Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
oapedmer

· Total Members: 61,279
· Newest Member: Shapirlit

Welcome

HS:-



;








































Yaan Bulshada Hiiraan iyo Sh/dhexe la lugooynin durbaanka beentaa ee meelaha Hiiraan ka baxsan leydiinka tumayo intaad run moodaan shacabka mar kale waqtiga ka lumiya. Cali Cabdullaahi cosoble ma shaleyto markii ay xildhibaanada hada xilka ka qaaday markii ay dooranayeen ayuu saxsanaa mise maanta ayuu saxsan yahay. dadkii Hiiraan State iyadoo Kismaayo iyo Baydhabo maamul u dhisneyn diiday yeysan durbaan been ah oo aan ognahay inuusan run ka aheyn waxgaradka Hiiraan iyagoo shaati qabiil gashanaya maalmo kooban ku jahwareerin xalka ugu haboon hadii mustaqbalka caruurta Hiiraan iyo kuwa Sh/dhexe loo turayo waxaan ku soo koobeynaa 3 qodob oo kaliya.

1- Inuu Cali Cabdulahi Hiiraan tago uuna aqbalo xilka qaadista lagu sameeyey halkaasne isku casilo isagoo dhaxjooga waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ileen isagaa shaleyto iyadoo la tashan karay Jowhar u cararay isagoo kaliya xiligaas talo ka qaadanayey Aabahii Cabdulaahi Cosoble Siyaad oo isaku kaliya wiilkiisa xilka uu hada hayo la rabay.waayo hadii uu diido Cali Cabdulaahi in xilkaas laga qaaday oo sharci maahan yiraahdo isagaaba isku qiray inuusan markiisiii horeba shacri aheyn haduusanba aqoonsaneyn xildhibaanadii soo doortay sidey doonaanba haku yimaadaane.

2-Xiligii fowdada wax lagu raadinayey waa laga soo gudbay dadka reer Hiiraan maamulka hada Cosoble ka danbeeya ee la dhisayo ayna hormuudka u noqoneyso maareynteeda dowlada federalka ileen nidaam federal iyo maamul goboleed Somaliya kama hana qaadayo hadaanba looga danbeyn dowlada federalka, waxii qalad ahaa ee horey u jiray intey waxgaradka reer Hiiraan soo qodobeystaan sidaan iyo sidaan ayaan reer Sh/dhexe wax kula qeybsaneynaa macaga maamulka sidaan in loo bixiyo ayaan xal u aragnaa iyo gobolka Hiiraan taariikhdaas ayuu lahaa ee xaqiisa meel hala saaro wax la taaban karo la imaada idinkoo weliba qof aad isleetahiin bulshada misirkeeda waa lagu aamini karaa dadka wax dooranaya farta ugu fiiqaya.

3-Hadii kale inta telefon been ah leydiinku jahwareeriyo bulshada waqtiga ka lumiya shacabka Sh/dhexe waa macquul in ay siyaasiyiinta sida kuwa Hiiraan daneystayaal u yahiin laakinse shacabka guud ee Sh/dhexe wax ka wanaagsan in wax lagu darsado ma jirto waa dad sharaf leh oo xitaa markii ay wanaag socda arkaan jecel in ay bulshada uga dheereeyaan


