Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 2
vocavacymn, RocketmanBig

· Total Members: 131,305
· Newest Member: mavishl3

Welcome

HS:-




Mogdishu,Soomaaliya 2018:-Mar hadii Hooyadii Soomaaliyeed ee Albaab ka laga galo xarunta Villa Soomaaliya Shaaha ku iibineysay ee dan yarta aheyd Amaankeeda la sugi waayey,fashilka siyaasadeed ee ay la kulmi lahaayeen madaxda maan ta joogta,cidii jawaabteeda oo sax ah heysa malaha ma noola hadii ay nooshahayne waa qof xaqiiqada dhabta ah iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed badankood ku nool yahin iska indha tiraya.xagey ku danbeeyeen golahii sharci dejinta ee ku hadlayey amaba ku magacaawnaa codka shacabka ee loogu yeeray xildhibaanada labada Aqal?, saw maahan in madaxda haatan joogta lagula xisaabtamo dhiiga shacabka ee maalinkasta lagu daadinayo Villa Soomaaliya horteeda,hadii ay iyagu is garan waayeen in ay ku fashilmeen wax ka qabashada Amaanka caasimada?.waxaase ayaan daro weyn ah dadka Mogdishu ku nool ee maalinkasta 50 qof laga dilayo ee hadane aan wax damiir ah amaba in ay ka dhiidhiyaa dhibaatada intaas la eg oo hortooda lagu dilay dadkii ay ugu jeclaayeen laheyn oo murugadooda guryahooda la aadayo,maalmo kedibna qeyb iyaga ka mid ah inta Hotelada Mogdishu leyskugu keeno madaxdii amaankooda sugi weysay u sacbinayo.



;







WARARKII UGU DANBEEYEY IYO SIYAASADA SOOMAALIYA.
BARO SIDA AY KOOFUR GALBEED KU YEELAN DOONTO LABO MAAMUL OO ISKA SOO HORJEEDA DHAWAAN IYO SHAQSIYAADKA XASAN CALI KHEYRE LAGU BEDELI DOONO IYO SABABTA UGU WEYN EE LOO DOONAYO IN UU DALKU YEESHO R/WASAARE IYO XUKUMADA CUSUB.

QODOBADA UGU WAAWEYN SIYAASADA SOOMAALIYA:-1-Koofur Galbeed oo yeelaneysa labo madaxweyne iyo labo baarlamaan dhawaan.Waxaa inagoo soo koobeyna bulshada si horudhac ah ugu sii bidhaaminay dhawr qodob oo aanu kaka hadalnay in KG yeelan doonto labo mamaul ayna adag tahay in laga dhaadhiciyo maanta hadba inta aan xog ogaalka u aheyn wax badan oo hada socda marka laga hadlayo siyaasada guud ee Soomaaliya siiba Koofurta Soomaaliya.

Doorashada Baydhabo lagu qabanayo hadii aan waxoogaa qeexno:-waxaa magaalada Baydhabo jooga xildhibaano loogu yeero KG oo dhamaantood la handaday si u doortaan musharax dartiis dhiig badan loo daadiyey dad badana ay dartiis xabsi ugu jiraan kaasi ah musharax uu Abti u yahay madaxweynaha uu mooshinka ka yaalo Farmaajo.waa macquul inuu yahay shaqsi karti leh oo degaankiisa wax badan u qaban lahaa waxaase sumcadiisa ku ciyaaray amaba maqaamkiisa siyaasadeed hoos u dhigay magacayada loogu yeero musharaxii Farmaajo iyo wax la mid ah,walwo ay dadka qaarkiis oo aan wax badna ogeyn leeyahiin musharaxii dowolada oo ay isku qabanayaan .waxaa musharaxaas in la doorto ku baxayo malaayiin dolar oo la geeyey magaalada Baydhabo.Farmaajo iyo Kheyre maka siman yahiin siyaasadaha hada socda?. Maya.Kheyre siyaasadiisa waxey ka dhigan tahay heestii uu horey u qaaday fanaankii Xasan Aden Samater ee uu miraheedu ahaa (Doqontii arooskeeda ka dheeshay) oo hadaanu dhinaca siyaasada u yara weecino ah.waxuu difaacayaa mooshinka Farmaajo si ay xukumada u sii jirto oo waxuu aaminsan yahay hadii uu Farmaajo Mooshinka ka bad baado in ay isaga iyo golahiisa wasiirada sii jirayaan.arintu sidaas maahan.

