Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 61,279
· Newest Member: Shapirlit

Welcome

HS;-



Hargeysa 2017:-Marka hore inta aanan u gudagelin ka hadalka waxa aanu bulshada gobolada waqooyi ugu dooranay in ay sanadkan doortaan Musharax Cabdiraxmaan Ciro amaba aanan gudagelin ka hadalka 10 ka qodob ee aanu dooneyno in aanu la wadaagno guud ahaan bulshoweynta Somaaliyeed meelkasta oo ay dunida kaka nool yahiin gaar ahaan jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed xitaa iyagoo kala fikir duwan waa muhiim in aysan u dhaqmin sidii dad Cawaan ah oo bilaa caqiido amaba diin ah oo kale, waana in ay la jaanqaadaan isbedelada siyaasadeed ee maanta caalamka ka jira ee weliba sida ay isku bed bedeleyso cimilada oo kale xawaaraha ku socda.sidaasi daraadeed si aysan u lumin mustaqbalka jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed waa muhiim in uu aqligu shaqeeyo lana bedelo siyaasadahii iyo taariikhahii been beenta ahaa ee lagu marin habaabiyey bulshada Soomaaliyeed si guud iyo si gaar gaar ahaaneed. hadaba si aad xaqiiqo badan u ogaato aqri 10 kaan qodob ee aanu ku soo koobnay waxii la soo maray 27 kii sano ee ina dhaaftay.

1-Horta dagaaladii ahliga ahaa ee dalkeena ka curtay 1988 iyo waxii ka danbeeyey ma waxey dadka Soomaaliyeed kuwoodii kacdoonka bilaabay la dagaalayeen nidaam (system) markaasi jiray oo ay Somaliweyn ku wada jirtay mise qabiil iyo shaqsiyaad gaar ah ayuu bartilmaameedku ahaa iyo in wadanka sidaan xad dhaafka ah loo burburiyo?Jawaabta oo kooban hadaan soo koobno ma jirin qorshe cad oo qeexayey waxa loo dagaalamayey.

Tusaale:- Markii ay awoodii dowladii dhaxe gacantooda ka baxday kooxahii dalka la wareegay maxey sameeyeen, ma waxey bartilmaameedsadeen qabiilo gaar ah mise shaqsiyaad markaasi nidaamkii dowlada ka mid ahaa.xaqiiqadii dhamaanba kooxahii wadanka ka dagaalamay ama ha joogaano Waqooyi amaba koofurta sidey u dhamaayeen waxey ahaayeen kooxo uu hagayey damac qabiil wax qaranimo ah oo ay markaas tiigsanayeen iyo in ay bulshada Soomaaliyeed ama ha joogo gobolada waqooyi amaba ha joogo gobolada koofureed oo waxaa cadeyn kuugu filan markii ay magaalada caasimada ah gudaha u galeen kooxdii USC iyo intii ku fikirka aheyd waxey bartimaameedsanayeen qabiilo gaar ahaa iyo shaqsiyaad oo iyadoo ay dowlada ku wada jireen Soomaali oo dhan waxey shaaricyada magaalada Mogdishu ku dilayeen qaar ka mid ah masuuliyiintii xiligaaasi jiray halka kuwona ay si nabad ah ugu noolaayeen magaalada Mogdishu taasi oo muujineysa in aan system markaasi jiray amaba nidaam dowli ahaa laga soo horjeedin.

Hadaan waxoogaa si waadax ah ugu qeexno shacabka Soomaaliyeed si ay u xaqiiqsadaan in aan nidaam markaasi jiray lala dagaalin ee ay arintu iska aheyd kacdoon bilaa qorshe ah waxaa cadeyn amaba daliil kuugu filan markii Caasimada Somaliya meydkooda la dhigayey masuuliyiin aanu ka xusi karno Cabdalle Maxamed Faadil iyo nin kale oo lala dilay una shaqeyn jiray Bankii Dhexe ee Somaliya ee xiligaasi jiray ninkaasi oo aanu qiyaaseyno inuu degaan ahaan ka soo jeeday magaalooyinka Galdogob amaba Buuhoodle midkood waxaa meydkooda la dhigay dharaar cad inta u dhaxeysa Warshada Baastada iyo Cinema Puntland meeshii ay ku tiilay qofkii garanayo caasimada Soomaaliya ayaa garanaya.