Beelaha Soomaaliyeed qaarkood markii ay doonayaan ineysan hprey u socon waxaa lagu gartaa kooda ugu xun bulshada ayey markii uu fashilmo Soomaaliweyn uga hdigaan libaax amaba Wiil Hoog. war aqligu ha shaqeeyo Hiiraan State dhismahedii iyo juhdigii lagu bixiyey dadkii diiday markii uu midkasta maalin fashilmo yeysan bulshada wax baan dhiseynaa been ah ku qaraaban wadankaan Beesha caalamka arimaha Somalida iyo m amulkeeda faraha lama geli karaan dal xor ah oo madaxbanaan oo c alanleh ayaanu nahay waxaan xornimo qaadanay 1960 kii waxaan leenahy dowlad gfederal ah oo ay hohgaaminayaan muwaadinin Soomaaliyeed oo maareyn karta arimaha Soomaaliya hadii ay tabasho jirto reer Hiiraan dhinacooda waa in loola tagaa madaxda qaranka oo aan taladeena hadii xitaa waxa la dhisayo ay tuulo Somaliya ku taalo tahay arintu noqoto mid u taala Soomaali maadaama ay dalku leeyahiin dadka Soomaaliyeed fikirkasta ha lagu kala duwanaado.arintaan maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ma ahan wax u yaalo cid aan aheyn shacbaka kunool gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo dowlada federalka oo dalka wakiil uga ah bulshada. Hadii uu Cali Cabdulaahi Cosoble run sheegayo intuu Hiiraan tago xiligii shaqsiyaadka gobolada dalka qaarkood horboodaya ay sidii hogaamiye kooxeedyadii u dhaqmayeen amaba ka macaashayeen lugooyada shacabka Hiiraan iyo Sh/dhexe iaygoomelo fog fog telefono ka soo dirayo waa lag asoo gudbay.Hadii maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe magaca laga beddelayo waxaan u bixin laheyn (Goden State of Somalia )maadaama ay labadaas gobol hodan ku yahiin qeyraad badan bad iyo bariba kaliya maamulka bulshada loo dhisi doono waxii horey u qaldamay hala turxaan bixiyo. Ogada sida ay dadku u kala naxariis badan yahiin amaba u kala damiir wanaagsan yahiin ayey ku xirn tahay nolosha iyo mustaqbalka caruurta Saboolkaa ee nolol maalmeedkooda la xarbinaya, halka kuwa horboodaya bulshada aysan ka fikireeyn kuwa ay dhaleen maahane kuwo kale.DAAWASHO WACAN MUQAALKAAN KUNA CIMRI QAADO OO WAXAAD OGAATAA IN KUWA XOOLAHA HEYSTA IYO CUNUGAAN ALLAAH WADA ABUURAY DADKA SOOMAALIYEEDNA LOOGA BAAHAN YAHAY INEY JOOJIYAAN MURANKA IYO QILAAFKA DALKA IYO DAKA LA HARAY IYAGOO WAXKASTA KU DABAQAAN QABIIL IYO DANO SHAQSI >

MAAMULKA HIIRAAN IYO SH/DHEXE LOO DHISAYONA HALKII QOFKA HOGAAMINAYO LOOGU YEERI LAHAA MADAXWYNE TAARIIKH CUSUB DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED HA U BILAABAANO SHACABKA HIIRAAN IYO SH/DHEXE OO HALOOGU YEERO GUDOOMIYAHA STATE HEBEL HADBA MAGACA STATE-KA UU MARKAAS HOGAAMINAYO HA LOOGU YEERO. WAR CUDURKAAN MADAXWEYNAHA EE SOMALI KU DHACAY EE KII TUULO XAKUMABA DOONAYO IN MADAXWEYNE LOOGU YEERO DAL QURA AYAANU NAHAY EE HAB DHAQANKAAS AADKA U XUN HA LAGA JOOJIYO DALKA WAAN OGANAHAY NIDAAMKAAN FEDERALKA MA AHAN MID AY SOMALIWEYN DOORATAY WAA MID DIBADA NA LOOGA KEENAY INUU BUR BURO HADAAN LA DOONEYN WAA MUHIIN IN LA HELO BULSHO KU DHIIRATA IN QOFKA HOGAAMIYAHA BULSHADA GOBOLADA AMABA STATE-KA LOOGU YEERO GUDOMIYE GOBOL. MAANTA INTAAN HA INOO JOOGTO
.







Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno m/weynahii dhawaan xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu danbeyn xaqiiqada siyaasadeed ee ka jirta dalkeena soo taabtay kedib markii uu waayey wax taageero ah hadey noqon laheyd shacab, siyaasiyiin, waxgaradka Hiiraan iyo Sh/dhexe intaba aad ayuuna u dareemay hada inusan wax xil ah bulshada labada gobol u heyn. arintaan ayey waxey guul daro siyaasadeed ku tahay R/wasaarahii Hore ee Somaliya Cumar Cabdirashiid iyo m/weynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo iyagu labo isbuuc oo isku xigta la kulmay labo guul daro kedib markii doorashadii dhawan ka dhacday Kenya oo uu ku guuleystay madaxweyaha dalkaas Uhuru Kenyatta oo ka guuleystay musharaxii ay u ololeynayeen dhiigkar ka qaadeen ayaa mar kale waxaa meesha ka baxay qorshahii ay Cali Cabdulahi Cosoble kula heshiiyeen ee ahaa in la mucaarado waxkasta oo wanaag ah oo dalka Soomaaliya ka soo bidhaama iyadoo aan shacabka leysku muujineyn waana midaas sababta ugu weyn ee Cosoble ku waayey taageerada shacabka Hiiraan iyo Sh/dhexe waayo shacabka Soomaaliyeed diyaar uma ahan in mar kale madaxbanaanida dalkooda iyadoo lagu tumanayo loo adeegsado gudoomiyaal heer gobol ah ee iagu la baxay madaxweynayaal.arintaan ayaa waxey sidoo kale dhabarjab xoogan ku tahay dowladii iyadoo uu wadanka madaxweyne ka yahay m/weynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud iyadoo madax- banaanida dalkeena ku tumaneysa madaxweyne Xasan Sheikhna isku dayeysa iney bahdisho hogaamiyaashii maamulada gobolada dalka iskugu geysay wadankeeda kuwaasi oo dhamaantood looga guuleystay doorashadii heerka madaxweyne ee horaantii sanadkan ka dhacday dalka Somaliya ee lagu doortay dowladan cusub.

M/weynaha Kenya ayaa laga yaabaa marka la dhaariyo kedib inuu talaabo ka qaado hayado badan oo NGO oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nairobi kuwaasi oo la shaqeystaan Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo iyagu siweyn ugu fashilmay siyaasada guud ee dalka Soomaaliya.waxaa laga yaabaa dad badan oo Soomaaliyeed oo 24 kii saac ee ina dhaaftay mediyaha ka maqlayey Cabdiweli Gaas oo leh waxaan taageersanahay xulufada Sacuudiga uu hogaaminayo iyo wax la mid ah. arintaas cidii dooneysa xaqiiqadeeda wax ka jiro ma lahan ujeedada ugu weyn waa isaga iyo Cumar Cabdirashiid oo iskaka ciciyaarayaan qaar ka mid ah wadamada carabta oo iyagu la sheegay in aysan wax qiimo ah ugu fadhiyin madaxbanaanida wadamada caalamka qaarkood iyagoona la sheego aqliga kaliya ee ay leeyahiin inuu yahay Open Check oo ay bulshada caalamka ku kala dilaan heerka ay siyaasad xumo ka joogaan dowladaha carabta qarkood.The funy part is........Shacabka Puntland waxaa laga dhaadhiciyey inuu Cabdiweli Gaas Casuumaad ka helay boqor Salmanka Sacuudiga So funny, We could not believe it in ay siyaasada wadamada Carabta qaarkood sidaan xad dhaafka ah u fashilan tahay oo shaqsiyaad heerkoodu gudoomiyaal gobol ah dowlado carbeed oo mudo qarniyaal ah soo jiray iskaka ciciyaarayaan madaxdooda.Viva Soomaliweyn. isku soo duuboo Cali Cabdulaahi Cosoblegalbay. la soco warakeena danbe.



