawaan lagu qabanayo London oo aan ognahay waxkasta oo dadka iyo dalka Soomaaliya loogu yabooho halkaas in aysan soo dhaafi doonin wadanka Ingiriiska amaba Belguim oo marti gelin doona shirkaas, kerdibna kan xiga lagu qaban doono Belguim-ka, sidoo kale ma dooneyno in aan dib ugu laabano dhaawaca siyaasadeed, dhaqaale,bulsho iyo dad ahaan naga soo gaaray hadaanu nahay umada Soomaaliyeed waxii ka danbeeyey burburkii iyo colaadahii wadankeena ka dhacay.

Sidoo kale ma dooneyno dhibaatada siyaasadeed ee naga heysata dowlado badan oo ku yaala qaarada Africa in aanu halkaan ku iftiimino hada. sidoo kale ma dooneyno in aanu bulshada u sheegno dhaawaca siyaasadeed ee na gaaray heerka uu gaarsiisan yahay.sidoo kale qoraalkaan ma quseeyo Soomaali oo dhan waxuu quseeyaa kaliya kuwooda uu damiirkii Soomaalinimo iyo jiritaankii umadeed uu weli ku danbeeyo oo kaliya waayo waan ognahay malaayiin Soomaaliyeed waxaa ka lumay rajadii iyo dareenkii dadnimo kedib markii si aan caadi ah loogu duleystay gudaha dalkooda oo loogu tagay.

Sidoo kale ma dooneyno in aanu ku mashquulno dhibaatada aanu inaga Soomaali ahaan isku geysanay dhaxdeena, hayeeshee labo rag ah hadii ay is qabtaan oo ay kala roonaan waayaan hadaan loo helin walaal sedaxaad oo kala bad baadiya waxaa ku dhaca dhibaato.Soomaaliya waa dal ay dadkiisa dunidan aanu maanta ku nool nahay ka heysato siyaasado is diidan oo dhaxyaalo dowladaha caalamka intooda badana waxaa horboodaya dowladaha reer galbeedka iyo dad tujaar ah oo dhaqaalaha aduunyada maamulaan, waayo %25 dhaqaalaha aduunyada waxuu gacantooda ku jiraa dad yar oo kooban inta ka soo hartana iyagaas ayey u yahiin adooman.

Waxaasi oo dhan oo jira, hadane inta aanan muhiimada qormadeena u guda gelin isku day hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed bal horta intaad meel fadhiisato oo aad fekerto waxaad isweydiisaa maxey tahay waxa aad dalkaada iyo dadkaada ugu tanaasuli la tahay oo aad waxkasta uga hormarin la tahay danta dalkaada iyo dadkaada, hadii aad tahay wadaad, aqoonyahan, sargaal ciidan,qurbajoog iyo gudajoogba, maadaama ay shacabka Soomaaliyeed noloshii aduunyada ka gaareen heerkii ugu xumaa oo lagu sameeyo waxkasta oo bini'aadam lagu sameeyo?.

Hadaanse dib ugu laabano qormadeenaan aanu ugu magac darnay ma laga yaabaa in ay dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo midowga Yurub amaba hadaan si kale u dhigno dowladaha reer galbeedka bedelaan siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya? waxaan horta shacabka Soomaaliyeed ugu talo galnay iney daawadaan muuqaalka kore kedib markii 1963 madaxweynahii xiligaas jiray Aaden Cabdulle Cismaan iyo dowladii xiligaasi jirtay ay wadanka ka ceyriyeen dowlada Ingiriiska sida aad muuqaalka kore ku daawateen.

Hadaba qoraalka qeybtiisaan hoose waxaan si horudhac ah ugu soo qaadaneynaa dhibaatada dadka Soomaaliyeed ka soo gaartay ciidamada shisheeyaha. dal dadkiisa wax u dhaamo la waay bal inala arag inagoo soo koobeyna.