Inkasta oo aanan dooneyn in aanu wax badan ka hor dhacno,in R/wasaare Kheyre la bedelo oo dalka loo helo r/wasaare iyo xukumad cusub waxyabahii dhaliyey iyo sidey ku timid oo kooban waa sidan. A) Maalmahii tagay madaxweyne Farmaajo waxuu ku jiray xaalad siyaasadeed oo weliba jahwareer ah,waxuuna aruurinayey talooyin badan isagoona dadka uu la kulmay ay iskugu jireen xildhibaano,siyaasiyiin iyo shaqsiyaad isaga aad uga dhaw iyado oo diirada la saaray sida ugu haboon ee mooshinka Farmaajo looga hortagi karo.waxaana talo lagu siiyey in aysan shacabka wax badan u soo kordhineyn mooshin la difaaco haduusan dalka yeelaneyn r/wasaare iyo xukumad cusub. isaguna waxuuba la aa meel uu arintaas u maro.waxaa Farmaajo lagula taliyey in uu isago aamusnaado oo uu arinta muranka dhalisay ee mooshinka u daayo in ay difaacaan Kheyre iyo wasiiradiisa intii uu safarka kumaqnaa Kheyre ayaa arintaas laga shaqeeyey,dagaalka siyaasadeed ee ugu badan ee lagu qaaday shacabka KG waxuu badankiis ka yimid xafiiska Kheyre,laakinse gudoomiyaha baarlamaanka Kheyre waxa uu sameynayo iyo fariimaha iyo qodobada inta loo soo dhiibo la leeyahay sidaas iyo sidaas dheh isagu dan kama lahan muhiimna uma ahan Mooshinka Farmaajo oo inta leyska dhaafo loo weeciyo Kheyre iyo xukumadiisa, waxaa muhiim u ah in mooshinkaas la marsiiyo xeer hoosaadka u degsan baarlamaanka federalka.

1-Madaxweyne Farmaajo yuu ka balan qaaday hadii uu mooshinka ka bad baado inuu ka dhigi doono amaba uu siin doono xilka R/wasaaraha?.ilaa 3 qof midkood ayaa lagu bedeleyaa Kheyre waase hadiiba uu ka bad baado Famraajo Mooshinka.sidaasi daraadeed siyaasad ahaan Kheyre iyo Farmaajo marka xaqiiqada laga hadlo qofna waxa uu sameynayo wuu ogyahay midna isagoo adeege ah ayaa xilkiisa laga hadlayaa cida ku haboon waqtigee ugu haboon iyo wax la mid ah.marka Kheyre waxaa loo qaatay hadii uu leeyahay la taliyayaal inuusan darbi siyaasadeed u noqon Farmaajo uusana iska xumeyn gudoomiyaha golaha shacabka,maadaama horey loo yiri siyaasadu saaxiib joogto ah ma leh waxeysa leetahay dano joogto ah.

