Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Xildhibaanada baarlamaanka Soamliya oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray xukumada Farmaajo

Wararka MaantaMogdisho:(Hiranstate.com) Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay caasimada Somaliya ee Muqdisho ayaa ka hor yimid go'aankii ay xukuumad da KMG ah ku dalbatay in doorashooyinka dib loo dhigo mudo hal sano ah oo ay amaanka wax uga qabtaan.

Warsaxaafadeed ay xildhibaanadan kasoo saareen shirkooda ayay ku sheegeen in xukuumadda KMG ah ay dhegaha ka furaysatay mooshin ay ugu yeereen inay ku hortimaado baarlamaanka si loola xisaabtamo muda hada laga joogo bil iyo bar.

"Xukuumadda TFGdu waxay shalay soo saartay qoraal ay ku dalbatay in dib loo dhigo doorashada sababo dhinaca ammaanka ah awgood, maalin ka horna waxay sheegeen inay wax ka qabteen ammaanka Muqdisho, waana laba hadal oo is-burinaya," ayuu yiri xildhibaan C/qaadir Cismaan Cali (Shiddo) oo war-baahinta u akhriyay warsaxaafadeedkii kasoo baxay shirkooda.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in codsiga xukuumada ee ku aadan halka sano ee ay ku darsatay mudada ay shaqeynaysay uu u muuqdo mid ay ku doonayaan inay kuraasta isaga sii fadhiyaan.

"Wixii la idiin dirsaday waad ku guuldareysateen, waxaan idin moodaynay kuwo wanaagsan, balse waxaan Alle ka baryaynaa inuu dalkan u soo saaro kuwo wax ka qabta oo aan weligood dalka ka bixin," ayuu yiri Xildhibaan Suleymaan Maxamed Aadan oo ka mid ahaa mudanayaashii kulanka kadib la hadlay saxaafada oo aad ula yaabanaa hab dhaqanka xukumada Farmaajo oo qurbo joogta ah iyagoo qaarkood ka cuudibileysanayey dhaqanada iyo siyasada guracan ee ka soo muuqda xukumada Farmaajo oo la rumeysan yahay habka ay hada wax ku wado inuu sii kala fogeynayo bulshada Somaliyeed ee horey u dhibaneyd lagana yaabo hadii aysan arintaan si dhab ah u guda galin baarlamaanka Somaliya oo iyagu ansaxiyey xukumadani ay adkaan doonto iskaba daa in dalka laga hirgaliyo dowlad qarane ay inta hada koofurta Somaliya joogta kala irdhoobi doonaan.

Xildhibaanada kulanka yeeshay oo tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 100 xildhibaan ayaa ku diidanaa codsiga xukuumada Farmaajo ee ku aadan in hal sano oo dheeraad ah loogu daro mudada ay shaqeynayso iyo in doorashooyinka dib loo dhigo.

Sida muuqata xukumadii Farmaajo waxey mareysaa heer ay qeybaha kala duwan ee bulshadu shartooda ilaaw naga xijaab la yiraahdo markaad aragto nuxurka shirkii maanta ay iskugu yimaadeen mudanayaasha baarlamaanka Somaliya iyo celadhaanta ka soo yeereysa siyaasiyiintii hore iyo maamulada dalka ka jira qaarkood.

Warar hada inaga soo gaaraya gudigii isku soodaba ridayey doorashada lagu dooranayo madaxweynaha Somaliya, gudoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa iney dhaceyso mudadii loogu talo galay kedib markii ay shir ku yeesheen magaalada Mogdisho inka badan 8 jeer sida laga soo xigtay.

Dhawaantan ayey aheyd markii madaxweynaha Somaliland sheegay in aysan Somaliya ka jirin dowlad la hor fadhiisan karo kedib markii uu arkey qurbo joog waxa ay ku hadlayaan iyo ficilkoodu kala fog yahay iney koofurta Somaliya shacabkeeda hogaaminayaan, laakinse sida hadalka Siilaanyo laga dhadhansan karay magacii guud wadani lala hadli kara oo Somaliya hogaamiya hadii la helo iney wax uun isbedli karaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.80 seconds
14,667,453 unique visits