Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 1
admin

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

LATEST NEWS INSIDE SOMALIA
WELCOME TO TWO PRESIDENT AND TWO PARLIAMENT IN 2020 ELECTION
AFTER FOUR YEARS WITH OUT CONSTITUTION AND POLITICAL FAILURE OF CURRENT PRESIDENT AND
GOVERNMENT,IT LOOKS SECOND FACE OF CIVIL WAR IN SOMALIA IS ON THE WAY.FIRST ONE WAS 1991.


Waxaan dhawaan daawan doonaa wajiga labaad ee dagaalka sokeeye ee ay durbaankiisa tumayaan Faraamo iyo kooxda Villada. ok dagaalkii 1991 waxuu ku bilaawday Siyaad Bare iyo shacabka.laakinse kan hada la abaabulayo
Magaca uu qaadan doono ayaan sugaynaa.

The good news is-Waa loo baahnaa intii lala soo daahi lahaa in ay dastuurkii ku tuntaan oo ay qashinka ku tuuraan gudigii joogtada ahaa ee baarlamaanka ee in ay Xaliima Yareey hor timaado baarlamaanka iyadoo aan eegin dastuurka go'aan iska qaateen.haloo diyaar garoobo Koofurta Soomaaliya oo leh labo madaxweyne iyo labo baarlamaan dhawaan.

Waxaa kale oo aanu sugaynaa in ay Farmaajo iyo taageerayaashiisa ka dhabeeyaan in ay Wadamada Ethiopia iyo Soomaaliya ay taladiisa heyn doonaan 20ka sano ee inagu soo aadan Farmaajo iyo Abiy Axmed.waxaa kale oo aanu Farmaajo iyo taageerayaashiisa ka sugaynaa in ay ka dhabeeyaan hadalkoodii ahaa in qowmiyada Hawiyaha xoog lagu maquunin doono oo uu Abiy Axmed ciidamo Oromo ah ku caawin doono Farmaajo si uu xukunka u sii heysto.

Hayeeshee waxkasta oo ay Farmaajo iyo kooxdiisa faan u maleeyaan waxaa run ka noqon doona hadii doorashad ii federalka waqtigeeda ku qabsoomi weyso in loo diyaar garoobayo labo madaxweyne iyo labo baarlamaan.taas ayaa waxkasta ka muhimsan.sidey hada wax ku socdaan waxey guul siyaasadeed oo weliba xoogan u tahay beelahii horey ugu mideysnaa ururkii dagaalka la galay Siyaad Bare ee USC.

Waxaase naga talo ah inta ay goori goor tahay in ay xisbiyada siyaasada dalka iyo madaxda dowlad gobeedyada iyo kan gobolka Banaadir go'aan ka qaataan fowdada ay horey dalka uga wadeen Farmaajo iyo kooxdiisa,haatana ay ku biireen gudiyadii baarlamaanka oo si cad dastuurkii ugu tunteen oo qashinka ku dareen.

Waxaase waxaani oo dhan inooga qosol badan Xasan Cali Kheyre ninkii lagu bedeli lahaa ayaa Mogdishu la jooga waxuu u ololeynayaa in Farmaajo mudo kordhin loo sameeyo lol!. Soomaaliyey yaa xasuusto dhawr bilood ka hor intii aan la dilin gudoomiyahii gobolka Banaadir Eng Yariisow sidii garbaha looga rifay oo ugu danbeyn markii uu meel cidlo ah soo istaagay gudaha xaruntiisa qarax loogu xiray?.Kheyre wadadaas ayaa loo wadaa,weliba xildhib aano u badan kuwa ka soo jeeda gobolada waqooyi iyo beeraha Daarood oo horey u taageersanaa Kheyre Farmaajo ayaa kala wareegay fowdada hada bilwga ah iyo in dastuurkii lagu tunto waxaa guul aan la ogeyn halka ay ku danbeyn doonta u arka Sareeye Guute General Farmaajo.