Marka ragaas la dilayo waxaa caasimada Somaliya joogay rag aan ka xusi karno Xusen Kulmiye Afrax, Cabdulaahi Cosoble Siyaad,Cabdi Warsame Isaaq,C/qasim Salaad Xasan iyo siyaasiyiin kale oo badan,yacni ragii ay dowlada iskula jireen ragaan aan idiin sheegnay ee meydkooda la waray shaaricyada Mogdishu hadii waxa lala dagaalayey ay aheyd nidaam amaba system maxaa kuwaasne loo dili waayey ileen system-ka hadii uu xumaa intii la shaqeysay oo dhana wey xumaayeene?

Waxaa taasi la mid ah waxii ka dhacay gobolada waqooyi oo inagoo qaran jirno ah oo xitaa laga soo kabsan karay waxii markaasi Mogdishu iyo nawaaxigeeda ka dhacay loona doortay madaxweyne kumeel gaar ah Cali Mahdi Maxamed waxaa R/wasaare noqday Cumar Carte Qaalib waxuuna amar ku bixiyey in ay ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugnaa gobolada waqooyi isku dhiibaan jabhadii SNM ee ka dagaalameysay gobolada waqooyi.

Kedibna maxaa dhacay intey hubkii ka qaataan ma sii deyne intey kala sooceen ciidankii ileen waxey ahaayeen jabhad aan kala aqoon faraqa u dhaxeeya Qaran iyo Qabiil waxey ciidankii kala baxeen kuwii ka soo jeeday qabiilo ay markaas u ciil qabeen waxeyna ku xasuuqeen halkaas, halka tiro yarna ay gaajo ugu dhamaadeen halkaas markii ay ku waayeen daryeel maadaama aysan degaanka ay ciidamada Xooga dalka ee berigaa jiray aysan qoysas u joogin halkaas, yacni halkaas waxaa kaaka cad in aan nidaam dowli ah oo xumaa lala dagaalin ee ay dalka ka curteen kooxo bilaa qorshe ah oo eeganayey danaha qabiilkooda iyo degaanka ay ka soo jeedeen.

2-Waa in leysweydiiyaa xakuu maanta ku danbeeyaa dalkii Soomaaliya kedib 27 sano oo fowdo iyo jahaweer siyaasadeed ah mise jiraa qabiil amaba gobol Soomaaliyeed oo maanta laga helayo shacab boqolkiiba boqol wax uun isku raacsan wanaag iyo xumaan? ma jirto waxaad ku xaqiiqsan kartaa bal intaad meel fadhiisato waxaad kaliya isku daydaa adigoo magacaaga ka bilaabaya kuna geynaya awoowkaada 4 aad kaliya inta aad ka tirsato waxaad iskugu yeertaa inta qoys oo ay ka kooban yahiin dadkii uu ka tagay awoowkaada 4aad kedibna kala hadal arimo iyaga quseeya oo ay wanaag iyo horumar ku gaari karaan, wax ay isku raaci karaan ma jirto waayo markii ay qabiilka kore ka yimaadaan oo ay iyaga isku soo haraan reerkasta iyagii ayaa sii kala baxa ilaa aad ku timaado magaca aabahii adiga ku dhalay, waana midaas tafaraaruqa faraha badan iyo xushmad la'aanta laga dhaxlay waqtigii fowdada.

3-Waxaa intaas aanu soo sheegnay ka sii daran waxaa bulshada Soomaaliyeed sidey u dhan yahiin hadii ay ku nool yahiin gobolada waqooyi amaba kuwa koofureed ka lumay dhaqankii soo jireenka ahaa iyo kala danbeyntii oo waayadii hore ee aanu aheyn dal jira oo calan iyo karaamad bulshoba lahaa xitaa sida ay bulshadu iskula socon jireen waxey aheyd sida ay u kala da weyn yahiin oo waxgaradka amaba dadka waaweyn waxey ku sheegeysan jiraan goob u gooyni ah dhalinyarada sidoo kale dumarka sidoo kale, hada arimahaas oo dhan meesha wey ka baxeen oo waxaa lumay xeerkii qoyska oo waxaad arkeysaa wax kaleba iska daaye heerka aan dhinaca aqlaaqda ka mareyno bulsho ahaan dalka Soomaaliya meelkasta oo aad ka tagto waxaad kaliya qiimeyn ku sameysaa marka ay Somalidu iskugu yimaadaan shirarka siyaasada iyo midka qabiilka intaba isma dhageysanayaan oo qofkasta iyadoo uu qof madax ah amaba qof bulshada ku dhax leh magac qudbeynayo ayey buuqayaan oo ay telefono ku hadlayaan oo ay kaamiradahii wax duubayey hortoda iyagoo qaarkood Cadeyga Ilkaha lagu nadiifish (toothbrush) wataan ayey shirkii dhax joogaan waxey arintaas dalka Soomaaliya ka noqotay wax iska caadi ah.

