Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; Ugandan Music ; Djabouti Music ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; Sudanes Music ; ; Soomaali Music ; Ethiopian Music ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 60,597
· Newest Member: AnthozyPes

Welcome

HS;-

NewsWARARKA MAANTA OO SABTI AH.






East Africa 2017:- Kedib kulamo aad muhiim ugu ahaa shacabka Soomaaliya,Kenya iyo Ethiopia kuwaasi oo hada qaarkoodna bilaaw yahiin kuwona durbaba laga howl galay ayna iskugu yimaadeen madaxda dowladaha Somaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa hadane waxey kulamadaas dhacay ee bilaawka ah u tahay shacabka degaankaas ku nool guul siyaasadeed oo bilaaw ah.

sida aanu ka warqabno dalka Soomaaliya waxuu xaduud la leeyahay wadamada Kenya, Ethiopia iyo Jabouti dowladaha uu xiriirkooda gaabiska ku jiray tan iyo 1990 kii waxuu ahaa wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia kedib markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Somaliya lana waayey cid booskeedii siyaasadeed buuxisa waxii markaasi ka danbeeyey.,hadane dadka saadaaliya siyaasada wadamada geeska Africa gaar ahaan dalalka deriska la ah dalka Soomaaliya oo ay weliba dhamaantood ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, hadane kulankii ugu danbeeyey ee dhaxmaray dowalada Soomaaliya iyo Ethiopia madaxdooda waxuu u muuqdaa mid u gogol xaarayo sidii ay dalka Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah uu u dhaxmari lahaa xiriir siyaasadeed wanaagsan kaasi oo mustaqbalka saamaxaya in uu dalalkaan oo ay ka mid tahay dalka Soomaaliya oo ah hadii aan xaqiiqada leyska indho tireyn wadanka ugu qanisan dalalka geeska Africa hadane hodan ku ah qeyraad dabiici ah oo aan badankood weli la taaban waxaa in ay shacabka dowladahan horumaraan ka hortaagnaa is fahmi waaga siyaasadeed ee yiilay mudada fog geeska Afrcia maadaama dalalka kale ay ka jireen dowlado iyo nidaam saamaxaya in ay dadoodu gaaraan horumar halka dalka Soomaaliya uu dib uga dhacay wax badan.

Dadka falaqeeya siyaasada dowladahan ayaa sheegaya hadii xal siyaasadeed oo muuqda loo helo amaba la wanaajiyo xiriirka dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliyakaliya in ay shacabka Kenya,Somaliya, Ethiopia iyo Jabouti noqon karaan dowlado ka hormara dhinaca ganacsigaiyo amaanka mudo gaaban gudahood.

Booqashadii lagu hagaajinayey xiriirka wadamada Kenya iyo Ethiopia ee uu halkaas ku tagay madaxweynaha Soomaaliya waxey u aheyd siyaasada bariga Africa guul weyn waayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhibaato kuma qabaan wadanka Jabouti oo madaxweynaha Soomaaliya waxuu dalkaas ula mid yahay wadankiisa oo kale oo xitaa casuumaad ugama baahna madaxweynaha Dalka Jabouti Ismaciil Cumar Geelle waayo madaxweyne Geelle mar hadii uu hagaagsan yahay xiriirka Somaliya,Kenya iyo Ethiopia wuu ogyahay in ay isaga iyo shacabka Jabouti ay guul u tahay, dadaalada socdana madaxweyne Geelle marnaba kama marna gaalintiisa,hayeeshee gudiyada ay wadamada Somaliya iyo Ethiopia u saareen iney dhameystiraan qodobadii ay dhawaan wada gareen madaxda Somaliya iyo Ethiopia waxuu bilaaw wanaagsan u yahay horumarka shacabka bariga Africa gaar ahaan kuwa dowladahan Afarta ah, waase hadii daacad laga noqdo inta dhiman sidii lagu hagaajin lahaa. la soco wararkeena danbe...





WARARKA MAANTA OO JIMCO AH.















WARARKA MAANTA OO QAMIIS AH.



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.06 seconds
6,533,681 unique visits