Isku soo duuboo dalka weli waxuu joogaa halkii lagu bad baadin lahaa,xalkuna waa Doorasho loo wada dhan yahay.waxaan kula talineynaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee mediyaha ku jiraan in hadiiba shacabka dalkooda u soo gudbinayaan aqbaar ay kaliya xooga saaraan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho heer federal ah oo lagu soo doorto madaxweynahii dalka hogaamin lahaa 4ta sano ee inagu soo aadan.sida xaqiiqada ah Farmaajo iyo inta maanta la joogta xarunta Villada waa ku fashilmeen siyaasada dalka.

Maxaa dhici kara hadii ay doorashada waqtigeeda ku dhici weyso?.horta xildhibaanada baarlamaanka meeshii lala rabay ayey cagta saareen waa bur bur iyo in ay labo garab u kala jabi doonaan,waayo dalka dhan waxaa lagu maamulaa dacaayad iyo Been.bal dib maskaxdaada ugu shaqeysii markii hada ka hor Farmaajo mooshinka laga keenay ee ay isku dhaceen gudoomiyaha golaga shacabka Mursal,iyadoo ay kooxda Villada gudoomiye Mursal korontada ka jarteen oo uu uga guuray xarunta villa Soomaaliya ayay u adeegsanayeen hadalo dacaayado ah kooxda Farmaajo taageerto.

Maanta gudoomiyahii baarlamaanka ee horey marqaati uga soo ahaa fowdada siyaasadeed ee ka socotay Villa Soomaaliya ayaa maanta goob joog u ahaa isaga iyo gudoomiyaha Aqalka Sare dastuurka lagu tumanayo.wadada kaliya ee hada hartay waa in Xalima Yarey qodobada dastuurka ku qoran iyadoo la qiimeynayo arinta doorashada laga howl galo.qiyaaliga waxaa markasta ka wanaagsan xaqiiqada oo la abaaro.Ogow fashilka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya hada ma ahaan mid u baahan kn waqti badan la geliyo ka hadalkeeda,laakinse waxaa ka wanaag san In laga hadlo maxaa dalka iyo dadka xal u ah iyo sidee ay doorasho xalaal ah oo hufan u qabsoontaa dhamaad ka sanadkan 2020 iyo wax la mid ah.what a waste of time.mar hadii dastuurkii daaqadaa laga tuuray ,dowladnimada laga hadlayo ee hartay waa mid noocee ah?.dowladimeey xaal qaado.maanta intaan ha inoo joogto.
















The National Independent Electoral Commission NIEC -Somali presidential and parliament election ahead end of 2020 ,while people are casting their votes to elect their representatives without any delays


Khamiis, Abril 16, 2020 -Xili lagu wado in ay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorashada heerka fed eral ee lagu soo dooranayo Golayaasha labada Aqal iyo tan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya shacabkana ay soo dooran doonaan cida ku mataleysa dowlada dhexe doorashduna at ku dhacey so waqtigii loogu talo galay.

Dhanka kale waxaa dhawaan dunida sidii caadiga aheyd ugu soo laabanaya isku socodkii iyadoo ay wadamada qaarkood shirkadaha diyaaradaha kuwooda ugu cansan dunida dib u bilaabayaan duulimaadyada ay horey u sameyn jireen.

Hayeeshee dalal dhawr ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso ayaa waxaa ka dhici doona doorashadii guud.dhanka kale sida markii hereba shacabka Soomaaliyeed u ogaayeen in ay doorashada ku dhaceyso waqtigii loogu talo galay ,kedib markii uu gabo gabo ku dhaw yahay waqtigii la doortay dowlada haatan jirta,ayaa waxey Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee Soomaaliya oo og xaqiiqada siyaasadeed ee dalka iyo rabitaanka shacabka mar kale sheegeen in aysan jirin cudur daar ku aadan doorashada heerka federal,waxaana qoraal kooban oo ay soo dhigeen barta ay kul a xariiraan shacabka Soomaaliyeed ku yirahdeen"Ma jiro qorshe aan dib ugu dhigeyno doorashad a dalka".Isku soo duuboo dad badan ayaa isku diyaarineya doorashada heerka federal iyadoo siweyn loo saadaalinayo inuu dalku yeelano hogaan cusub.

