Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
admin

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweyanaha Somaliya ee soo socda oo la saadalinayo inuu noqon doodo reer Hiiraan

Wararka MaantaSomalia:(hiranstate.com)-War bixin ay iska kaashadeen in ka badan 20 qofood oo Somali ah oo ku kala sugan dalka iyo dibada ayaa ugu danbeyn lagu ogaaday in musharaxiinta u taagan hogaanka ugu sareeya uu aad ugu dhaw yahay inuu ku guuleysto Prof Ahmed Muumin Warfaa oo ah muwaadin Somaliyeed waxna ku soo bartay canshuurtii laga qaadi jiray shacabka Somaliyeed.



Prof Warfaa ayaa la sheegay inuu yahay musharaxa kaliya oo ku socda wadadi loo baahnaa iyagoo qiil uga dhigay intaan oo qodob.

1-In uu isku soo taago amaba u tartamo doorashada soo socota ma aheyn mid isaga ku dhalatay oo waxey ogaadeen iney aheyd talo soo jeedin ka timid bulshada Soamliyeed qarkood oo professor ka horey u yaqiinay.

2- Kedib codsigii ay u soo jeediyeen shacabka Somaliyeed kedib waxuu la tashi ku bilaabay qoyskiisa iyo inta markaasi dad ugu xiga intoodii badneydna wey ka diideen arintaasi waxuuna qaatay go,aankii ay Somaliweyn u soo jeedisay kuna adkeystay.

3- Abaabulkiisii ugu horeyey halkii ay dad badan is lahaayeen waxuu ka bilaabayaa Aqalka Cad ee Mareykanka laga xakumo waxuu xooga saaray amaba bilaabay inuu wadamo badan kula kulmo Somalida qurbaha isagoo shirkii ugu horeyey ku qabtay gobolka Minnasota,kuna cadeeyey inuu yahaya musharax u taagan jagada madaxweynenimo ee sanadkani ka dhaceysa dalka Somaliya.

4-Shirarkii dibada kedib waxuu si toos ah ugu safray Africa isagoo casuumay xildhibaanadii baarlamaanka Somaliya oo uu kula kulmay dalka Kenya iyo caasimada Somaliya ee Mogdisho ,isagoo dhinaca kalena kulamo kala gooyni gooyni ah la lahaa mudadaasi uu ku sugnaa magaalada Mogdisho waxgarad ka soo kala jeeda qeybaha kala duwan ee shacabka Somaliyeed.

Aqoonyahanadani ayaa sidoo kale xaqiijiyey in doorashada soo socota madaxweynaha ku guuleysanayo uu noqon doono madaxweyne ka soo jeeda Hiiraan iyagoo sabab uga dhigay intaan oo qodob oo ay is leeyahiin waxey ka soo dhax baxday xog aruurin badan oo ay sameeyeen.

1- Markey dhinackasta ka eegeen shacabka reer Hiiraan iyo Somaliweynba ee dal iyo dibad ku nool waxey aad ula dhacsan yahiin Prof Warfaa ma jirto mana aan arag ayey yiraaahdeen madaxweyne Aden Cabdulle Cismaan kedib shaqsi sidaan taageero uga heysta inta badan bulshada Somaliyeed.

2-Mudanayaasha baarlamaanka Somaliya oo ay iyaguna war bixin ka soo aruuriyeen ayaa laga soo xigtay iney yiraahdeen hadaanu nahay mudanayasha baarlamanka ilaa hada musharax noogu yimid goobtii aanu ka shaqeyneynay oo mowqifkiisa iyo waxa uu damacsan yahay noo sheegta in uu yahay Prof Warfaa malaha kuwa isaga la tartami doono iyagu ma doonayan iney mudanayasha baarlamanka kasbadaan oo dhaqaalo ayey malaha isku haleynayaan ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada baarlamanka oo markaasi dhoolacadeynayey.

3-Marka laga soo tago arimaha Somalida dhexdeeda ayey sheegeen in isku xirka bulshada Somaliyeed iyo beesha caalamka uu yahay nin qabiir ku ah oo si wanaagsan ula macaamili kara marka laga hadalyo dhinaca wadaniyada ayey yiraahdeen.

4- Waxaa inta badan la qiray in Prof Warfaa lagu tuhmayo cadaalad oo hadii uu doorashadaan ku guuleysto uu umada Somaliyeed u kala xaqsoori doono sinoloshu
u wada gaarto qeybaha kala duwan ee shacabka Somaliyeed.sidoo kale dadka warbixintaan soo diyaariyey waxey ka dhawaajiyeen in uu yahay musharaxa loogu hadal heynta badan yahay dal iy dibada.

Hadii ay sida ay waxbixintaan shegeyso u dhacdo Prof Warfaa waxuu noqon doonaa madaxweynahii labaad ee ka soo jeeda Hiiraan oo ku guuleysta jagadan, maadaama uu horey ugu guuleystay Madaxweyanahii ugu horeyey ee Somaliya Aden Cabdulle Cismaan oo isaguna ahaa reer Hiiraan si sharaf lehna uga dagay xukunka kedib markii looga guuleystay doorashadii madaxweynenimo.

Warar hada inaga soo gaaraya gudaha Somaliya iyo dad ka ag dhaw musharaxa madaxweynaha mustaqbalka PRof Warfaane waxey sheegayaan in wax garadka Somaliyeed ay siyaabo kala duwan ula soo xariirayaan si guud iyo si gaar ahaaneedba taasi oo dad badan u muujineysa in Professor Ahmed Muumin Warfaa yahay musharaxa ugu jaaniska wanaagsan doorashada soo socota.

Si kastaba shacabka Somaliyeed waxey doonayaan shaqsi wadani ah oo bulshada isku soo dumin kara cadaaladna u horseedi kara si looga baxo cadaaald daradan iyo musuqmaasuqan hareeyey bulshada mudada fog.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,613,712 unique visits