2-Maxaadse kala socotaa in magaalada Mogdishu dib ugu laabaneyso qadkii cagaarnaa dhawaan?.qodobkaan dad badan ma aaminayaan hada waxaase qasab k adhigi dono in ay Khad cagaaran yeelato.ciidamo kala ujeedo ah oo magalada wada jooga.Tusaale madaxweynaha uu mooshnka ka yaalo ma wada aaminsana dhamaan ciidamda XDS waxaa howlaha qaarkood u qabta ciidamo ka madaxbanaan kuwa XDS.si aan loo dareemin amaba aan loo dhihin ciidamo ayuu dhistane dad yar ayaa og arintaan,ilaa hadana wuu ka fogaadaa in lagu ar arko saraakiisha hogaamineysa,wuuna aamini la yahay madaxweyne Farmaajo inba maanta mooshin ka yaalo.

3-Maxaad kala socotaa in nidaamkii Federalka meesha ka baxayo dhawaan.nidaamka federalka markiisii horeba waxuu ahaa mid leysku keen keenay oo dusha looga kenay Soomaalida,hadii la doonayo inuu dalka ka shaqeeya Farmaajo maahan hogaamiyahii hirgelin lahaa marka siyaasada Farmaajo inta aan jecleyn federal inuu dalk ak ahana qaado ayey dan ugu jirtaa siduu doonaba wadanka haku qabsadee,hadiise dalka loo doonayo inuu federal noqdo meeshii xilka looga qaadi lahaa Farmaajo wuu joogaa iyo in mooshinkaan la meel mariyo.

4-Qodobkaan waxaan qormo aad u xiiso badan ka soo diyaarineynaa sida ay degaanada KG u yeelan doono labo maamul uuna meesha uga bixi doono maamulka hada qasabka lagu dhisayo iyo mid ay dhisan doonaan beelo isku tagay oo degaanka ah.marka waa loogu talo galay in aysan meesha ka soo bixin wax dadka dhan ka dhaxeeya.

5-Gudoomiyaha golaha shacabka waa shaqsi garanaya sharciga oo lagu dhaqmi waayo dhibaatada uu leeyahay marka in mooshinkaas maro golaha shacabka ayaa ka go'an.haduu intuu shir jaraa'id qabto shacabka Soomaaliyeed kaliya ku yiraahdo sharcigii iyo dastuurkii waxuu ku bur buray gacanta madaxweyne Farmaajo oo aan howshii baarlamaanka ka wadi weynay isaga ayuuna u xiran yahay kal fadhiyadii baarlamaanka,uuna weliba isagoo si gaar ah ula hadlaya dadka iyo degaanka uu ka soo jeedo ee uu magacooda ku helay xilka is casilo dowlada dhan sidaas ayey ku bur bureysaa.marka madaxweyne Farmaajo waxaa loo qaatay inuu aqbalo inuu iska difaaco mooshinka aaqirka wuu ku qasbanaan doonaa inuu u hogaansamo sharciga waayo gudoomiyaha hada joogta handadaad mid wax looga qaadayo maahan sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano badan oo ka tirsan golaha shacabka.Isku soo duuboo markasta Kheyre iyo golahiisa wasiirada wey baxayaan hadii uu Farmajo mooshinka k abad baado iyohadii kaleba,hadase howshoodu waa uun adeege.