United States Of America:-Dowlada Mareykanka waxaa la dhihi karaa waa dowlada ugu xooga badan aduunyada hadane markii aad eegto siyasadeeda arimaha dibada ee ku wajahan dalka Soomaaliya wax badan ayaa hada waxii ka horeeyey ka qaldanaa, laakisne ma sheegin in ay hada kedib bedeli doonaan.

A) Marka aad eegto siyaasadeeda Soomaaliya waxii ka danbeeyey 1977 ilaa 1992 oo ay ciidamo u direen Somaliya kedibna halkaas uga dhinteen 18 askari, halka Soomaalida laga dilay ku dhawaad 5 ilaa 7 kun oo dad shacab ah u badan, hayeeshee dadkaas waxaa ka qiimo batay 18 ka askari ee Mareykanka ah.

B) Waxii ka danbeeyey 2001 amaba Sept/11 dadka Soomaaliyeed waxey noqdeen kuwo lagu bartilmaameedsado magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka ilaa maantana waadba aragtaan oo waxaa dib maalinkasta loogu soo celiyaa dalka Soomaaliya dad qaxooti ah oo magangalyo doon ah wadankoodana uga cararay dhibaato iyo colaado. weliba tan iyo markii uu talada Mareykanka la wareegay Donald Trump waaxaa dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed loogu galaa guryaha iyo goobaha ay ka shaqeystaan kedibna xabsi ayaa la geliyaa waxaana mudo kedib dib loogu celiyaa Soomaaliya oo ay horey nabad ugu waayeen maadaama ay ku sugan yahiin ciidamo shisheeye oo kala ujeedo ah gudaha Soomaaliya hadane uu Mareykanka bixiyo mushaarkooda, halkii kuwii dalka u dhashay ee Soomaalida ahaa dib u dhis lagu sameyn lahaa ciidanka dalkooda. dadka Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka laga celinoyana ugu yaraan la sugi lahaa intii uu wadankooda ka hagaagayo.

Great Britian:-Siyaasada Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya weligeedba ma ahayn mid hagaagsan waayo waxey horey u kala qeybiyeen dalka Soomaaliya iyagoona dhul ka siiyeen wadamo Soomaaliya deris la ah sida Kenya iyo Ethiopia , maantana waadba aragtaan oo dalka intii yareyd ee ka haray waa kuwan dowlada Soomaaliyana leh waxaan shir ugu qabaneynaa London kaliya Soomaalida Koofurta, Soomaalilana kama soo qeybgaleyso oo waxaan ula macaamuleynaa si ka duwan Soomaalida kale , yacni ma doonayaan iney Soomaaliland u aqoonsandaan dal ka madaxbanaan Soomaali inteeda kale mana doonayaan dowlada Ingiriisku in ay si waadax ah( Official) ah u dhahaan Soomaaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliweyn oo waa kuwan doorashada Soomaaliland dhaqaalaha fara badan ku bixinaya dowlada Ingiriisku halkii ay qaladkoodii hore ee ay dhulka Somalida ku siyeen wadamada deriskaa saxi lahaayeen oo ay mideyn lahaayeen labadii kale ee waqooyi iyo koofurta ku noolaa.marka Ingiriisku ma waxey wadaan aargoosi siyaasadeed mise waa dal weyn oo dunidan soo gumeysan jiray oo hada kedib la imaan doona isbedel muuqda oo Siyaasadeed oo ku wajahan Somaliya iyo guud ahaan qaarada Africa? waqtiga iyo wayaha ayaa inoo sheegi doona.(Time Will Tell).

Europian Union:- Midowga Yurub hadii aad maqashaan waa ku siyaasad Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhamaantood waxaa leysku dhahaa Reer Galbeed (Western Countries) Sida aad muuqaalkaan kore ku aragtaan waa askartii ka socotay dowlada Belguim ee horaantii sagaashameeyadii la geeyey magaalada Kismaayo oo intey qabteen wiil Soomaaliyeed sidii Digaagii Dubaya intey deb ku shideen dhulka.

Hadaba waxaas oo dhan marka laga soo tago waxaan Malaayiin Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inagoo qoraal dheer ka soo sameyn doono in uusan shirka London iyo kan Belguim waxbo ka soo bixi doonin ilaa siyaasada guud ee Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ee ku wajahan Soomaaliya isbedel guud ay dowladahaas ku sameynayaan.

