Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Afhayeenka guddiga doorashooyinka soo socda oo madaxweynaha Somaliya weydiiyey sharciga u diidaya in gudoomiyaha barlamaanka.

Wararka MaantaMogdisho: (Hiranstate.com) Afhayeenka gudiga doorashada baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xareed Cali Xasan ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in gudigan uusan ahayn mid la waafajiyay sharciga dalka mar hadii uu soo magacaabay nin musharax ah oo uu ula jeeday gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Hasan Shiikh Aden.

Gudigii dhawaantan la soo magacaabay ee loo xilsaaray in ay waqtigii loogu talo galay doorashada ku soo diyaariyaan ayaa iyagu ah gudiyo si wanagsan u yaqaana axdiga qaranka waxeyna hadalka madaxweynaha ku tilaameen mid leyska yiri maadama uusan Dastuurka wadanka u degsan aysan ku jirin meel ay kaka qorn tahay qodob u diidaya in gudoomiyaha baarlamaanka hadii uu musharax yahay uusan gudiyo magacaabi karin.

Xildhibaan Xareed Cali Xasan ayaa sheegay in gudiga doorashada uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu soo magacaabay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aaden isagoo sheegay inuu dastuurku u fasaxayo inuu magacaabo gudiyadan maadama uu yahay afhayeenkii baarlamaanka Somaliya..

"Guddoomiyaha baarlamaanka xaq ayuu u leeyahay inuu magacaabo gudi doorasho waxaana u baneynaya qodobbada 32-aad iyo 33-aad ee Axdiga KMG ah," ayuu yiri mudane Xareed.
"Waxaan maqlay in madaxweynuhu uu yiri Shariif Xasan waa murashax sharcina uma lahan inuu magacaabo gudi doorasho, waxaan doonaynaa inuu sheego cida u diidaysa iyo halka ay axdiga dalka u degsan kaka qoran tahay?"

Madaxweynaha Somaliya oo hadal kasta uu maanta idaacadaha ka sheego loo keydinayo waxaa la soo hor dhigay qodobada u fasaxayo gudoomiyaha baarlamanka inuu soo magacaabi karo gudiyada doorashada waxaana lagu yiri
waxaad dib u eektaa qodobada 32 iyo 33 kedibna waxaanu kaa sugeynaa qodobada aad u cuskatay in uusan gudoomiyaha gudi doorasho soo magacaabi karin, waxaana madaxweynaha dadka u qaabilsan axdi qarameedka ay dowlada ku shaqeysolaga sugayaa iney qodobo keeni doonaan sida gudiga doorashada waxkasta waadax uga dhigay hadii kale waxaanu waxey masuuliyiinta dowada ka noqon doontaa fowdo.

Madaxweynaha waxuu yiri"Guddoomiyaha baarlamaanka waa murashax, sharcigana uma ogola inuu guddi doorasho magacaabo, waayo aniguba waan magacaabi karaan guddi aan ugu magacdaray guddiga doorashada madaxweynaha, balse waxaa wanaagsan in la dhowro sharciga,"

Afhayeenka gudiga doorashooyinka ayaa ku cel celiyey inuusan si rasmi ah u sheegi karin waxa madaxweynaha Somaliya baarlamaankii doortay uu u colaadinayo, waxuuna madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ugu baaqay iney labaduba doorashada ka soo qeyb galaan.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,613,628 unique visits