Walow war hada na soo gaaraya uu sheegayo in iyadoo lagu xumeynayo musharaxa uu wato madaxweyne Farmaajo ee uu Abtiga u yahay ee horey looga iibiyey xukumada in la soo saaro doorashadan macmalkaa ee aysan dadka KG xiisaha u qabin ee xitaa goobta ay ka dhaceyso aysan booqan karin oo qofka qurbaha jooga iyo iyagu ay iskugu mid tahay,qaarkoodna xabsiyo ka buuxaan.ninkii daraadiisa intaas oo qof loo dilay waxaa macquul ah inta lacag laga cuno Farmaajo in la dooran waayo. sidoo kale Kheyre waxaa horey loga shaqeeyey mudadii uu joogay in uu dagaal siyaasadeed la galo dhamaan maamuladii dalka ka jiray,waana mida maanta la leeyahay isla isagii waa in la bedelaa isaga iyo golahiisa wasirada oo dadka Viilada jooga ka dhigayaan inuu isagu sabab u yahay qalalaasahan haatan taagan,laakinse uu isagu kaliya fulinayey waxii uu Farmaajo dhaho samee.isku soo duuboo dadka Soomaaliyeed inagu waxaan wararka ugu soo tabinaa sidii iyagoo geed hoostiisa fadhiya oo garamaya oo kale marka qofkii warbixin aan weli soo gaarin inta halkaan ka aqriya ay layaab ku noqonto iyo kii horey ula socday inaga labadaba muhiim nooma ahan in ay ama ku farxaan ama ka naxaan,waxeysa shaqadeenu tahay kaliya in ay la socdaan waxa dalkooda ka dhacayo.bal eek qofkasta oo reer KG ah oo ka hadla xaalada haatan taagan waxey eedeynayaan Kheyre iyo golahiisa wasirada cida loo shaqeynayana waa......walow ay adag tahay in Farmaajo ka bad baadi doono mooshinkan hadii la marsiiyo sida saxda ah ee sharcigaa.Rumeyso ama ha rumeysan dalka Soomaaliya maanta loogama shaqeeyo dastuurkii ay Soomaalidu kuheshiiyeen.bal ka waran golahii sharci dejinta hadeysan kulan yeelan karin oo uu baarlamaankii u xiran yahay shaqsiyaad sida madaxweynaha oo uu mooshin ka yaalo.la soco wararkeena danbe.



WARARKII UGU DANBEEYEY SIYASSADA SOOMAALIYA IYO MOOSHINKA M/WEYNE FARMAAJO
Kulamada ugu horeeya ee golaha shacabka oo looga doodayo mooshinka xil ka qaadista ee madax weyne Farmaajo iyadoona cod loo qaadi doono.wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in aan ilaa hada la heyn tiro xildhibaano ku filan amaba difaaci kara mooshinka ka yaala madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo xukumada R/wasaare Kheyre ayaa 57 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaaada ka soo jeedo degaanada KG oo kaliya lumiyeen taageeradooda 24 kii saac ee la soo dhaafay kedib markii ay diideen dhamaan talooyinkii ka imaanayey waxgaradka iyo siyaasiyiinta degaankaas,kedib markii ay siyaasado fowdo ku dhisan ka doorteen waxkasta oo wanaag ahaa oo bulshada xal u noqon lahaa.

Gudoomiyaha golaha shacabka waxaa ka go'an in mooshinka ka yaala madaxweyne Farmaajo la marsiiyo hab raaca iyo xeer hoosaadka u degsan amaba ku shaqeeyo golaha shacabka.mustaqbalka siyaasadeed ee madaxda haatan joogta ma ahan mid qurux badan,waxeyna u muuqataa in uu dalka Soomaaliya yeelan doono hogaan cusub dhawaan.gudoomiyaha golaha shacabka Mursal ma doonayo in arinta mooshinka lagu dhameeyo xeer jajab. kedibna isbuucyo kedib mar kale ii qilaaf yimaado,bedelkii waxuu doonayaa hadii madaxweyne Farmaajo heli karo tirada ugu badan ee golaha shacabka iyo hadii kaleba mooshinkiisa hab sharci ah loo maro.la soco wararkeena danbe inagoo bulshada Soomaaliyeed u soo gudbineyna warar sugan,waayo madax heer federal ah oo doonaya in ay doorasho fowdo ah ka hirgeliyaan qeybo dalka ka mid ah. Iyagoo iska dhega tiraya baaqyada iyo talooyinka loo jeedinayo dal Soomaaliya la yiraahdo ma hogaamin karaan xaqiiqadu waa sidaas.
Waxaan bulshada Soomaaliyeed halkii 2 sano oo hada kedib ah waqti laga qasaarin lahaa in helaan hogaan isku raadiya shacabka Soomaaliyeed howshiisa ugu horeysana ay noqoto sidii dalka doorasho cod iyo qof ah uga dhici laheyd.joogto ula soco hadba waxii ku soo kordha mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo.



