Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; Ugandan Music ; Djabouti Music ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; Sudanes Music ; ; Soomaali Music ; Ethiopian Music ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
admin

· Total Members: 60,597
· Newest Member: AnthozyPes

Welcome

HS;-

News





LONDON,UNITED KINGTOM 2017:-Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka qeybgalay shir looga hadlayo hormarinta dhaqaalaha oo ka dhacay London oo ay ka soo qeybgaleen shirkado waaweyn iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, qurbajoog iyo wakiilada beesha caalamka ka jooga Somaliya.ilaa hada Somalida shirka ka qeybgaleysa laga soo bilaabo madaxweynaha iyo madaxda heerka kala duwan ilaa dadka shacabka ah rajadooda ma xuma , waxeyna u badan tahay in ay ilaa caawa arintu gaarto xaniya taabad sida dadka Soomaaliyeed lagu yaqiinay oo ay Soomaalidu guul kala tagaan shirkaan maalinta berito ah iyadoo markii aad ku sugan tahay goobta uu shirku ka dhacayo aad siweyn u dareemeyso in uu caalamku doonayo inuu si ka duwan sidii hore ula dhaqmo dowladaan cusub iyo guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. shirkaan ayaa waxuu malaayiin Soomaaliyeed oo mudo ku soo jireen qalalaaso siyaasadeed u yahay labo mid midood in caalamkii oo diyaar ah ay rajada muuqata ee shacabka ka lumiyaan inta maanta meesha iskugu tagtay, kedibna sidaas noloshooda inta ka dhiman lagu dhaleeceeyo iyaga iyo caruurtooda, iyo iney noqdaan kuwo guul taariikhi ah kala taga halkaas oo aan caalamka lakla hadlin wax ka hoseeya qaran Soomaaliyeed iyo hanaan dowli ah oo ka hana qaada dalkeena, kedibna waxii yar yaroow ah ee Somalida horey u kala gaaray lagu dhameeyo geed hoostiisa gudaha dalka.

Waxaa hore dadka Soomaaliyeed u soo maray shirar aan la aqoon qaab looga sheekeeyo iyagoo sidii dad waalan kala socon jiray waayadii hore hadba tiradii markaas shir loo qabto sidii waxey yahiin boqol dowladood, hayeeshee ilaa hada dowlada UK oo martigelineysa shirka waxey madaxweynaha Soomaaliya iyo waftigiisa kala duwan u sameeyeen soo dhaweyn iyo habmaamuus xaqiiqadii aad u heer sareeya, waayo hadii madaxweynaha dalkaada si wanaagsan loo soo dhaweeyo waxey calaamad u tahay sharafta calanka wadankaada ee ay huwan yahiin madaxda hadba markaas ka socota dal ay ku nool yahiin umad xor ah oo madaxbanaan oo aan ku jirin gumeysi.saacadaha inagu soo aadan hadii Alle idmo waxaan bulshada u soo gudbin doonaa hadba dhinaca wanaagsan ee shirka ilaa ay Somalidu guul la yaab leh kala soo laabanayaan shirkan, la soco wararkeena danbe.

WARARKA MAANTA OO ARBACO AH.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.05 seconds
6,533,656 unique visits