Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 61,279
· Newest Member: Shapirlit

Welcome

HS:-




























;


















SOMALI FEDERAL SYSTEM:-sidaad shaxda ku aragtan nidamka federalka rasmigaa waa dowlad dhexe oo talada dalka looga danbeeyo iyo state-yo iyadaas hoos taga.inkasta oo aanan doneyn in aan wax badan kudheeraano siiba qaabka dalkeena loo keenay nidaamkaan qaldan ee aan xitaa kala saari karin awooda dowlada dhexe iyo maamulada dalka ayaa hadane wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno waxgarad,aqoonyahano,dad sharci yaqaano ah iyo weliba quburo dalal badan oo caalamkaa ka soo qeyb qaatay dhismaha nidaamyo kala duwan oo federal ah ayaa xaqiijiyeen in uusan dal Somaliya oo kale ah ka hirgeli doonin nidaam federal ah Somaliduna aysanba fahamsaneyn shacabkooda iska daaye xitaa kuwooda maanta horbooda maamulada gobolada dalka ma aaminsana nidaamka federalka oo hada waxey kaliya u arkaan mashruuc waqti gaaban socon doona oo lagu taajiri karo.

Muhiimadu maahan nidaamka ee aan weli dalka Soomaaliya si dhab ah looga qaadan meeshi uu ka soo bilaawday iyo meesha uu ku dhamaan doono waxaase la xaqiijiyey in uusan dalka Soomaaliya ka shaqeyn doonin 99%. marka laga soo tago in uusan dalka Soomaaliya ka hanaqaadi doonin nidaam la yiraahdo federal hadane wararkii ugu danbeeyey ee aanu Soomaaliya ka heleyno ayaa sheegaya in ay dhawaan maamulka Galmudug iskaka baxayaan beelaha dega Xeeraale, Caabuud Waag iyo Ceelbuur taasi oo ka dhigan in ay magaalada Cadaado iskugu soo hari doonaan hal qabiil hal qabiilne aduunyada kama noqdo State. sababta ugu weyn ee ay beelahan uga baxayan ayaa lagu sheegay in aysan nidaamkaas hirgelintiisa diyaar u aheyn beesha hogaanka heysa oo ay meel aan magaalada Cadaado ka fogeyn ay iyaguna koox la baxday Ahalusuna iyaguna sheganayan maamul la baxay gobolada dhexe iyagoo hal qoys ah oo weliba dowlada federalka ka soo horjedaan.dhinaca maamulkii Hiiraan iyo Sh/dhexe xitaa hadii madaxweynahii xilkii laga qaaday ma jiraan calaamado muujinaya iney doorasho dhici doonto waxana haray 5 maalmood waqtigii la sheegay in ay doorasho dhaceyso meeshaasina waxbo kama soo naasa cada, sidoo kale maamulka Puntland ninka hogaamiya ma aaminsan dowlad federal ah waana kan iska shalaqsanaya aduunyadiisa iska maraya oo nidaamka federalka ku dawarsanaya sidi waxuu yahay dal ka madax banaan Somaliya, Jubaland Axmed Madoobe maba aaminsan federal waxuu kadoorbidayaa dowlad dhexe.

Sidaasi daaraadeed Somaliya hadii aan loogu talo gelin in bulshada la lugooyo Somaliya kama shaqeyn doono federalka caalamka ka jira oo kale.Tusaale yar oo xaqiiqo kuugu filan inuusna dalka Somaliya ka hanaqaadi doonin federal dhawr isbuuc ka hor m/weynaha Somaliya si uusan Puntland u booqan golahi wasiirada Puntland ayaa la kala diray safarkii madaxweynah markii la baajiyeyna isa iyagii ayaa hadane maalmo kedib la soo celiyey taasne waxey cadeyneysaa in aysan Somalidu sidey u dhan yahiin aysan dooneyn federal dalka ka shaqeeya.

inagu ma sheegin hadii nidaamkaan federalka loo keenay dalka in shaqo loogu abuuro wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Somaliya si ay ugu helaan malaayiin dolar iyo Xerada Xalanane u noqoto magaalo yar oo ka madaxbanaan Somaliya inteeda kale halkaasne isbuuckasta ka soo saaraan warmurtiyeed kaliya la maqashinayo qaramada midoobay oo kaliya loogu talo galay in loo tusiyo in ay dalka Somaliya ka socoto shaqo wanaagsan, hayeshee marka laga hadlayo nidaamka federalka Somaliya kama shaqeyn doono ilaa hogaamiyasha maamulada gobolada siiba maamulka Puntland aaminaan in ay hoostagaan dowlada dhexe oo ay yahiin gobol ka mid ah dalka intiisa kale. Waa Guul u soo hoyatay dalka iyo dadka Somaliyed in ugu danbeyn ay Somalidu arkeen inuusan xal u aheyn dalka iyo dadka Somaliyeed inta hogaamiye mamul goboleed la ficiltamayo madaxdii qaranka.La soco warar xaqiiqo ah inuu dhawaan burburayo nidaamkii federalka ugu danbeyna la qaadan dono dowlad dhexe sida leyskaka daba wareegayo.







;


























Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,814,087 unique visits