Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 61,279
· Newest Member: Shapirlit

Welcome

HS;-


1- Hogaamiyahii Xisbiga Kulmiye marna ah madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo doorashada Soomaaliland uga haraya xalad caafimad siyasiyiin aad isaga ugu dhawna u sheegay ineysan muuqan rajadii ay shacabka Somaliland ku noqon lahaayeen dal ka madaxbanaan Somali inteeda kale arintaasne ay meel fog ka gashay hada shacabka Somaliland isagona ku taliyey in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya xisbiga Kulmiyana doorashada ka hor keenaan qofkii isaga bedeli lahaa weliba qof dhalinyaro ah ayuu ku taliyey in la raadiyo maadaama shacabka wax dooranayo degaanada Somaliland sanadkan u badan yahiin dhalinyaro .

2-Waxaa laga yaabaa in ay dad badan markii ay arkaan sawirka madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh is dhahaan sawirkaan maxuu yahay maanta, waxaanse bulshada sawirka madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh
ugu soo bandhignay sida ay koox maalmahii tagay lahaayeen waxaan mooshin ka keenay R/wasaare Kheyre u fashilmeen una kala tageen saacadahii ugu danbeeyey iyo sida ay magaca Xasan Sheikh u adeegsanayeen iyagoo weliba sameynayey waxyaabo badan oo aanu isaga qurdhiisa ka warqabin hayeeshee Somalidu waxey tiraahdaa god sireed ha qodin hadii aad qotana ha dheereyn ku dhici doontaane lama ogee.

Waxaa macquul ah in ay Somalida qaarkood maalmahii tagay maqlayeen warar sheegaya in mooshin laga keenayo R/wasaare Kheyre hadii aanu shacabka Somaliyeed ka deyno borobagaando xaqiiqadana u taabano ma jirto mooshin R/wasaare Kheyre iyadoo dalka hada horey u socdo dadka Somaliyeedna heleen xukumad iyo madax ku timid rabitaan shacab cid maanta sabab la'aan wadanka jahwareer siyaasadeed gelineysa inagu qof waalan oo 26 kii sano ee fowdada ku soo barbaaray xaaraantii iyo dilalkii dalka ka dhacay siiba caasimada Somaliya kama hadleyno, waxaan la hadleynaa Somalida maskaxiyan fiyoow ayna u muuqato rajada dowladnimo.

Baarlamaanka federalka iyo xildhibaanadooda kama hadleyno waxaa ku jira tiro badan oo xildhibaano ah oo aad u dareensan inuu dalkeenu ku socdo wado hagaagsan marka loo eego 10 sano ka hor xildhibaanadaas oo markasta la jaanqaadaan guuxa dadweynaha kuna shaqeeyaan rabitaanka shacabka. sidoo kale kama hadleyno tiro aad u yar oo aan ka badneyn 7 xildhibaan oo iyagu aaminsan iney ka aqli badan yahiin 275 xildhibaan ee golaha shacabka iyo 54 xildhibaan ee Aqalka sare waxeyna tiradaas yar ee xildhibaanadaa leeyahiin amaba kaararka siyaasadeed ee isticmaalaan iyagoo aan weliba isku kalsooneyn leeyahiin hadaan nuxurka soo koobno.

Hadii caasimada Soomaaliya nabadgalyo loo helo shaqaalahii dowlada iyo xildhibaanadii ayaa Hotelo degan waxaa imaaneysa in xarumahii dowlada laga saaro shacab ka soo jeeda qabiiladeena sidaasi daraadeed waxey dani inoogu jirtaa markasta in aanu bulshada jahwareerino.

Laakinse inagoo soo koobeyna waxa aan maanta u soo qaadanaya sawirka Xasan Sheikh ayaan dooneynaa in aan bulshada u bidhaamino sida uu maanta u burburay amaba u kala tageen koox uu hogaaminayey Taliyahii hore ee NISA Axmed Macalin Fiqi oo isagu ka tirsan urur aan dalka weli laga diiwaan gelin oo la magac baxay Daljir.horta ururkaas waa burburay cidii dooneysa iney ogaato arintaasne isbuucyada inagu soo aadan ayey maqli doonaan sababta ugu weyn ee uu burburayne waxaa ugu weyn Axmed Maxcalin Fiqi oo halheys ka dhigtay waxaan rideynaa R/wasaare Kheyre oo nama xakumayo nin ka soo jeeda qabiilka Murusadaha kedibna waxaa si tartiib tartiib ah marba hadey siyasadiisa ku kooban tahay qabiil oo ah wax hada ka sii dhamaanayo dalka Somaliya shaqsiyaadkii aan ka aheyn qabiilkiisa oo dhan badankood ee ururkaas kamid ahaa arimaha ururka wey iskaka gaabsadeen hada.

