Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Gurmadkii ugu horeyey oo ay diraan dumar reer Hiiraan oo gaaray xarunta Agoonta U Khalif

Wararka MaantaHiiraan:Shirar badan oo maalamahani ay ku lahaayeen wadamada Yurub iyo waqooyiga Ameerica dumarka reer Hiiraan ayey kaka jawaabeen codsigii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif waxeyna durbaaba direen dhaqaalahii ugu horeeyey oo sida lagu soo waramayo gaarayo 10 Kun oo dolar oo ay direen dumarka reer Hiiraan, dhaqaalahaan oo qeyb ka ah dadaalka loogu jiro in xarun cusub loo dhiso agoonta Ugaas Khalif ee magaalada Belet weyn.



Waxaana dib u soo sheegi doonaa wadamada laga diray dhaqaalahaas iyo shaqsiyaadka qeyrkaas bixiyey taasi oo qeyb ka ah nidaamka u degsan maamulka agoonta Ugaas Khalif oo iyagu waxkasta oo soo gaara shacabka u soo bandhiga.

Dumarka reer Hiiraan iyo kuwa Somaliya oo udub dhaxaad u ah jiritaanka shacabka Somaliyeed ayaa mar hadey go,aan ku gaaraan iney wax qabtaan meeshii ay galaan wey ka duwan tahay meelaha kale.



Caruurta agoonta ah ayaa iyagu laga soo sheegayaa iney hada farxadi ka muuqato iyagoo mustaqbalkooda hada laga dareemayo waxoogaa iftiin ah maada aduunyada waxa ugu muhiimsan ay tahaya hoyga.

Maamulka xarunta agoonta oo dadaalkii ay ka soo mareen caruurtaan aan maalin iyo habeen halkaan lagu soo koobi karin ayaa laga yaabaa iney waxoogaa culeys ah ka dego maadaama mudo fog ay la xarbinayeen sidii ay caruurta noloshooda u maareyn lahaayeen siiba marka magalada laga qaxo oo ay timaado Biyo baxo amaba dagaal.



Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif oo codsiyo kala duwan u diray qurbo joogta reer Hiiraan ayaa si deg deg ah looga jawaabay codsigiisa. shacabka Somaliyeed hadii ayisku talo galaan wax badan ayey qabsan karaan iyagoon gacanta u hoorsan dowlado shisheeye.

Hadaba waxii faah faahin ah si joogta ah ugala soco arimaha agoonta www.agoonta.net


Isha warka Hiiraan state
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,613,778 unique visits