Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweynaha Puntland Faroole oo ku biiray siyasiyinta baaqooda gaarsiiyey MPyada Somaliya.

Wararka MaantaMadaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Craxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Bosaaso ayaa waxa uu khudbad ka jeediyay xarunta madaxtooyada Bosaso isagoo shacabkii halaasi iskugu yimid kala hadlay qodobo ay ka mid yahiin nabad galyada Puntland iyo siyaasada Soamliya.



Mar madaxweyne Faroole uu ka hadlayay arimaha dowlada federalka waxa uu ugu baaqay barlamaanka Somaliya inuu qabto doorashada madaxweynaha iyo afhayeenka barlamaanka sidii lagu balamay shirkii wada tashiga ee lagu qabtay Nairobi horaantii bishii April waxana uu sheegay in barlamaanka uu yahay kan keliya ee qaadi kara talaabadas inta ta ka horeysa bisha Augost.

Ma ahan madaxweynaha Puntland oo kaliya dadka ku baaqay in dalka Somaliya laga hirgaliyo doorasho lagu soo dooranayo madaxweynaha Somaliya, gudoomiye baarlamaan iyo ku xigeeno. waxaana horey arintaas u soo jeediyey amaba soo dhaweeyey inta badan shacabka Somaliyeed iyo mudanayaasha baarlamanka halka musharaxiinta u taagan xilkaasi uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliya Shiikh Shariif halka tiro yar oo wasiiro qurbaha ka tagay oo ay caruurtooda wax u bartaan iyo R/wasaare Farmaajo oo doonaya inuu xukunka dalka isku dhajiyo 21 ka sano ee inagu soo aadan hadiiba uu shacabka Somaliyeed ka dhaadhicin karo ay diidan yahiin in wadanka doorasho lagu dooranayo madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan dalkuna ka baxo ku meel gaarka ay ka dhacdo.

Xaalada Somaliya waxey ku danbeyn doontaa dhawr bil kedib in ay doorasho ka dhacdo caasimada somaliya oo muwaadin kasta xaq u yeesho inuu isku soo taago arintaas amaba waxey uun noqon doonaa dal u af duuban koox qurba joog ah oo uu hogaaminayo Farmaajo oo la xaqiijiyey ineysan dalka iyo dadka Somaliyeed dhaqankooda aqoon duruqsan u laheyn oo ay tooda oo kaliya ilaashanayaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,633,306 unique visits