Hadaanse dib ugu laabano arimaha ugu waaweyn ee kooxdaan fashiliyey, tan iyo markii ay bulshada Soomaaliyeed arkeen Axmed Macalin Fiqi oo inta tagay wadanka Turkiga baraha bulshada soo dhigay isagoo la sawiran madaxweynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh kedibna u diray dhalinyaro ay isku qabiil yahiin oo shacabka Soomaaliyeed maalinba beel Somaliyeed ka caayaan meelaha baraha mediyaha. sawirkaas lala galay madaxweynahii Hore ee Somaliya waxuu lahaa labo ujeedo.

1- Kooxdaan uu hogaaminayo Axmed Macalin Fiqi waxey maqleen inuu Xasan Sheikh 4 sano kedib uu ku jiro damac siyaasadeed uuna doonayo in uu mar kale calafkiisa ka raadsado Somaliweyn markii uu dhamaado termka madaxweynaha hada jirane raadiyo siyaasad ka duwan midii uu horey ugu soo fashilmay, kedibna Axamed Macalin Fiqi oo xisbiga Daljir ee aanu ka sheekeynay u diyaarinaya nin ay isku qabiil yahiin oo aan weligii siyaasada Somaliya gelin kuna cusub saxada siyaasada si ay ugu diyaariyaan inuu magaca Xisbigaas tartan ku galo 2022 doorasahda soo socota waxaa u soo baxday in horta si fiican loo sii fashiliyo Xasan Sheikh oo ay Fiqi iyo kooxiisa markii uu madaxweynaha ahaa siweyn ula dagaaleen ayna kaalinta koowaad ku jireen dadkii fashiliyey.

Arintaan in Xasan Sheikh meel xun oo uusan ka soo kabsan karin lagu gaarsiinayo siyaasad ahaan waxaa Axed Macalin Fiqi kala shaqeeyey koox u badan taageerayaashii Xasan Sheikh horey ula soo shaqeeyey oo ay ka mid yahiin Odowaa iyo wasiirkii Amniga C/riaaq Cumar oo Axmed Macalin Fiqi xidid la ah. ragaan Fiqi waxey kaka duwan yahiin siyaasadooda waxaa ugu weyn si qarash looga helo Xasan Sheikh in la yiraahdo adigaan mar kale ku soo sharaxaneynaa dhinaca kalena ina Fiqi ka shaqeeyo qaab kasta oo lagu quusinayo Xasan Sheikh 2022 doorashada soo socota. kedibna maxaa dhacay waxey yiraahdeen mooshinka hada R/wasaare Kheyre la sheegay in laga keenayo caalamka si hoose ha loogu sheego inuu kooxda hogaamineysa ka mid yahay madaxwynahii hore ee Somaliya Xasan Sheikh.

Nasiib wanaag waxaad moodaa inuu Ilaahey ogyahay qalbiga malaayiin Somaliyeed ee dal iyo dibad ku dhiban kooxkasta oo isku dayaan iney bulshada jahwareeriyaane intaanba la gaarin hamigooda iyagaa durbo fashilmaan. hayeeshee inagoo aanan halkaan ku soo koobi karin burburka ku dhacay Axmed Macalin Fiqi iyo ururkii aan weli dalka laga sharciyeyn ee Daljir inagoo shacabka u soo koobeyna qodob qodob isbuucyada inagu soo aadan hadane ma jirto mooshin ama madaxda dowlada lagu saxayo oo maanta dalka Somaliya ka jira, mashruucii kan ka horeeyey waxaa horboodayey Cabdirashiid Xidig oo siweyn uga soo horjeeda Axmed Madoobe oo xitaa ku fashilmay inuu magaalada Mogdishu iskugu keeno qaar badan oo ka mid ah xildhibaanada Jubaland si Somaliweyn loogu sheego in Axmed Madoobe yahay qof aan heysan taageerada shacabka Jubooyinka marka isagoo arimaha kala dhaxeya Axmed Madoobe ku dhax qarinaya ayuu dowladii oo aan xitaa 2 bil jirsan inta Kenya ka soo laabtay yiri waxaan ka keenay Mooshin isagoo og xitaa inuu baarlamaanka fasax ku jiray oo uusan sharci u laheyn inuu ka hadlo arimaha xukumada ilaa ay dib ugu soo laabanayaan shaqadooda, yacni xitaa sharciyada uu baarlamaanka amaba qofka xildhibaankaa ku shaqeeyo lama yaqaano ileen waxaa horey loogu bartay mooshino laaluush lagu heli jiray si xukumadkasta loo rido maxaase ka raacay.