Riyadh and Doha 2917:-Inkasta oo ay dhinaca ganacsiga iyo siyaasada ku kala tageen wadamada Sacuudiga iyo Qadar dowlada Qadarna ganacsigii kala dhaxeeyey wadanka Sacuudiga ku wareejisay amaba qandaraaskaas ay qaateen wadamado dhawr ah oo caalamkaa hadane waxaa dhawaan lagu wadaa in ay shacabka Qadar sida dalalka muslimka ee caalamka shacabkooda ugu xajinayaan magaalada barakeysan ee Makkah iyaguna ugu soo cibaadeysanayaan iyagoo loo furayo xaduuda u dalka Sacuudiga la leeyahay wadanka Qadar.
Sikasta oo ay ahaataba murankii dhawaan dhaxmaray dhawr dal oo carab ah ayna xiriirka uu jareen dalka Qadar Sacuudiga iyo xulufadiisa waxuu dalalka Islaamka tusiyey siiba kuwooda aan aheyn carabta in uusan jirin urur la yiraahdo jaamacatul carab oo uu ururkaas iska yahay madal ay Masar iyo Sacuudigu leeyahiin, waxaaa ururka Jaamacada Carabta boqolkiiba Boqol ka wanaagsan ururka Midowga Africa ee African Union oo ugu yaraan marka ay qaarada Africa wax yar ka dhacan iskugu yimaadaan kulan deg deg ah oo arintaas looga hadalayo.

Dabcan qofkii mar danbe laga maqlo wadamada Carabta rasmigaa iyo kuwa aan carabta aheyn ee tirada lagu badsado sida wadamada qaarada Africa ku yaala ee madowga ah ee aan iyagu aheyn Carab lakinse ururkaas kaliya ka ah xubin syaa ku mideysan urur la yiraahdo jamacadul carab malaha waa mid bulshada been loogu sheegayo, waayo hadii uu jiro urur la yiraahdo Jaamacadul Carab waxey ugu yaraan cambaareyn lahaayeen dhibaatadii shacabka dalka Qadar ay u geysteen xulufada uu hogaaminayo sacuudiga taasi oo ka baxsaneyd bini'aadaminimada oo hooyo iyo canugii ay dhashay la kala xayiro afrdey iskuul ka qalanijabinayo loo diido shahadahii amaba xafladii qalin jebinta oo intey kala qaadaan siyaasada iyo tacadiga loo geystay dadka aan waxbo galabsan ee reer Qadar ee lagu dhibaatdeeyey siyaasad aysan haqo ku laheyn ayey ka hadli lahaayene intey iskuguyimadaan ugu yaraan.Waxaad kaliya isweydiisaa waxa shirkasta oo ay iskugu Imaanayaan ururka Midowga Africa loogu casuumo madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas? waayo shacabka reer FALASTIIN waxey jecel yahiin amaba jeclaan lahaayeen iney dadka Africa wax la wadaagaan intii ay dalalka Carabta qaarkood wax la wadaagi lahaayeen kedib markii ay arkeen habdhaqankooda. isku soo duuboo siyaasad ahaan siweyn ayey sacuudiga iyo xulufadiisa ugu fashilmeen siyaasadii ay dalka Qadar kula dagaaleen hadii aysan dowladaha Masar iyo Sacuudigu la imaan xal ka duwan midkii ay bulshada caalamku arkayeen amaba la yaabeen kaasi oo dunida ka shaqeyn waayey waayo Qadar waa dal xor ah oo madaxbanaan Carab iyo cajabna meel uma fadhiso dowlada iyo shacabku wey isku tashadeen cidkasta oo ay dunida kala macaamali karaan shirkadkasta oo ay la macaamili karaan ayeyna soo dhaweysteen dhawaana waxaa la arki doonaa inta badan wadamada Qaarada Africa ee xubnaha ka ah ururka jaamacada Carabta oo ururkaas iskaka baxaan hadii xaalku sidan sii ahaado waayo dulmi in la taageero oo dal iyo dad xor ah siyaasad lagu duleysto ma soconeyso What ever happens.la soco wararkeena danbe
.



















Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 2.36 seconds
6,814,095 unique visits