Villa Soomaaliya 2018:- Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre oo siyaasadii Soomaaliya ku fashilmay waxaane macquul ah inuu dalka Soomaaliya dhawaan yeesho hogaan cusub.Qodobada ugu waawaeyn ee fashilayey siyaasadooda.1-Qalalaaso Siyaasadeed oo ay dalka geliyeen.2-Bahdil ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed awadeed oo ay siyaasiyiin iyo masuuliyiin badan ku qasabtay in ay ka rajo dhigaan xukumada haatan jita.

3-Madaxweynaha iyo R/easaaraha oo kala dhantaalay howshii golaha sharci dejinta iyagoo xabsi guri geliyey gudoomiyahii labaad ee golaha shacabka oo ay isqabtaan Mursal,maddaama ay horey isku qabteen gudoomiyahii hore Jawaari kedib markii ay ka kaxeysteen kuxigeenadiisii oo lacag badan la siiyey si ay u bahdilaan gudoomiyahooda.
4- Madaxda haatan joogta waxey qabiilkasta oo Soomaali ah ka dhax sameysteen kooxo dalaaliin ah oo markii degaankooda oo nabdoon la carqaladeynayo amaba fowdo laga sameynayo ay u adeegsadaan.
5-Si aad ugu qanacdo waxa aanu ka hadleyno,maxaa wadanka loo gelinayaa fowdo oo hadii uu madaxweyne Farmaajo heysto taageerada xildhibaanada ugu badan ee golaha shacabka maxuu u aqbali la yahay mooshinka in loo codeeyo?.Waayo waxey doonayaan in ay dalka ku maamulaan siyaasado guracan oo lagu bahdilayo muwaadiniinta Soomaaliyeed si xukunka ugu nagaadaane ma doonayaan in ay dalka ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah 2020.

6-Waxa lagu sameynayo masuulkii labaad ee dalka ugu sareeyey. Gudoomiye Mursal bal eeg .1-Qofkii ka horyimaado Farmaajo iyo Kheyre waxaa laga qaadaa karaamada oo xitaa muuqaalkiisa waxaa laga mabnuucayaa TV Qaranka,kaliya waxaa la buun buuniyaa kuwa taageera Kheyre iyo Farmaajo.Nasiib wanaag ayaan darada dalka iyo dadka ku dhacday waa golahii sharci dejinta oo si sahlan shaqadooda loo fargelinayo iyo gudoomiye kuxigeeno caade qaataal ah oo xildhibaanadii golaha shacabka iyo umada Soomaaliyeed jahwareeriyeen oo ay noloshooda dhan lacag tahay.Ugu danbeyn sida aan ku heleyno warar sugan hadii ay dib u bilaaban waayaan kulamadii golaha shacabka oo xayiraada laga qaadi waayo gudoomiyaha baarlamaanka si mooshinka madaxweynaha loogu codeeyo,waxaa maalmaha inagu soo aadan dhici doona in xilka looga qaado madaxweynaha mid ka mid ah Hotalada Mogdishu amaba isla goobtii lagu doorta y 2 sano ka hor,taasi oo noqon doonta mid ceeb ku ah madaxweyne Farmaajo iyo kooxiisa.