The world watch brave South Koreans from coronavirus to vote general elections
Wednesday April-15,2020-Dowlada iyo Shacabka Kuuriyada Koofureed oo caalamka tusiyeen sida ay Dowlada iyo shacabka dalkaas iskugu Duuban yahiin,kedib markii ay wadankaas ka dhacday doorasho siweyn looga daawanayey caalamka oo dhan.doorashada oo ka qabsoontay guud ahaan dalka oo dhan ayaa maanta oo Arbaco aheyd oo ay ku ekeyd ayaa waxaa lagu dooranayey ilaa 300 Ooo kuraasta baarlamaanka oo ay ku tartamayeen xisbiyada siyaasada dalkaas.

Xisbiga talada haya ee madaxweyne Moon ayaa siweyn u kasbaday shacabka kedib markii ay si wanaagsan u maareeyeen cudurka Karonafaris iyo doorashada oo ay xili isku mid ah ka howl galeen iyadoona laga codeeyey ilaa 14,330 goobood.waxaa sidoo kale codeynta ka qeyb qaatay dhamaan shacabweynaha Kuuriya xitaa kuwooda dhawaan laga helay cudurka karoonaha.

Dowlada Kuuriyada Koofureed iyo gudiga doorashooyinka Qaran ayaa iyagu kala qaaday la tacaalida cudurka Karoonaha iyo doorashada heerka federal,iyadoona waqtigeeda ku qabsoontay.ugu danbeyn dalal ay Soomaaliya ugu horeyso ayaa lagu wadaa in ay doorashadii heerka federal ka dhacdo kedib markii uu dhamaad ku dhaw yahay mudo xileedka dowladii la dhisan 2017.



Somali journalist arrested in Mogadishu
Somali Journalist Versus Villa Somalia leaders after day to day poitical failure
latest incident took place in Mogdishu, after the journalist Abdi-Aziz Ahmed Gurbiye the deputy director of Goobjoog Media Group post that a ventilator at Digfer Hospital in Mogadishu 'was taken by President Farmajo's office to be used at medical facility within or inside villa Somalia.


Tuesday-April 14,2020-Wariye u shaqeeya idaacada Goobjoog oo Mogdishu loogu xiray kedib markii uu bulshada la wadaagay in qalab yiilay Isbitaalka Digfer oo loogu talo galay shacabka in lagula tacaalo ay Isbitaalka ka qaateen madaxda Villa Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Madaxweyne Farmaajo si halkii qalabkaas shacabka wax loogu qaban lahaa bedelkii kaliya la geysto gudaha xarunta Villada. dhacdooyinka lagu beegsado wariyaasha madaxa banaan iyo dhibatada ay ku jiraan xitaa kuwa u shaqeeya Tv-ga qaranka dhalinyada u shaqeyso muhiim maahan in bulshada loogu soo cel celiyo waayo inagu waxaan ognahay in uu dalku yeelan doono madax iyo hogaan cusub dhawaan,hayeeshee ficilada madaxda Villa Soomaaliya iyo fashilkooda siyaasdeed oo hada maraya waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Day-to Day) amaba isku bedelay mid maalinle ah.

Hadane waxey na soo xasuusisay berisamaadkii xiligii ay sii bur bureysay dowladii kacaanka dhacdo ka dhacday mid ka mid ah gobolada dalka,dhacdadaas oo gobolkii amaba magaaladii ay ka dhacday dadkii ku noolaa sameysteen halheys aad cajiib u ahaa kaasi oo ahaa.bal si degan dhacdadaas u aqri waxaa laga yaabaa in ay xasuus u noqoto dad badan oo maanta nool waayo dunidan sheekaba sheeko ayey ku timaadaa fashilada siyasadeed ee ku dhaca madaxda dunida qaarkoodna hadda meel ayey ka bilaabataa meel ayeyna ku dhamaataa.

hayeshee sanadku waxuu ahaa xiligii ay sii bur bureysay dowladii kacaanka amaba dabayaaqadii 80ths-kii amaba sanadahii ugu danbeyey ee Sideetameyadii ayaa waxaa safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay madaxweynahii berigaas hogaaminayey dowladii Kacaanka Siyad Bare, kedib markii uu yiri waxaan doonayaa in aan safar dhulka ah oo ka bilaabmaya Mogdishu siina maraya gobolada dhexe ilaa Hargeysa ku tago in aan galo.waxaa loo diyaariyey ciidamo iyo gawaari fara badan,kedibna magaalo kasta oo uu sii marayo waxaa iskuulada laga fasaxi jiray ardeyda si ay wadooyinka u saftaan una soo dhaweeyaan.