3-Qodobka ugu danbeeya ee aanu maanta bulshada la wadaageyno waa shirka uu madaxweynaha Somaliya shir gudoominayo ee la leeyahay waxaa looga hadlayaa arimaha amaanka oo waxaa ka soo qeybgalayo madaxda maamulada gobolada dalka shirkaas waa ruwaayad loo jilayo shacabka Soomaaliyeed wax ka soo baxayo ma jiraan, waa mid lagu jahwareerinayo umada Soomaaliyeed inagoo weliba tusaale kooban oo uu qofkasta ku qanci karo ka bixineyna.

Rumeyso amaba ha rumeysan ma jiri doonto ciidamo inta leysku dhafo halmeel ka amar qaata oo Soaliweyn ka wada dhaxeeya inta ay Puntland isku aragto iney wax dheer tahay Somalida kale ee hada kula jirta nidaamkaan federalkaa ee curdunka ah ugu danbeyna wuu burburi doonaa nidaamka federalka oneway or the other kedibna waxaa lagu qasbanaan doonaan muran badan kedib in dib loogu laabto nidaamkii dowlada dhexe iyo 8dii gobol ee Somaliya inagoo xaqiiqada arintaas iyo calaamadaha muujinaya bulshada la wadaageyna dhawaan.

A) Waayo waxaa tusaale kuugu filan meesha ay Puntland ka istaageen imtaxaankii Shahaadiga ahaa oo waxey yiraahdeen ma aqonsanin wax la yiraahdo wasaarad waxbarasho oo dowlada federalka ka socota oo aanu aqoonsanahay inagaa waxbarashadena iyo arimaheena Imtixaanaadka u madax banaan oo waxaan heysanaa waxbarasjo u gaar ah Puntland.

B)Waxey leeyahiin arinta dekeda Boosaaso inaga ayaa xor u ah oo Imaaraadka kala xaajooneyna oo heshiisyada iyagaa iskood u galaan taasi oo ka dhigan in aysan Puntland ka tirsaneyn nidaamka federalka Ruwaayada federalkana la doonayo in lagu madadaaliyo qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, weliba kama hadleyno sida ay maamulka Puntland u dooneyn wada jirka Somalida koofurta jiritaanka arintaasne marka la gaaro ka hadalka iyo wax ka bedelka dastuurka dalka ayey dad badan ogaan doonaan sida qaldan ee ay u fikirayaan siyaasiyiinta reer Puntland.

C) Waxaan ognahay in Cabdiweli Gaas ku mashquulsan yahay sidii odoyaal laga soo aruuriyey degaanada Puntland uga heli lahaa mudo kordhin 3 sano ah amaba hadii ay u mari weyso labo sano, isagoona Tuulooyin aan u qalmin degmooyin iskaka dhawaaqayo waayo waxaa jira wado loo maro marka ay Tuulo noqoneyso degmo waa iney jiraan sharuudo buuxin kara sida iney leetahay xarumo loogu adeego dadweynaha sida Saldhig, Schoolo waxbarasho, Ceel biyood, tiro shacba ah oo qiyaasti kaaraya
500 ilaa kun qoys waa in magaaladaas buuxin karto waxyaabo badan yacni waxaan ka hadleynaa nidaamka dowligaa ee caalamka ka jira.Paarlamaanka Puntlandna kordhinaya dhawaan isagoo leh waxaan qancinayaa beelo reer Puntlad ah si ay mudo kordhin ugu sameeyaan awadeed isagoo C/weli Gaas maslaxadiisa gaarka ah eeganaya.

Marka maamul dadka hogaaminaya aaminsan yahiin in ay iyaga kaliya ka godo talada umada Soomaaliyeed oo diyaar u ah inuu waxkasta diido iskuna arka inuu Somalida kale wax dheeryahay oo weliba degaanada Puntland fikaradaha laga aaminsan yahay markaad kuwooda aan aqliga saaxiibka u aheyn la sheekeysato waxey ku leeyahiin maxaa naga maqan Daarood wadanka waxuu ka maamulaa maanta degaanada ugu badan koofurta Somaliya inagaana waxkasta ku dhawaaqano, hadey tahay Tuulo degmo loo bedelayo Sargaal la dalacsiinayo maxaanu Mogdishu uga baahanahay iyo wax la mid ah.

