Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

M/weynaha Somaliya howlgalkii lagu dilay Bin Laden waxuu ahaa mid barakeysan

Wararka MaantaMogdisho:(hiranstate.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Ahmed oo Xarunta Madaxtooyada galabta ku qabtay shir Jaraa'id ayaa soo dhoweeyay howlgalka lagu dilay Hogaamiyihii Al-Qa'ida Osama Bin Laden kuna tilaamay mid barakeysnaa.Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Osama Bin Laden uu ka dambeeyay dhibaato ka dhacday wadamo badan oo ay Somaliya ku jirto.

"Dowladda KMG waxay soo dhoweyneysaa howl galka lagu dilay Bin Laden, fikirka adag ee Osaama dadka Soomaaliyed ayuu dhibaato u keenay, in dalka ay soo galaan ajaaniib fara badan, dhalinyarada Somaliyeed la marin habaabiyay"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo si degan u hadlayey.

M/weyne Shariif ayaa sheegay in dhacdooyinka ka dhacay dalka iyo weeraradii lagu dilay, Wasiiro, Saraakiil, Xildhibaano iyo dad shacab ah oo ay ku jiraan ardey uu ahaa kuwa laga soo abaabulay halkaas, isla markaana uu ahaa handhaqanka Osaama Bin Laden.

"Waxaa uu mas'uul ka ahaa dhacdooyinkii ka dhacay Beledweyn oo lagu dilay wasiirkii hore Amniga, dhacdadii Hotel Shaamow, iyo weerarkii Hotel Muna iyo weeraro kale oo si layaab leh uga dhacay dalka intiisa kale"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in dilka la dilay Osaama Bin Laden ay wax badan ka bedeli doonto afkaarta adag ee Al-Qa'ida, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay gacan ka geystaan nabadgelyada.

Osaama ayaa la dilay maanta oo isniin ah xili aroor ah waxaana dilay ciidamo Mareykan ah oo ay caawinayeen Bakistaaniyiin. dhinaca kale dagaal maanta ka dhacay magaalada Galbahaarey ee gobolka Gedo ayaa iyana laga soo sheegayaa iney maanta ku riiqmeen ajaanib badan oo markii ay maqleen in hogaamiyahoodii la dilay weerar culus ku qaaday magaalada kedibna halkaasi lagu dilay tiro ajaanib Carab u badan u badan halka uu dadka la dilay ka mid ahaa Amiirkii dhianca wacyi galinta Fu'aad Shangoole.Sida muuqata Al Qaida waxey ku jirtaa saacadahii ugu danbeyey oo waxaa isku helay dadkii oo nacay, dhaqaalo daro iyo waliba ficiladooda arxanka daran oo ay dadku dhibsadeen.

Isku soo duuboo niyada Al Qaida iyo intii qalbiga kala jirtay caawa waxey u tahay mugdi laakinse waalidiintii, waxgaradkii, caruurtiii ardeydii maalin cad hilbahooda la suray bartamaha maagalada Belet weyne, Hargeysa, Mogdisho, Boosaaso iyo wadamo caalamka ka tirsan oo dadkooda ay kooxdani dileen maanta waxey u tahay farxad oo jabka Al Qaida waxuu u yahay guul u soo hoyatay inta nabada jecel iyo inta ka soo horjeeda fikirka qaldan ee kooxdaan.

Al Qaida lama yaqaano cidey aduunka ka xoreynayaan iyo cidey u xoreynayaan hadba cidii fikirkooda diida diintuu doono ha heysto muslim gaalo wey dilayaan. waxey qaldeen amaba maskaxda ka qabsadeen qeybahii ugu muhiimsanaa bulshada sida dumarka iyo caruurta oo dumarku masaajidyada ayaa dhaqaalaha kooxdaan u socda looga aruuriyaa caruurtane waxaa lagu qarxiyaa bam inta la daroogeeyo.

La soco wararkii ugu danbeyey ee argagixisada aduunka oo ay ciribtirkooda muslim iyo gaalo iska gaashanayaan. sharki kuma jiro in kooxahaan laga guuleysan doono laakinse wadamo badan oo ay Somaliya ku jirto waxey ku reebi doonaan amaba wuu ka shaqeyn doonaa fikirkooda qaldan mudo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,633,795 unique visits