Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Maxaa ka jira in beelaha Hawiye ciidamdooda kala baxayaan TFGda hadii ay xukumada Farmaajo ku adkeysato iney diido doorashada soo socota?

Wararka MaantaMogdisho:(hiranstate.com)-R/wasaare Farmaajo oo bilahi ugu danbeyey ku mashquulsanaa sidii uu dalka Somaliya ugu yeelan lahaa ciidamo u gaar ah ayaa hada u muuqda mid ay arimahaasi meel fiican u marayaan.

Colonal lagu magacaabo Diini oo sida la sheegay ka tagay America oo uu arintan u xil saaray ayaa la xaqiiqiyey inuu 90% ciidankii loo baahnaa ee fulin lahaa siyaasadaha Farmaajo uu diyaariyey kuwaasi oo ku kala sugan Mogdisho, Gedo iyo qeybo ka tirsan Galgaduud. magaalada Mogdisho waxaa si rasmi ah uga bilaawday kala shaki soo kala dhax galay beelaha Somaliyeed waxaana laga yaabaa in dagaalkii jahliga ahaa dib loogu laabto xaalada oo hada u muuqata in ciidamadii qaranka Somaliya hada ay qolo kasta dooneyso iney wiilasha kaka jiro kala baxdo waayo waxaan shaki ku jirin hadii Farmaajo iyo xukumadiisa qurbo jogta u badan oo dalka iyo dadka Somaliyeed dhaqankooda aqoon sida la xaqiijiyey oo iyagu ajande u gaar ah wata marka uu dagaalkii qabiil qabiilka ka qarxo caasimada Somaliya iyagu waxey dib ugu soo laabanayaan wadamadii ay ka tageen laakinse inta ay is giijin karaan go,aankooda diidmada kama noqon doonaan.

Mid ka mid ah odoyaashii maanta ka qeyb galay shirkii ay beelaha Hawiye iskugu yimaadeen ayaa sheegay in hadii waxii laga hadlay si rasmi ah loogu soo bandhigo shacabka Somaliyeed ay ciidamada dowlada si sahlan u kala miirmayaan , arintaasi oo fasiraad laga bixiyey ayaa lagu sheegay in beelaha Hawiye u qabanayaan Farmaajo iyo xukumadiisa mudo cayiman oo uu ku ogolaado in ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah hadii ay diidaane reerkasta geedkii uu fuuli karo ayuu miro ka goosan doonaa ayuu noqday hadalka waxgaradkii maanta kulanka yeeshay.

Hadii dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Somaliya horey masuul uga ahaayeen USC iyo qabqablayashii waxii hada ka danbeeya waxii dalka rabshado ka dhaca waxaa sabab u ahaan doona oo dusha u dhigan doona xukumada Farmaajo ayaa shirkii maanta markii laga soo baxay lagu dhawaaqay.

Rajadii yareyd ee umada u soo muuqatay waxaa doonayo iney ceel dheer ku ridaan wasiiro wadanka mudo hore ugu danbeysay oo aan soo dhaafin Villa Somaliya iyo nawaaxigeeda.

Arimahan iyo goobaha ciidamada gaarka ah loogu diyaariyey Farmaajo ayaanu shacabka u soo bandhigi doonaa mudo dhaw iyo tirada ciidamda iyo ujeedada ka danbeysa si ugu yaraan qaar badan oo qabiilada Somaliyeed ah oo ay reer Hiiraan ka ugu horeeyaan ay uga tabaabusheystaan qatarta uu maleegayo Farmaajo iyo dhawr wasiir oo isaga ka ag dhaw, mar hadii qarankii Somaliyeed loo bedelay dano qabiil.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in qilaafka hada taagan uu saameyn ku yeeshay ciidamda Amisom oo dowlada Burubdi ciidamada ka jooga Mogdisho ay dhinac u janjeeraan halka kuwa Uganda iyaguna dhinac lagu tuhmayo.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.35 seconds
14,613,831 unique visits