Kedibna markii la gaaray mid ka mid ah magalooyinkii uu safarka ku marayey ayey hooyo Soomaliyed oo deganeyd magaalada waxey maalin ka hor maqashay in Iskuulkii loo fasaxay Siyaad Bare oo safar ku maraya gobolada dalka.kedibna waxey wiil ay dhashay ku tiri war hebelow madama uu iskuulkii fasax yahay maanta waxaad duurka iiku raaceysaa xoolo ay markaasi dhaqaneysay waayo dalka Soomaaliya noloshii berigaas jirtay ilaa maanta waxaa jiraan magaalooyin dadka degan ay ku tiirsan yahiin dhaqashada xoolaha iyo beeraha oo caruurta marna iskuulka ayey aadi jireen marna waalidkood ayey caawin jireen,maxaa yeelay waxaa dalka ka jiray berigaas dolwad aan shacabkeda u naxeyn boobka hantida qarankana uu ku koobnaa tiro aad u yareyd. sidaasi daraadeed 95% shacabka Soomaaliyed iyagaa noloshooda siyaabo kala duwan ku mareyn jireen xiligaas ilaa maanta,waxa dowlad ka soo gala weyba iska yaraayeen.Markiise laga bad badiyo halmar ayey kacaan dhaqankaas waanu ku naqaanaa dadka Soomaaliyed.

Laakinse si uusan qoraalku inoola dheeraan maalintii uu soo marayey isla sacada uu waftigii Siyad Bare soo marayey magaalada aanu ka hadleyno ayaa ardeydii oo safaf dhaadheer ku jiraa waxaa isku soo adaay waftigii Siyaad Bare Galbinayey iyo wiilkii yaraa ee ay hooyadii u soo dhiibtay xoolaha una waday duurka si uu u daaqsin geeyo una caawiyo waalidkii maadaama la fasaxay iskuulkii.kedibna maxaa dhacay magacalinkii Isbuulka ayaa arkey wiilkii iyo xoolahii uu markaasi waday oo socod ku maraya wadadii lagu soo dhaweynayey madaxweynahi dowladii Kacaanka Siyad Bare,kedibna maalintii ku xigtay ee iskuulka lagu laabtay wiilkii oo faraxsan iskuna arka inuu maalintii Iskuulka la fasaxay ug afaa'ideeyey waalidkiisa ayaa iskuulkii laga ceyriyey oo la yiri Iskuulka ma imaan kartid waxaad tahay- Kacaan diid- iyo ereyo berigaas ay isticmaali jireen madaxdii berigaas jirtay ee ugu danbeyntii fashilmeen.

Markii ardeygii laga ceyriyey Iskuulkii mudo badanba kama soo warengin magaaladii ay ka dhacday dhacdadaas waxey noqotay magaaladii ugu horeysday ee dowladii kacaanka laga xoreeyo,magaladas Soomaali badankeed siiba kuwoda ku nool koofurta Soomaaliya wey wada garanayaan.kedibna waxii markaasi ka danbeeyey waxaa dalkii la dhihi jiray Soomaaliya ku dhacay bur bur ilaa manta laga sheegeeyo.marka dad badan ayaa laga yaabaa in ay la yaaban yahiin ficilada iyo fashilka siyaasadeed ee maalinba maalinta ka danbeysa ay shacabku kala kulmayaan madaxda dowlada uu haatan gabalkeedu sii dhacayo.wadanku waxuu yeelan doonaa dhawaan madaxweyne iyo dowlad cuusb jirtaanka arintaasna shaki inoogama jiro, waxuuse kaliya shaki inooga jiraa in dalka Soomaaliya siiba koofurta uu ka dhici dodo kacdoon shacab ugu danbeyn suuragelin doono in si kameel gaar ah hogaanka dalka ula waregaan gudoonka baarlamaanka kedibna sidaas lagu aado doorasho wayo [oneway or the other] waxaan hubnaa in meeshii lagu gaaro Feb/8/2021 uu dalka Soomaaliya yeelan doono madaxweyne iyo dowlad cusub oo aan aheyn kuwa maanta joogaan xarunta Villada.