Qodobka ugu danbeeya oo aanu maanta ka hadleyno waa sunta ay dowladaha reer Yurub qaarkood ku shubaan Bada Somaaliya iyo saameynta dhinaca caafimaadka ay ku yeelatay caruurtii Soomaaliyeed oo dhalatay 20 kii sano ee ugu danbeysay oo iyagu ku dhasheen cuduro. waxaa taasi u sii dheer dadka Soomaaliyeed shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xeebaha bada ee iyagu noloshooda ku tiirsan tahay Kaluumeysiga waxaa shabaqa iyo doomanka ay ku kaluumeystaan ka burburiya maraakiib waaweyn oo ay leeyahiin dowlado Bada Soomaaliya si sharci daro ah ugu Kaluumeysta.

Hadaba Soomaaliyeey dadkeenu wey dhiban yahiin hadii aad u naxeysaan wadankaas dadka iney hagaajiyaan laga doonayo ma ahan reer Galbeed amaba dunida inteeda kale waa dadka Soomaaliyeed oo laga doonayo iney u soo jeestaan maslaxada caamka ah ee dalkooda una tanaasulaan wadanka si looga baxo mushkiladan, weliba dhibaatadii shacabka la gaarsiiyey waxii ka danbeeyey kooxo diimeeyada kama hadleyno wey ka sii xun yahiin kuwaasi kuwan aad aragtaan.

Waxaadna ogataan in ay dadka Soomaaliyeed heysato labo arimood oo laga yaabo in aysan dad badan ogeyn oo dhibaato xoogan ku heysa jirintaankooda umadeed.

1-Wadamo badan oo African ah ma moodaan in ay dadka Soomaaliyeed ku nool yahiin qaarada Africa oo ay yahiin dad African ah oo waxey leeyahiin waa umad ka midab duwan inta badan dadka Africanka ah oo midab furan( Light Skin) taasina waxey dadkeena Soomaaliyeed dhaxalsiisay in aysan ururka Midowga Africa ka muuqan waxii ka danbeeyey burburkii ku dhacay dalkeena mudada fog.

2-Dowlado badan oo waaweyn oo shacabka Soomaaliyeed ku bartilmaameedsadaan caqiidadooda oo maadaama ay yahiin dad muslin ah waxii ka danbeeyey Sept/11 garoomada caalamka markii ay ku safrayaan dhibaato xoogan ayaa shacabkooda lagu hayaa iyadoona diyaaradaha looga reebo mararka qaarkood sabab la'aan kaliya iney yahiin dad muslin ah.

Marka waxaad moodaa dunidan aanu maanta ku nool nahay in ay dadka Soomaaliyeed dhinacyo badan ka dhiban yahiin tiiyoo ay u sii dheertay iyagii oo aan fahamsaneyn wacyiga loogu nool yahay maanta dunidan aanu ku nool nahay oo ay ka dhamaatay Dignity-kii amaba hadaan si ay dadka Soomaaliyeed u fahmi karaan u dhigno Karaamadii oo wadanba wadanka uu maanta ka awood weyn yahay dadkiisa waxbo uma hambeynayo wuu ku tumanayaa xuquuqdooda. koleyto meel u fayoow ma jirto umada Soomaaliyeed waxaa loo qaatay dagaalkii 3aad ee aduunka inuu soo deg dego hadaanba dunidan loo dooneyn nabad galyo, maxaa yeelay inaga Soomaali ahaan qasaaro nagu filan iyo Ilhaano tii ugu xumeyd shacabkeena wey soo gaartay wax noo haray ma jirto.

La soco qeybteean labaad iyo shirka London dhaqaalo kasta oo loogu aruuriyo magaca Soomaaliya inuusan 1 dolar dalkeena soo gaari doonin qormadeena danbe si dhaw ula soco.

WARARKA MAANTA OO SABTI AH.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,331,119 unique visits