Arimahaan oo dhan ugu danbeyn waxey keeni doonaan in Hiiraane maamul Goboleed looga dhawaaqo dhulkii leysku dhihi jiray Banaadir ee u dhaxeeyey Magaalooyinka Daafeed, Marka iyo Jowharna looga dhaqaao Banaadir State markaas kedibna waxaa lagu qasbanaan doonaa in dib loogu laabto dowladii dhexe ee uu dalku lahaan jiray beri samaadkii marba hadii nidaamkii federalka oo Puntland ka soo bilaawday iyada uu ku danbeyn doono fashilkiisa.

Dadka Soomaaliyeed waxey heleen dowlad macquul ah xaqiiqadiina waxuu maanta joogaa meeshii laga hagaajin lahaa fikir kala duwanaantii horey u jirtay waxaana muuqanaya hadii runta leysku sheego oo dalka laga hirgaliyo dib u heshiisiin dhab ah kuwa hada isku maleeya iney guul joogaan oo ay ku najaxeen nidaamka federalka oo ay ku helaan sadbursi iyadoo aysan cidna dhibaateyn iyagaa si isgood ah siiba degaanada Puntland oo uu ka soo bilaawday hanaanka federalka burburka uga horeyn doona Somalida kale ee koofurta waayo bulsho kasta waxaa ku jira dad xisaabtama oo aragti fog yaa waaye cida maanta laga dhaadhicinayo sargaal aan ka soo jeedin beesha Majeerteen oo dowlada federalka ka socda ayaa degaanada Puntland inta taga si Somalinimo leh looga dhageysanayaa Puntland oo loo arkayaa inuu yahay muwaadin Somaliyeed oo ka tirsan ciidanka XDS wax aqliga galayoo ayaa la rabaa in dadka Soomaaliyeed loo sheego.

Marka degaanada Puntland ka dhacaan dagaalo lagula jiro Shabaab weli ma maqasheen iyadoo la leeyahay ciidamada XDS qeybta Puntland ma jirto waxey leeyahiin Ciidanka dowlada Puntland magaca Somaliya ma maqleysid iyadoo loo adeegsanayo.

inagu ma doneyno in aanu bulshadeena ku maaweelino siyaasadaha been beenta ah ee mediyaha lagu qurqruxiyo nidaamka federalka inuu dalka Soomaaliya ka hirgalo waxey ku xiran tahay hadba sida ay Somalidu daacad uga wada noqdaan.bal aan aragno madaxweyne Farmaajo markii uu Puntland tago waxa uu kala soo laabto kedibna Somaliweyn u sheego marba hadii Puntland ay iyadu gooyni u qaadaneyso imtixaamaadkii Shahaadiga ahaa oo ah waxa ugu yar ee la doonayo iney hoos tagaan dowlada federalka.Isku soo duuboo dalka Somaliya marka loo eego rabitaanka shacabka iyo sida ay Soomaali oo dhan ugu heelan yahiin iney helaan nabad iyo nolol isna cafiyaan, hadane markii aad aragto hab dhaqanka tiro yar oo bulshada ka mid ah in uu dalkeena ka hanaqaado nidaamka federalka oo la gaaro doorasho cod iyo qof ah ma muuqato waayo baarlamaanka hada jirane uma bisla arintaas hirgelintiisa.maamul goboleedyada qaarkoodna sida Puntland iyo kuwa kale ee dalka ka jirane sida ay u fikirayaan waa kaaf iyo kala dheeri.hayeeshee waxbo waxbaa ka darane dalku waa mid aad uga macuulsan marka laga hadlayo isbedelka ku dhacay bulsho ahaan.xalka dalka waxuu ku jiraa runta oo aan laga gaban bulshadana laga qabto kuwa kala geynaya si looga soo kabsado mushkiladii 27 jirsatay ee uu dalku soo maray.


WARARKA MAANTA OO TALAADO AH.














PEOPLE AROUND THE WORLD LOVE PEOPLE OF QATAR,WATCH THIS VIDEO 2017:-DARAASAAD MUUJINEYSA IN AY DADYOWGA CAALAMKA SIWEYN U JECEL YAHIIN SHACABKA QADAR.DAAWASHO WACAN.











Goormee kuugu danbeysay waqtigii wanaagsanaa ee xulka kubada cagta ee Holland iyo wacdarahii ay ka dhigeen ciyaarahii cup-ka aduunka 1974 iyo weliba 1978-dii.Daawasho Wacan.


















Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.05 seconds
6,814,162 unique visits