DOWLADNIMADA SOOMAALIYA- FASHILKA SIYAASADEED EE KOOXDA VILLA SOOMAALIYA GUDOONKA BAARLAMAANKA LABADA AQAL AMABA BAARLAMAANKII 10AAD,MAXAA KA RAACAY SIYAASADA SOOMAALIYA?.


Monday-April 13,2020-Wararka ugu waaweyn fashilka siyaasadeed ee ka jira guudaha villa Soomaaliya.waxaanse marka hore ku hormareynaa Askari Geber yar ku kufsaday magaalada Janaale xili weli xal loo la yahay gebdho yar yar oo dhawaan lagu kufsaday isla gobolkaas.maxaase ka jira sida looga been sheego cudurka Corona isla dad dowlada ku jira lagu yiraahdo cudurkaas sheegta lacag ayaa leydiin siinayaa?. xili uusan xitaa magaalada Mogdishu ee ay joogto dowladu uusan aalin qalabka lagu baaro.maxaadse kala Socotaa labada qof ee la sheegay in ay u dhinteen waxyaabahii sababta u ahaa,weli ma booqatay isbitaalka ay dowladu sheegtay in loogu talo galay in lagu xareeyo hadba cidiii looga shakiyo?.dhinaca kale muran xoogan oo ka dhax jira wasaarada warfaafinta oo dhawaan loogu gafay dumarka Soomaaliyeed oo uu ugu danbeyn shaqadii iskaka tagay tafatirahii TV-ga qaranka.inagu waan ogahay daruufaha iyo siyaasada foosha xun ee lagu hayo guudaha villa Soomaaliya oo ay dhalinyarada ku shaqeeyaan.

Hayeeshee warar leysku haleyn karo oo weliba xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in ay shaqaalo badan oo Dowlada ka tirsan iskaka tagayaan amaba baxayaan dowlada dhawaan,Kuwaasi oo u badan dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo mustaqbal ka leh siyaasada dalkooda kana cararaya fashilka is xig xiga ee madaxda villa Soomaaliya ka heysata siyaasada dalka xili uu gabo gabo marayo mudo xileedkooda.

Waxaase u baahan in jawaab sax ah loo helo su'aalahan.1- Marka laga soo tago fashilka madaxda Villada, mudo 4 sano kedib gudoonka baarlamaanka maka fekereen mustaqbalka dalka iyo dadka oo ma diyaariyeen baarlamaankii 10aad midkii bedeli lahaa si uusan dalka ugu soo dhicin meel cidlo ah,wadankuna dib ugu laaban fowdo?.2-Sideedaba maxuu ahaa mandate-ka dowladii la dhisay 2017,ma jirin miyaa qodobo kal alet a,b,iyo c.maadaama uu waqtigii ka dhamaaday howlahii loo ikmaday in ay qabato maxey ahaayeen?.3-Maadaama lagu qasban yahay doorashada heerka federal waqtigeedana ay ku dhaceyso inta laga helayo madaxweyne iyo Dowlad cusub wadankuna isku dhax yaacin maxaa la gudboon gudoonka baarlamaanka?.wadanku ma wadan dastuur Lehbaa mise waa wadan markii ay fashilmeen hogaanka dalka xal la mooday in meelkasta lagu kufsado dumarka Soomaaliyeed bulshadana looga ciyaaro waxa yar ee u dhisan hada,yaase qaadaya masuuliyada waxa dalka ka dhacaya amaba ka dhici doona bilaha yar ee haray,ma gudoonka baarlamaanka mise madaxda villa Soomaaliya ee siyaasada ku fashilmeen?.

































































































;



































Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.41 seconds
14,383,918 unique visits