Waxaa kale oo fashil ku dhaw qorshe ay koox dalaaleey ah malaayiin dolar ku qaadan rabeen si u dhahaan waxaanu u kala deb qaadeynaa dowlada iyo Abuu Mansuur,si iyadoo la garab maryo talooyinka waxgaradka iyo siyaasiyiinta KG doorasho qasab ah loogu qabto magaalada Baydhabo.Isku soo duuboo marka xaqiiqada laga hadlo dalka Soomaaliya waxuu u baahan yahay bad ba ado qaran iyo hogaan cusub.dalku waxuu noqday mid lagu bahdilo muwaadiniinta Soomaaliyeed laguna dhibaateeyo shacabkiisa.Warar hada na soo gaarayna waxey sheegayaan in ay siyaasiy iin badan sidii gudoomiyahii golaha shacabka iskaka guurayaan Villa Soomaaliya oo looga kala tagay siyaasad xumo iyo ixtiraam la aan,halka wasiiro badan iscasili doonaan dhawaan sidaasina R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo iyadoo markii hore mooshin madaxweyne yiilay ku sii fashilmi doonaan.

Waxaa mar dhaw iscasilay wasiirkii howlaha Guud Geeseey.sababtuna waa isagoo Mogdishu jooga ayaa degaankiisii waxaa rabshado ka wada madaxda Villa Soomaaliya xitaa kalama tashanayaan doorashda KG siyaasiyiinta ka soo jeeda ee ku jira DF bahdil intaas ka weyn maa jira?.Waxey u badan tahay in si xal deg deg ah loo helo madaxweyne Farmaajo mooshinkiisa loo codeyn doono ama uu iscasili doono.beesha caalamka iyo qeyb shacabka Soomaaliyeed ka mid ah been waa loo sheegi karaa laakinse Soomaali oo dhan been looma sheeki karo.

Ogow hadii ay madaxweyne Farmaajo iyo R/easaare Kheyre taageerada ugu badan ee xildhibaanada golaha shacabka heystaan fowdadaan siyaasadeed kuma dhiiradeen oo R/wasaare Kheyre fariin caro ah kama hor jeediyeen markii uu jaaliyada Qadar kula kulmay magaalada Doxa.

Madaxweyne Farmaajona isla maalintii mooshinka laga keenay ayuu dhihi lahaa waan aqbalay ee dood ha laga yeesho.inagoo weli talo Soomaalinimo siineyna madaxweyne Farmaajo waxaan leenahay cidii ku fashilisay waad garaneysaa ee intaad naftaada qiimeyn ku sameyso dib iskugu laabo ee adigoo dalka u daneynayo iscasil farahana adiga iyo R/wasaarahan dhalinyaradaa ee aad bulshada u keentay ee aaminsan in cidii siyaasadiina ka hortimaado la dilo ama Villada laga ceyriyo dalka iyo dadka karaamadooda haku ciyaarina sidaas dal iyo dad mudo dhibanaa laguma maamuli karee.la soco wararkeena danbe.

span style='color:red'>WARARKII UGU DANBEEYEY:- Mooshinka madaxweyne Farmaajo dood dheer kedib loo codeyn doono.Beesha caalamka,Amisom,Aqalka Sare iyo gudoomiyaha golaha shacabka oo war ka soo saaray.maxaadse kala socotaa wal walka ugu weyn ee mooshinka ka heysta madaxweynaha iyo R\ Wasaaraha oo markii ugu horeysay dareemayo culeys siyaasadeed.


Maxaase ka jira in dowladii ay ciidamadeeda soo qabteen Musharax Roobow Cadaadis la kulmeyso,halka dowlada federalka fikirkeeda ku kooban yahay oo is leh kaliya xabsiga ku sii haaya inta ay doorashada KG ka dhaceyso oo keliya,kedibna sii daaya ?.maxaadse kale socotaa xitaa hadii ay. DF ka hor istaagto doorashada sida uu aaqirka hogaanka KG ula wareegi doono isagoo ka awood badan sida uu hada yahay?.si aad xog ogaal u noqoto la soco wararkeena danbe.

.































































Comments

#1 | BillySew on May 17 2019 23:12:46
canadian pharmacies online
<a href="https://bartelldrugsy.com/#">bartell funeral home dillon sc</a>
prescription drugs online without
bartell drugs seattle
best canadian mail order pharmacies

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.25 seconds
10,312,315 unique visits