4-Waxaas oo dhan waxaa u dheer jahwareerka lagu hayo bulshada Soomaaliyeed kuwooda aan la socon waxii la soo maray xiligii fowdada oo iyagu aan weligood arag waxba la yiraahdo dowlad Soomaaliyeed dhaqankii ay ka dhaxleen jabhadahii dowladahii dhexe kala wareegay awooda ee ku kala sugnaa waqooyi iyo Koofur, oo waxaad arkeysaa mararka qaarkood wax kaa yaabinayo. hadaan tusaale yar bushada siino tan iyo markii aanu bilaawnay in aanu halkaan ku soo qorno wararka iyo hadba meesha ay mareyso doorashada Somaliland waxaa emailo nagu soo waalay shaqsiyaad u badan kuwa ka soo jeedaan koofurta Soomaliya qaarkood oo leh "war maxaad u buun buunineysaan Qolyahan Idoorkaa ee Somali naceybka lagu saladay" iyo wax la mid ah. dabcan adigoo la yaaban kuwaas ayaa waxaad arkeysaa iyaguna shaqsiyaad iyo siyaasiyiin ku nool gobolada waqooyi amaba degaanka ay maamusho Soomaaliland oo leh "war Maxaan kala hadleynaa Faqashta" iyo wax la mid ah. nasiib wanaag ereyga Faqash hadaad maqasho dadka isticmaalo ulama jeedaan dadka degan koofurta Soomaaliya oo dhan ee waxey u yaqaanan Qabiil la yiraahdo Daarood.

Bal marka waxaad isweydiisaa bulshada ay dad noocaas u fikirayo ku jiraan ma hormari karaan? jawaabtu waa maya waayo midka leh war maxaad Idoorkaan Soomaali naceybka lagu saladay u buun buunineysaane waxaa ka maqan walaalkaa si kasta oo aad u kala fikir duwan tahiin cid kuu dhaanta ma jirto. sidoo kale waxaa taasi la mid ah midka leh Faqash waxuusan ogeyn dadka uu leeyahy Faqash qeyb ka mid ah iney la degaan dhulka loo yaqaano British Somaliland oo uusan iyaga la'aantood waxbo noqon karin oo uusan qabiil qaran noqoneyn.

La soco Qeybteena labaad oo aanu ku soo qaadan doono qodobada ka haray 10-ka qodob ee aanu bulshada gobolada waqooyi ugu dooranay in ay sanadkan doortaan Cabdiraxmaan Ciro si aad xog ogaal u noqoto oo aad xaqiiqada uga abaarto meesha ay kaa jirto inagoo ka duulayna waxii la soo maray ayna noo muuqato wacyiga siyaasadeed ee maanta caalamka ka jira iyo habdhaqanka Somali badan inuusan isla jaan qaadi karin waa hadii uu aqliga shaqeynayo, waayo muhiim maahan in ay shacabka gobolada waqooyi noqdaan dal sida jabouti oo kale madaxbanaan amaba in ay wada hadal la galaan dowlada Soomaaliya waxaa muhiim ah oo bulshada micno weyn u sameynaya hadba sida loo muujiyo xilkasnimo oo waxkasta looga eego dhinaca wanaagsan,iyadoo ay dadka bulshada horboodayo isweydiinayaan bal horta xageen u soconaa xageense ka nimid, sidee ayaan ula jaanqaadnaa dunida inteeda kale inagoo Somali ah sidaan u dhan nahay, xagey dunidu u socotaa ma sii kala tagoo haysaa mise dib ayey iskugu biirayaan oo waxaa socda isxulufeysi caalami ah iyo wax la mid ah.adigoon ku mashquulin awoowgey libaax ayuu ahaa iyo hebel waa mujaahid iyo wax aan maanta dunidan horumartay micno weyn u sameyneyn.... qeybta labaad filo.






















































Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,814,161 unique visits