Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Xildhibaanda baarlamaanka oo bilaabay ololaha musharaxii ay dooran lahaayeen bisha 8aad iyagoo bilaabay iney

Wararka MaantaMogdisho: (hiranstate.com)- Mudanayaasha baarlamaanka Somaliya ayaa durbaba bilaabay ololahooda ku aadan doorashada soo socota bisha 8aad iyo cidii ay dooran lahaayeen. arintaani ayaa timid kedib markii ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen dhawaantan gudigii isku daba ridayey doorashada soo socota ee ka dhaceysa caasimada Somaliya ee Mogdisho ka hor bisha 8aad.

Inkasta oo R/wasaaraha Somaliya iyo tiro yar oo wasiiro ah oo qurbo joog ah ay ka biyo diidsan yahiin ineyba wax doorasho ah ka dhacdo caasimada Somaliya ee Mogdisho hadane madaxweynaha Somaliya oo ah ninka ugu sareeya madaxtinimada Somaliya ayaa ka mid noqday masuuliyiinta u taagan doorashadani iyadoo la saadaalinayo inuu kaalin muuqata ka gaari doono doorashadan mar hadii uu ku adgeystay in aysan shacabka Somaliyeed u baahneyn qilaaf danbe loona baahan yahay in qofkii wax isku haaya oo shacabka Somaliyeed kasban kara is keeno taasi oo ay 24tii saac ee ugu danbeysay dad badan ku amaaneen madaxweynaha go,aanka geesinimada leh ee uu qaatay.

Dhinaca kale xukumada Farmaajo ee qurbo joogta ah ee aan dalka iyo dadka Somaliyeed dhaqankooda aqoon iyagu ma ogola iney doorasho ka dhacdo dalka Somaliya xitaa ineyba ka dhacdo iska daaye waxey doonayaan iney aduunyada u tusiyaan inuu jiro qilaaf shaqsiyadeed oo u dhaxeeya labada Shariif. warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Farmaajo aaminsan yahay hadii ay ka dhacdo caasimada Somaliya doorashada soo socota in uusan wax jaanis ah ka heleyn hadiiba ay dhacdo inuu isa soo sharaxo amaba isaga iyo wasiirada qurbo joogta ah isku raacaan ineyba shaqsi keensadaan maadaama ay horey shacabka Somaliyeed been ugu sheegeen oo ay yiraahdeen caasimada Somaliya kooxaha dagaalka ka wada 100 maalmood ayaan uga sifeyneynaa, markaad dhinaca kale ka eegto 100kii maalmood waa la dhaafay Mogdishona walito waa sideedii inkastoo waxoogaa horumar ah laga sameeyey Gobolka Gedo oo kaliya halka gobolo badan oo ku yaala koofurta Somaliya leyska indho tiray inkasta oo aysan arintaasi qabiil ka marneyn.

Muhiimadu waa in hada magaalada Mogdisho iyadoon walito doorashadii la gaarin iney shacabku bilaabeen iney dadkooda qurbaha ka jooga soo wacaan si ay u dhistaan guryo iyo xarumo ganacsi oo ay doonayaan iney ka faa'ideystaan mudada ay doorashadu socoto oo ay magaalada Mogdisho iyo shacabkeedu heli doonaan dhaqaalo aan caadi aheyn sida Hotelada, Maqaayadaha iyo waxii la mid ah.

Mudanayaasha baarlamaanka Somaliya ayaa koox koox iyo kali kali u kulmaya halka maalinta berito ah ay shir aan caadi aheyn ku qabsan doonaan xildhibaano iyaguna u ololeynayo mid ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada soo socota.

Waa markii ugu horeysay mudo 50 sano ku dhaw oo ay gudaha wadanka doorasho ka dhacdo taasi oo guul u ah shacabka Somaliyeed, sidoo kale waa markii ugu horeysay oo uu wadanka Somaliya ka baxayo ku meel gaarka mudo 21 sano ah taasi oo dad badan farxad galin doonta oo ay bisha 8aad waxii ka danbeeya Somaliya ka bixi doonto gumeysiga dadban ee ay ku jirtay 21 sano. madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Ahmed ayaa lagu wadaa inuu shacabka inta yar ee xukumadiisa ka dhiman taariikh ugu tago oo warkooda ka baxo Farmaajo iyo wasiiradan mudada fog qurbaha ku noolaa ee dantooda u jooga dalka Somaliya markii ay colaada bilaabatona wadamo ay horey uga tageen oo ay nabadi ka jirto dib ugu soo laabanayo oo uu isagu ka madaxweyne ahaan shacabka ku dhiban dalka iyo dibada u daneyn doono ayey tiri Hooyo Timiro oo ka mid ah dadka ku dhiban dalkaasi Yemen oo ay dagaalo iyo qalalaaso ka taagan yahiin oo ay waliba qaxooti ku sii tahay, iyadoo u aragta Farmaajo iyo xukumadiisa kuwo daneysta yaal ah oo caruurtoodu u jogaan wadan nabad ah iyaduna ay la ciir ciireyso mustaqbalkeeda kii caruurteedana warkiisa daaye.


Dhawaantan ayey aheyd markii Farmaajo iyo koox wasiiro ah ka codsadeen jaaliyadaha dibada iney soo diraan dhaqaalo iyagoo sheegay iney dalka gudahiisa ka fulin doonaan dhawr mashruuc oo qofkastaba uu doran doono mashruucii uu ku qanacsan yahaya. Shacabka Somaliyeed uma baahna dhaqaalo in laga aruursado oo kedibna dib loogu laabto wadamadii laga yimid ee waxey u baahan yahiin in laga saaro gaajada, macaluusha, 21 kan sano ee ku meel gaarka ah, cadaalad dadka wada gaarta not only Gedo, caasiamda Somaliya oo la xoreeyo, walaalaheen Soamliland oo la raadiyo, hanaanka dowladeed oo la gaarsiiyo dalka oo dhan. intaasi waxii dhaafsiisan NGO ka soo qaad ayey leeyahiin shacabka Somaliyeed ee aad ugu wal walsanm mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda oo 21 sano ku jira gumeysi dadban.

Waxaanu wada sugnaa waa Doorasho xor ah oo xalaal ah iyo muwaadin Somaliyeed oo wadani ah bal dib u eeg wadankeena quruxdiisa iyo qeyraadkiisa iyo labada wabi ee aanu leenahay maantana shacabkii haraad iyo macaluul ayey u dhimanayaan. walee waqtigu waqtigii maahan. dadkuna dadki maahan.




Fadlan la soco nolosha qoysaska iyo caruurta ay ka tageen Farmaajo iyo qaar wasiirada xukumadiisa ka mid ah oo aanu sawiradooda helnay iyo sida aysan u kala jecleyn macaluusha iyo dhibaatada ka taagan dalkeena.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.35 seconds
14,614,592 unique visits